Posts in category Dhaqaalaha iyo Siyaasadda


Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Korona Fayras: Saameynta Dhaqaalle uu Afrika ku Yeelan Karo Cudurkaan Korona

Wadamadda qaaradda Africa kuma taagna qoton dhaqaale oo adag, waxa ayna wajahaan dhaqaale burbur markasta oo xaalad cakiran oo dhaqaale dunida ka dhacdo. Wadamadda adduunka waxaa ka dhexeeya oo isku xidha dhaqaalahooda ganacsi wadhoofinta iyo soodejinta, adeega macaamiisha, maalgashiga, socodka lacagta, dadka iyo macluumaadka. Sanadkan 2020 Afrika waxa ay wajahaysaa hoos u dhac dhaqaale Covid 19 dartiis. Warbixin sanadle ah oo Bangiga Hormarinta Afrika daabaco sanad walba ayaa koboca dhaqaalaha Afrika 2020 lagu sheegay in uu kor u kici doono 3.9%, halka 2019 uu ahaa 3.4% iyada oo sanadka 2021 la rajaynayo +4.1%. Koboca dhaqaalaha 2020 waxa saacidaya ayaa lagu …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha iyo SiyaasaddaDiinta Islaamka

Waa Maxay Sababta uu Islaamku Saamiga Dhaxalka Hablaha uga Yareeyay Saamiga Ragga?

Waa maqaal falanqaynaya sababta uu Islaamku saamiga dhaxalka hablaha uga yareeyay saamiga ragga.  “لِلذَّكَرِ مِثْلُ حَظِّ الْأُنْثَيَيْنِ” (سورة النساء: ١١). Maxaa ka jira in dhedignimadu ay dhaxalka naaqusiso?! Maxaa se ka fahansan tahay ayaadan kor ku xusan?! Dhowrkan mas’alo ila daraasee, deetana natiijada soo baxda aynu wada aragno: Qof ayaa ka dhintay hanti dhan $12,000 iyo dhaxal-qaatayaal kala ah: wiil, hooyo, iyo wiil wiilki dhalay: Hooyo: $2,000 Wiilka: $10,000 Wiilka wiilkiisa: $0 Mas’aladan waxaa ku jira laba wiil oo dhaxal qaatayaal ah, labada wiil mid wuu ka qaday dhaxalkii, mid na wax buu dhaxlay, sababtu waxay tahay maydka ayay u …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Faallo Saamaynta Dhaqaale ee Korona Fayras 2020

Saddexdii bilood ee u dambeeyay dunida, sayladaha saamiyadda adduunka, dhaqaalaha caalamka, iyo badeecadaha ganacsi waxaa saameeyay xanuunka Korona Fayras. Khubarada dhaqaalaha ayaa dhamaantood sheegaya in dunidu wajahayso hoos u dhac weyn oo dhaqaale iyo dhaqaale burbrur sababta fiditaanka Covid 19 awadeed. Xanuunka Korona Fayras oo bishii December 2019 laga helay gobolka Hubei, magaaladiisa Wahun ee Shiinaha ayaa farabaas ku haya caafimaadkii, ganacsigii iyo dhaqaalihii. Covid 19 dunida waxa uu ku keenay saamayn xun oo dhaqaale aadna u gun balaadhan. Waxa uu ku faafay waddamo badan ilaa 192 dal sida ay diwaangalisay ha’ayadda WHO bisha March 2020. Dhibaatada caafimaad ee uu …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Hantida Kheyraad Ee Ku Jirta Insaanka

Halkan waxaaynu ku Eegaynaa Khayraadka bini’aadamka ku jira oo ah awoodooda xag jismi, caafimaad, cilmi iyo caqli.khayraadkaas oo ah kan ugu muhiimsan ee mudan in la maalgashado.Waxaana u qaadaa dhigi doono si la wada fahmi karno. Dadka badankood markii ay maqlaan hanti, isla markiiba waxay u fahmayaan lacag bangi taala, saami shirkadeed, guri, gaari ama wax lamid ah. Dhamaan waxaas oo dhan waa nooc kamida hantida la taaban karo, waayo waxay leeyihiin faa’iido iyo wax-soosaar la mafacsanayo mustaqbalka dhow ama fog. Laakin waxaa jira hanti kale oo aan la taaban karin, hadana wax-soosaar iyo faa’iido badan u leh dhismaha iyo …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Dhibaatooyinka ay Leedahay Daymaha ay Qaataan Dowladaha

Waa maqaal ka hadlaya caqabadaha iyo culaysyada dawlad ka soo wajihi kara dayn qaadashada. Mashiinka dhaqaajiya dawlad waa dhaqaale, si ay dawladdu u qabato wajibaadka horyaal, bulshadeedana ay usiiso adeegyada ay u baahan yihiin waa in ay dhaqaale haysaa ay wax ku kala socodsiiso, dhaqaalaha ay dawladdu maamulayso ayaa sameeya eray-bixinada dawladnimada ku sidkan ee aynu had iyo jeer maqalno, sidda dakhli, kharaj iyo miisaaniyad. Dhaqaaluhu wuxuu dawladda ku soo galaa habab kala duwan oo ay ugu horreeyaan canshuur qaadid, maalgalin, iyo dayn qaadasho. Dayn qaadashadu waa hab kamid ah hababka ay dawladuhu dhaqaale ku helaan. Dayntu caadi ahaan waa …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Haweenka Iyo Dhaqaalaha

Dhinacyada bulsho laga horumarinkaro waxaa kamida kobaca dhaqaalaha dal uu leeyahay. Dunida maanta waxyaabaha layskula dagaalamo waa dhaqaale, waxaad maqashaa waddanbaa waddan kale cunaqabatayn saaray IWM. Wuxuu saarayaa cunaqabatayn dhaqaale, dalkaasoo dhana saamayn ba’an ayay ku yeelanaysaa. Dalkeena waa dal dihin oo khayraad ka buuxo laakiin maaha dal ay kunoolyihiin dad uqalma, caalamka waxaa jira waddamo aan lahayn wax khayraadah haddana dhaqaalohoodu uu sara kac sameeyo. Dalkayga hooyo waxaa lagu tiriyaah waddamada dunida ugu dhaqaalaha hooseeya. Waxaa loo baahan yahay inaynu dhaqaalaha dalka horumar ku samayno, si aynu dalkeena sharaftiisa iyo magaciisaba kor ugu soo qaadno. Haddaba, siday haweenku uga …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Saamaynta Korona Fayrus Ku Leedahay Suuqyada Saliida iyo Gaaska

Cudurkaan korona fayrus wuxuu sidoo kale saameyn ba’an ku leeyahay suuqyada saliida iyo gaaska. Dadka uu ku dhacay cudurka korono fayrus guud ahaan caalamka ayaa Axadda maanta ah gaartay ilaa iyo 300,000 oo qof. Sida ay ku warrameyso wakaaladda wararka ee AFP, ugu yaraan 300,097 la xiriira caabuqaan halista ah ayaa la diiwaangeliyay aduunyada oo dhan, tan iyo intii uu soo billowday bishii December ee sannadki hore. Dadka u dhintay ee isbitaallada lagu diiwaangeliyay ayaa gaaraya 12,895 oo dhimasho ah, ilaa iyo 169 waddan oo caalamka ah, sida ay maanta xaqiijisay Hey’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO. Dalka Talyaaniga ayaa hadda …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Farqiga u Dhaxeeya Wadamada Qaniga ah iyo Kuwa Saboolka ah

Wadamada qaniga ah iyo kuwa saboolka ahi kuma xidhna da’da qarankaasi soo jiray. Taasi waxay daliil muuqda u tahay in wadamada India iyo Egypt kuwaas soo jiray 2000 oo sano ay hadana wali yihiin wadamada saboolka ah. Dhinaca kale Kanada, Australia, iyo New Zealand kuwaas oo 150 sano oo kaliya jiray ay maanta yihiin wadamada ugu qanisan adduunyada ama horumarsan. Sidoo kale farqiga wadamada qaniga ah iyo kuwa saboolka ahi kuma xidhna khayraadka wadankaasi yaala “Available of Natural Resource” Maxa yeelay dhulka Jaban 80% waa buuralay aan ku habboonayn wax soo saarka beeraha laakiin hadana Jaban waa wadamada ugu qanisan …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Maxaa Loolla Jeedaa Kobac Dhaqaalle?

Marka waxqabadka (performance) dhaqaalaha dalka la cabbirayo, waxa ugu horrayntabala xisaabiyaa tacabka ama wax soosaarka dalka idilkiis (Gross Domestic Product – GDP). GDP-gu wuxuu tilmaamaa qiimaha suuqa (market value) ee wadarta tacabka (total production) dalka. Qiimaha suuqa ee dhammaan badeecadda iyo adeegga waddanka gudihiisa lagu soo saaray muddo cayiman waxay ku siinayaan GDP-ga waddanka. GDP-ga ama wadarta tacabka dalka inta badan looma adeegsado is-barbardhigga dhaqaalaha dalalka kala duwan ee adduunka maxaa yeelay dalalku waxay ku kala duwan yihiin tirada muwaadiniinta ku nool. Sidaasi darteed, si dhaqaalaha waddamada la isku barbardhigo, siday u kala horreeyaanna loo ogaado, waa in GDP-ga dalka …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Mareykan iyo Faransiiska Ayaa Noqday Labada Wadan ee iibiya Hubka ugu Badan Dunida

Maxaad kala socotaa in Mareykanka iyo Faransiiska ay noqdeen labada wadan ee iibiya hubka ugu badan dunida? Mareykanka iyo Faransiiska ayaa iibiya hub badan. Mareykanka wuxuu xoojinayaa mowqifkiisa ah dhoofinta hubka ugu badan adduunka, iyo dhoofinta Faransiiska oo kordhay. Ruushka, dhanka kale, wuxuu iibiyay hub yar intii u dhaxeysay sanadihii 2015 –2019 kii marka loo fiiryo hadda. Wadarta dhoofinta hubka ayaa kordhay 5.5 boqolkiiba shantii sano ee 2015–2019 laga soo billaabo xilligii 2010 -2014, sida lagu sheegay warbixin laga soo saaray Machadka Daraasaadka Nabadda ee Magaalada Stockholm (Sipri). https://www.sipri.org/sites/default/files/2020-03/fs_2003_at_2019.pdf Waddanka iibiyay hubka ugu badan shantii sano ee la soo dhaafay …

Read more 0 Comments
error: Content is protected!!