Posts in category Dhaqaalaha iyo Siyaasadda


Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Warbixin: Hoos u dhaca dhaqaale ee Somaliland iyo saamaynta Covid 19

Dhaqaalaha Somaliland waxa hoos u dhac la taaban karo ku keenay xanuunka safmareenka karoona fayras. Dhaqaalaha Somaliland waa dhaqaale furan (open economy) waxay leedahay dakhli dhaqaale oo si weyn ugu tiirsan ganacsiga caalamiga ah gaar ahaan badeecadaha la soodhoofiyo (highly dependent on import trade). Dhaqaalaha Somaliland waxa udub dhexaad u ah oo haga shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ganacsiga (driven by the private sector).   Dakhliga dowladu waxa uu xoog ugu tiirsan yahay dhaqdhaqaaqa suuqa ganacsiga (movements of market trade) iyo kastamyada, waana isha-dakhli ee ugu tunka weyn ilaha dhaqaale ee dowlada soogala. Sida uu sheegay Baanka Adduunku, dhaqaalaha Somaliland …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Aasaaska Ilaha Dakhliga iyo Dhaqaala-Abuurka ee Ururka Al-Shabaab

Burburka, dawlad la’aanta, faragelinta tooska ah iyo midda dadban, afkaaraha iyo shisheeyaha ku dhex hardamaya gudaha Soomaaliya, ayaa waxa ugu weyn ee shidaalka u ah, dhaqaajinayana uu yahay dhaqaalaha. Dhaqaalahu waa laf-dhabarta wax kasta oo maanta dunida ka dhacaya, gaar ahaan Soomaaliya. Ururrada argagixisadu muhiimad gaar ah baa ay siiyaan meelaynta dhaqaalaha, haddaan dhaqaale jirinna waxba uma socon karaan. Ururka Al-Shabaab muddo badan baa ay ku qaadatay jaangoynta, qaabeynta iyo meelaynta ilaha dhaqaalahu. Hadda oo uu marayo xaaladdii ugu wanaagsaneyn ee dhanka dhaqaalaha, waxa uu ku bixiyay dedaal fara badan sidii uu heerkan u soo gaadhi lahaa. Werwer badanna kama …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Dagaalka Ganacsi ee Maraykan iyo China!

Trade deficit waa cabir dhaqaale oo caalami ah laguna muujiyo inta wadan waxa uu soo dhoofsado (import) ay ka badan yihiin waxa uu iska dhoofiyo (export). Trade deficit-ku wuxuu ka dhigan yahay in lacagta wadanka ka baxaysa ee suuqyada qalaad aadaysa ay ka badan tahay lacagta wadanka ka soo galaysa suuqyada dibada. Formula-da Trade deficit-ku waa: Trade deficit = Total value of imports – Total value of exports. Marka laba wadan oo ganacsi is-dhaafsada laga hadlayo,  waxaa la dhahaa “Trade Deficit” baa ka dhexeeya marka labada wadan mid kamid ah uu kan kale ka soo dhoofsado wax ka badan inta …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Daahirada Diin Ka Bixidda ee Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika

Bariga dhexe ama si guudba ah waddamada Carbeed, iyo Geeska Afrika oo ay ku dhaqan tahay ummadda Soomaalidu ayaa ah kuwo qarniyo badan oo fac ka fac ku suntanaa dad diintoodu ama rumeysadkoodu uu yahay Islaam. Diintaasna aan beddelin, oo ka dhigtay sidii caadada iyo dhaqanka la iska dhaxlo. Se is beddelkii xoogganaa ee ka bilawday Galbeedka, oo ka soo bilaabmayey qarnigii 15-aad iyo 16-aad. Kaas oo ka dhashay diinta Masiixiga oo la jaanqaadi kari waydday daah’furradii kala duwanaa ee aqoonta casriga ah. Iyo wadaaddadii diinta Masiixiga oo la bah noqday xukuumadaha dhiig’miiratada ah ee ka jiray Galbeedka. Ka dib …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Falanqeyn: Nabadgelyada Soomaaliya

Nabadsugidda (Security) Soomaaliya waxa ka masuul ah sida hadda ay u dhisan tahay dawladdu waa wasaaradda amniga. Wasaaraddaas baa si buuxda uga wakiil ah dhammaan wixii khuseeya amniga dalka. Laakiin ilaa hadda ma cadda sababta loogu baahday wasarad amni (Ministry of Security). Dhammaan haykallada dawliga ah waxa amniga ka masuul ah wasaaradda arrimaha gudaha. Hay’adda NISA Hay’addani waxa ay si gaar ah uga masuul tahay nabadsugidda iyo sirdoonka dalka (Gude iyo Dibadba). Laakiin awood uma laha wasaaradda amnigu in ay maamusho hay’addan, oo waxa ay toos u hoos tagtaa madaxweynaha. Waa fahamxumada labaad ee ku jirta haykalka loo dhisayo amniga …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Ma Dooneyno Dawladd Daciif ah iyo Ganacasato Awoodd leh!

Neo-liberalism: in la helaa bulsho qaab siyaasad iyo dhaqaale ahaan ku abaabulan suuqyada xorta ah. Dawladdu ma laha astaamo lagu kala wado suuqyada, sidaa awgeed ma aha xannibaad inay ku noqoto hormarkiisa, waa in ay gacanta u galisaa ganacstada iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.” Suuqyada xorta ah, oo maanta Caalamka ntiisa badan laga isticimaalo ayaa waxaa la sheega inuu xidhiidh la leeyahay waxa loo yaqaano Neo-Colonialism(Gumeysi weji cusub). Dalalka Afrikaanta badankood kadib markii xorriyadoodi dib loo siiyay neo-liberlismka wuxuu noqday waddadii loo soo mari lahaa si miiskooda go’aan qaadshada kursi looga helo. Suuqyo xor ah ayaa looga dhigay waddada kaliya …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Dekadaha Garacad iyo Hobyo

Hashu way caana badan tahaye weelasha aynu badsano! Marka aan ka tagno macna yarida dadka soomaalida ahi ay wax ku qaybsadaan iyo hoos isu eegashada in badan dadkeenu ku mashquulsan yahay, ee aan wax ku qaymayno waxa aduunka ka jira iyo sida aadanaha hormarka sameeyay uu u fakaro waxaa inoo soo baxaya wax aad uga duwan waxa aan nolosha iyo hormarka ka fahansannahay. Waxaan ogaanaynaa noloshan casriga ah wadamada siyaasad ahaan ayaa loo kala leeyahay ee dhaqaala ahaan iyo ganacsi ahaan nolosha casriga ah waa la wadaagaa, suuqyaduna waa kuwa dadka oo idil ka dhexeeya (Suuqa Dubai Tusaale kuugu filan), …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Cashuurta iyo Kaalinta Ay Ku Leedahay Dowladnimada

Dowladi waxa ay dakhliyo kala duwan ‘different income’ ka heshaa ilo kala gedisan ‘different source’.  Dowladi ma shaqayn karto hadii aan dakhli jirin. Dakhliga na waxa ay ka heshaa dadka. Dowlad kasta oo dunida ka jirtaa dadkeeda waxa ay ka heshaa dakhli kala duwan oo ay ku socod siiso hawlaha qaranka (Implementation of national work). Dakhligu waa mishiinka dhaqaajiya shaqada dowlada, adeegyadda bulshada, iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Noocyadda dakhli ee dowlad soo gala guud ahaan waxa lagu soo koobaa toddoba qaybood; Dakhliga cashuuraha (revenue from tax). Dakhliga adeega (revenue from service). Dakhliga deeqaha (revenue from grants). Dakhliga hantida dowlada (revenue from …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Waa Maxay Suuqa Xorta Ah ’Free Market’ ?

Waa Maxay Suuqa Xorta Ah? Suuqa xorta ah ”waa erey lasoo koobay oo macnahiisa noqon kara isweydaarsi’ oo bulshada dhexdeeda ah. Isweydaarsi kasta waxaa loo fuliyaa sidii heshiis ikhtiyaari ah oo u dhexeeya laba qof ama u dhexeeya kooxo dad ah oo wakiilkoodu matalayo. Labadan shaqsi (ama wakiilo) ayaa isdhaafsada laba badeecadood oo dhaqaale ah, ama badeecooyin la taaban karo ama adeegyo aan la taaban karin. Tusaalle, markaan iibsado joornaal wargeys ah oo konton senti oo shillin Soomaali ah, wariyaha iyo aniga waxaan isdhaafsanaa laba baddeecadood: Waxaan dhiibaa konton senti oo shillin Soomaali ah, wariyaha iibiyana wuxuu iska dhigayaa wargeyska. …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Fayraska Karona: Saamaynta Dhaqaale ee Soomaaliya

Dhaqaalaha Soomaaliya waxa uu xoog ugu tiirsan yahay ganacsiga (heavily depend on trade) si gaara badeecadaha la soo dejiyo (imported goods), xoolaha, xawaaladaha iyo isgaadhsiinta. Alaabaha ganacsi ee la soo dhoofiyo waxay ka tahay GDP-ga 40% halka waxdhoofinta ay tahay 10%, waxa cad in Soomaaliya ku jirto isu-dheelitirnaan la’aan dhaqaale (imbalance economy). Aragti dhaqaale oo dalalka ay ka hirgashay yihiin kuwa ladan ayaa ah “Export product should be greater than the import commodities” oo micnaheedu tahay marka dhaqaalaha waddanka laga hadlayo si dhaqaalaha wadanku u kobco marwalba waa in waxa aad dhoofisaa ka badan yahay waxa aad soo dhoofsanayso. Aynu …

Read more 0 Comments
error: Content is protected!!