Posts in category Caafimaadka iyo Sayniska


Caafimaadka iyo SayniskaQoyska & Horumarinta Bulshada

Qaadka iyo Saamaynta uu Leeyahay

Qaadku waa nooc ka mid ah geedaha loo yaqaan “Catha Edulis Forks”.  Waa geed gaaban oo caleemo cagaaran leh, oo noqda geed weyn caleemaha curdunka iyo curubyada. Geedka qaadka ayaa loo takhsiintaa in laga helo saameyn firfircoon ama marqaan. Geedkaan ayay aaminsanyihiin dadka cunaa in ay ka helaan firfircooni sidoo kalena ay isaga ilaashaan welwelka iyo fikirka badan. Balse sida ay uhaystaan ma ahan, waayo geedkaan waa geed daroogo ah, lana dagaalama waqtiga, caafimaadka, dhaqaalaha IWM. Geedka qaadka ayaa inta badan Soomaaliya ka soo gala labo waddan oo kala ah Itoobiya iyo Kenya. Itoobiya waxaa ka yimaada qaadka loo yaqaan …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Ma Loo Dhiman Karaa Fayruska Korona?

Maaddaamaa hadal haynta cusub ee korona fayrus ku faafay adduunka oo dhan, oo kiisas cusub la soo sheegaayo maalin walbo, waxaa muhiim ah inaad garato sida loo badbaadiyo naftaada. In kasta oo cilmi-baarayaashu ay weli baranayaan sida saxda ah, ee fayrasku u fido, bal aan dib u eegno waxa illaa hadda la ogaaday. Waxaana isweydiin mudan cudurkaan ma yahay mid loo dhiman karo? Faafitaanka fayraska korona wuxuu saameeyay dalal badan oo adduunka ka mid ah, dadkuna waxay isweydiinayaan su’aalo muhiim ah sida: Ilaa heerkee ayaa la kala qaadaa cudurka? Sideen uga difaaci karnaa nafteena, sideese cudurka u faafaa? Miyaa loo dhiman …

Read more 0 Comments
AkhriCaafimaadka iyo Sayniska

Maxaad Ka Taqaana Cudurka Laga Qaaddo Istaaga Badan?

Socodka ama dhaq-dhaqaaqa jirka waxa uu qeyb lixaad leh ka qaata habsami u socodka wareegga dhiigga, dhinac kale qofka haddii uu dhaqaaqiisa yar-yahay, oo uu waqti badan istaagga ku qaadato waxa uu ka dhaxli karaa cudur loo yaqaano Xinjirowga Xididada Dhiigga. Cudurka Xinjirowga xididada dhiigga waxaa Afka qalaad loo yaqaanaa (Deep Vien Thrombosis), waa xaalad caafimaad daro oo halis ah, waxa ayna dhacdaa marka ay xinjiro ku sameysmato xididada dhiigga qaadda. Waxay caan ku tahay badanaa oo lagu arkaa xididada hoose ee lugaha, wallow lagu arki karo dhammaan xididada kale. Cudurkaan Waxaa Ugu Badan Oo Sababo Waxa Ay Kale Yihiiin: …

Read more 0 Comments
AkhriCaafimaadka iyo Sayniska

Yaa Umuliso Noqon Kara?

Umulisanimada waxa ay kamid tahay xirfadaha caafimaadka ee baahida weyn ay u qabto Bulshadeenna.Umulisadu waxa ay daryeel buuxdo siisa Hooyada iyo dhalaankeeda. Sidoo kale waxa ay tallooyin caafimaad siisa Hooyoyinka. Haddaba Waa Su’aalle Yaa Umuliso Noqon Kara? Umuliso waxaa noqon karo qofkii laga helo qoddobaddaan soo socdo: In aadan ka cabsan dhiigga, maadaama ay tahay xirfadaan mid dhiigg la’daris ah. In aadan shaki badneyn,dadka qaar marka ay dhiigg iyo wixii lamid ah arkaan waxa ay ka haajiraan cunnada. In aad tahay qof aqoon buuxdo u leh  xirfadaan. In aad ku kalsoon tahay naftaada. In aad tahay qof karti badan. In …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo SayniskaQoyska & Horumarinta Bulshada

Baarayaasha Maskaxda: “Daawashada Filimada Xun (porn) Waxay Xannibayaan Horumarka Maskaxda”

Baarayaasha Maskaxda: “Daawashada Filimada Xun (porn) Waxay Xannibaan Horumarka Maskaxda” Saynisyahannada maskaxda ayaa rumeysan in porn-gu burburiyo qaybta maskaxda ee maamusha murugada, kartida, iyo xakameynta. Rachel Anne Barr oo ka tirsan jaamacadda Laval ee dalka Kanada ayaa daabacay warbixin cilmi baaris ah oo muujineysa in isticmaalka joogtada ah ee dumarka iyo ragga qaawan uu waxyeelleeyo qeybta maskaxda ee loo yaqaan ‘prefrontal cortex’ oo xakameysa niyadda, awood u yeelashada iyo xakameynta. Waa maxay prefrontal cortex? The prefrontal cortex (PFC) wuxuu ku yaalaa dhinaca hore ee maskaxda, wejiga gadaashiisa. Waxay mas’uul ka tahay fikirka iyo falanqaynta fikirka, wuxuu sidoo kale mas’uul ka …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Cudurka Korona Fayrus Ayaa Fara ba’an ku Haayo Dalalka Reer Galbeedka

Kiisaska xanuunka Korona fayruska ee Galbeedka ayaa cirka isku shareeray, dalalka ayaana ku dhawaaqay tallaabooyin adag oo ay ku jiraan xiritaanka iskuullada iyo xayiraado kale. Tirada faafida cudurkaan iyo dhimashada ayaa kor u kacay isbuucyadii ugu dambeeyay. “UK iyo Mareykanku waxay lumiyeen fursad,” sidaa waxaa yiri Tikki Pangestu, oo hore uga tirsanaa Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO). “Labo bilood ayay eegayeen waxa Shiinaha ka dhacay, welina waxaa jirta malada ah in ‘Shiinuhu aad uga fog yahay oo aysan dalalkooda waxba ka dhaceynin’.” Wasaaradda caafimaadka Spain ayaa shaacisay inay jirto koror dhimasho oo 32% ah iyadoo la xaqiijiyay in 1,326 ay u …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Cudurka Faafa ee Korona Fayrus Ma Lagu Kala Qaadi Karaa Galmada?

Maaddaamaa hadal haynta cusub ee korona fayrus ku faafay adduunka oo dhan, oo kiisas cusub la soo sheegaayo maalin walbo, waxaa muhiim ah inaad garato sida loo badbaadiyo naftaada. In kasta oo cilmi-baarayaashu ay weli baranayaan sida saxda ah, ee fayrasku u fido, bal aan dib u eegno waxa illaa hadda la ogaaday. Waxaana isweydiin mudan cudurkaan ma yahay mid lagu kala qaadi karo galmada? Faafitaanka fayraska korona wuxuu saameeyay dalal badan oo adduunka ka mid ah, dadkuna waxay isweydiinayaan su’aalo muhiim ah sida: Ilaa heerkee ayaa la kala qaadaa cudurka? Sideen uga difaaci karnaa nafteena, sideese cudurka u faafaa? …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Qofkii ugu Horeeyay ee Laga talaallo Cudurka ‘Korona Fayruska’ Laakiin Goormaa La Heli Karaa Tallaalka Saxda?

Waxaa bilaabmay weji cusub oo tijaabo caafimaad oo ah tallaalka suurtagalka ah ee korona fayruska (SARS-CoV2) ayaa bilaabatay Isniintii, wuxuuna ka bilaabmay magaalada Seattle ee dalka Mareykanka, waxaana la helay qofkii ugu horeeya ee iska diiwaangelinaya tijaabada qaadashada tallaalka. Tallaalka, mRNA-1273, waxaa soo saaray shirkadda cilmiga bayoolajiga ee Moderna oo ay weheliso baarayaal ka socda Machadka Qaranka ee Caafimaadka (NIH). Tijaabada waxaa lagu qaadayaa Machadka Cilmi baarista Caafimaadka ee Washington Permanente ee Seattle. Daraasada wejiga 1aad ayaa ujeedadeedu tahay in lagu tijaabiyo seddex qiyaasood oo kala duwan oo ah tallaalka mRNA-1273 ad ayaa rajeyneysa in ay shaqaaleysiiso 45 qof qaangaar …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Talo Muhiim ah oo ku Saabsan Caabuqa Korona Fayrus

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee Caabuqa korona fayrus, xilli cudurkan uu si weyn ugu sii faafayo dunida oo dhan. Wasiirka caafimaadka ee Soomaaliya, Dr. Fawziya Abiikar Nuur, ayaa shaacisay in qofkii ugu horreeyay gudaha dalka laga helay Fayraska Corona ee caalamka faraha ba’an ku haya. Sidoo kale xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in laga billaabo 19-ka bishan la hakinayo duullimaadyada caalamiga ah ee Soomaaliya taga ama ka baxa, kuwaasoo xayirnaan doona muddo 15 maalmood ah. Tallaabadan oo saameyn weyn yeelaneysa ayaa loo qaaday si loo xakameeyo Caabuqan dhimashada sababa. Muxuu yahay Caabuqa Corona, sideese lagu kala …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Amaankaaga Sug Laakiin Iska illaalI Fikirkaaga: Sida Looga Hortago in Koronafayrus ay Noloshaada La Wareegaan!

Ma jirto cid doonayso in gabi ahaanba ka jaahil noqoto waxyaabaha ka dhacaayo dunida. Laakiin xittaa haddii aadan cudurka qabin, cudurka faafa ee COVID-19 wuxuu saameyn xun oo nafsi ah ku yeelan karaa awoodda deganaanshaha iyo hal-abuurka shaqadaada. Sababta? Dhamaan cusboonaysiinta wararka noocan ah, digniinaha, iyo ogeysiiska naxdinta leh ee caafimaadku waxay ka faa’iidaysteen seddex astaamood oo aasaasi ah oo maskaxda bini-aadamka ah, taasoo naga dhigtay inaan kala firdhino, mashquulinno, iyo, waliba si aad oo murugaysan. Waxaana kamid ah qodobadaan soo socda: Midka hore waa “maskax wareersanaanta,” u jeedkeena ah inaan ku weyno fikradaha ku saabsan wixii tagay ama mustaqbalka. …

Read more 0 Comments
error: Content is protected!!