Posts in category Akhri


Falsafada iyo Siyaasada arrimaha bulshada

Doodaha “sinnaanta ragga iyo dumarka” Maxay Salka ku Hayaan?

Dhammaan mas’alooyinka doodaha ka dhexdhaliya qawaaniinta ummadaha ay samaystaan kuna dhaqmaan inta badanna gender-ka xidhiidhka la leh ma aha doodahaasi kuwa iska samaysma, ee waa dood ku qotonta fikrado kala duwan oo saamayn ku leh qawaaniintaas, tusaale ahaan ciqaabaadka adag ee Islaamka (xuduuda), qaybta dhaxalka ragga iyo dumarka, isla guursashada dumar badan iwm, waa mas’alooyin doodo ka jiraan qawaaniintuna ku kala duwan tahay. Kala duwanaanshahaasina waa mid ku salaysan afkaar qawaaniintaas lagu saleeyay, qofkii raba marka inuu wax ka ogaado arrimahan ama doonaya inuu daraaseeyo waa in uu daraaseeyaa afkaarta keentay kala duwanaanshaha iyagana uu qaymeeyaa xadiga saxnaansho ama saxnaasha …

Read more 0 Comments
Falsafada iyo Siyaasada arrimaha bulshada

Soomaaliya: Loolankii Sodonkii Sano Ee U Dambeeyay!

Sodonkii sano ee la soo dhaafay ee dalku burburka iyo dib u soo kabashada ku jiray waxaan u qaybin karnaa loolanka ka taagnaa dalkeena labo loolan oo mid walba waqti uu lahaa: Loolankii sokeeye: waxaa dalka isku haystay qabaa’ilka soomaalida, waxaa dhacayay dagaalo sokeeye oo aad u kharaar, waxaa jiray barakac iyo burbur baaxad leh, waxaa maalinba maalinta ka dambaysa sii dumayay intii ka harsanayd astaamihii qaranka. Marxaladaas adag dawladdaha caalamka ee Soomaaliya daneeya iyo guud ahaanba Geeska Afrika waxay ahaayeen kuwa kor ka eegta sida wax u socdaan, la’na meel ay kala qabsadaan dadkan is cunaya, iyo kuwo ku …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

“Waan ku nafisay inaan wax ka qoro kufsigi la ii geystay” – Michella Koela

Michella Koela oo ah gabar qoraa ah oo filimaantana jisha ayaa sheegtay iney taariikhda kufsiga ee loo geystay oo ay filim ka qortay uu culeys badan uu maskaxdeeda ka riday. Michella waxay aad ugu caan baxday oo lagu yaqaannaa flimkeeda taxanaha ah ee loo yaqaanno ‘Chewing Gum’. Xilliga wuxuu ahaa xilli ay Michella qoreysay qaybta labaad ee filimka taxanaha ah ee ‘Chewing Gum;. Maalin maalmaha ka mid ah inta ay qoraalka waddo ayey dhexda fasax ka gashay. Waxayna billaawday iney saaxibaddeed arrima badan ka sheekeystaan. Waxay markiba xusuusatay arrima badan oo nafteeda madow badan geliyo isla-markaana noolasheeda utun ku reebay. …

Read more 0 Comments
Falsafada iyo Siyaasada arrimaha bulshada

Howgallada Farsamo ee Gaarka ah (Special Tactical Operations)

Halganka ka dhex aloosan nidaam meel ka jira iyo mucaaradka hubaysan ee ka soo horjeeda, wuxuu unkay hawlgallo gaar ah maaddaama dagaal toos lagu kala adag yahay. Hawlgalada se laguma kala adka. Waxaa jira qorshe gaar ah oo loogu yeero howlgallada farsamo ee khaas ka ah(Special Tactical Operations), waa hawl khaas ah oo ay qabtaan dad gaar ah, oo lagu soo xushay tayo gooni ah. Waxay isugu jiraan shirqoolid, qarxin, burburin, weerarid, af-duubid, qabsasho iyo mid looga golleeyahay siidayn maxaabiis. Shaqsiyaadka fulinaya hawlgalkaan waxaa lagu soo xushaa muuqaalka iyo dagaalyahannimada, aqoonta ay hubka u leeyihiin, dhiifoonnimada, garashada, awoodda sir-qarinta, degganaanta, …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Tusaha kalgalka

  Tusaha kalgalka waa Tuse ay ku habaysan yihiin curiyayaasha kiimikeed, kuwaas oo u urursan tiro-atam, ratibaad elektaroon iyo astaamo kiimikeedkooda. Qaabka tusuhu waxa uu muujinayaa kalgal isbedelka curiyayaasha. Todobada safe e tusaha waxaa loogu yeeraa “kal”, siguud dhinaca bidix waxaa uga jira biraha ah dhinaca midigna waxa uga jira curiyayaasha bir ma-ahe ah. Joog-u-taxa tusaha waxaa loogu yeeraa “ururro” kuwaas oo ururkasta ka kooban tahay curiyayaal leh dabeecad kiimikeed isku mid ah. Ururadu waxa ay leeyihiin magacyo ugaarah, sida curiyayaasha ururka 17aad waxaa looguyeeraa halajiino halka curiyayaasha ururka 18aadna loogu yeero neefaha wahsada. Tusaha kalgalka   Curiyayaasha kiimikeed: Marka …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Walxaha kiimikeed ee saafida ah iyo kuwa aan saafida ahayn

  Curiyaha saafida ah ama isku dhiska saafida ah, waxa ay ka kooban yihiin hal walax oo walax kale kuma ay dhexjirto. Shayada aan  saafida ahayn waxay noqon karaan isku jirka curiyayaal, isku jirka isku dhisyo ama isku jirka isku dhis iyo curiye. Walxaha kiimiked ee saafida ah: Cunooyinka iyo cabitaanada waxaa lagu xayeysiiyaa in ay yihiin saafi. Tusaale, waxaa arkaysaa kartoomada “casiir liin macaan saafi ah” , “biyo saafi ah”. Taas oo la micno ah in aana waxkale lagu darin intii lagu gudo jirey soo saaridooda warshadeed. Sikastaba, saynis ahaan marka aan u eegno walxahan ma ahan kuwo saafi …

Read more 0 Comments
Akhri

Madax-Addeygii Rer Banii Israa’iil Iyo Xujooyinka Caddaa Ee uu Alle la siiyey.

Rer banii israa’iil waxa ay ahayeen dadkii ama bulshadii  uu Allah usoo direy Nabi Muuse Cs, taariiq-yanahadda qaarna waxa ay sheegaan in ay asal ahaan kasoo farcameen Nabi yacquub Cs. Waxa ay ku caan baxeen madax addeeg iyo xaqa oo la diido, mar walibo oo xaqa loo sheegana ma aysan qaaddan jirin,mararka qaarna diidmo iyo dil ayey isugu dari jireen Anbiyadda uu Allah u soo diray. Waxaa uu Allah ku yiri Magaaladda gali idinka oo sajuudsan madax-addayg waxa ay ka qabaan magaaladii waxa ay galeen ayagga oo salka ku siqaayo!!! Waxa ay nabi Muuse Cs ku dhehen ma rumeynaynno  Allaah …

Read more 0 Comments
AkhriDiinta Islaamka

Maxaad ka Taqanaa Madaahibta Afarta Ee Laga Qaato Fahanka Diinta.

Fahamka Diinta Islaamka waxa ay soo shaac baxday xilligii Suubanaheenna NNKH, waana waqtigii uu soo daggaayey xukunadda Shareecadda Islaamka. Subanaheenna NNKH  waxa uu ahaa mid u caddeyo dadka  xukunadda Islaamka iyo sharuudahooda. Waliba waxa uu ku xoojin jirey  hadal ama ficil uu sameeyo. Ka dib waxaa soo baaxay goobo lagu barto fahamka ku dhaqanka shareecada islaamka sababo la xariiro hormarka nolosha iyo baahi weyn oo loo qabay in la caddeeyo arimo soo ifbaxay,ayadoo waliba xukunadda lagala soo baxaaya Qur’aanka iyo Sunnada Subanaheenna NNKH. Ugu danbeyntii waaxaa soo caan baxay Afar Mad-hab ee laga qaaddanayo fahamka iyo ku dhaqanka shareecada waxa …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Falgalada Kiimikeed ee Sahlan

  Falgal kiimikeedku waa cadaynta in uu dhacay isbadal kiimikeed. Alaabta bilowga ahi waxa ay isku badalayan alaabo cusub ama noocyo kiimikeed oo kale. Sidee u garan karnaa in uu dhacay falgal kiimikeed? Hadii aan aragno mid ama in ka badan oo kuwan soosocda ah waxaa oran karnaa waxaa dhacay falgal kiimikeed: Isbadal midab Xumbo In uu samaysmo ruushi ( in milanka ay kudhex samaysmaan adkayaal yaryar ah)  kulka oo isbadala Waxaa jira falgalyo aad u tiro badan oo kala duwan, laakin guud ahaan waxa loo kala qaybiyey 5 qaybood oo sahlan. Fagalka isku darka tooska ah: Falgaklka iskudarka tooska …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Milanada Kiimikeed

  Milan waa isku jir isku kaan ah oo ka kooban labo walax ama in kabadan. Milanadu waxa ay u jiri karaan wajiyo badan. Milanku waxa uu a kooban yahay milme iyo mile. Milme waa walaxda ku milanta milaha. Xadiga milmuhu uu ku milmo milaha ayaa loogu yeeraa milankiisa. Tusaale, cusbadu waa milme ku milanta biyaha oo ah mile. Milanka ay xubnihiisu halka waji yihiin, walxaha ku jira ee ugu ribanaanta yar waa milmayaal, halka walxaha ugu badan ee ku jirana ay yihiin milayaal. Tusaale hadaan sooqaadano hawada, oksijiin iyo kaabon labo oksaydh waa milmayaal halka naytarojiin ay tahay mile. …

Read more 0 Comments
error: Content is protected!!