Posts in category Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda


Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Dowrka Dhallinyaradu ka Qaadan Karaan Horumarinta Af-keena Hooyo

Mowduucan waxaan uga faaloondoonaa Af-keena hooyo, doorka ay ka ciyaarikaraan dhallinyarada, waaridka iyo ilaalinta Af-ka si aan unoqono bulsho leh Af iyo dhaqan. Waddan walba waxa uu leeyahay dhaqan, diin, Af, Calan, waana astaanta lagu garan karo in uu yahay waddan jira. Haddii dalkaasu lahayn Af, ma noqon karo waddan, waana sababta aan uga hadlaayo mowduucaan si aan uga dheeraano Af-qalaad iyo ilaalinta magaca iyo sumcaddeena mustaqbal. Af-ku waa astaan uu leeyahay waddan, ugooniya, laga adeegsado, lagu hadlo. Waa Af ay bulsho kuwada xiriirto, isku fahanto, iskuna baaqaan kolka ay iswacayaan ama isku yeerayaan. Af-ka Soomaaliga waxa uu ka midyahay …

Read more 0 Comments
Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Ilbaxnimadii Maya ee Burburtay! ‘Ilbaxnimo waa xaddaarad iyo waayaheeda’

Ilbaxnimadii MAAYA ee burburtay! Ilbaxnimo waa xaddaarad iyo waayaheed. Duni kasta iyo bulshooyinka ku nooli waxa ay leeyihiin xaddaarad iyo ilbaxnimo u gaar ah oo ay ku tanaadeen. Ilbaxnimooyinkaasi qaarkood way tisqaadeen, qaarkoodna way burbureen oo baaba’een. Kuwaas tisqaaday badhkood waxa ka dhashay dawladaha iyo dalaka reer galbeedka maanta la odhan karo ilbaxnimo iyo haldoornimo waa loo daayay. Haddaba maanta waxa aynu is weyddiin doonaa ilbaxnimooy maxaad tahay? Ilbaxnimadu ma burburtaa? Ma jiraan ilbaxnimooyin burburay? Waa su’aalahaas iyo qaar kale oo badan oo aynu qormada tan kaga jawaabi doono. Inkasta oo ilbaxnimooyinkii dunida soo maray ee haddana galbaday ay badan …

Read more 0 Comments
Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Sheekadii Tukaha iyo Dawacadda

“waan heesay balse waan ku cunta waayey” Waayadii hore waxaa jiray, tuke ku noolaa keyn aad u fog, keyntane waxaa ka buuxay geedo, dhulkana waxaa ku xar dhanaay ubaxyo aad u qurux badan. Tukahaan wuxuu ka duwanaay kuwa kale oo wuxuu ahaay mid ka wanaagsan kuwa kale ee ibna’aadamka hilibka ka xada, sidoo kale wuxuu ahaay mid leh cod aad u fool xun, xayawaanada oo idilne way necba naayeen codkaan, sidaa ayuune u noolaay kaligiis. Maalin maal maha kamid ah ayaa dawaco aad u gaajeysan soo ag martay geed uu saran yahay tukahaan, tukuhu ne uu afka ku sito cad …

Read more 0 Comments
Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Falanqeynta Buugga Nasiibka Nolosha 1975-1978

Waa buug ka kooban 520 bog, waa buug si farshaxan cilmiyeysan leh loo qoray. Sheeko weliba sheeh lehi, buuggani sheekada qarniga ee ‘Nasiibka Nolosha” waxay akhristeyaasha u soo gudbinaysaa dheeko dhacdooyin xariir ah, oo ku saabsan nolosha lammaanayaal dhawr ah, oo qaarba nasiibka iyo noloshu si u kulmiyey, deegaan iyo deris, goobo waxbarasho, shaqo iyo meelo kale oo ka tirsan dalka gudihiisa. Qisada buuggaan ee la magac baxaday “Nasiibka Nolosha” waxay ka hadlaysaa waayo waayo iyo hab-dhaqankii nololleed ee dhalinta Soomaaliyeed ee wakhtigaas, sida uu ahaa xariirka ka dhaxeeyo:, waalid iyo ubadkiisa, marxaladaha iyo meertooyinka nololleed, qaraar iyo macaan, waana …

Read more 0 Comments
Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Dameerkii Doqonka Ahaa iyo Libaaxii Xeeladda Badnaa

Talada aan maanta ku siinaayo Akhristow, ha u tartamin kuwa kaa xoogga badan, oo aadan aqoon xaddiga xooggooda, illaahay ha u naxariisto qof sifiican u yaqaan qaddarka iyo qiimaha naftiisa kadibne meel wanaagsan ku hagay, waligaa ha dhex gelin khilaafaadka kuwa kaa awoodda badan, maxaa yeelay marka ugu dambeysa waxaad noqon doontaa kan lumay oo lalagday, maskaxdaada marwalba soo toosi. Si aadan ugu dhicin Waxa ku dhacay dameerka doqonka ahaa, markuu u maleeyey inuu ka xoog badan yahay libaaxa boqorka hawdka, wuxuuna go’aansaday inuu la tartamo. Maanta waxaan kuugu soo bandhigayaa maqaalkaan sheekada dameer nacas ah iyo libaax xeelad badan. …

Read more 0 Comments
AkhriDhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Buugga Arammida Dahsoon

Buugga Arimmada Dahsoon ee uu qoray Saaxibkeey Maxamed C/Risaaq Diiriye, waxa uu bulshada u ifinayaa muhiimadda ay leedahay in qofka lagu qiimeeyo waxa uu yahay aanse lagu Miisaammin muqaalkiisa. Waa buuggi ugu horeeyay ee Af-Soomali ku qoran oo ka hadlaya caqabadaha dadka gaaggaaban haysta. Waa buug soo gudbinaya sooyaallo iyo dhacdooyin qiiro leh oo uu la kulmay qorraaga iyo dadka isaga lamidka ah ee ku nool Soomaaliya iyo dunida inteada kale. Qorraaga buuggan Maxamed C/Risaaq Diiriye waa aqoonyahan dhalinyaro ah, usoo joogay dhacdooyin isugu jira murrugo iyo farxad, maanta na nolosha ka gaaray heer wanaagsan, Taariikh diisa waxa aynu ka …

Read more 0 Comments
AkhriDhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Doodda Maxaa Dagaal u Badala?

Marki aad dood gasho waxaa kaca shucuurta qofka iyo dareenkiisa, waxaana laga dareemayaa muuqaalkiisa iyo hadalkiisaba. Balse waxaa muhiim ah in aad celin karto shucuurtaada marki aad xanaaqdo, qofka waxaa laga rabaa in uu xakameyn karo naftiisa iyo dareenkiisaba. Haddaba Doodda Maxaa Dagaal u Badala? Waxaa dagaal u baddala intabadan afar qodob: Labada qof ee doodeysa mid waliba oo kamid ah waxa uu rabaa guusha: Haddii aad ufiirsato 2da qof ee doodda maalaa yacniga ah ka dhaxeyso waxa aad dareemeysaa in qof waliba oo iyaga kamid ahi uu aad ugu qeylinaayo sida uu ugu guuleysan lahaa doodda. Inta badan Caqliyadda …

Read more 0 Comments
Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Waligaa Ma Aragtay Midaan oo Kale, Maxay Dumarkan Wejiga u Marsadeen Dhiigga Caaddada?

Bisha taranka waxay ku saleysan tahay caado dhaqameed soo jirtay, taas oo dhiigga caadada u arka astaanka wax soo saarka, sida ay sheegeen kuwa ku dhaqma. Bil kasta, Laura Teixeira, waxay oogeysaa caado dhaqameedka “ku xiriirisa” dhulka. Gabadhan oo 27-sano jir ah waxay uruurisay dhiigga caadadeeda, qaar ka mid ah waxay marsatay wejiga, inta soo hartayna waxay ku qastay biyo ka dibna waxay ku waraabisay dhirta. Dhaqankan waxaa loo yaqaanaa “Bisha beerasha”, waana soo jireen loogu talagalay in loo dabaaldego in dhiigga caadadu yahay astaanta muujineysa in haweeneydu ay carruur dhali karto. Dumarka u hoggaansama dhaqanka waxay mid kastaa leedahay …

Read more 0 Comments
Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Qaabkii Xulashada Gayaanka ee Soomaalidii Hore

Samanadaan danbe waxaa sii dhumaya milgihii ay lahayd xulashada lamaanaha, wuxuu isugu sii dhuranayaa mid ku kooban waan ku arkay waankaa helay. Guurkii Soomaalidii hore wuxuu ahaa mid amin dheer qaata dhisidiisu, xulashada gayaankuna wuxuu lahaa halbeeg lagu miisaamo oo dhinacyo badan, ma ahayn mid ku kooban waji iftiimaya iyo muuqaal se’ waxaa laga beegaal qaadan jiray garashada, garaadka, dulqaadka, xurmada, quruxda, diinta, qoyska ay ka soo jeeddo gabadha aad la wadaageysid haasaawaha. Gabaygii abwaan aw yuusuf waxaa ka mid ahaa, “Guduud looma raacoo haween, gabalba waa cayne Bidhaan gebi ka laalaadda waa, lagu gulaalmaaye”. Rag iyo dumar ba xulashada …

Read more 0 Comments
Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Saameynta Warbaahinta ay Leedahay!

Markii aan fiirinno dhallinyaradeenna intooda badan gaar ahaan kuwa u dhaxeeya 15-25 ta sano, waxaa aad uga muuqda dayac dhanka maskaxda ah, dayac dhanka aqoonta ah, dayac dhanka fikirka ah, bulshada maku aragtay calaamado aadan jecleysanayn sida in lagu daato hal eray oo macno lahayn ee uu qof yiri, sida eraygii maal-mahaan socday ee “Waxdhaamo lawaa” Hala yaabin sababtoo ah bulshada waxaa u badan dhallinyaro aan garaadkooda maalin (isticmaalin), balse u muuqda kuwa daba yaaca hadba meesha looga yeero. Su’aasha in la’is weydiiyo mudan ayaa ah halkee ayay wax kadhageystaan dhallinyarada da’daas jirta, intee ayay jecelyihiin in ey xogaha kahelaan, …

Read more 0 Comments
error: Content is protected!!