Posts in category Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada


Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Dowladdii kacaanka ee 21-kii Oktoober,1969 ayaa ahayd middii ugu waqtiga dheereyd ee soo marta Soomaalida

Dowladdii kacaanka oo curatay 21-kii Oktoober, sannaddii 1969 ayaa ahayd middii ugu waqtiga dheereyd ee soo marta Soomaalida. Afgambiga wuxuu ka dambeeyay dilkii madaxwaynihii Soomaaliya, Cabdi Rsahiid Cali sharma’arke, ee 15-kii bishii October sannaddii 1969 oo lagu dilay magaalada Laascaanood. Markii uu dilkaasi dhacayay waxaa dalka Raisul wasaare ka ahaa allaha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Cigaal waxaa xilligii uu dilka dhacayay uu ku sugnaa magaalada New York oo uu uga qayb galayay shirkii Qaramada Midoobay, wuxuuna markii uu dilka maqlay uu si degdeg ah ugu soo laabtay dalka. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal markuu dalka ku soo laabtay wuxuu …

Read more 0 Comments
Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Wiilka George Floyd “ma joojin karo daawashada muuqaalka Geeridii Aabahay”

Fiidiyowga gacanta lagu duubay ee geerida George Floyd, sarkaalka Derek Chauvin, wuxuu kusii haayay jilib qoorta dhabarkiisa ilaa sideed daqiiqo ilaa uu Mr. Floyd joojiyo hadalka ama dhaqaaqa. Geeridii lama filaanka ahayd ee George Floyd – oo maanta 47 jir noqon lahaa – waxay ahayd dhacdadii ku salaysaneed jinsiyad-naceylka iyo naxariisdarrada booliiska Mareykanka. Wiilka George Floyd, ayaa sheegay inuusan joojin karin daawashada muuqaalka daqiiqadihii ugu dambeeyey aabihiis oo nool. Quincy Floyd ayaa madaxiisa hoos u fooraariyey oo wejigiisa daboolay markii uu maqlay oohinta aabbahiis ee soo noqnoqda ee ah “Ma neefsan karo”. Wiilka ugu weyn ee Mr Floyd ayaa u …

Read more 0 Comments
Diinta IslaamkaFalsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Maxay Dad Badan oo Masiixiyiin Ah ay Usoo Galayaan Diinta Islaamka?

Waxaa xaqiiqo ah in Islaamku si xawli ah ugu koraayo reer galbeedka. Dalka Mareykanka oo keliya tirada muslimiintu si aad ah ayey kor ugu kacday, laga bilaabo qiyaastii 10,000 sanadkii 1900 ilaa 3 milyan ama in ka badan sanadkii 1991 (masuuliyiinta qaar waxay dhahaan 4.5 milyan). Inta badan kobocaani waxaa sabab u ah soogalootiga dhowaan tagay Mareykanka iyo heerka dhalmada ee Muslimiinta (5 carruur ah qoyskiiba celcelis ahaan). Wali, tirada dadka soo galaya diinta Islaamka waa kuwo aad u tiro badan. Mareykanka dhexdiisa, badidoodu waa Afrikaan-Mareykan (seddex meelood meel dhammaan muslimiinta sida ay qabaan mas’uuliyiinta badankood). Maxaa dadka ku dhiirrigelinaya …

Read more 0 Comments
Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Dilkii George Floyd, Maxaa Isbedelay Cunsuriyada Mareykanka?

Wakhtiyadaan ugu dambeeyay dalka Mareykan waxaa ka dhacay mudaharaadyo badan kuwaasoo loogu soo horjeeday dilkii naxariis darada ahaa ee George Floyd. Geeridaan naxdinta laheyd ee George Floyd ee ku timid jilibka booliis caddaan ah oo magaciisa la yiraahdo Derek Chauvin ayaa dhalisay kacaan ay shacabka reer Mareykan ku doonayaan in George Floyd helo caddaalad. Fiidiyowga gacanta lagu duubay ee geerida George Floyd, sarkaalka Derek Chauvin, wuxuu kusii haayay jilib qoorta dhabarkiisa ilaa sideed daqiiqo ilaa uu Mr. Floyd joojiyo hadalka ama dhaqaaqa. “Uma baahnid inaad halkaas fadhiisatid iyadoo jilibkaagu qoorta saaran yahay,” ayuu ku dhawaaqay qof kamarad ka ag-dhowaa, isagoo …

Read more 0 Comments
Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Isu-dhigan: Xaalad Aan Caadi Ahayn – Xal aan caadi ahayn

Xaaladaha adag waxaa loogga samata baxaa hoggaamin gaar ah oo leh go’aamo aan caadi ahayn, wax badan ka baro xikmada isu-dhiganta kor ku xusan, jawaab caqliyaysanna (cilmiyaysan) kahel su’aasha ah: Mas’uulka daacadda ah maxaa waxqabad looga waayaa marka uu hoggaanka qabto? Soomaaliya waa dal burburay dawlad la’aanina ay mudo dheer ka jirtay, waxaa mudadaas soo maray xukuumado iyo hoggaamiyayaal dhowr ah, dawlad walba waxay wajahaysay caqabado waawayn oo u gaar ahaa iyo kuwa ka sii waawayn oo ay kawada sinnaayeen dawladahaasi, shacabka iyo aqoon-yahanka Soomaalidu inta badan waxay tuhmaan daacadnimada iyo hufnaanta hoggaamineed ee hoggaamiyayaashooda, taas ayayna sabab uga dhiggaan …

Read more 0 Comments
Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Maxay Soomaalidu Marwalba u Danaysaa Isbeddelka Maamulka Madaxtooyada?

 “Ninba maalintiisuu Maandeeq gujaystaa.” Abwaan Feerfeer. Saaxiib, horta qoraalkan ka hor, weligaa ma isweydiisay sababta ay Soomaalidu kol kasta u jeceshahay in uu isbeddalo Xukanka Madaxtooyada? Haddii aad joogto Muqdisho, ama Hargeysa, ama Garoowe ama Dawlad-gobaleedyada kale, abidkaa ma ka fekertay sababta Soomaalida meelahaas kala joogta ay kulli isku calool u yihiin oo uur iyo afba uga wada diidaan in uusan ku soo laaban qofka markaa saaran Kursiga Madaxtooyadaas? Anigu waan iska wareystay, waana helay sababta e, bal xoogaa ila soco. Dhallinyaro badan oo aan isku barannay Xamar, ayaa markii la soo doortay Cabdiqaasin Salaad, waxa aan arkay nimankii oo …

Read more 0 Comments
Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Falanqeyn: Shacabka Reer Afgooye Miyaysan Nasab-ahayn?

Dhibaatooyinka ay geystaan fatahaadaha webiyada iyo roobabka ayaa waxay ka noqdeen gudaha Soomaaliya wax soo noqnoqda, kuwaasoo baabi`yay dad iyo duunyaba. Marka loo barbardhigo dhulalka wabi-mareenka ah dalka intiisa kale waa dhul lugu tiriyo dhulalka qalalan, iyadoo ay taasi jirto ayaa xilli roobaadyada sida xilliga gu’ga markuu si fiican u roob dhigo ayuu wuxuu sababaa in ay dooxyadu biya badan soo rogaan kuwaas oo loo yaqaanno “daadad” waxayna saameeyn iyo waxyeelaba u geeystaan kaabayaasha dhaqaale iyo hab-nololeedka bulshooyinka u badan xoolo dhaqatada ee halkaas degan iyo sidoo kale dadka ku nool magaalooyinka. Iyadoo ay dhibaatooyinkaasi jiraan, madaxda Soomaaliyeed waxaad u …

Read more 0 Comments
Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Xabaalitaanka Ilbaxnimooyinka

Tan iyo bilowgii nidaamyada dawladnimo ee cusub ”Modern State” waxa bilaabmay dar-dar xooggan oo la xidhiidha dhanka kala cidhiidhsiga, kala xadidda iyo halganka loogu jiro nooleynta iyo xabaalitaanka ilbaxnimooyinkii hore. Walow nidaamdaydii dawladnimo ee hore-ba ay ahaayeen kuwo ilbaxnimooyinka danayn gaar ah siiya, haddana waxa qasbayey qowmiyadaha tirada badan ee ay hal xukun hoos keeneen oo midba mida kale duulimaad ku tahay iyo kala maroorsiga kursiga boqortooyada. Taasi waxa ay sababtay in ilbaxnimooyinku aannay wax sidaas u sii weyn nooleynteedu aysan noqonin. Balse intan ay bilaabmatay dawladnimada cusubi ee ku dhisan qowmiyad-qowmiyadda waxa ummad weliba isku dayeysaa in ay hesho …

Read more 0 Comments
Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Ma Yeellan Kartaa Jabbuuti Dawladnimo Qiimo Leh?

Jabbuuti waxa ay xornimada qaadatey sannadkii 1977-kii, waxa ay muddo u dhaxeysey 1894-19770kii hoostegi jirtey ama xukumi jirey gumeystihii Faransiiska. Magacii loo yaqaanney waqtigaas wuxuu ahaa French Somaliland (sidoo kale Afar and Isse Territory). Waxa maanta loo aqoonsanyahay Jabbuuti in ay tahay dal gaar ah oo madaxbannaan. Waxa ay ku taallaa baabul mandabka isku xidha badda cas iyo gacanka cadmeed, waa meel istiraatiiji aad xad dhaaf u ah xagga isku socodka. Waxa ay dhul ahaan jaar la tahay dalalka Eriteriya, Itoobiya iyo Soomaaliya. Waxa Jabuuti wada dega asal ahaan Canfar iyo Soomaali, balse waxa aad u badan Soomaalida (T.A: qabiilka …

Read more 0 Comments
Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Fasirka Xiisadda Siyaasadeed ee Maanta

Baraha bulshada iyo golayaasha siyaasaddaba lagu hadal hayay imaatinka madaxweyne Farmaajo iyo raiisal wasaare Abiy Axmed, kuwaas oo ku soo wajahan magaalada Hargeysa. Haddaba waxa iswayddiin mudan maxaa keenay in labada masuul ay damcaan in ay yimaaddaan magaalada Hargeysa? Isla sidan oo kale ayaa madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisal wasaare Abiy ay u damceen in ay yimaaddaan sannadkii 2018-kii, kolkii ay soo galeen heshiiska isdhexgalka gobolka. Balse, arrinaas Soomaalilaan waa ay ka biyo diiday, diidmo qayaxanna waa ay ka muujisay. Shirkii Midowga Afrika iyo Kulankii Labada Madaxweyne! Kulankii 10-kii bishan Febraayo uga bilaabmay Midowga Afrika magaalada Addis Ababa, ayaa waxa isugu …

Read more 0 Comments
error: Content is protected!!