Posts in category Maamulka Ganacsiga & Suuqgeynta


Maamulka Ganacsiga & Suuqgeynta

Waa Maxay Xariirka Warbaahinta “Mass communication”?

Afsoomaali ahaan marka loo fiiriyo eraygaan “mass communication” waxaan ku macneeyay “xariirka warbaahinta”. Wakhtiyaddii aan bilaabay inaan wax ka qoro arrimaha maamulka, ganacsiga, dhaqaalaha, suuq-yada dunidda iyo dhammaan qoraaladda ku saabsan cilmiga siyaasadda iyo diplomaasiyadda waxaan wajahay oo aan u baahday eray bixin badan. Madamaa aan helin cid iga saacido Afsoomaali ahaan erayadaasi waxaan iskudayay inaan isticmaallo waxwalbo oo aan ka heli karo erayadda macno ahaan Afsoomaali. Waxaa waqtiyo badan dhacday in erayadda qaar Afsoomaali ahaan aan ku waayay, waxaana ku qasbanaaday inaan aniga u sameeyo erayo ku macno dhaw. Luuqad walbo waxaa ku jiro erayo oo aysan asal ahaan …

Read more 0 Comments
Maamulka Ganacsiga & Suuqgeynta

5-ta Maamulka Istaraatijiyada Shirkada

  Erayga istaraatiji asal ahaantiisa wuxuu ka yimaaday dalka Gariiga “strategos” oo macnihiiisu yahay guud ahaan ama guud. Macno ahaan erayga waxaa loo isticmaali jiray jihada militariga, balse maanta waxaa loo isticmaalaa qaababka istaraatijiyada qaab ganacsi. Taasi oo qeexayso sidda ganacsigu uu ku gaari karo hadafyadii loo aas-aasay. Anaga Soomaali ahaan eraygaan xagguu noogu yimid? Haddii aad tahay shaqsi ka akdhaw meelaha ururada ganacsiga, kuwa maxaliga iyo dowligaba amaba haddii aad tahay arday dhigto jaamacad oo kuliyadiisana tahay kuliyadaha ku salaysan maamulka, ganacsiga, IT iyo dhaqaalaha  waxaad in badan maqashaa oo dhagahaaga kusoo dhaco eraygaan istaraatiji. Xittaa waxaa marmarka qaar, …

Read more 0 Comments
Maamulka Ganacsiga & Suuqgeynta

Waa Maxay Erayada Suuq-gaynta Ee Halkudhigga Ah “slogan”?

Hal-ku dhig waa erayo la isku geeyay oo loo isticmaalo suuq-gaynta. Erayada hal-kudigga waa inay noqdaan erayo si fudud loo xasuusani karo. Dhammaan shirkadaha waa weyn waxay leeyihiin erayo halku-dhig. Haayadaha noocyadeeda kala duwan waxay leeyihiin halku-dhigyo u gaar ah. Waxaan soo qaadani doonaa tusaalooyin kala duwan si aan wax badan ugu fahano wuxuu yahay erayada halku-dhigyada ah. Taariikhda erayga halkudhiga Halkudhiga waxaa luuqada ingiriiska lagu yiraahdaa “slogan” waa eray soo jiraan ah, asal ahaantiisana wuxuu ka soo jeedaa Scottish Gaelic iyo Irish oo ah sluagh-ghairm “sluagh-ghairm waa labo erayo oo la isku keenay waxayna u kala taaganyihiin sidda sluagh “ciidan”, “ciidankii” …

Read more 0 Comments
Maamulka Ganacsiga & Suuqgeynta

Maamul Iyo Maamule “Management”

“Maamul xumada waa dhibaatooyin ay ka wada simanyihiin dhammaan caalamka oo idil. Dhibaatooyinka maamul-xumada waxaa loo baahnaa inay hoos u dhacdo madamaa dunidda horumar gaartay. Iyadoo dunidda horumar la taabani karo laga gaaray wali waxaa jira aqqoondari dadka dunidda ka haysato maamulka wanaagsan.” Inkastoo maamul-xumada aynu kawada simanahay dunidda oo idil, hadana waxaa loo baahanyahay inaan ku dadaalno siddii aanu u fahmi lahayn maamulka wuxuu yahay. Marka horre waa maxay maamul? Maamul waxaa luuqada Ingiriiska lagu yiraahdaa “management” carabiga waxaa lagu yiraahdaa إدارة. Marka loo fiiriyo/eego qaabka akaademiga waxaad ka fahmaysaa in maamulku yahay barashada bulshada, aragtida bulshada, siyaasadda, iyo …

Read more 0 Comments
Maamulka Ganacsiga & Suuqgeynta

Waa Maxay Niyad-samida ay Lahaani Karto Shirkadaada? ”Goodwill”

Niyad-samida – eraygaan Afsoomaali ahaan dad badan wey fahmi karaan waxa lagala jeedo niyad-samid. Balse macnaha ay jumladaan ugu jirto waa maxay? Macanaha guud ay jumlada ay ugu jirto ayaa ka duwan macnaha Afsomaaliga ee aad ugu malayni karto. Macnaha guud ee ay xambaarsan tahay ayaa ah ’shirkadaha waxay gaaraan heer loo yaqaano niyad-samid. Marka aan leeyahay niyad-samid, ma ahan eray aan horey afka Soomaaliga aan kusoo bartay ee waa eray aan isleeyahay wuu ku macno dhawyahay eraygaas cilmiyanka ah ee aad horey u taqaanay. Eraygaasi afka ingiriiska waxaa lagu yiraahdaa ’Goodwill’ – ’niyad-samid. Shirkadaha marka ay si wanaagsan ulla …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha iyo SiyaasaddaMaalgelinta & MaaliyaddaMaamulka Ganacsiga & Suuqgeynta

Istaraatijiyada Suuqa ‘Market Strategy’

Guud ahaan marka laga hadlaayo ganacsi waa waxyaabaha u baahan in si diiran loo sharaxo marka la doonaayo in la bilaabo ganacsi. Waxaana wanaagsan in lalla yimaado istaraajiyad cadeynayso siddii aad ku gaari lahayd awooda suuqa ee aad doonayso inaad gaarto. Ganacsi walbo wuxuu lahaani karaa caqabado kala duwan balse marwalbo waxay ku xerantahay qofka ganacsadaha ah sidda uu ugu hortago dhibaatooyinka soo wajahi karo, arrintaasina waxaa lagaaga baahan yahay inaad karti dheeraad leh u leedahay. Waxaa kaloo wanaagsan inaad si fiican u ogsoontahay shaqada hortaallo qofka markuu yahay ganacsade. Ganacsadaha waa qof hal abuur leh, abuura fikradaha cusub ee …

Read more 1 Comment
Maamulka Ganacsiga & Suuqgeynta

5 Hogaan Tayo Leh Aad u Baahantahay Inaad Barato haddii Aad Doonayso Ganacsade

Waxaa jira waxyaabo badan oo aad u baahantahay inaad barato haddii aad doonayso inaad noqoto ganacsade. Inaad noqoto ganacsade waa wax iska fudud, balse waxaa adkaani karayso inaad fahanto qaababka ugu wanaagsan aad ku maamuli karto ganacsigaada. Dadka qaar waxay leeyihiin awood ay ku noqoni karaan ‘Ganacsade’ balse ma ogsoona inay leeyihiin awoodaas, sawabtana waxaa keenay aqqoonta ay u leeyihiin nafsadooda ayaa ah aqqoon aan sidaas usii badneen. Waa wax aad u wanaagsan inaad nafsadaada aqqoon fiican u leedahay. Balse waxaan kuu sheegayaa inaad noqoni karto ganacsade. “Ogaaw marka aad tahay ganacsade hawsha aad bulshada u hayso waa hawl muhiim …

Read more 0 Comments
Maamulka Ganacsiga & Suuqgeynta

Waa Maxay Farqiga u Dhaxeeyo Hogaamiye Iyo Maamule? “Management And Leadership”

Inta badan waxaad moodaa inay iskumid yihiin maamule iyo hogaamiye. Balse adiga ma qabtaa aragtidaas? Ma waxay kulla tahay inay isku mid yihiin maamulnimada iyo hogaamiye nimada? Caadiyan waxaa jira ururo badan sidda kuwa jaamacaha, haayadaha, dowladaha, qoraayaasha, iyo kuwa cilmi baarista ku sameeyo arrimaha la xariira mawduucaan waxay sheegaan inay kala fog-yihiin farqiga u dhaxeeyo hogaamiye iyo maamule. Ulla jeedka maqaalkaan ayaa ah inaan kala saarno farqiga u dhaxeeyo hogaamiye iyo maamule. Waxaan jeclaani lahaa inaan waxwalbo ku sharaxno afkeena hooyo ‘Af-soomaali’, si cidwalbo ay u fahmi karto waxyaabaha aan qoraayo, balse waa muhiim meelaha qaarkiisa oo aan isleeyahay …

Read more 0 Comments
Maalgelinta & MaaliyaddaMaamulka Ganacsiga & Suuqgeynta

Qorshaha Ganacsiga “Business Plan”

Aqristaha sharafta leh oo jecel inuu wax ka barto ama ka ogaado qorshaha ganacsiga marka horre isweydii adiga “waa maxay qorsho?” “Qorshaha adiga ayaa kunool ee asiga kuguma noola” maah-maahdaan waxay ahayd “talo adiga ayaa ku nool ee iyada kuguma noola”. Hadaba aan kula taliyo, inta badan ganacsiga ka jira gudaha Soomaaliya cimirigiisa aad ayuu u gaaban yahay, balse maxaa keenay? Ganacsiga Soomaalida inta badan sidaas uma sii cimri dheera, waanu ogsoonahay in waxwalbo Illahay swc sawabtiisa ay ku jiraan balse haddii ganacsiga uu ku dhisanyahay aqqoon iyo waayo aragnimo dheer wuxuu noqdaa mid aad u cimri dheer. Aan soo …

Read more 2 Comments
Maamulka Ganacsiga & Suuqgeynta

Qorshaha Suukh-gaynta ‘’Marketing Plan’’ |Tukesomalism.com

Qorshaha suukh-gaynta waa qayb ka mid ah qorshaha ganacsiga ‘’business plan’’. Marka la qoraayo qorshaha guud ee ganacsiga waxaa loo baahan yahay in si gaar ah diirada loo saaro qorshaha suukh-gaynta. Sawabtoo ah qorshaha suukh-gaynta waa laf-dhabarka ganacsiga, waxayna si fiican u qeexdaa ama faah-faahisaa qaababka lagu horumarini lahaa shirkada. Maxaa yeelay shirkada waxa kali oo si fiican u horumarini karo waa inay hesho macaamiil ku filan. Si loo helo macaamiil badan oo ay shirkada yeelato qorshaha suukh-gaynta waa in si fiican loo qeexaa. Qorshaha suukh-gaynta waa in laga helaa qaab lagu fahmi karo in la leeyahay rajo lagu kasbani …

Read more 0 Comments
error: Content is protected!!