Posts in category Dhaqaalaha iyo Siyaasadda


Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Bangiyada Islaamka: Milicsi Taariikheed

1963-dii ayaa bangigii u horreeyey oo ku shaqeeya nidaamka maaliyadeed ee Islaamka laga furay magaalda Mit-Qamar ee dalka Masar. Inkastoo bangigaas markiiba irdaha la isugu dhuftay, arrimo siyaasadeed darteed, haddana, muddadii yarayd ee uu shaqaynayey, sagaalkiisii laamood, waxay soo jiiteen macaamiil sare u dhaafaysa hal milyan oo qof. Chapra (2001) wuxuu tilmaamaa in bangigaas iyo labadii isku day ee ka horreeyey, oo midna laga hirgeliyey dalka Pakistan midna Malaysiya, ay dumiyeen darbigii khiyaaliga ahaa ee muslimiinta ka hortaagnaa yagleelidda nidaam maaliyadeed oo ku salaysan shareecada Islaamka Duminta derbigaas khiyaaliga ah waxaa xigey yagleelidda bangiyo ka baaxad weyn bangigii hore. Bangigii …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Dhaqaalaha Somaliland Miyuu Kobcay 10-kii Sano ee Aynu Soo Dhaafnay Mise Hoos Buu u Dhacay?

Dad badan ayaa ku warma arrinta, bal aan isku dayo inaan si kooban uga hadlo dhaqaalaha Somaliland 10kii sano ee aynu soo dhaafnay (2009- 2019). Koboca dhaqaalaha (economic growth) waxa lagu ogaadaa dhawr arrimood: 1.Wax iibsiga macmiisha 2. Adeegyada bulshada 3. Shaqo abuurka 4. Miisaaniyada 5. Maalgashiga Iwm Dhaqaalaheenu waa mid inagu kooban inaga oo aan waafaqsanayn qaar ka mid farsamooyinka caalamka lagu ogaado koboca dhaqaalaha. Tusaale, ma jirto xogo sheegaya awooda wax iibsiga macmiisha (consumer spending). Sidoo kale ma jirto xogo rasmi ah oo qeexaya dakhliga iyo wax soo saarka dalka (GDP and per capita output). Mida kale ma …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Waa Maxay Dambiyada Deegaanka ‘eco-crime’?

Dembiyada deegaanka waa ku xadgudubka shuruucda deegaanka waxaana loo dejiyay in lagu ilaaliyo deegaanka. Marka si guud loo qeexo, dambigu waxay isugu jiraan dhammaan falalka sharci darrada ah ee sida tooska ah u keena waxyeelada deegaanka. Dembiyada noocan oo kale ah waxaa sidoo kale loo yaqaannaa ‘dambi ka dhan ah deegaanka.’ Dembiga deegaanku wuxuu daboolayaa isku-darka howlaha ku xadgudbaya sharciga deegaanka u horseedda waxyeello weyn ama khatar ku ah deegaanka, caafimaadka aadanaha, ama labadaba. Dembiyada deegaanka waa fal sharci darro ah oo si toos ah wax u yeelaya deegaanka. Hay’adaha caalamiga ah sida G8, Interpol, Midowga Yurub, Barnaamijka Degaanka ee …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Dhaqaalaha iyo Maalgashiga Dadka

Halkan waxaaynu ku eegaynaa khayraadka bini’aadamka ku jira oo ah awoodooda xag jismi, caafimaad, cilmi iyo caqli. Khayraadkaas oo ah kan ugu muhiimsan ee mudan in la maalgashado. Waxaana u qaadaa dhigi doono si la wada fahmi karno. Dadka badankood markii ay maqlaan hanti, isla markiiba waxay u fahmayaan lacag bangi taala, saami shirkadeed, guri, gaari ama wax lamid ah. Dhamaan waxaas oo dhan waa nooc kamida hantida la taaban karo, waayo waxay leeyihiin faa’iido iyo wax-soosaar la mafacsanayo mustaqbalka dhow ama fog. Laakin waxaa jira hanti kale oo aan la taaban karin, hadana wax-soosaar iyo faa’iido badan u leh …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Waa Maxay Dhaqaaluhu? – Dhaqaaluhu Waa Maado Fac wayn oo soo Bilabantay waqtiyo Hore

Dhaqaaluhu waa cilmiga aan ku baranno sida loo maamulo khayraadka yar ee aan haysanno si aan u daboolno baahiyaha aan xadka lahayn ee aan leenahay. Dhaqaalayahankuna ma ahan bakhayl ee waa xeeldheere aqoonyahan ah kaasoo si maangal ah u maamusha tacabka yar ee uu haysto. Dhaqaaluhu waa maaddo kamid ah maaddooyinka ugu qaalisa ee dunidaan lagu barto. Dad badan ayaa markay maqlaan magaca “Dhaqaalaha” aan si mug leh u fahmin sababta loo barto maaddadaan? Dadka dhaqaalaha barta waxaa jira oraah ay isticmaalaan oo dhahda “Economists always disagree” taasoo micnaheedu yahay in haddii aad su’aal waydiiso koox dhaqaaloyahaniin ah midkasta wuxuu …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Dhaqaalaha iyo Argagisada

Soddonkii sanno ee u dambeeyey dunidu waxa ay wajahaysey halista argagixisooyinka, horumarka tignoolajiyadda waxaa la kordhiyey khasaaraha weerrarada argagixisooyinka, laakiin sooyaalka ururrada argagixisadu way ka durugsan tahay xilligaas. Ururkii ugu horreeyey ee argagixisinimo loo aqoonsan yahay waxa uu ahaa dagaalyahannadii Yuhuudda ee iska caabbinta kula jiray Boqortooyadii Roomanka (AD 66 –70) ee “Zealots of Judea”. Ururkaas ayaa isu beddelay argagixiso iyaga oo wata magaca Sicarii oo la micno ah “dagger men” “raggii toorreyda”. Ereyga “terrorism” oo asalkiisu Latin yahay oo la micno ah argagixin ama baqdin gelin waxaa markii ugu horraysey la adeegsaday sannadihii 1793-1794 ee xilligii “Reign of Terror” …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha iyo SiyaasaddaDiinta Islaamka

Asalka iyo Bilowga Wadaaddada Soomaaliya: “Diin mise Dan kale!”

Eebbe ( kor ahaaye) waxa agtiisa ugu qaalisan waa carruurta Nebi Aadem dhaley, iyaga ayaana waxkasta ka sarreeya oo ka qiimo badan; dhanka kalena, waxaa lagu lammaaneeyey ruux kasta oo sanku-neefle ah ( karaamo) ilaahey xaggiisa ka ahaatey. Eebbe ( kor ahaaye) umuu abuurin ilmo Nebi Aadem u jeeddo aan ka aheyn iney (Caabuddaan); oo u hoggaan samaan xaggiisa. Taas waxa weheliya, iney jiraan waxyaabo lagu kala abaalmarinayo nolosha dabaddeed, taas oo ku suntan: janno iyo naar. Si haddaba, janno iyo naar loogu kala dooro, maya.! Ee isagu u doorto, waa iney jiraan waxyaabo ku kallifaya inuu raaco ama diido. …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Xakameyn Daawooyinka Been Abuurka Ah Ee Loo Soo Dhoofiyo Dalka?

Caafimaadku waa waxa ugu muhiimsan nolosha Aadanaha, waana wax baahidiisa loowada simanyahay madax illaa majo. Ujeedka hadalkeyga waa in aan fahanno caafimaadka in eysan ubbaahnayn, kaliya dadka dhaqaalaha heysta ee dibadaha isku daaweyn kara. Waxa aan ubbaahannahay in aan si qoto-dheer uga fakarno caafimaadka dalkeenna, maantay waxa aan diiradda saareynaa waxyaabaha been abuurka ah ee dalkeenna loosoo dhoofiyo sida: Daawooyinka qaar. Alaabaha la’isku qurxiyo. Cuntooyin lasheego in caafimaadka lagu kobciyo Iyo Kuwa kale oo badan. Hadaba Sidee Lagu Ilaalin karaa? Su’aashaan jawaabteeda cilmi baaris dheer ayay ubbaahantahay iyo in la’iska xil saaro xal u heliddeeda!!, macnaha ma’ahan mid aan jawaabteeda …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Sidda Loo Kobcini Karo Dhaqaalaha Soomaaliya

Dhaawacyada Soomaaliya ay ka kici la’dahay waxaa sababay: dagaallo aan wax ujeeddo ah lahayn; maammul xumo baahday; kaabayaashii dhaqaalaha oo burburay; hay’adihii dawladda oo meesha ka maqan; sicir barar; xaalufin ba’an oo ku socota bad iyo berri; qashin lagu aasayo bad iyo berri; bara-kicin har iyo habeen ah; faragelin shisheeye; maandooriyayaal qalajiyey dhaqaalihii dalka, dadkii ku riday jirrooyin, noloshii mujtamacana bur-buriyey; hungow siyaasadeed; horseed guracan; marin habow diimeed iyo masiibo aan la aqoon. Xaggee laga lug bilaabaa? Waxaan leeyahay, dadka ugu horaysa oo mas’uuliyadu ku dhacayso waa dadka horjoogayaasha ka ah dawladda Federalka, Puntland, Jubbaland, Koonfur galbeed iyo Somaliland. Waxaa …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Waa Maxay ‘Tariff?

Tariff waa canshuur ay dowladda ku soo rogtay badeecado iyo adeegyada laga keeno wadamada kale qaarkiis. Sharaxaad kale… waa canshuur uu dalku soo rogay badeecadaha iyo adeegyada laga keeno waddan kale. Tariffs-ka waxaa loo isticmaalaa in lagu xaddido soo dejinta iyadoo la kordhinayo qiimaha badeecadaha iyo adeegyada laga soo iibsaday waddan kale, taasoo ka dhigaysa badeecado qiimahooda sarreeyo, waxaana yaraan karo in la iibsado. Dowladaha waxay shirkadaha shisheeye ee dalalkooda ka hawl gala kusoo roggaan canshuurta tariff si ay dakhli u soo saaraan ama ay uga ilaashadaan warshadaha dalka uu leeyahay – gaar ahaan kuwa liita – tartanka shisheeye. Si …

Read more 0 Comments
error: Content is protected!!