Posts in category Dhaqaalaha iyo Siyaasadda


Dhaqaalaha iyo SiyaasaddaWARBAAHINTA

Nigeria: Buhari oo maamulaya shidaalka

Dalka Nigeria Madaxweyne Muhammadu Buhari ayaa shaaca ka qaaday inuu isagu ahaan doono madaxa wasaarada shidaalka waxaanu hadalkani ka sheegay mar uu ka hadlayey xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York. Nigeria ayaa 90% lacagteeda adag ka hesha Batroolka ay dhjeeofiso iyadoo qiimo dhaca batroolka caalamka ku yimid uu dalkaasi galiyey xaalad dhaqaale oo adag . Hay’adaha Batroolka ee Nigeria ayaa musuq maasuq ragaadiyay, waxaana madaxweyne Buhaari balan qaaday xilligii doorasahada inuu musuqa la dagaalami doono. Waxaa jiray tuhun ahaa in madaxwaynaha Nigeria Muhamadu Buhari uu isaga qaban doono xilka wasaarada shidaalka, hadda waxa uu xaqiijiyay in wasiir kalkaaliya uu …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Yaa Sameeyay Ururada Argagixisada?

Qoraalkaan kooban waxaan si kooban ugu faaloonayaa ciddii sameeysay ururada argagixisada iyo cidda ka faa’iida ururada argagixisada ee dunida ku soo badanaaya maanta. Waxaan qoraalkaan si gaar ah ugu faaloonayaa ururada aadka loo hadal haayo waqtiyadaan dambe. Jabhadaan kalle duwan oo caalamka aad u war hayaan ee sheegtay in magac Islaamka u dagaalamaan sidda Al-shabaab, Alqaacida, Daacish (ISIS), Bako Haram iyo kuwa kalle oo daafaha caalamka maanta ka dagaalamaan. Aqristaha sharafta leh waxaan weydiisanayaa inuu maskaxdiisa ka shaqeysiiyo kana jawaabo su’aalahaan soo socda: Yaa abuuray ama sameeyay ururadaan argagixisada ah? Maxay tahay sawabta loo sameeyay? Yeysa dan ugu jirtaa abuuritaanka …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

La Xisaabtanka Madaxda Dalka!

  Diinta iyo dowladda oo la kalla soocaa waxay shacabka fursad u siinayaan inay madaxdooda doortaan, isla markaana la xisaabtamaan. Diinta iyo dowladda oo la isku walaaqana waxaa ka dhalanaya in mas’uuliinta xafiisyada dowladda fadhiyaa halkii ay ka noqon lahaayeen kuwo bulshada u adeega, ay bulshadu ka noqoto tu iyadu u adeegta madaxda. Waayo, madaxdu waxay wakiil ka noqonayaan Eebbe, oo ay ku hadlayaan magaciisa, isla markaana fulinayaan dooniddiisa. Run ahaantiina, ma jirto cid la xisaabtami karta madax Alle matalaysa. Taariikhda islaamkuna waxay si cad u muujinaysaa in muslimiintu aysan weligood arag madax ay la xisaabtamaan, laakiin ay wax badan …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Maxay Tahay Sirta Ku Jirto Hoos U Dhigida Lacagta Shiinaha?

Shiinaha ayaa wuxuu qiimo dhimis ku sameeyay lacagta dalkiisa, laakiin maxay tahay sirta ku jirto? Inta badan dalalka caalamka waxay aad u jecelyihiin in lacagtooda kor usii kacdo marwalbo si ay u yeelato qiimo fiican. Hoos u dhaca qiimaha lacagta wadamada adduunka waxay tilmaamtaa in dhaqaalo xumo ay ka jirto dalalkaas. Shiinaha ayaa wuxuu ku jiraa dagaal lacageed balse ma yahay dagaalkaan mid uu ku guulaysani doono Shiinaha? Lacagta yuan ayaa hadda hoos u dhac ku timaaday 0.9 boqolkiiba marka la isku fiiriyo qiimaha  dollarka.Taas bedelkeeda, dollarka Mareekanka wuxuu kor ugu kacay illaa 3.3 boqolkiiba kaga guuleystay mar kalle lacagta …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Walaac Cusub oo Kasoo Cusboonaaday Dowladaha Carabta

Inkastoo ay yihiin dalalka ugu horumarsan uguna ammaan badan dunida carabta, lixda waddan ee Gacanka Carabta, ayaa hadda waxaa soo foodsaartay laba qatar weerar oo argagixiso oo uga imanaysa Suniyiinta iyo Shiicada mayalka adag. July dhamaadkeeda, Bahrain ayaa aragtay weerarkii ugu waynaa ee lagu qaado boliiskeeda. bambaano ayaa ku qaraxday baabuur boliis ooo dishay laba boliis qaar kalena dhaawacday. Waxay rumaysan yihiin in qalabkan ugu dambeeyay uu ka yimid dagaallamayaal Shiica ah oo jooga dalka Ciraaq, oo ay maalgeliyeen isla markaana tababareen ciidanka ilaalada kacaanka Iran. Baxreyn waxay muddo dheer ku eedeynaysay Iran, gaar ahaanna shakhsiyaad ka tirsan hay’addeeda sirdoonka, inay wadaan …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Maxaa Sabab u Ah Shidaal Yaridda Nayjeeriya?

  Dalka Nayjeeriya ayaa waxaa maalmahaanba ka taaganeyd shidaal yari baahsan, taasi oo sababtay in ay hoos u dhacaan howlihii ganacsi ee dalkaasi. Nayjeeriya waa dal ka mid ah qaaradda Afrika. Wuxuuna ku yaallaa galbeedka Afrika, wuxuu xaduudo la leeyahay Benin oo ka xigga xaga galbeedka, Chat iyo Kamaroon waxay ka xigaan bari, waqooyiga waxaa ka xigga Niger.   Waa dalka ugu dadka iyo qeyraadka badan qaaradda Afrika, waana dalka ugu soo saarka badan shidaalka qaarada Afrika. Waxaay soo saaraan maalin walbo 2 milyuun barmiil oo shidaal cayriin ah. Shidaalka lagu soo saaro wadanka Nayjeeriya ayaa ah shidaal sidooda lagu …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Sidee Lagu Joojini Karaa Cunista Qaadka?

  Cunista maandooriyaha qaadka ayaa si ba’an ugu sii faafeysa dalka Soomaaliya, iyadoo dadka ugu badan ee qaadka isticmaala ay u badanyihiin da’da dhallinyarada, in badan oo dadkaasi ka mid ah waxa uu qaadku gaarsiiyaa inay mar walba joogteeyaan oo ay qabatimaan, inta badanna ragga ayaa lagu tilmaamaa inay yihiin kuwa ugu badan ee isticmaala, waxaase jira dumar aan tiro badneyn oo iyana maandooriyahaasi isticmaala. Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada midoobey ayaa warbixin uu soo saaray waxa uu ku sheegay in 70% dadka isticaamla maandooriyaha qaadka inay yihiin dadka dhallinyarada ah ee ka hooseeya da’da Sodomeeyada. Inta badan dhallinyarada qaadka isticmaasha …

Read more 0 Comments
error: Content is protected!!