Facebook Comments

AfrikaanMaxaa Cusub?

Ilbaxnimo kastaa waxay ku qotontaa taariikh bulsho oo wax laga bartay.

Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Dhallinyaradu Maxay Ku Riyootaa? |Tukesomalism.com

Hadaf in la gaaro waxaa ka horreeya hammi. Si kale haddii aan u dhigo, in aad ku riyooto ayaa ka horreysa in aad wax ku dhaqaaqdo. Haddii riyadu ay tahay mid bulsho oo ummad dhami ay isku wax ku wada riyootana waa hammiga ummaddaas. Qoraa Talyaani ah ayaa ku tilmaamay in dhallinyarada Talyaanigu ay ku riyoodaan 5 E ama shan waxyaabood oo xarafka ‘E’ ka billowda, shantubana ay ku saabsan yihiin Yurub. Waa Euro oo ah lacagta Midogwa Yurub, Email, Erasmus oo ah deeq waxbarasho oo dal kale oo Yurub ah lagu tago, Easy Jet oo ah dayaarad raqiis ah …

Read more 0 Comments
Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Aragtida Castro ee Geeska Afrika 1977 (Qormo 4 Qeybood ah) |Tukesomalism.com

Shir ay 1977 yeesheen Hoggaamiyaha Cuba iyo Hoggaamiyaha Jarmal Bari ayay uga hadleen Soomaaliya iyo Ethiopia. Arkiifiyada Jarmalka ayaa 2005 dibadda soo dhigtay wixii lagu wada hadlay. Waxaan u tarjumay Soomaali.  Warbixinta aad halkan ka akhrin doonto waa hadalkii Fidel Castro oo keliya. Waxaa fadhiga goob joog ka aha Jaallayaasha kala ah Hermann Axen, Werner Lambez, Paul Verner, Paul Markowski (oo ay wehliyaan Jaallayaasha kala ah Edgar Fries iyo Karlheinz Mobus oo u tarjumayay), Carlos Rafael Rodriguez, Osmany Cienfuegos, Raul Valdez Vivo, Jose Abrantes. Aragtidan, anigu kuma darin teyda iyo tu qof kale toona. Sidoo kale ma falanqeyn, faallana kamaan …

Read more 0 Comments

Facebook Comments

Facebook Comments

Facebook Comments

Caafimaadka & Sayniska

Caafimaadka Dadweynaha Waa Muhiim Marwalbo

Caafimaadka iyo Sayniska

Ururka 1 ee curiyayaasha

  Joog utaxa kal-galka curiyayaasha ayaa loogu yeeraa ururo. Curiyayaasha isku ururka ah waxa ay lee yihiin astaamo is shabaha ama isku eg. Kal-galkan hoose waxa uu ina tusayaa urur 1 oo ay kamidka yihiin Liityam (Li), Naatariyam (Na) iyo Kaaliyam (K).   Astaamaha urur 1 Ururka 1aad ee curiyayaasha waa biro. Waxa ay gudbiyaan korontada. Waa ay birbirqaan. Waa ay ka jilicsan yihiin inta badan biraha kale. Si fudud ayaa midi loogu kala jari karaa. Bar dhalaalka iyo bar karka urur 1 Curiyayaasha ururka 1aad waa ay ka bar dhalaal hooseeyaan marka lala barbardhigo biraha kale intooda badan. Jadwalkani …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Buuggii Caafimaafdka Nazi oo Wali Loo Adeegsanayo Qalliinnada

Dr Susan Mackinnon waxay u baahatay caawimaad mar ay qalliin ku sameeyneysay neerfaha, waxayna nasiib wanaag heshay buug anatomy ah oo la qoray bartamihi qarniga labaatanaad. “Aad baan uga mahadcelinayaa sawirka cajiibka ee gacan ku sameyska ee aan buuggaasi ka helay ee muujinaya qaab dhismeedka jirka qofka” ayey tiri Dr Mackinnon, oo jaamacadda Washington wax ka dhigta waxayna sidaa ku dhammeysatay qalliinkeedi. Buugga qalliinkeeda gacanta ka siiyey ee ay isticmaashay ayaa wuxuu si cad u qeexayaa dhismaha jirka bani aadamka oo dhanwalba ah, buugaasoo noqday tusaalaihi ugu wanaagsanaa ee sawirrada jirka qofka laga qaadan karo. Sawirradana waa kuwa aad u …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Kaarboonka iyo Isku –dhisyadiisa

  Kaarboon: Xooga yar oo xaddi kaarboon ah ayaa laga helaa oogada sare ee dhulka. Waxaana loo heli karaa Dhaymon iyo Rasaas ahaan, kuwaas oo ah Jinsiyada kaarboon. Dheemmanku aad ayuu u adag yahay, waana adke nadiif ah oo lakala jabinkaro la iskuna cadaadin karo ayadoo la isticmaalayo dubbe. Rasaasku waa madow adke dufan leh. Dhuxusha iyo danbasku waa noocyo kamida Rasaaska, waxa ayna kasamaysmaan gubashada alwaaxda, dhuxul dhagax (dhulka hoostiisa ayaa laga qodaa) ama lafaha noolaha. Kaarboon labo oksaydh (CO2): Hawadu waxa ay ka kooban tahay 1% gaaska kaarboon labo oksaydh, xataa jiritaanka xadigaas yare e kaarboonka la’aantiis maanu …

Read more 0 Comments


Facebook Comments
error: Content is protected!!