Posts in category Qoyska & Horumarinta Bulshada


AkhriDhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & DuniddaDiinta IslaamkaQoyska & Horumarinta Bulshada

Qibradda Nolosha?

Qormadeenna maantay waxa aan uga hadleynaa sida uu qofku qabiiir ku noqon karo dhanka nolosha, qibraddu ma’ahan kaliya in aqoonta lagu helo. Waayeelka duidaan ku nnool dhamaantood waa qabiirro, nolosha ayaana ka dhigtay dad qubaro ah, haba kukala duwanaadaan waxa qabiirka lagu yahay. Dadka uu Alle ku uumay dunidaan intabadan isku si’ waxba uma arkaan, isku sina ugama falceliyaan arimaha ku dhaca, oo waxaa caddayn kuugu filan in dadka dunidaan kunool ey isku raaci waayeen Allihii uumay oo ah Allaha kaliya oo mudan in xaqa lagu caabudo, halkaas ayayna dadku kukala haraan, oo waxa aad arkeysaa dad waayo badan nolosha …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

“Waan ku nafisay inaan wax ka qoro kufsigi la ii geystay” – Michella Koela

Michella Koela oo ah gabar qoraa ah oo filimaantana jisha ayaa sheegtay iney taariikhda kufsiga ee loo geystay oo ay filim ka qortay uu culeys badan uu maskaxdeeda ka riday. Michella waxay aad ugu caan baxday oo lagu yaqaannaa flimkeeda taxanaha ah ee loo yaqaanno ‘Chewing Gum’. Xilliga wuxuu ahaa xilli ay Michella qoreysay qaybta labaad ee filimka taxanaha ah ee ‘Chewing Gum;. Maalin maalmaha ka mid ah inta ay qoraalka waddo ayey dhexda fasax ka gashay. Waxayna billaawday iney saaxibaddeed arrima badan ka sheekeystaan. Waxay markiba xusuusatay arrima badan oo nafteeda madow badan geliyo isla-markaana noolasheeda utun ku reebay. …

Read more 0 Comments
AkhriQoyska & Horumarinta Bulshada

Madax-Addeega Caruurta Maxaa U Daawa?

Caruurta inta badan waxa ay soo maraan marxaladdo kale duwan, marba marka ka danbeyso canugga waa uu koraa oo waxaa is badal ku imaado muuqaalkiisa, sidoo kale waxaa kobco caqligiisa. Isbadaladaas waxa ay ku keenta cannugga in ay ku soo kordhaan dabeecado badan oon uusan  horay u lahaan jirin, sida in uu madax-adeeg lasoo baxo, ama qalafsanaan, Badanaa caruurta waxaa lagu arkaa marka ay da’dooda gaarto inta u dhaxayso 12-19 Sanno. Xiligaan waxa ay maraan marxaladd aad u addag waxa ay kasoo gudbaan ilmanimada ayagoo noqdo Wiil ama Gabar weyn. Marxaldaan waa marxada uu ilmaha lasoo baxo Madax-adeeg,Xanaq badan, intabadan …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Barashada Habka ugu Fiican ee Caruurta Loo Tarbiyeeyo Loona Barbaariyo

Barashada habka ugu fiican ee caruurta loo tarbiyeeyo loona barbaariyo. Ilmaha wanaagsani waa riyada iyo rajada hooyo iyo aabe kaste, barbaarinta wacan ayaa noqonaysa in lagu beero caruurta akhlaaqda wanaagsan inta ay yaryihiin, tarbiyada wanaagsanna ma aha amarro iyo sharciyo, balse ilmuhu wuxuu ka helaa habdhaqanka iyo ficilada waalidkiis, ka dibna deegaanka ku xeeran. Qofkii barta barbaarinta hagaagsan ee caruurta, waxaa inta badan laga gartaa caruurta uu tarbiyeeyay. Waxa laga yaaba inuu ilmuhu kaa raaco jidh iyo muuqaal ahaan )family heredity) balse waxa uu rumaysanaayo, diinta uu qaadanaayo, dhaqanka uu yeelanaayo iyo qaabka uu u fikiraayo hido maaha lagumana dhalo waa …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Haweeney Noolasha ku Silicday ugu Dambeyna Libin ka Gaartay

Helen Warade waa hooya 3 carruur ah oo ay dhashay oo ay weliba aabba la’aan soo korsatay halmar ay si lama filaan ugu wada geeriyoodeen. Dab gurigeeda qabsaday ayey hal mar ku wada gubteen 3 carruur oo ay iyadu dhashay, walaasheed iyo ilma ay walaasheed dhashay qoyskeeda oo guud ahaan ka kooban 5 qof. “Carruurta inta ay iga geeriyoon ka hor waxaan dhibaata aad u badan kala kulmay korintooda iyo barbaarintooda caruurta oo 3 iskuul oo kala duwan wax ka baranaysay inaan iskuulka geeyo ama aan ka keeno waxay igu ahayd mid aad u adag” ayey tiri Helen. Seddexada carruurta …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Maskaxda Bini’aadamku Waa Hoyga Il-baxnimada

Maskaxda waa qaybta ugu muhiimsan jirkeena, waa qaybta garashada u qaabilsan aadanaha, noole walba wuxuu leeyahay maskax heer garasho leh, garashadaas maskaxdu hoyga u tahay inta ay hadba le’egtahay ayay noolayaashu kala muhiimsan yihiin, kuna kala saamayn badan yihiin masraxa nolosha. Bini’aadamku wuxuu ka mid yahay makhluuqaadka ugu fadliga badan uunka Illahay uuntay oo idil, waa noolaha ugu saamaynta badan nolosha aan noolnahay, aaladda ugu muhiimsan ee uu saamayntiisa u isticmaalo waa maskaxda, waxaa jira noolayaal aad ufara badan oo ka xoog badan bini’aadamka hadana isaga ayay u yihiin gacan yare, isaga ayaan adeegsada oo danihiisa ku gaara, waxaa cad …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Xidhiidhka Afkaarta iyo Bay’adda

Deegaan walba wuxuu leeyahay dhallan iyo cimilo u gaar ah, dadkuna bay’adda waxay kula nool yihiin dabeecad la qabsi (adoption) la dhaho, qof walba degaanka uu ku koro ayuu astaamihiisa yeeshaa: midab, dabeecad, dhaqan, adkaysi, iyo fikirba, taasina waxay u sahashaa in uu noloshiisa si hab-sami leh ugu dhex wato deegaankaas. Qofka magaalada ku kora wuxuu leeyahay hab-dhaqan nololeed ka gedisan hab-dhaqanka midka miyiga jooga, dadka xeebaha dagan waxay leeyihiin dabeecado iyo dhaqamo ka gedisan kuwa dhul-beeratada ah, kala duwanaanshuhu sidaas ayuu ku soconayaa inta ay bay’addu kala duwan tahay. Waxaa xusid mudan in sidaasoo kale ay bay’addu qaabayso hab …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

The Pursuit of Happyness – Waa Filim Laga Sameeyey ama Jilay Qiso Dhab ah

The Pursuit of Happyness waa filim laga jilay qiso dhab ah, qisadaasna qofkii daawada ama akhristay uu ku ogaanayo in noloshu aysan ahayn wax iska timaadda horumarkeedduna tahay mid dadaal dhibaato iyo rafaad badan loo maro. Si aad u gaarto meesha aad doonayso una samaysato nolol ka wanaagsan taad ku nooshahay hada. Filimkaan waxaan laga jilay qisada Chris Gardner kaas oo ahaa nin nolosha halgan aanan la rumaysan karin kasoo maray, halgankaas oo maanta sababay in uu noqdo ganacsade iyo guubaabiye caan ah oo la garan karo. Filimkaan waxaa sameeyay filim sameeyaha u dhashay dalka Talyaaniga ee Gabriele Muccino, waxaanna …

Read more 0 Comments
Diinta IslaamkaQoyska & Horumarinta Bulshada

Dhallinyarada Maxaa u Buuxin Kara Booska Tik Tik-ga?

Dhallinyaradu waa xoog, xeelad, xubin iyo xurmada bulsho waliba, qof waliba oo da’ah waxa uu soomaray marxaladdaan dhallinyaranimada, waana meesha ugu mudan ee uu qofku ugu xoogga badan yahay, ugu caafimaad badan yahay, ugu waqtiga fiican yahay, ugu nadiifsan yahay-dhanka qaladaadka iyo danbiga-, waa marxalad u bbaahan jihayn, qofka in lagu jiheeyo waxa mudan in uu waqti iyo xoogba uu ku bixiyo si’ey noloshiisa oo dhan u wanaagsanaato. Taas oo kali ah maahane haddii qofka dhallinyarada ah uu toosnaado waxaa hagaagaya bulshada uu kamidka yahay- waxaa qasab ah in aan ogaanno dhallinyaradu in ey saameyn leeyihiin, bulshada waxa eykulleeyihiin saameyn …

Read more 0 Comments
Diinta IslaamkaQoyska & Horumarinta Bulshada

Haweenka iyo Guriga

Haweenku waa furaha bulshada, waana wax soo saarka dabiiciga ah ee Alle ugu galadaystay adoomihiisa. Waxaa ii muuqatay inay tahay halka ay haweenayda muslimada ah ama Soomaaliyeed ay ka bilaabi karto horumarinta bulshadeena waana boos muhima. Soomalidu waxay ku maah-maahdaa “ Haani gun bay katolontaa” Ujeedkayga waxaan aaminsanahay horumarinta bulsho inay ka bilaabanto horumarin qoyseed, sababtoo ah bulshadu waa qoysas isu tagay, haddii aanay gabadha muslimada ahi u istaagin horumarinta iyo wax ka beddal ay kusamayso qoyskeeda, awood uma yeelanayso wax ka beddal iyo horumarin bulsheed, mana buuxinayso kaalinkii ay ku lahayd bulshadeeda. Waxaa iswaydiin mudan siday haweenaydu uhorumarinkartaa qoyskeeda? …

Read more 0 Comments
error: Content is protected!!