Marka la maqlo Geeska Afrika dadka caalamka waxaa maskaxdooda kusoo dhaca goob dagaal, qab-qablayaal dagaal, qaxooti, argagaxiso, iyo burcad badeed, fikirkaas oo dhan qofkii bedeli lahaa waa adiga. Afrikaan waa meesha aad ka qaadani laheyd waayo aragnimo dheeri ah” Fadlan kusoo dhawaaw”

– Afrikaan.so

Bahda Afrikaan waa platform u taaganahay in qoraalku noqdo mid qiimo leh, in aragtiyada iyo xal u helida dhibaatada bulshadeena lagu lafo-guro. Sida ka muuqato sumada websaydkeena waxaad Afrikaan ka helaysaa dhammaan cilmiga noocyadiisa kala duwan ee lagu baahiyey.

Waxaa guud ahaan aqoonyahanada iyo qorayaasha ku boggaadineynaa siddii ay dalkooda dhaxal ugu reebi lahaayeen ugana soo saari laheeyeen dal dhaafsan dalalka caalamka, iyadoo loo maraayo aragtida ah ‘Xalka waa xaggee?’

In la soo saaro bulsho waxtar leh islamarkaana hal abuur fiican leh, iyadoo lagu horumarinaayo qalinka. Waa in dhammaan dadka ka hawlgalo Afrikaan ka go’an tahay in bulshadooda ku horumariyaan qalinkooda iyagoo isticmaalayo garaadka iyo caqligooda.

In la horumariyo bulsho wax fudud ma ahan, waxayna qaadataa wakhti aad u tiro badan balse inta karaankeena ah waa laga maarmaan. Horumarinta bulshada waxaad ku horumarini kartaa sidda qoraaladda ka hadlaayo arrimaha qoyska, dhiiri gelinta nolosha iyo habdhaqanka wanaagsan ee bulshada iwm.

Qoraalku waa wax kudul qoran xaanshi, si loogu aayo maalin dhiganahaas la dhigtay ama la qoray. Sababta aan qoraayaal badan iyo lafa gurista xal u helida dhibaatooyinka bulshada u ayaa ah:

  • In aan dhaxal u reebno bulshadeenna.
  • In aan dhaqanka bulshada waxka badalno.
  • In aan abuurno caado wax aqris oo dhinac waliba ah.
  • In la helo aragtiyo horumar iyo saameyn leh.
  • Masuulliyad iska saarista xalka bulshada IWM

    Waxaad kusoo diri kartaa lambarkaan hoose,
    +252 612 873331
    EVC Plus, ZAAD, Sahal iyo E-dahab

Haddii aad tahay qoraa mise aad tahay qof jecel aqrista iyo qoraalka waxaa nahay dadkii aad la midoobi lahayd. Si aad ugu mid noqoto bahdaan waxaad u baahan tahay inaad raacdo qodobadaan hoose,

  • 15 qoraalo*maqaalo oo diyaarsan waliba aad si qurux badan u qortay. F.G dhammaan qoraaladaada waa in ay noqdaan cilmi ama kuwa bulshada ay ka faa’idi karaan adigoo ku diraayo emailka: qoraa@afrikaan.so
  • Haddii aadan waligaa wax qorin balse aad tahay qof aqoon leh waxaad u baahan tahay inaad qaadato tabbabar qoraanimo oo ay bixiso Afrikaan qiimaha waa $5 oo kali. Tababarkaan wuxuu soconayaa ugu badnaan 2 maalin.

Tabbabarkaas kadib waxaa laguu diri doonaa 10 qoraalo oo kala cinwaano ah inaad soo qorto kadibna waxaa la qiimeyn doonaa qaab qoraalkaaga.

Haddii aad soo diyaarsato 15 qoraalo oo kala cinwaano ah waliba aad si taxadir ah usoo diyaariso. Dhammaan qoraaladaada waa in ay noqdaan kuwa cilmiga ku saabsan ama faa’ido u leh bulshada. Sidoo kale waxaad soo raacisaa sawirkaaga iyo taariikh-daada oo gaaban (bog haafkiisa).

Intaas kadib qiimeyn ayaa lagu sameyn doonaa qoraalkaaga sidoo kale waxaa lagu baahin doonaa websaydka Afrikaan.so waa haddii ay noqdaan kuwa waxtar leh.

 

Yaa kale oo kamid noqon kara Afrikaan?

Marka horeba qaabka loo dhisay Afrikaan waa qaab ay kamid noqon karaan cidwalbo oo danaynayso bulshada, cilmi barista, falanqeynta iyo dabagalka siyaasada iwm. Waajib ma ahan inaad qoraa ahaato ama aad horey buuggaag usoo qortay. Haddii aad xiisaynayso qodobadaan hoose waad kamid noqon kartaa Afrikaan:,

  • Cilmi barista
  • Falanqeynta arrimaha siyaasadda, diplomasiyadda, waxbarashada, caafimaadka, arrimaha qoyska, sayniska.
  • Dib u eegista qalallaadka afka Soomaaliga.
  • In aad shirarkeena nagala qeyb qaadan karto.
  • Aragtiyo horumarineed in aad nagu soo biiriso.

Dhammaan qodobadaan ayaa asal u ah hawlaha ugu muhiimsan Afrikaan,

Sayniska iyo Caafimaadka, Ganacsiga iyo Maamulka, Suuqgeynta, Xisaabaadka, iyo Dhaqaalaha, Warshadaha iyo Beeraha, Siyaasadda iyo Diblomaasiyada, Teknoolijiyada Cilmiga Kombuuteradda, Injineernimada, Cilmiga Bulshada, Horumarinta Aadanaha iyo Deegaanka, Diinta Islaamka, Geeraarka iyo Gabayada, Waayo aragnimadda bulshada iwm.

F.G:

– Haddii aad xiisaynayso inaad kamid noqoto bahda qorayaasha iyo indheergaradka Afrikaan waxaad nagala soo xariiri kartaa emailka naga: qoraa@afrikaan.so

– Haddii aad tahay shirkad ama urur aqoonyahaano iyo qorayaal ah oo aad rabtaan in aan xariir yeelano fadlan nagala soo xariir emailka naga: Afrikaan@afrikaan.so sidoo kale haddii aad hayso talo iyo tusaallooyin nagala soo xariir emailka naga: afrikaan@afrikaan.so 

 


Xaquuqda Qoraaladda

Qoraalada Afrikaan, waxaa iska leh qorayaasha wax ka qora website-ka. Haddii aad doonayso/rabto maqaal ka mid ah maqaalada ay qortay Afrikaan, waxaa wanaagsan inaad sheegto oo aad comment-ga ka bixiso qoraalkaas sababta aad u qaadanayso iyo waxa aad rabto inaad ku isticmaasho.

Waa laguu ogalyahay maqaalada*qoraalada haddii aad ku isticmaalayso goobaha waxbarashada sidda iskuulada, jaamacadaha iyo guud ahaan saminaarada adigoo xusaayo magaca qoraaga iyo Afrikaan, maxaa yeelay anaga ayaa wakhti ku bixinay qoraaladeenna. 


 

Nagalla soo xariir:

Email: Afrikaan@afrikaan.so

Tel: +47 455 07363

WhatsApp: +47 973 75 059