Facebook Comments

AfrikaanMaxaa Cusub?

Ilbaxnimo kastaa waxay ku qotontaa taariikh bulsho oo wax laga bartay.

Diinta Islaamka

Sidaas Ayuu Insaanku uga Dhex-muuqday Qur’aanka: كهذا ظهر الإنسان في القرآن

Mar kale Insaanku waa suurad qurux badan – فِي أَحْسَنِ تَقْوِيم – balse hoosta ay uga buuxdo xash iyo xanshashaabo – ظلوم – فخور – كنود – suuradaas quruxda badan waxaa uuska hoosta ugu jira ka soo nadiifiya oo kor iyo hoosba ka qurxiya Iimaanka. Hadaba Qur’aanka iyo Insaanka: “لَقَدْ خَلَقْنَا الْإِنسَانَ فِي أَحْسَنِ تَقْوِيمٍ”. “وَخُلِقَ الْإِنسَانُ ضَعِيفًا”. “إِنَّ الْإِنسَانَ لَظَلُومٌ كَفَّارٌ”. “خَلَقَ الْإِنسَانَ مِن نُّطْفَةٍ فَإِذَا هُوَ خَصِيمٌ مُّبِينٌ”. “وَكَانَ الْإِنسَانُ عَجُولًا”. “وَكَانَ الْإِنسَانُ قَتُورًا”. “وَكَانَ الْإِنسَانُ أَكْثَرَ شَيْءٍ جَدَلًا”. “إِنَّهُ كَانَ ظَلُومًا جَهُولًا”. “إِنَّ الْإِنسَانَ لَكَفُورٌ مُّبِينٌ”. “إِنَّ الْإِنسَانَ خُلِقَ هَلُوعًا”. “قُتِلَ الْإِنسَانُ مَا أَكْفَرَهُ”. “يَا أَيُّهَا الْإِنسَانُ …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Aniguba Mar baan Dhacay’

Markii aan arkay natiijada imtixaanka Dugsiyada, aad ayaan u dhibsaday ardayda faraha badan ee aan gudbin. Dow ma aha in aan xukun ku saleysan mala awaal aan ku rido, ama aan canaan kala dul dhaco mid ka mid ah dhinacyada faraha badan, ee toos ama si dadban u yeelan kara mas’uuliyadda mar fashilka ah. Mana doonayo in aan khafiifiyo dhaawaca ay natiijada imtixaanku ku leedahay maskaxda ardayga iyo waalidka, hammigooda, dhaqaalahooda iyo qabkoodaba. Waxaanse rabaa in aan khibraddeyda shakhsiga ah la wadaago ardayga dhacay, maaddaama aniguba aan mar dhacay. Mustaqbalkaagu kuma xirna hal mar oo aad natiijada imtixaanka ku hungowday, …

Read more 0 Comments

Facebook Comments

Dhaqaalaha & Siyaasada

Kala soco dhaqaalaha iyo siyaasadaha caalamka

Maamulka Ganacsiga & Suuqgeynta

Habka iibsashada Suuqa Macaamiisha

Ma isweydiisay qaababka ay wax u iibsadaan macaamiisha? Hab-dhaqanka iyo fahanka go’aamanka ay gaarayaan marka ay wax iibsanayaan? Waa su’aal da’weyn oo u baahan in loogu jawaabo si cilmiyeysan. Macaamiisha inta aysan wax iibsan, waxa jirta inay soo maraan qaabab kala duwan. Macaamiisha uma sinno habka wax iibsiga iyo go’aan gaarista iibsashada. Waxaan halkaan kusoo gudbinayaa habka ama geedi-socodka uu maro ruuxa kahor inta uusan wax iibsan. Talaabada 1-aad: Ogaanshaha ama cadeynta baahida. Ruuxa marka ugu horeysa waa innuu ogaadaa waxa uu rabo innuu iibsado, sida kale haddii aan u dhigo baahidaada waa inaad xaqiijisaa. Marka aad fahamto ama ogaato …

Read more 0 Comments
Xirfadaha & Teknolojiyada

Maxaan ka baran karnaa kacaankii warshadaha?’ – falsada, siyaasada iyo dimuqraadiyada

Aragtideyda guud haddii aan fiiriyo ‘kacaankii warshadaha waxaa laga baran karaa qiimaha ay leedahay in bulshada kuwada noolaadaan sinaan iyo cadaalad. Caddaalada waa rugni ka mid ah saddexda maamul ee kala ah Sharci-dajinta, fulinta iyo garsoorka. Wey adag tahay in umad hormar garaan ayadoo ay maqan yihiin Caddaalada iyo Simnaanta.   Kacaankii Warshadaha Sannadadii 1700 Waxa Yurub ku noolaa farsamo yaqaano badan oo dunta iyo dharka sameeya. Waqti kadib waxa la sameeyey mashiinno si dhaqsa ah wax u soo saara. Mashiin-umiyeedyada horumarin ayaa lagu sameeyay. Waa bilowgii kacaanka warshadaha. Waxuuna ka bilaabmay waddanka Ingiriiska.   Waa maxay sababta kacaankii warshadaha …

Read more 0 Comments
Maalgelinta & Maaliyadda

Waa Maxay Caddaynta Dakhliga ‘Income Statement?

Sida aan u malaynaayo Eraygaan ‘Income statement waxaad ku maqashay luuqada ingiriiska oo kali. Waxaan isku dayey inaan raadiyo macnaha dhabta ah ee Afsoomaali ahaan waxa uu noqon karo eraygaan ‘Income statement, balse ma aanan helin. Sidaa awgeed waxaan isku dayey inaan eray-bixin u sameeyo. Income statement’ waa labo eray oo la isku keenay, waxaan u kala saaraynaa sida tan:, Income, oo ah dakhli iyo statement oo ah, bayaan. Mala dhihi karaa Bayaan Dakhli, ama Dakhli Bayaan? Aniga aragtideyda uma malaynaayo inay sidaasi sax ku tahay, maxaa yeelay eray bixinta waa in marwalbo laga fiiriyaa sida ugu macquulsan ee noqon …

Read more 0 Comments

Facebook Comments

Facebook Comments

Caafimaadka & Sayniska

Caafimaadka Dadweynaha Waa Muhiim Marwalbo

Caafimaadka iyo Sayniska

Dhibaatooyinka Caafimaad ee Cuntooyinka Aadka Loo Warshadeeyay

Daraasado cusub oo laga kala sameeyay Faransiiska iyo Spain ayaa muujinaya in cuntooyinka aadka loo warshadeeyay ay caafimad darro u horseedi karaan banii’aadanka, gabow degdeg ah ama geeri. Daraasadda waxaa lagu ogaaday in dadka maalin kasta qaata cuntooyinka warshadesyan muddo tobban sanno ah, waxay halis ugu jiraan dhimasho boqolkiiba 62%. Dhibaatooyinka caafimaadka ee lala xiriiriyay cuntooyinka sida aadka ah loo soo warshadeeyay waxaa kamid ah wadno xannuunka ama Shalalka. Haddaba, iyadoo meelo badan oo dunida ka tirsan laga isticmaalo cuntooyinka warshadaha soo maray, haatan waxaan halkan ku eegeynaa cuntooyinka halista caafimaadka ka dhalan karta. Waaxda daraasaadka cuntooyinka ee NOVA oo …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Maxaad Ka Taqanaa Cuntooyinka Kor u Qaadi karo Howsha Gogosha?

Haddii ay jiraan caddeymo ku saabsan in hal cunto ah oo aad qaadatid ay sare u qaadi karto hammadaada, waa arrin inta badan dadka ay raadin lahaayeen. Balse qaadashada cuntooyinka isku dheelitiran, sare u qaadidda dhaqamada nolosha iyo caafimaadka wanaagsan waxay dhammaantood ka qeyb qaadan karaan inay xoojiyaan awooddaada dhanka gudashada howsha gogosha, su’aasha waxay tahay ma jiraan cuntooyin dabiici ah oo sare u qaadi karo howsha sariirta lamaanayaasha?. Waxaa jiro cuntooyin leh nafaqo u wanaagsan xoojinta shahwada, waxaan eegeynaa taarikhda iyo mabaadii’yada seyniska ee sharraxaya cuntooyinka xoojin karaa howsha sariirta lamaanayaasha. Cuntooyinka ku jira Caroogta badda Sida la sheegay …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Waa Maxay Sulphuric Acid?

Sulphuric acid (H2SO4) waa maaddo ka sameysan walxo ceyriin ah oo loo adeegsado howlaha warshadaha qalabka lagu farsameeyo. Qeyb aad u badan ayey kiimikadan ka qaadataa soo saarista qalabka bacriminta iyo qabata howlo kale oo ay ka mid yihiin dhalaalinta biraha, midabeynta walxaha aan noolaha ahayn, nadiifinta shidaalka, soo saarista warqadaha iyo arrimo badan oo la xidhiidha kiimikooyinka wax soo saarka. Abuuritaanka kiimikada sulphuric acid waxaa loo maraa ilaa saddex marxaladood, sida aan kasoo xigannay bogga Science Direct, ee ka faallooda arrimaha seyniska iyo maadooyinka laga sameeyo. Meelo badan oo ka mid ah adduunka waxaa ka dhaca weerarro loo adeegsado …

Read more 0 Comments


Facebook Comments
error: Content is protected!!