Posts in category Caafimaadka iyo Sayniska


Caafimaadka iyo Sayniska

Tusaha kalgalka

  Tusaha kalgalka waa Tuse ay ku habaysan yihiin curiyayaasha kiimikeed, kuwaas oo u urursan tiro-atam, ratibaad elektaroon iyo astaamo kiimikeedkooda. Qaabka tusuhu waxa uu muujinayaa kalgal isbedelka curiyayaasha. Todobada safe e tusaha waxaa loogu yeeraa “kal”, siguud dhinaca bidix waxaa uga jira biraha ah dhinaca midigna waxa uga jira curiyayaasha bir ma-ahe ah. Joog-u-taxa tusaha waxaa loogu yeeraa “ururro” kuwaas oo ururkasta ka kooban tahay curiyayaal leh dabeecad kiimikeed isku mid ah. Ururadu waxa ay leeyihiin magacyo ugaarah, sida curiyayaasha ururka 17aad waxaa looguyeeraa halajiino halka curiyayaasha ururka 18aadna loogu yeero neefaha wahsada. Tusaha kalgalka   Curiyayaasha kiimikeed: Marka …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Walxaha kiimikeed ee saafida ah iyo kuwa aan saafida ahayn

  Curiyaha saafida ah ama isku dhiska saafida ah, waxa ay ka kooban yihiin hal walax oo walax kale kuma ay dhexjirto. Shayada aan  saafida ahayn waxay noqon karaan isku jirka curiyayaal, isku jirka isku dhisyo ama isku jirka isku dhis iyo curiye. Walxaha kiimiked ee saafida ah: Cunooyinka iyo cabitaanada waxaa lagu xayeysiiyaa in ay yihiin saafi. Tusaale, waxaa arkaysaa kartoomada “casiir liin macaan saafi ah” , “biyo saafi ah”. Taas oo la micno ah in aana waxkale lagu darin intii lagu gudo jirey soo saaridooda warshadeed. Sikastaba, saynis ahaan marka aan u eegno walxahan ma ahan kuwo saafi …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Falgalada Kiimikeed ee Sahlan

  Falgal kiimikeedku waa cadaynta in uu dhacay isbadal kiimikeed. Alaabta bilowga ahi waxa ay isku badalayan alaabo cusub ama noocyo kiimikeed oo kale. Sidee u garan karnaa in uu dhacay falgal kiimikeed? Hadii aan aragno mid ama in ka badan oo kuwan soosocda ah waxaa oran karnaa waxaa dhacay falgal kiimikeed: Isbadal midab Xumbo In uu samaysmo ruushi ( in milanka ay kudhex samaysmaan adkayaal yaryar ah)  kulka oo isbadala Waxaa jira falgalyo aad u tiro badan oo kala duwan, laakin guud ahaan waxa loo kala qaybiyey 5 qaybood oo sahlan. Fagalka isku darka tooska ah: Falgaklka iskudarka tooska …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Milanada Kiimikeed

  Milan waa isku jir isku kaan ah oo ka kooban labo walax ama in kabadan. Milanadu waxa ay u jiri karaan wajiyo badan. Milanku waxa uu a kooban yahay milme iyo mile. Milme waa walaxda ku milanta milaha. Xadiga milmuhu uu ku milmo milaha ayaa loogu yeeraa milankiisa. Tusaale, cusbadu waa milme ku milanta biyaha oo ah mile. Milanka ay xubnihiisu halka waji yihiin, walxaha ku jira ee ugu ribanaanta yar waa milmayaal, halka walxaha ugu badan ee ku jirana ay yihiin milayaal. Tusaale hadaan sooqaadano hawada, oksijiin iyo kaabon labo oksaydh waa milmayaal halka naytarojiin ay tahay mile. …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Kala Soocida Isku Jirada

  Walxaha iskujira waxaa mid mid loogu kala saari karaa ayadoo laraacayo habab kala duwan, hababkaas oo kutiirsan nooca iskujirka. Hababkaas waxaa kamida ah, miirida, uumibixinta, xareedaynta iyo midabsawir saafida. Kala soocitaanka adkaha laga soocayo hoorka (miirid) Hadii walaxdu aysan kumilmin dareeraha waxaa ugu yeernaa mamilme. Tusaale ahaan, ciidu kuma milanto biyaha, waa mamilme. Miirid waa hab looga soocayo mamilmaha kujira hooraha (milaha), marka iskujirku yahay biyo iyo ciid waa lakala miiraa. Ciidu waxa ay ku haraysaa waraaqda miirida (waxa ayna noqonaysaa haraa). Biyuhu waxa ay dhaafayaan oo ka gudbayaan waraaqda (waxa ayna noqonayaan saafi). Bakeeriga waxaa kujira iskujir mamilme …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

La Dagaalanka Caabuqa Covid-19 iyo Baraha TikTok

Mudo labo bilood ku dhawaad ah ayaa dalkan Norway waxa ka jirtay xaalad caabuq xakameyn ah, oo meel walba la xirey, saameyn weyna ku yeelatey dadkii. Qofkii ugu horreeyay ee laga helo fayraska faafa ee korona dalka Norway ayaa aheyd haweeney ka soo laabatay safar ay ku tagtay dalka Shiinaha, dhammaadkii febraayo. Qofkii u horeeyay ee u dhintana uu noqdey odey waayeel oo bukaan ahaa. Waxuu dhintey 12-kii maarso. Isla maalintaa ayay dowlada Norway soo rogtey talaabooyin xakameyn ah, si faafida caabuqa loo xadido. Hay’adda Caafimaadka Aduunka, WHO ayaa 11-kii Maarso ku dhawaaqdey in feyraskii uu ka gudbey xaalada cudurada …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Culumada Sayniska ee Daaha Ka Qaaday Aragtida Atamka

Democritus Dalton waxa uu noolaa intii u dhaxaysay 470BC ilaa 380BC waxa uuna ahaan filasoof Giriig ah, waana ruuxii u horeeyey ee daaha ka qaaday fikrada atamka. Democritus waxa uu aaminsana wax kasta oo aduunka yaala ama kuxeeran in ay ka samaysmeen atamyo, atamyadaas oo ah ilma-aragtay. Democtrus waxa uu soo qaatay gabal maatar ah waa uuna u qaybiyey labo, hadana labadii mid ka mid ah ayuu labo usii kalo qaybiyey wuuna waday kalay qaybintii ilaa uu gaaray bar aan labo loogu kala qaybin Karin taas oo uu Democritus uu ugu yeeray atom. Democritus waxa uu yiri: Maatarka oo dhan …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Adeegsiga Maaskarada, Dhib iyo Dheef

Waa maxay maaskaradu(face mask)? Maaskaradu waa mid ka mid ah sahayda caafimaad ee daboola afka iyo sanka, ujeeddada isticmaalkeeduna waa ka hortagga gudbinta dhibcaha ay ka buuxaan fayrasyada iyada oo loo marayo nidaamka neefsashada qof ilaa qof kale. Goorma ayey waajib tahay in la xidho maaskarada. Madaxda hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, ayaa soo jeediyay in aanay dadku xidhan masarka afka lagu xidho, marka laga reebo dadkan soo socda oo ay tahay waajib inay xidhaan maaskarada: Qaf qaba cudurka corona fayras Shaqaalaha caafimaadka ee latacaalaya xanuunka Qof daryeelaaya una adeegaaya qof qaba xanuunka. Qof looga shakisan yahay xanuunkan, ama leh …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Waxay tiri “Cudurka dibirada wuxuu iga dhigay sida in aan uur leeyahay Markasta”

“Waxaan u ekahay dadkuna ii arkaan sida qof uur leh markasta. In xanuunkan uu igu dhacdo wuxuu iga dhigay sida qof kale.” Natasha King kama hadleyso arrin la xiriirta cayil xad dhaaf ah, ee waxay ka hadleysaa in ay qabto cudur sababa in hanaanka difaaca jirka uusan u shaqeyn sidii loo baahnaa kaas oo lagu magacaabo coeliac. “Wuxuu cudurkan igu dhacay anigoo 18 sano jir ah mana ka war haynin inaan qabo,” ayey tiri gabadha oo hadda 21 sano jir ah oo la hadashay BBC Radio 1 Newsbeat. Cudurka Coeliac waa xaalad ka dhalata falcelin ay sameeyaan qaar ka mid …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Karoona Fayras: Khatar Intee La’eg Ayuu ii Geysan Karaa Haddii aan uur Leeyahay?

Taxaddar ahaan haweenka uurka leh waxaa loo sheegayaa in ay feejignaadaan isla markaana ay si gaar ah u raacaan tallaabooyinka looga hortagayo coronavirus, sid kala fogaanshaha taas oo hoos u dhigi karta khatarta kaga imaan karta cudurka. Blase maxeynu kala soconaa saameynta uu cudurkan ku yeelanayo haweenka uurka leh? Coronavirus dhibaato intee la eg ayuu ii geysan karaa haddii aan uur leeyahay? Inkastoo wali wax badan oo ku saabsan sida uu haweenka uurka leh u samaeyn karo xanuunkaan aysan dhaqaatiirtu ogeyn, haddana waxaa la ogyahay in haweenka uurka leh aanay wax badan ka duwnayn dad kale ee qaangaarka ah “Haddii …

Read more 0 Comments
error: Content is protected!!