Facebook Comments

AfrikaanMaxaa Cusub?

“Aqoontu Waa Barasho, Xikmadduna Waa Kudhalasho”

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Qiimaha Nolosha Qoyska

Waxaa dhaqankeena ka maqan guud ahaan qiimaynta nolosha iyo fahamkeeda. Waxaa caadi ah inaan qofka Soomaaliga ah xirfad lahayn, isla markaasna uusan ka wal-walaynin ama uusan ku talagalayn nolosha soo foodsaari karto muddo yar kadib. Dabcan taasi waa dhaqanka miyiga iyo tacliin la’aanta oo isbiirsaday. Waxaa kalle oo ka mid ah, wax yaabaha inagu dhiiri galiyay xirfad la’aanta iyo shaqo la’aanta hantida iyo khayraadka waddanka Soomaaliya oo aad u badan, oo ka badan dadka ku nool dalka Soomaaliya. Taasi waxay keentay in si sahlan loo noolaan karo. Waxaa badan inaan qorsho loo samaynin arimaha guurka. Wax la yaab leh ma …

Read more 1 Comment
AkhriWARBAAHINTA

Guddoomiye Muungaab oo afka furtay sheegayna arrin ay shacabka Muqdisho wada sugayeen

Guddomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday Dagmada Dharkeenley oo ku saabsaneed aruurinta canshuuraha guryaha oo dhowaan bilowday Dowladda Hooseee Muqdisho ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin in wadooyinka Caasimadda ay u xirnaadaan shaqsiyaad iyo hey’ado. Wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa la arkaa iyagoo ay ku xeran yhiin dhagxo shub ah iyo saan-baagyo waa weyn, kuwaasoo ay dhigteen hey’ado dowli ah, kuwo qaas ah iyo hotelo, waxaana Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu sheegay in mudoo kooban uu ku qaadi doono dhamaan jidgooyooyinkaas, isagoo xusay in la tixgalin dono …

Read more 0 Comments

Facebook Comments

Facebook Comments

Facebook Comments

Caafimaadka & Sayniska

Caafimaadka Dadweynaha Waa Muhiim Marwalbo

Caafimaadka iyo Sayniska

Kiimikada waxa-nool

  Waa qayb kamid ah sayniska kaas oo qaabilsan geedi socodka kiimikeed iyo kiimiko duleed ee ka dhexdhaca walxada kujira noolayaasha. Kismisteri waa qayb kamid ah saynis duleedka kaas oo lagu barto falgalka, qaabdhismeedka, sifooyinka iyo isbadalka walxaha. Kimisterigu waxa uu si wayn u quseeyaa falgalka iyo isbadalka qurubyada iyo malakuyuulada tusaale ahaan, Sifooyinka dabarada kiimikeed ee ku samaysmay isku dhiska kiimikada. Barashada kiimikada ee la xariirta elektoroonada iyo kala duwanaashaha noocyada  tamarta ee  falcelinta footo kimikaalyada, falgalada ridhokiska, isbadalada wajiyada maatarka iyo kala saaritaanka isku dhiska, diyaarinta iyo sifooyinka walxaha qalafsan, sida biraha isku dhafan , caagaga, moleekuyuulada noolaha, …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Afarta qaybood ee ugu waa wayn kemisteriga

  Kiimiko duleed: Waa laan kamid ah laamaha kiimikada taas oo qusaysa adeegsiga farsamooyin iyo aragtiyo fiisigiseed si loo barto nidaamyada kiimikeed. Kiimiko duleedka marka la barbardhigo fiisikis duleedka, sida qaalibka ah waa wax la arki karo, sida inta badan ay ku tusayso aragtiyada la xariira. Kiimikada wax yaabaha la taaban karo waxay kusalaysan yihiin afkaaro la xariira qaab dhismeedka qurubka. Intii lagu guda jiray qarnigii 19aad, kiimiko duleedku wax ay door muhiim ah ka ciyaartay fikradii Wilhelm Ostwald’s iyo Jacobus Henricus van’t Hoff’s oo ka shaqaynayay isku dheelitirka kiimikooyinka. waxay sidookale door muhiim ah ka qaadatay aragtidii Svante Arrhenius …

Read more 0 Comments
AkhriCaafimaadka iyo Sayniska

Sideen U Hormarin Karnaa Caafimaadka Caqliga iyo Maskaxdeenna?

Caafimaad qabka Maskaxda iyo caqliga aadanaha waa qeybaha ugu muhiimsan ee ubbaahan kawar qabidda, balse inteenna badan kuma baraarug sanin oo iskumaba dhibno in aan niraahno maxaaa uroon caqliga iyo maskaxdeenna. Guud ahaan waxa ugu badan ee saameeya maskaxda iyo garaadka qofka waa isku buuqa (Depression). Aqoon hore looma lahayn cudurka isku buuqa balse waa cudur soojireen ah waxa uuna ku dhacaa Maskaxda, taasina waxa ey sababtaa in uu qofku howl ama shaqo qabsan waayo, intabadanna waxa uu kadhashaa cudurkaan waayidda waxa uu qofku jecelyahay, ha’ahaadaan qof, shaqo ama xuriyadd. Saameynta deegaanka ayaa iyana qeyb weyn kaqaadata isbedallada ku dhaca …

Read more 0 Comments

Facebook Comments
error: Content is protected!!