Facebook Comments

AfrikaanMaxaa Cusub?

Ilbaxnimo kastaa waxay ku qotontaa taariikh bulsho oo wax laga bartay.

AkhriCaafimaadka iyo Sayniska

Cancerka: Baaq horumarinta radiotherapy

Malaayiin qof adduunka ayaa u dhinta sanad walba Cancer laga hortagi karo oo lagu daawayn karo radiotherapy, sida ay sheegeen dhaqaatiirta. Tiro cusub oo soo baxday ayaa sheegaysa in tobankii qofba sagaal kamid ah wadamadda saboolka ah aysan heli karin radiotherapy. Xitaa wadamadda lacagta leh oo ay adeegyada ay ka jiraan, ayaa xeeldheerayaasha ay ka digayaan inay jirto qalab yari iyo shaqaale tababaran. Ilaa 60% bukaanka Cancerka ayaa u baahan radiotherapy waqtiga daawayntooda. Waa daawo muhiim u ah dadka Cancerka qaba, oo ay ku jiraan Cancerka naasaha iyo xubnaha taranka ee raga. Si kastaba ha ahaatee, waddammada dakhligoodu uu hooseeyo helitaanku waa uu …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta BulshadaWARBAAHINTA

WHO oo badashay talooyinka HIV

Hayadda Qaramada Midoobay ee caafimaadka ee WHO ayaa badashay talooyinkeeda ku saabsan HIV, iyagoo soo jeedinaya in qofkii laga helo viruska cudurkaas lagu daaweeyo daawada anti-retroviral isla markiiba. WHO ayaa sheegtay in tijaabo la sameeyay ay sheegtay in hadii goor hore la isticmaalo daawada ay dheeraysay nolosha dadka qaba HIV, ayna hoos u dhigtay qatarta gudbinta Viruska keena AIDSka. Waxay markii hore dhaqaatiirta kula taliyeen, in la sugo ilaa habka difaaca jirka uu sheego inay jiranayaan intaan daawada la siin. Talooyinka cusub ayaa badinaya dadka daawooyinka la siinayo oo ka dhigaya ilaa soddon iyo toddobo milyan oo qof.   Facebook …

Read more 0 Comments

Facebook Comments

Facebook Comments

Facebook Comments

Caafimaadka & Sayniska

Caafimaadka Dadweynaha Waa Muhiim Marwalbo

Caafimaadka iyo Sayniska

Dhibaatooyinka Caafimaad ee Cuntooyinka Aadka Loo Warshadeeyay

Daraasado cusub oo laga kala sameeyay Faransiiska iyo Spain ayaa muujinaya in cuntooyinka aadka loo warshadeeyay ay caafimad darro u horseedi karaan banii’aadanka, gabow degdeg ah ama geeri. Daraasadda waxaa lagu ogaaday in dadka maalin kasta qaata cuntooyinka warshadesyan muddo tobban sanno ah, waxay halis ugu jiraan dhimasho boqolkiiba 62%. Dhibaatooyinka caafimaadka ee lala xiriiriyay cuntooyinka sida aadka ah loo soo warshadeeyay waxaa kamid ah wadno xannuunka ama Shalalka. Haddaba, iyadoo meelo badan oo dunida ka tirsan laga isticmaalo cuntooyinka warshadaha soo maray, haatan waxaan halkan ku eegeynaa cuntooyinka halista caafimaadka ka dhalan karta. Waaxda daraasaadka cuntooyinka ee NOVA oo …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Maxaad Ka Taqanaa Cuntooyinka Kor u Qaadi karo Howsha Gogosha?

Haddii ay jiraan caddeymo ku saabsan in hal cunto ah oo aad qaadatid ay sare u qaadi karto hammadaada, waa arrin inta badan dadka ay raadin lahaayeen. Balse qaadashada cuntooyinka isku dheelitiran, sare u qaadidda dhaqamada nolosha iyo caafimaadka wanaagsan waxay dhammaantood ka qeyb qaadan karaan inay xoojiyaan awooddaada dhanka gudashada howsha gogosha, su’aasha waxay tahay ma jiraan cuntooyin dabiici ah oo sare u qaadi karo howsha sariirta lamaanayaasha?. Waxaa jiro cuntooyin leh nafaqo u wanaagsan xoojinta shahwada, waxaan eegeynaa taarikhda iyo mabaadii’yada seyniska ee sharraxaya cuntooyinka xoojin karaa howsha sariirta lamaanayaasha. Cuntooyinka ku jira Caroogta badda Sida la sheegay …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Waa Maxay Sulphuric Acid?

Sulphuric acid (H2SO4) waa maaddo ka sameysan walxo ceyriin ah oo loo adeegsado howlaha warshadaha qalabka lagu farsameeyo. Qeyb aad u badan ayey kiimikadan ka qaadataa soo saarista qalabka bacriminta iyo qabata howlo kale oo ay ka mid yihiin dhalaalinta biraha, midabeynta walxaha aan noolaha ahayn, nadiifinta shidaalka, soo saarista warqadaha iyo arrimo badan oo la xidhiidha kiimikooyinka wax soo saarka. Abuuritaanka kiimikada sulphuric acid waxaa loo maraa ilaa saddex marxaladood, sida aan kasoo xigannay bogga Science Direct, ee ka faallooda arrimaha seyniska iyo maadooyinka laga sameeyo. Meelo badan oo ka mid ah adduunka waxaa ka dhaca weerarro loo adeegsado …

Read more 0 Comments


Facebook Comments
error: Content is protected!!