Posts in category Xirfadaha & Teknolojiyada


Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Ma Dooneyno Dawladd Daciif ah iyo Ganacasato Awoodd leh!

Neo-liberalism: in la helaa bulsho qaab siyaasad iyo dhaqaale ahaan ku abaabulan suuqyada xorta ah. Dawladdu ma laha astaamo lagu kala wado suuqyada, sidaa awgeed ma aha xannibaad inay ku noqoto hormarkiisa, waa in ay gacanta u galisaa ganacstada iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.” Suuqyada xorta ah, oo maanta Caalamka ntiisa badan laga isticimaalo ayaa waxaa la sheega inuu xidhiidh la leeyahay waxa loo yaqaano Neo-Colonialism(Gumeysi weji cusub). Dalalka Afrikaanta badankood kadib markii xorriyadoodi dib loo siiyay neo-liberlismka wuxuu noqday waddadii loo soo mari lahaa si miiskooda go’aan qaadshada kursi looga helo. Suuqyo xor ah ayaa looga dhigay waddada kaliya …

Read more 0 Comments
Xirfadaha & Teknolojiyada

Imaaraadka Carabta oo Dayax-gacmeed u diraya meeraha Mariikh

Dayax-gacmeedkii ugu horreeyay ee Carbeed ee loo dirayo meeraha Mariikh ama Farraare ee afka qalaad lagu yirahdo Mars ayaa lagu wadaa in hawada loo diro muddo toddobaadyo gudahood ah. Toddobaadka soo socda ayaa la filayaa in Dayax-gacmeedkaasi lagu shubo shidaalkii ugu horreeyay.Safarka Dayax-gacmeedkan ayaa qaadan doono toddobo bilood oo uu ku jari doono masaafo dhan 493 milyan oo kiiloomitir, si uu u gaaro meerahaasi Mariikh isla markaana uu xaruntii laga gamay u soo diro xog muhiim ah oo ku saabsan cimilada iyo jawiga meerahaasi. Dayax-gacmeedkan ayaa ku wareegi doono meerahani muddo 687 maalmood ah, si uu u soo uruuriyo xog …

Read more 0 Comments
Xirfadaha & Teknolojiyada

Biyo laga helay meere “la degi karo” markii ugu horeysay

Cirbixiyeennada oo in mudda ah baaritaanka waday waxay sheegeen meera aan dhulka ahayn iney tahay marki ugu horreysay biya laga helo.Barafasor Giovanna Tinetti oo hoggaaminaysay kooxda cirbixiyeennada baaritaanka waday oo ka tirsan Jaamacadda London (UCL) ayaa natiijad baaritaankooda ka soo baxday ee meeraha K2-18b biyaha looga helay ku tilmaamtay ‘mid maskaxda ka weyn’”Waa marki ugu horreysay oo aan meera dhulka ahayn biya ka helno kulka meerahasina wuxuu la mid yahay kan dhulka taasoo ka dhigayso mid ay nooluhu ku noolaan karan” ayuu yiri. Meraha loo yaqaanno K2-18b wuxuu dhulka uu ka fog yahay 650 milyan oo mayl. Meerayaasha ka baxsan …

Read more 0 Comments
Xirfadaha & Teknolojiyada

Siday cirbixiyeennada Muslimiinta ah ugu tukan karaan hawada sare?

Hazzaa Al Mansoori wuxuu sameyn doonaa taariikh ah in uu noqdo qofkii ugu horreeyay ee Imaaraatka u dhashay ee gaara saldhigga hawada sare. Waa 35 sano jir, wuxuu ahaa duuliye hore, wuxuuna ka hawlgeli doonaa Saldhigga Caalamiga ee hawada sare (ISS), isbuucan. Waxaa laga dhex xushay kumannaan qof oo codsatay shaqadaas. Cirbixiyeennada ku sugan halkaas waxay hawadu la wareegtaa 90 daqiiqo oo kasta. Taas micneheedu wuxuu yahay in 16 jeer ay qoraxda u dhacdo una soo baxdo 24-kii saacba. Haddaba, cirbixiyeenkan Imaaraatka u dhashay, waa Muslim, waana inuu shan goor tukado maalintii. Haddaba siduu ku ogaanayaa qiblada dhanka ay ka …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Dekadaha Garacad iyo Hobyo

Hashu way caana badan tahaye weelasha aynu badsano! Marka aan ka tagno macna yarida dadka soomaalida ahi ay wax ku qaybsadaan iyo hoos isu eegashada in badan dadkeenu ku mashquulsan yahay, ee aan wax ku qaymayno waxa aduunka ka jira iyo sida aadanaha hormarka sameeyay uu u fakaro waxaa inoo soo baxaya wax aad uga duwan waxa aan nolosha iyo hormarka ka fahansannahay. Waxaan ogaanaynaa noloshan casriga ah wadamada siyaasad ahaan ayaa loo kala leeyahay ee dhaqaala ahaan iyo ganacsi ahaan nolosha casriga ah waa la wadaagaa, suuqyaduna waa kuwa dadka oo idil ka dhexeeya (Suuqa Dubai Tusaale kuugu filan), …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Cashuurta iyo Kaalinta Ay Ku Leedahay Dowladnimada

Dowladi waxa ay dakhliyo kala duwan ‘different income’ ka heshaa ilo kala gedisan ‘different source’.  Dowladi ma shaqayn karto hadii aan dakhli jirin. Dakhliga na waxa ay ka heshaa dadka. Dowlad kasta oo dunida ka jirtaa dadkeeda waxa ay ka heshaa dakhli kala duwan oo ay ku socod siiso hawlaha qaranka (Implementation of national work). Dakhligu waa mishiinka dhaqaajiya shaqada dowlada, adeegyadda bulshada, iyo kaabayaasha dhaqaalaha. Noocyadda dakhli ee dowlad soo gala guud ahaan waxa lagu soo koobaa toddoba qaybood; Dakhliga cashuuraha (revenue from tax). Dakhliga adeega (revenue from service). Dakhliga deeqaha (revenue from grants). Dakhliga hantida dowlada (revenue from …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Waa Maxay Suuqa Xorta Ah ’Free Market’ ?

Waa Maxay Suuqa Xorta Ah? Suuqa xorta ah ”waa erey lasoo koobay oo macnahiisa noqon kara isweydaarsi’ oo bulshada dhexdeeda ah. Isweydaarsi kasta waxaa loo fuliyaa sidii heshiis ikhtiyaari ah oo u dhexeeya laba qof ama u dhexeeya kooxo dad ah oo wakiilkoodu matalayo. Labadan shaqsi (ama wakiilo) ayaa isdhaafsada laba badeecadood oo dhaqaale ah, ama badeecooyin la taaban karo ama adeegyo aan la taaban karin. Tusaalle, markaan iibsado joornaal wargeys ah oo konton senti oo shillin Soomaali ah, wariyaha iyo aniga waxaan isdhaafsanaa laba baddeecadood: Waxaan dhiibaa konton senti oo shillin Soomaali ah, wariyaha iibiyana wuxuu iska dhigayaa wargeyska. …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Fayraska Karona: Saamaynta Dhaqaale ee Soomaaliya

Dhaqaalaha Soomaaliya waxa uu xoog ugu tiirsan yahay ganacsiga (heavily depend on trade) si gaara badeecadaha la soo dejiyo (imported goods), xoolaha, xawaaladaha iyo isgaadhsiinta. Alaabaha ganacsi ee la soo dhoofiyo waxay ka tahay GDP-ga 40% halka waxdhoofinta ay tahay 10%, waxa cad in Soomaaliya ku jirto isu-dheelitirnaan la’aan dhaqaale (imbalance economy). Aragti dhaqaale oo dalalka ay ka hirgashay yihiin kuwa ladan ayaa ah “Export product should be greater than the import commodities” oo micnaheedu tahay marka dhaqaalaha waddanka laga hadlayo si dhaqaalaha wadanku u kobco marwalba waa in waxa aad dhoofisaa ka badan yahay waxa aad soo dhoofsanayso. Aynu …

Read more 0 Comments
Xirfadaha & Teknolojiyada

Xirfadaha Gawaarida: Qaboojinta Matoorka, Ciladaha Kudhaca Gaariga, Baarista Ciladaha

Maqaalkan waxaa uga hadli doonaa: Qaboojinta matoorka Ciladaha kudhaca gaariga Baarista ciladaha Qaboojinta matoorka: Waa nidaam ay biyuhu ku dhexmarayaan balookada matoorka ayaga oo qaboojinaya galaasyada (meesha uu kadhaco qaraxa iyo gubashda, kadhasha hawada iyo shidaalka), biyaha kulul ee soo qaboojiyey matoorka waxay dib ugu laabanayaan raytooraha halkaas oo lagu qaboojinayo. Habka qaboojinta matoorka: Matoorka waa shay ay gudihiisa ka socdaan olol ay dhaliyaan bostomada waxa uuna ubaahan yahay qaboojin oo kala ah: Matoorka oo kuqabooba biyo iyo hawo Matoorka oo kuqabooba hawo kaliya Matoorka kuqabooba biyaha iyo hawada; waxaa matoorkaas qaboojiya biyaha sidoo kalena waxa biyaha qaboojiya hawada, hadii …

Read more 0 Comments
Xirfadaha & Teknolojiyada

Xirfadaha Gawaarida: Bareega, Kileeshka, Santuukha Geerka, Isteerinka iyo Tuulka Baabuurta

Maqaalkan waxxaa uga hadli doonaa: Bareega, Kileeshka, Santuukha Geerka, Isteerinka iyo Tuulka Baabuurta. Haddii aadan horey u arkin ama aadan u akhrisanin cashiradii ka horeeyay kuwaan waxaad booqan kartaa halkaan oo fadlan riix halkaan: https://afrikaan.so/archives/author/maxamed2020 Bareega: Bareeegu waa hab istaajiya ama joojiya gaariga. Gaari walba inta lugo uu leeyahay ayaa bareegiiisuna yahay, oo lug walba bareeg iyada qabta ama joojiya ayey leedahay. Sidoo kale bareegu waa meesha soosaarta awooda lagu yaraynayo ama lagu ilaalinayo socodka baabuurka (waxa uu soosaaaraa awooda lagu dhimayo ama lagu joojinayo socodka baabuurka waxa uuna kuxiran yahay dhamaan taayirada oo dhan). Qaybaha bareega: Badeel Hanta bareega Bokis …

Read more 0 Comments
error: Content is protected!!