Posts in category Siyaasadda & Diplomasiyadda


Siyaasadda & Diplomasiyadda

Waa Maxay Danbi Qaran “State Crime”?

Dembiyada ugu daran dunida casriga ah, macno kasta oo lagu fasiri-karo waa ficilo inta badan lagu kaco, la abaabulo oo ay ku kacaan dowladaha iyo saraakiishooda: tusaale ahaan, xasuuq, dambiyada dagaalka, jirdil iyo musuqmaasuq. Marka loo fiiriyo Sharciga Denbi-baarista, dembiyada gobolka waa ficil ama ku guuldareysashada ficil ku xadgudbaya sharciga dambiyada ee gobolka ama sharciga caalamiga ah ee dadweynaha. Ujeeddooyinkaas awgeed, Ross (2000b) wuxuu ku qeexayaa “dowlad” inay tahay mas’uuliyiin la soo doortay lana magacaabay, xafiis-dowladeed, iyo hay’adaha iyo ururrada ka kooban aasaaska dowladda. Tusaalooyinka Dembiyada Gobolka. Dembiyada waxaa lagu qeexi karaa sharciga oo loo adeegsaday qaab danbiyeed. Sidaa darteed, …

Read more 0 Comments
Siyaasadda & Diplomasiyadda

Waa Kumaa Hoggaamiyaha Iiraan, Aayatullah Cali Khameney?

Aayatullah Cali Khameney waa hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan, waana mas’uulka dhinaca maamulka ugu sarreeya waddankaas. Wuxuu leeyahay amarka ugu dambeeya ee dhammaan arrimaha la xiriira siyaasadda Iiraan. Ninkan, oo si weyn loogu yaqaanno inuu jecel yahay fikirka ay ku dhisan tahay jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, ayaa marar badan weerar afka ah ku qaaday dalalka Reer Galbeed-ka, gaar ahaan Mareykanka, oo uu aad u neceb yahay. Inkastoo uu si buuxda u taageerayay kooxda dalkiisa u qaabilsaneyd wadaxaajoodyada barnaamijka nuclear-ka Iiraan, haddana Aayatullah Khameney wuxuu marar badan muujiyay sida uusan ugu qanacsaneyn natiijadii kasoo baxday wadahadalladii dhex maray Iiraan iyo …

Read more 2 Comments
Siyaasadda & Diplomasiyadda

Immisaa Waddan Ayaa Heysata Hubka Nuclear-ka, Meeqa xabo ayaase taalla adduunka?

Xilligan oo ay taagan tahay xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Iiraan, sheekadan waxaad wax badan uga fahmi kartaa arrimaha hubka nuclear-ka. Hubkan waxaa loo aqoonsaday inuu yahay midka wax gumaada ee khasaaraha ugu weyn u geysan kara dunida. Qaraxyadiisu aad ayey u awood badan yihiin, hal bambo oo nuclear ahna waxay baabi’in kartaa magaalo dhan. Qumbuladaha nuclear-ka waxay aad uga waxyeello badan yihiin xitaa bambada ugu weyn adduunka ee aan nuclear-ka ahayn Waxaa jira waddamo badan oo ay ka mid tahay Iiraan, kuwaasoo aan loo oggoleyn inay yeeshaan awoodda nuclear-ka, halka kuwo kalena ay heystaan. Waxaa laga yaabaa in aad …

Read more 0 Comments
Siyaasadda & Diplomasiyadda

Yaa Qaraxa Mas’uul Ka ah?

Dhammaan ammaan oo dhan waxay u sugnaatay Allah (SWT) ee nagu manaystay nimcooyin badan oo an xisaab lahayn iyo Rasuulkiisii suubanaa Muxamed (CSW). Intaa kadib waxaan salaamaynaa guud ahaan muslimiinta gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed. Asalamu calaykum Warraxmatullaahi wabarakaatuhu. Waxaan halkaan idiin ku soo gudbin doonaa qormo aan ugu magac daray WAR YAA QARAXA MAS’UUL KA AH?, waxaan rabaa in kaliya aan muujinno in ay imaan karaan su’aalo badan oo ku aadan qaraxyada sida joogtada ah uga dhaca magaala madaxda dalka ee Muqdisho. Qormadani cid gaar ah kuma wajahna!. Qaraxyada sida joogtada ah uga dhaca magaalada Muqdisho ma mudan yihiin in …

Read more 0 Comments
Siyaasadda & Diplomasiyadda

Cilmiga Falsafada Siyaasada “Political philosophy”

Waa Maxay Cilmiga Falsafada Siyaasada “Political philosophy” Falsafadda siyaasada, oo sidoo kale loo yaqaan aragtida siyaasadeed, waa cilmiga barashada mowduucyada ay ka mid yihiin siyaasadda, xorriyadda, caddaaladda, hantida, xuquuqda, sharciga, iyo hirgelinta shuruucda awoodda. Falsafada siyaasada waa laan falsafadeed, sidoo kale waxay qayb weyn ka qaadataa cilmiga siyaasada, taasoo xooga saaraysa taariikhda fikirka siyaasadeed iyo aragtida siyaasadeed ee casriga ah. Falsafadda siyaasadeed waa daraasadda su’aalaha aasaasiga ah ee ku saabsan dowladnimada, dowladda, siyaasadda, xorriyadda, caddaaladda iyo hirgelinta sareynta sharciga. Cilmiga falsafada waxay jawaabo badan ka bixisaa su’aalo u baahan in aadanaha ay ka jawaabaan sida “Waa maxay dowlad?” “Maxaa dowladaha …

Read more 0 Comments
Siyaasadda & Diplomasiyadda

Xisbiyada iyo Bulshada Diyaar Ma u yihiin Doorashada 2020?

Doorashadu waxaa loo arkaa in ay tahay tiir kamid ah dimuqraadiyadda, iyo dawlad wanaaga, taageeradda beesha caalamka ee Soomaaliya waxay qorsheeyeen 2020 in dalka uu galo doorasho qof iyo cod ah, si loo hubiyo dimuqraadiyeeynta iyo dib-u-dhiska dalka. Guddiga madaxbanaan ee u xil saaran qabanqaabada doorashooyinka ayaa qaaday  tallaabooyin lagu hubinayo suurtagalnimada Doorashada, sida Diiwangelinta xisbiyada. Ilaa haddana waxaa diiwangeshan in kabadan 57 Xisbi, sida ku cad bogga Guddiga. Aqoonyahanada badanaa ayaa isweeydiiya suurtagelinimada doorashadaan iyagoo markaas u arka tallaabooyinkan guddigu qaaday in aysan hubin karin doorasho xor iyo xalaal ah, islamarkaasna ka hadlay saameeynta doorashada ay ku yeelan karto …

Read more 0 Comments
Siyaasadda & Diplomasiyadda

Sida Loo Xaqiijiyo Amniga Dhismayaasha

Amnigu waa mowduuc balaaran oo kala leh laamo badan balse si guud waxaa loogu qaybin karaa amniga dadka ‘human security iyo amniga qaranka ‘state security, amniga dadka ayaa u sii kala baxa todoba qaybood inkasta oo labadaas nooc ee guud mar mar isku soo noqdaan, marabo inaan amniga si guud uga faaloodo balse waxaan rabaa inaan ka hadlo sida loo ilaalin karo amni dhisme. Dhisme waxa uu noqon karaa hal dabaq, hal guri ama dhisme warshadeed/Kambani laakiinse waxa ay wadaagaan qaabka loo ilaalin karo amniga goobtaas si looga hortago in koox hubaysan soo weerarto oo dad layso, in wax laga …

Read more 0 Comments
Siyaasadda & Diplomasiyadda

Trump Ma Wuxuu “saliid ka xadayaa” Suuriya?

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in uu filayo in Maraykanku bishiiba ka faa’iido malaayiin doolar shidaalka Suuriya inta ay ciidamada Maraykanku dalkaa joogaan. Madaxweynaha Suuriya Bashar Al-Assad oo hadalkaa ka falceliyey ayaa Maraykanka ku eedeeyey in uu “ka xadayo shidaalka” dalkiisa, Ruushka oo ah dal weyn oo taageera Assad ayaa isna ku tilmaamay arintaas “qawlaysi dawladeed oo heer caalami ah”. Bal hadaba yaa gacanta ku haya ceelasha saliidda dalkaas oo ka faa’iida? Quwadaha waaweyn oo u haliilaya gacan ku haynta Maraykanku wuxu shaaciyey in uu ciidamadiisa kala baxayo woqooyiga Suuriya bishii Oktoobar, laakiin ilaa haatan waxaa jooga 500 oo askari …

Read more 0 Comments
Siyaasadda & Diplomasiyadda

Fursad Ku Raadis iyo Fudeydnimo

Maqaalkan qoraaleed waxa aan ku tibaaxi doonaa hakadkii dhawaan lagu sameeyey madaxdii hore ee dalka Soomaaliya, hakadkaasi oo ahaa safar ay masuuliyiintan doonayeen in ay ku booqdaan fatahaadaha ka jira magaalada Baladweyne. Waxaa mudo dhowr saacadood ah lagu xanibay Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sh. Axmed oo labaduba ah madaxdii dalka soomaray ee 8deedii sano ugu dambeyay xukunka wadanka majaraha u hayay waxaana buuq iyo is jiid-jiid daba dheeraaday ka dib loo fasaxay madaxdan in ay tagaan magaalada Baladweyne hadana inta ay diyaaraddaasi hawada ku jirtay waxaa dhacday in duuliyihii diyaarada waday lagu amray in uu dib usoo laabto sababo …

Read more 0 Comments
Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & DuniddaSiyaasadda & Diplomasiyadda

Kacaankii Hormarinta Burkiino Safo (1983-1987)

Sankara waxuu dhashay sanadkii 1949 bishii December, waxuu ku dhashay magaalada Yoko ee dalka Burkino Faso, waxuu dugsi dhexe iyo dugsi sare ku dhameeyey magaalada Bobo-Dioulasso ee dalkaasi. Markuu dhamaayey dugsi sare, waxuu ku biiray ciidamada milatariga, isagoo da’ ahaan jiray 17 sano balse waalidkiis waxay la jeclaayeen inuu noqdo wadaad kaniisadeed, isaguna waxuu majeertay ciidannimo, markuu kusoo biiray milatariga, waxaa laga dareemayey firfircooni saa’id ah isagoo waliba da’yar. Sanadkii 1970, waxuu tababar milatari u aadey wadanka Madagakar, waxuuna kasoo laabtay 1973, xiligaas oo uu kasoo qalin jabiyey tababarkii Madagaskar. Waddanka burkino faso waxaa gumaystay Faransiis, waxuuna madax baaninada qaatay …

Read more 0 Comments
error: Content is protected !!