Posts in category Aqri


AqriDhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Adigu Sidee Ayaad Bulshada u Saameyn Kartaa?

Bulsho waa koox isku af, dhaqan iyo diin ah oo ku nool hal meel, waxa ay sameeyaan nolol guud, sababtoo ah aadanuhu kaligiis masameyn karo nolol, noloshu waxa ay ku xirantahay inta aad la nooshahay iyo meesha aad iskula nooshihiin. Shaqsiyadda Qofka iyo Saameynta Bulshada? Qofku waxa uu saameyn xooggan ku yeelan karaa bulshada uu la noolyahay, taasina waxaa qeyb ka ah isku xir naanshaha ka dhaxeeyo bulshada, bulshadu waa ey iscaawiyaan, hal meel ayay ku kulmaan, aragtiyo ayay kala qaataan isku xirnaanshahaasina waxa uu sababaa saameynta ugu weyn ee wax la saameyn karo. Aragti gooni ah ayaa loo yeeshaa …

Read more 0 Comments
AqriCaafimaadka iyo Sayniska

Maxaa Sababo Ibidda Canugga Inay So Fuqda Waqtigeeda Ka Hor?

Ibidda waxa ay canugga siisaa nafaqo,waana halka uu ka neefsado inta uu ku jiro ilma galeenka. Ibiddu waxa  ay darbiga ilma-galeenka kasoo fuqdaa marka uu canugga  dhasho ka dib. Mararka qaar  ibiddu waxay kasoo fuqdaa  darbi ilma galeena inta ay Hooyada Uurka leedahay. 1000kii Hooyo ee uur leh 9 kamid ah ayaa lagu arkaa karaa. Badanaa Hooyada waxaa lagu arkaa marka uu uurkeeda uu maraayo 24 isbuuc ama 6 bil, mararka qaarna waxaa lagu arkaa bilaha dambe ee uurka sida bisha 8aad ama bisha 9aad . Calaamadaha Kasoo Muuqda Hooyada Uurka Leh Marka Ay Ibidda Soo Fuqdo Waxaa Kamid Ah: …

Read more 0 Comments
AqriCaafimaadka iyo Sayniska

Maxaad Ka Taqanaa Cuduradada Beerka Weyneyo?

Beerka waa xubinta ugu weyn xubnaha ku jira caloosha. Jirkana waxa uu u qabtaa shaqooyin aad muhiim waxaana kamid ah: Waxa uu shiidaa duxda. waxa uu jirka kale dagaalamaa infekshannada soo weeraro. waxa uu xukumaa xinjireynta dhiigga. Waxa uu burburiyaa daawoyinka. Waxa uu jirka u  keydiyaa sokorta. Beerka waa xubinta kali ah oo dib usoo dhalato qalniinka ka dib, haddii aad qeyb kamid ah beerkaaga aad qof ugu deeqdo. Waxaa Jiro Cudurdo Ku Dhaco Beerka Oo Weyneyo  Waxaana Kamid Ah: Cudurada ku dhaco beerka. Kansarka dhiigga. Infekshanka ku dhaco beerka. Kansarka beerka. Cuduro uu qofka ku dhasho. Wadnaha iyo xididiisa …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Waa Maxay Maalinta Jaceylka Adduunka?

Guud ahaan dunida maanta oo kale waxa laga dabbaal dagaa maalinta jaceylka adduuunka (Valentine’s Day). Inta aynaan ugalin taariikhda iyo wakhtiga ay maalintani bilaabmatey. Maxaad ka ogtahay waxyaabaha dhaca maalintan? Balse ma noqon kartaa maalin ay dad Muslim sheeganayaa udabbaal degi karaan?. Haddey uddabaal dagaanna, ma haboontey inay sameeyaan waxyaabha dadka Diinta kiristanka haystaa Sameeyaan. Ma ogtahay in maalintan 14ka Feebarweri, ay kumanaan kun oo hablood (Gashaantimo) oo caalamka ku nooli waayaan fursaddoodii Bikro nimo. Sidoo kalena Kumanaan kun oo wiil oo caalamka ahi, qaadaan xanuunada galmada la isugu gudbiyo, Sida HIV/AIDS. Ma ogtahay in maalintan ay caadi iska tahay …

Read more 0 Comments
AqriCaafimaadka iyo Sayniska

 Maxaa Sababo In Uu Wadna Garaaca Bato?

Wadno garaaca badan waxa uu kamid yahay cudurada ugu caansan ee ku dhaco wadnaha, waana marka uu garaaca wadnaha ka bato daqiiqaddii 100mar. Halka laga rabo qofka caafimaadka qabo garaaca wadnihiisa in uu noqdo inta u dhexeyso 60-100 mar daqiiqadii. Sida caadiga ah qofka marka uu sameeyo jimicsi ama uu xanuunsado waxaa bato garaaca wadnihiisa, taasina laguma tirin karo xaaladaha caafimaad daro ee ku imaado wadnaha. Wadnahaagu wuxuu ka kooban yahay afar qol – laba qol oo sare (atria) iyo laba qol oo hoose (ventricles). Garaaca wadnahaaga waxaa sida caadiga ah u xakameeya hawo-mareen dabiici ah oo loo yaqaan ‘sinus …

Read more 0 Comments
Aqri

Jidkii Qodxaha Badnaa ee Waxbarashada

Sidii hadba albaab waxbarasho iiga soo xirmayey. Hadda waxay u egtahay in uu kii ugu danbeeyey iga soo xirmay, balse intii naftu igu jirto firig-firig dayn mayo oo hadba meel baan saloolan bal inaan arko fursad kale. Shan sano ka hor waxaa naga xirmay iskuulkii magaalada oo dhan indhaha u ahaa. Ardada waxii xiisaynayey waxbarasho waxay noqdeen fiin firirtay, intii aan heli karin qoys ama meel kale oo ay waxbarashada kasii wadan-kareen gabbal baa u dumay, waxay noqdeen inay weheshadaan waxbarasho la’aan. Waxaan galay sahan waxbarasho. Naftayda kaliya ma ahane dadkale baa iga war sugayey. Markaan imid magaalada caasumadda u …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha & SiyaasaddaDiinta Islaamka

Asalka iyo Bilowga Wadaaddada Soomaaliya: “Diin mise Dan kale!”

Eebbe ( kor ahaaye) waxa agtiisa ugu qaalisan waa carruurta Nebi Aadem dhaley, iyaga ayaana waxkasta ka sarreeya oo ka qiimo badan; dhanka kalena, waxaa lagu lammaaneeyey ruux kasta oo sanku-neefle ah ( karaamo) ilaahey xaggiisa ka ahaatey. Eebbe ( kor ahaaye) umuu abuurin ilmo Nebi Aadem u jeeddo aan ka aheyn iney (Caabuddaan); oo u hoggaan samaan xaggiisa. Taas waxa weheliya, iney jiraan waxyaabo lagu kala abaalmarinayo nolosha dabaddeed, taas oo ku suntan: janno iyo naar. Si haddaba, janno iyo naar loogu kala dooro, maya.! Ee isagu u doorto, waa iney jiraan waxyaabo ku kallifaya inuu raaco ama diido. …

Read more 0 Comments
Aqri

Sidii Aan Kugu Lisay Iiguma Aadan Hambeyn

Sareedo waxa ay aheyd gabar dhammeysay dugsiga  sare ee waxbarshada. Sida caadiga ah ardayda marka ay dhammeeyaan dugsiga sare waxa ay billaabaan daraasadda Jaamacadda. Aradaydii ay Sareedo isla dhammeeyeen dugsiga sare waxa ay Jaamacado u kale aadeen Caasimadaha kala ah: Muqdisho, Khartuum, Ankara iyo Qaahira. Hooya Axado waxa ay dhaxda u xiratay sida ay gabadheeda Sareedo ay oga  dhowri lahayd ciil  iyo cuqdad waliba.Waxayna go’aanstay inay u dirto Caasimada Soomaaliya si ay daraasadda Jaamacadda halkaa uga dhigato. Hooya Axado waxay aheyd mid ka shaqeyso maqaayad, waxayna  tiir iyo tacab ku bixin jirtay sidi ay gabadheeda wax u baran lahayd. Qarashaadka …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Kibirka iyo Isla Weynida

Eike Fuhrken Batista da Silva, waa hantiilihii iyo milyaneerkii reer Brazil. Hantidiisa waxa lagu qiyaasi jiray ku dhowaad 40 billion oo dollarka Maraykanka ah. Waana ninkii yidhi: “haddii hal Milyan oo dollar dhulka igaga dhacdo, lagama yaabo in aan raadiyo – wakhtina kulumiyo ee waan iska dhaafi lahaa. Sida ay shaacisay warbaahinta Forbes ee ka faalootaa arrimaha maal-qabeenada, waxa ay tibaaxday in Batista da Silva yahay ninka siddeedaad ee ugu taajirsan dunida. Halka uu noqday ninka ugu taajirsan qaaradda Koonfurta Ameerika iyo Brazil. Waxa uu ka ganacsan jiray macdanta, saliidda iyo dahabka. Haddaba arrinta mucjisada iyo amakaaga leh waxa ay …

Read more 0 Comments
Aqri

Haddii Indhuhu Yihiin Muraayadda Qalbiga, Jidhkunaa Waa Muraayadda Shucuurta

Ishaarooyinka jidhka [= Body languages] Bilmatal haddii aynu isku dayno in aynu qof darisno ama u kuurgalno waxa uu dareemayo ee laabtiisa ku jira (Inkasta oo Eebbe weyne yahay ka keliyaata ee ogsoon waxa qarsoon); waa in aynu eegnaa oo dhawrnaa ishaarooyinka ay bixinayaan jidhkiisu oo ah waxa loo yaqaan (Body languages). In la derso xaaladda qof ku sugan yahay ama la la socdo ishaarooyinka jidhkiisa iyo dareemayaashiishu bixinayaan waa kuwo adduunka si weyn loogu kuur galo. Waa barta iyo barada ay ka shiidaal qaataan culimada baadha denbiyada iyo gabood fallada (Forensic Criminology). Marka aad damacsan tahay in aad qof …

Read more 0 Comments
error: Content is protected!!