Posts in category Caafimaadka iyo Sayniska


Caafimaadka iyo Sayniska

Walwalka Haweenka ku Dhacaa Ma Wuxuu Sababaa Hurda La’aan?

Hurda la’aantu waxa ay sii xumaysaa dhibaatada xanuunnada dhiminka ee haya gabdhaha da’da yar ee Scotland, khubaro ayaa sidaasi sheegay. Cilmi-baaris ayaa muujinaysa in ku dhawaad saddex meelood oo meel hablaha da’da yar ay la daalaa dhacayaan dhibaatooyiin dhinaca hurdada ah oo ka soo gaaray saameyn xun oo dhinaca caafimaadka dhimirka iyo jirka kalaba. Hasayeeshee gabdho ay da’doodu ka wayn tahay 15 sanadood ayaa waxa ay wajahaan cadaadis sare kaas oo ka qeyb qaata walaaca iyo walwalka ay qabaan. Dadkii cilmi-baaristan hogaaminayay ayaa sheegay in xaaladdu ay adag tahay. Cilmi-baaristan, oo ay hogaaminaysay Jaamacadda Glasgow waxaana maalgaliyay hay’adda caafimaadka Scotland …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

5 Qodob oo Kaa Caawinaya Inaad Habeenkii Hesho Hurdo Fiican

Waxaa tan iyo intii xayiraadaha ah in guriyaha aan laga bixi Karin ee cudurka Corone la soo rogay soo badanaysay cabashooyiinka ku aadan hurda la’aanta. Waxaa aad baraha bulshada loogu baahiyay hashtag lagu magacaabo”can’t sleep” ama ma hurdi karo, taasi oo muujinaysa dadka badan ee ay hurda la’aanta ku dhacday. Mid ka mid ah dadkaasi waa Coppell. “Ka hor inta aan xayiraadda la soo rogin waxaan u hurdi jiray si aad ah, balse imika waxaa i haysata taa badalkeeda oo hurda la’aan ah,” waxay Laura oo 26 jir ah sidaasi u sheegay BBC qeybta Newsbeat. Haddii arrintan oo kale ay …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Qaadku Waxa uu Ka Baxaa Wadamo Badan oo Afrika ah

Qaadku waxa uu ka baxaa wadamo badan oo Afrikaan ah, ogaanshaha kiimikada ku jirtaa waxay soo martay jaranjarooyin kala duduwan waxaanay ahaayeen sida tan: In la diwaan galiyo qaadka 1775(catha edulis forsk , waa magiciisa scientific_ga ah) Waxa la diyaariyay ephedrone iyo mephedrone 1928/1929 Waxa la ogaaday inay caleemaha qaadka ku jirto maadada cathine la yidhaa 1930. Waxa la diyaariyay maadada pyrovalerone bilawgii 1970’s Waxa la ogaaday inay maadada cathinone ku jirto qaadka sanadkii 1975. Waxa lagu daray liiska daroogada ee maraykanka maadada cathinone 1993. Waxa la diyaariyay maadada methylone 1996. Waa la gaday iyadoo adeegsanayo qarax ahaaheed maadadan(methylone) Natherlands …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Maxaa ka Jira in Ukunta ay Keento Wadne Xannuun?

Xilli ay dalal badan shacabkooda ku boorriyeen inay guryaha joogaan, si looga hortago faafitaanka cudurka Covid-19, in badan oo naga mid ah waxay mudnaan gooni ah siinayaan raashinka aan cunno iyo sida uu caafimaadkeenna waxtar ugu leeyahay. Laanta BBC ee ka faalloota raashinka ayaa diiradda saaraya sidii ay dadka uga caawin lahaayeen inay wax ka fahmaan faa’iidada iyo waxyeellada ku jirta cuntooyinka ugu badan ee la isticmaalo. Mid ka mid ah waxyaabaha gaarka loo eegayo waxaa ka mid ah Ukunta. Ma dhab baa in ukuntu ay sababto wadne xanuun? Haddii ay jirto cunto aad u wanaagsan, ukunta waxay noqoneysaa midda …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Spanish flu: Maxaad ka Taqaannaa Cudurkii Korona Fayras Lamidka Ahaa ee Dunida ku Dilay 50 Milyan oo Ruux?

Haddii aadan horay u maqlin hargabkii la oran jiray Spanish Flu, coronavirus ayaa hadda kugu baraarujiyay in xanuunkaas uu dad badan dunida ku laayay billowga qarnigii labataanaad. Waxaa xanuunkaas lagu tilmaamaa “hooyadii dhammaan cudurrada faafa”, waxaana uu galaaftay nolasha inta u dhaxeysa 40-50 milyan oo qof muddo laba sano gudahood ah – intii u dhaxeysay 1918-kii ilaa 1920-kii, sida laga soo xigtay Hay’adda Caafimmaadka Adduunka ee WHO iyo xarunta dhexe ee xakameynta cudurrada. Seynisyahanada iyo dadka ku xeel dheer taariikhda waxay aaminsan yihiin in cudurkaas uu ku dhacay saddex meelood meel ka mid ah dadka ku noolaa adduunka, oo markaas …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Waa Maxay Atam?

Atamku waa wax yar oo il-ma’aragto ah, sidaa awgeed waa walaxda ugu yar kiimikada, ereyga Atam waxa uu ka yimaaday eray Giriigah oo ah Atamos macnaheeduna yahay maqaybsanto. Atamkasta waxa uu ka kooban yahay borotoono togane ah (+), niyuutaroono dhexdhexaad ah (0) iyo elektaroono tabane ah (-) marka laga reebo atamka loo yaqaan haydarojiin kaas oo aan lahayn niyuutaroono. Borotoon iyo niyuutaroon waxa ay kujiraan bu’da atamka waxaana la ogaaday in tamar wayni isku hayso bu’da atamka, tamartaas isku haysana waxaa loogu yeeraa tamar iskudabar bu’eed. Saxarada Sumada Cufnaanta faallo Elektaroono e– 9.109×10-31kg Elektaroonadu waxa ay maraan majiiro go’an oo …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Daahfuridii Saxarrada Atamka

1897 J.J Thomson waxa uu daaha ka qaaday in atamku uu ka kooban yahay elektaroono tabane ah cufkoduna aad u yar yahay marka lala barbar dhigo atamka. Markii la ogaaday in atamkku koronto ahaan yahay dhexdhexaad, waxaa khasab noqotay in il-togane ah ay jirto taas oo raad qaadideedi daaha kaqaaday in la ogaado borotoonka, kaas oo ah mid ka mid ah saxarada atamka. Borotonku waxa uu 1840 jeer ka culus yahay elektaroonada. Baaritaano badan oo la sameeyey ayaa lagu ogaaday in cufka atamku uu kadan yahay isku darka cufka elektaroonka iyo borotoonka. Tusaale ahaan cufka atamka hiliyom waxaa la filayey …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Maxaad Kala Socotaa Hadimada Qaadka Iyo Cudurka Korona Fayras?

Sidaan wada ogsoonahay qaadku waa aafo haysata bulshadeena taas oo ragaadisay horumarka, hab fikirka, qoyska, ilaha dhaqaalaha, caafimaadka iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee uu u baahan yahay wadanku. Qaadku waa aafada aynu ognahay dhibtiisa, sidoo kalena aynu garanayno xalka iyo dawadiisa, hadana aan lagu dhaqaaqayn oo la iska dawaynayn. Macluumaad ku saabsan qaadka. 1. Ma ogtahay in ereyga qaad marka xaga danbe laga soo akhriyo uu noqonaayo “DAAQ”. 2. Ma ogtahay in erayga MIRQAAN uu ka kooban yahay laba eray oo kala ah: MIR oo macnihiisu yahay marka habbeenkii xooluhu daaqaaan (mirtaan). Ama weerarka habbeenimo, sida col habbeenkii wax …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Heerarka uu Soo Maray kemisterigu

Sida culuumta sayniska ee kale kemisterigu waxa uu ka bilowday wax yaalihii dadku samaynayeen ilaa inta uunku uu taagnaa. Qarniyo badan ka hor ayay dadku yaqaaneen sida loosameeyo khamrada, saabuunta iyo sida loo diyaariyo khalka. Sida uu aqoonkii reer giriig ee Dimokraytas (Democritas) yiri “ waxa aduunka yaala oo dhami waxa ay kasamaysan yihiin saxaro yaryar oo adkayaal ah ooo il-ma aragtay ah” waxa uuna saxaradaas ubixiyey Atamyo (Atoms). Atamyadu aad ayey u yaryar yihiin sidaa darteed lama arki karo, farqiga udhaxeeya walxahana waxaa farqiga udhaxeeya tirada, qaabka iyo sida ay isku haystaan atamya ay kudhisan yihiin. Sidoo kale filasoofii …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Halka Kemisterigu uga Jiro Sayniska Kale

Kemisterigu waa barashada maatarka iyo isbadala kudhaca. Kemisteriga waxaa loogu yeeraa ama lagu magacaabaa tiir dhexaada sayniska, waayo barashada aasaaska kemisteriga waxa ay lagama maarmaan u tahay dhigashada Bayoolojiga, fiisikiska, Juquraafiga, culuumta deeganka iyo maadoyinkale oo badan. Sidoo kale kemisterigu waxa uu boos muhiim ah uga jiraa sayniska iyo tijnolojiyada sida, caafimaadka, tamarta iyo deeganka, cuntada iyo beerashada iyo kuwo kale oo badan. Sida kor kuxusan Kemisteriga waxaynu ku qeexnay in uu la xariiro barista maatarka iyo isbedelada kudhaca, sidaa darteed kemisterigu waxa uu jawaab uraadiyaa labadan suaalood: Maatarku muxuu kasamaysan yahay? Iyo side xariir u leeyihiin isbadalada kudhaca maatarka …

Read more 0 Comments
error: Content is protected!!