Posts in category Aqri


Caafimaadka iyo SayniskaQoyska & Horumarinta Bulshada

Maxaa Muhiim U Ah Noloshaada?

  Aqoonta waa awooda koowaad oo ku fahansiiso muhiimada aad u nooshahay iyo waxa adiga muhiim kuu ah. Hadaba ogaaw waxaad barato waa wax adiga muhiim kuu ah kuna anfici doona. Ku bixi waqtigaaga dadka wanaagsan oo ku dayashada mudan, si aad u hesho caqli nadiif ah oo aad kaga guuleysato nolosha caajiska badan. Nolosha caajiska badan waa horseedaha bur-buriyaha qalbiga haddii taasi dhacdana waxaa gebi ahaanba bur-buray noloshaada oo idil. Waqti horre go`aan qaado, go’aan qaadashada ma ahan wax dhib yar mana ahan wax markiiba lagu deg-dego. Maah-maah Soomaaliyeed ayaa ah “deg-degsiimo door ma dhasho” marka waxaa loo baahan …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Maxay Kulla Tahay Haddii Qabyaaladdu Gashay Xittaa Ardayda?

  Waxay aheyd galab saacadu ay ku aadantahay sagaalkii ama 3-dii galabnimo hadba sidda aad u taqaano. Waxaa wal-wal wada haayay dhammaan ardayda Jaamacada ayagoo markaas ay ka murugeysanyihiin natiijada imtixaanka taas oo qaadhkood soo qaateen natiijadooda. Waxaa jiray guux iyo sawaxan ka dhax dhacaayay ardayda dhexdooda waxey is weydiinaayeen su’aallo dhowr ah waxey ahaayeen kuwada sheekeynaayeen imtixaanka iyo dabeecadda qaar. Midkii daraja yar haaysta waxuu eeedeynaayay macalimiinta assagoo ku eedeynaayay ineey qabyaallad ahaan u saxeen imtixaanka. Midkii dadaalay oo daraja fiican helayna  lagu xumanaayay inuu yahay mid macalin hebal cidiisa ah taasi waxaaa ka darneed  markaan soo fariistay geed …

Read more 1 Comment
Caafimaadka iyo SayniskaDhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Sidda Ugu Fudud oo Aad Ku Noqon Karto Qoraa La Hubo!

“ Qoraalku waa shaqo la qabto ta ugu adag xataa wuxuu ka dhib badan tahay ugaadhsiga Yaxaaska waaweyn” Waxa diyaariyey Liibaan Cabdulqaadir Qofka banii’aadamka ahi wuxuu u baahan yahay inuu marar badan dibbeda iskaga soo saaro oo uu iska faaruqiyo waxyaabo badan oo maskaxdiisa mashquulisay si caqligiisu uu u qaato neefsi ku filan oo nasasho iyo fikir dambe ku  abaabuli kara. Dibna iskugu habayn kara  inuu  jaleeco waxyaabo badan oo aan wali  arag amma akhriyin. Markuu qofku is yidhaahdo tallaabdan qaad waxa soo shaac baxda inaanu marar badan awood u yeelan inuu si quman u tuujiyo fikirkii uu niyada ku …

Read more 0 Comments
AqriCaafimaadka iyo Sayniska

Cancerka: Baaq horumarinta radiotherapy

Malaayiin qof adduunka ayaa u dhinta sanad walba Cancer laga hortagi karo oo lagu daawayn karo radiotherapy, sida ay sheegeen dhaqaatiirta. Tiro cusub oo soo baxday ayaa sheegaysa in tobankii qofba sagaal kamid ah wadamadda saboolka ah aysan heli karin radiotherapy. Xitaa wadamadda lacagta leh oo ay adeegyada ay ka jiraan, ayaa xeeldheerayaasha ay ka digayaan inay jirto qalab yari iyo shaqaale tababaran. Ilaa 60% bukaanka Cancerka ayaa u baahan radiotherapy waqtiga daawayntooda. Waa daawo muhiim u ah dadka Cancerka qaba, oo ay ku jiraan Cancerka naasaha iyo xubnaha taranka ee raga. Si kastaba ha ahaatee, waddammada dakhligoodu uu hooseeyo helitaanku waa uu …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta BulshadaWARBAAHINTA

WHO oo badashay talooyinka HIV

Hayadda Qaramada Midoobay ee caafimaadka ee WHO ayaa badashay talooyinkeeda ku saabsan HIV, iyagoo soo jeedinaya in qofkii laga helo viruska cudurkaas lagu daaweeyo daawada anti-retroviral isla markiiba. WHO ayaa sheegtay in tijaabo la sameeyay ay sheegtay in hadii goor hore la isticmaalo daawada ay dheeraysay nolosha dadka qaba HIV, ayna hoos u dhigtay qatarta gudbinta Viruska keena AIDSka. Waxay markii hore dhaqaatiirta kula taliyeen, in la sugo ilaa habka difaaca jirka uu sheego inay jiranayaan intaan daawada la siin. Talooyinka cusub ayaa badinaya dadka daawooyinka la siinayo oo ka dhigaya ilaa soddon iyo toddobo milyan oo qof.  

Read more 0 Comments
AqriQoyska & Horumarinta Bulshada

Waan Hubaa Haddii Aad Aqrisato Inaad Ilmayneyso!

Sacdiyo waxay ahayd gabar kunool magaalada Kismaayo gaar ahaan xaafada calanleey Waxeey eheed gabar qurux badan jecelna wax barashada aadna u fur furan. Walaalkeed oo joogay Sweden ayaa soowacay waalidkii una sheegay Sacdiyo ineey imaato Nairobi si uu uga kaxeeyo. Hassan oo ahaa Sacdiyo aabeheed ayaa u sheegay sacdiyo ineey dhowaan u anba bixi doonto dalka kenya kadibna kasii aadi doonto Sweden. Sacdiyo ayaa timi boosteejada laga soo anba baxo ee kutaala wadada Somali Star ee xaafada Calanleey. Sacdiyo ayaa sidan ku biloowday shekadeedi. 1/8/2008 waxeey eheed maalinta aan kasoo anba baxaayay magaalada kismaayo anigoo usoo kici tamaayay magaalada Nairobi.waxeey …

Read more 2 Comments
Siyaasadda & DiplomasiyaddaWARBAAHINTA

Maxaa Mooshinkii Madaxwaynaha Loogu laabtay?

War ka soo baxay baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in la laalay mooshinkii ka dhanka ahaa madaxwaynaha dalka Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud. Mooshinka ayay horay ugu soo gudbiyeen baarlamaanka xildhibaanno sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay u soo jeedinayaa eedo dhowr ah. Warka ayaa lagu sheegay in xalka la gaaray kadib markii xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka ee mooshinka soo jeediyay ay ogolaadeen wadahadalka lala yeehsay kadib markii ay kulmeen dhinacyadii uu khuseeyey mooshinka. Wariyaha BBC Ibraahim M Adan oo uu soo gaaray nuqul ka mid ah warka qoraalka ah ee ka soo baxay baarlamaanka, ayaa sheegay in la …

Read more 0 Comments
AqriMaqal & Muuqaal Arrimaha BulshadaQoyska & Horumarinta Bulshada

Kalsoonidda Nafta Waa Guusha Dhabta Ah

عَلَيْكُمْ السَّلاَمُ Assalamu Calaykum Ayaan daranaa qof liidaya nafsadiisa una arko wax aan qiimo lahayn, shaqsiyada xumo waxaa ugu liidata inaad nafsadaada liido weligaa nafsadaada halla barbar dhigin qof kale, kaliya isku day inaad sameyso sidda ugu wanaagsan ee aad awoodo. Ma is weydiisay haddii aadan nafsadaada ku kalsoonaan cidda kugu kalsoonaan karto? sow ma ogid in uusan jirin qof la dhashay howsha uu qabto, ruux walbo waxa uu dhashay asagoo waxbo aanan garaneyn, hawl walbo oo uu qabtay maalin ayuu eber ka joogay oo uusan waxbo ka fahansaneyn. Ku kalsoonaanta nafta waa furaha lagu kaxeeyo gaariga guusha waana shardiga …

Read more 0 Comments
AqriWARBAAHINTA

Masaajidka ugu weyn Ee Qaaradda Yurub ayaa laga furay Ruushka

Masaajidka ugu weyn Qaaradda Yurub, ayaa maanta laga furay Xarunta Wadanka Ruushka ee Magaalada Moscow, iyadoo ay mar qura ku tukan karayan illaa 10 kun oo ruux. Masaajidkan oo laga hirgeliyay bartamaha Magaalada Moscow, ayaa noqonaya Masaajidka ugu weyn uguna dheer ee Masaajida ku yaala dalalka Yurub, sida uu sheegay Vladimir Putin, Madaxweynaha Ruushka. Madaxweynaha, ayaa maanta xariga ka jaray Masaajidkan, wuxuuna sheegay Islaamku in uu ka mid yahay dhaqan ahaan diimaha ay dadka Ruushku aaminsan yihiin. Madaxweynuhu wuxuu ammaanay dagaalka uu Islaamka kula jiro ururada mayalka adag ee dunida ka jira, isagoo tilmaamay dhibaatada ay gaysanayan xagjiriinta inaanay ka …

Read more 0 Comments
AqriSiyaasadda & Diplomasiyadda

Boqolkiiba 30 shacabka Maraykanka oo aaminsan in Obama uu yahay Muslim

Sahan uu sameeyay taleefishinka CNN iyo hay’ada ORC International ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba 30 dadka Maraykanka ah ay aaminsan yihiin in Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama uu yahay nin Muslim ah halka boqolkiiba labaatana la sheegay in aysan aaminsanayn in madaxweynaha Maraykanka uu ku dhashay wadanka uu madaxda ka yahay. Donald Turmp oo ah nin warfidiyeen caan ka ah dalka Maraykanka ayaa taageerayaashiisa waxa ay kala bar aaminsan yihiin in Obama uu haysto diinta Muslimka halka boqolkiiba 43 taageerayaasha xisbiga Republicanka ay aaminsan yihiin in uu Obama muslim yahay. Ninka lagu magacaabo Trump oo si weyn uga hadla arrimaha dalka …

Read more 0 Comments
error: Content is protected!!