Yuusuf Garaad

About the Author Yuusuf Garaad

Waa mid ka ah rugcadayaasha saxaafadda ee dalka Soomaaliya. Wuxuu wax ka qoraa siyaasadda, diblomaasiyadda. Wuxuu aqqoon duruqsan u leeyahay wariye-nimada, sharciga iyo diblomaasiyada. Wuxuu aad wax ugu qoraa taariikhda siyaasadda Soomaaliga iyo diblomaasiyadda. Wuxuu kasoo shaqeeyay BBC laanteeda afka Soomaaliga. Qoraagga wuxuu ahaan jiray wakiilka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey xaruntiisa magaalada New York, wuxuu kaloo ahaa wasiirka arrimaha dibida ee Soomaaliya.

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda Dunidda

Eraybixinta Soomaaliga

Eraybixin waxaa ula jeedaa marka fikir, tab ama walax af ama dad aan Soomaali ahayni ay sidaan la isku dayo in loo helo af Soomaali. Eraybixin waxay noqon kartaa eray af Soomaaliga ku jira oo u dhigma midka ajnebiga ah ee lala kulmay. Waxay noqon kartaa eray Soomaaliga ku jiray oo aan awal macnahan loo adeegsan jirin, hadda ka dibse loo asteeyay. Waxay noqon kartaa eray la curiyay sida laba eray oo la isku daray si ay macna hor leh u sameeyaan. Waxayna noqon kartaa in la isla gartay in erayga laga soo ergado af qalaad. Eraybixin oo dhami waxay …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Aniguba Mar baan Dhacay’

Markii aan arkay natiijada imtixaanka Dugsiyada, aad ayaan u dhibsaday ardayda faraha badan ee aan gudbin. Dow ma aha in aan xukun ku saleysan mala awaal aan ku rido, ama aan canaan kala dul dhaco mid ka mid ah dhinacyada faraha badan, ee toos ama si dadban u yeelan kara mas’uuliyadda mar fashilka ah. Mana doonayo in aan khafiifiyo dhaawaca ay natiijada imtixaanku ku leedahay maskaxda ardayga iyo waalidka, hammigooda, dhaqaalahooda iyo qabkoodaba. Waxaanse rabaa in aan khibraddeyda shakhsiga ah la wadaago ardayga dhacay, maaddaama aniguba aan mar dhacay. Mustaqbalkaagu kuma xirna hal mar oo aad natiijada imtixaanka ku hungowday, …

Read more 0 Comments
Diplomasiyadda & Dunidda

Wareysigii Ra’iisal Wasaare Meles Zenawi – BBC 2008

BBC Somali: Wareysiga Meles Zenawi waxay BBC daabacday Isniin 25 Febraayo 2008.  2008 dagaal kulul oo lagu hoobtay, in badanna barakiciyay ayaa ka socday Koofurta Soomaaliya siiba caasimadda, Muqdisho. Wuxuu u dhexeeyay ciidammada Ethiopia iyo kuwa Dowladdeenna oo dhinac ah iyo ciidammada Muqaawamada oo ay Maxkamadaha oo Shabaab ka mid yahay ay ugu abaabulan yihiin. Ethiopia oo intii uu dagaalku socday aan oggolaan wareysi, walibana aan maqli karin BBC, siiba Laanta Soomaaliga ayaan fursad u helay in aan tago oo aan la kulmo madax sare oo u badan Arrimaha Dibadda.  Ugu dambeyn, waxaan fursad u helay in aan xafiiskiisa ugu …

Read more 0 Comments
Diplomasiyadda & Dunidda

Wareysigii Ra’iisal Wasaare Meles Zenawi – BBC 2002

Meles Zenawi wuxuu ahaa Ra’iisal Wasaarihii Ethiopia ee labaatan sano ka badan hareeyay siyaasadda Ethiopia, saameyn weyna ku yeeshay Soomaaliya, Eritrea iyo dalal kale. Dowladda Ethiopia waxay sagaashameeyadii isu aragtay, dooneysayna in uu caalamku u arko in ay tahay dalka ugu saameynta badan Soomaaliya oo sannadahaas ahayd Dowlad la’aan. Sidaa darteedna ay tahay in ciddii Soomaaliya wax u qabaneysa ay Ethiopia isla qabtaan ama ugu yaraan ay isla ogaadaan. Sannadkii 1999 ayaa Madaxweynaha Jamhuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle uu New York, Hoggaamiyayaasha Dalalka Adduunka hortooda uu uga dhawaaqday shir aanuu cidna uga fasax qaadan, kana wargelin. Waa shirkii Carta. …

Read more 0 Comments
Diplomasiyadda & Dunidda

Maxaabbiista Soomaaliyeed ee Dibadda

Waxaa maalmahaan socda olole lagu dalbayo in ay Dowladdu u istaagto dhallinyaro Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada dalal shisheeye,  taas oo loo arko, ahna waajib Dowladda saaran. Maaddaama uu ololuhu sii xoogeysanayo, mararka qaarkoodna ay ka hadlayaan dhinacyo aan ahayn xog ogaal buuxa, ayaan goostay in aan soo bandhigo xogta hadda suurta-galka ah in aan la wadaago dadweynaha.  Waa dadaal ay waddo Dowladda Soomaaliya laakiin aan weli la soo geba gebeyn. Waxaan shacabka ku wargelinayaa in aan billownay xiriirro dhowr ah oo ku saabsan dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran dalalka Ethiopia, Seychelles iyo India. Ethiopia madaxdeeda ayaan la soo qaadnay …

Read more 0 Comments
Dhaqan, Af, iyo Taariikhda DuniddaDiplomasiyadda & Dunidda

Samatar iyo Cabdiraxmaan Jaamac

Siddeetamaadkii Soomaaliya waa ay saaxiibbo yareysay. Waxaa batay dhaliisha iyo eedeymaha uu caalamku u soo jeedinayo Dowladda. Soomaaliya waxay u baahatay in ay is fasirto. In ay caalamka isu fasirto. La fahmo marxaladda ay mareyso. Dowladdii saaxiib ah la sii xoojiyo saaxiibtinnimadeeda, middii aan saxiib ahayna la isku dayo in saaxiib laga yeesho ama ugu yaraan la xaqiijiyo in aanay cadow ku noqon Soomaaliya. Si taas loo yeelo, Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu soo saaray wareegto. Madaxda dalka ugu sarreysa oo dhan oo uu isagu ugu horreeyo ayaa mid kasta loo qoondeeyay in uu wafdi hoggaamiyo, oo uu wadahadal la soo …

Read more 0 Comments
Diplomasiyadda & Dunidda

Dib u Milicso Mustaqbalka Villa Soomaaliya

Laga soo billaabo Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf Axmed, Guddoomiye Shariif Xasan iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi, ku xiji Nuur-Cadde, Shiikh Shariif, Xasan Shiikh, Saacid Shirdoon, Cabdiweli Shiikh, Cumar Cabdirashiid iyo qaar kale oo Wasiirro u badan Madaxda Sare ee dalka soo martay intooda badan inta aanay xilka qaban waxay ahaayeen rag aan macriifo wanaagsan leennahay.  Qaar aan sheeko wadaag nahay.  Kuwo aan arday wada ahayn iyo qaar aan awal ku tilmaami jiray saaxiibbo  dhow oo aan guryaha iyo Hoteellada isku booqan jirnay inkasta oo markii dambe aan u beddelay in ay yihiin rag aan is naqaan. Sidaas ay tahay, weligeey …

Read more 0 Comments
Dhaqan, Af, iyo Taariikhda Dunidda

Jees iyo Masalle – Qeybta 2aad

Adiga ayaa ku qornaa in aad galabta ii raacdo dhagaxdhigga sida la ii sheegay. Ayuu igu yiri isaga oo weydiin ka wada. Anna waan uga jawaabay. Ma tagtay meeshii? Haa ayaan haddana ku jawaabay. Maxaa dhacay markaas? Yaa dhagaxdhigay? Waan u sheegay. Waxaan u raaciyay sida ay wax u dhaceen oo dhan iyo meesha uu Cabdulqaadir Xaaji Masalle ku soo galay howshaan. Wuxuu yiri Sow anigu kuma qorneyn muxuu Cabdulqaaddir ka doonay? Kamaan jawaabin. Isaga ayaa isaga jawaabay  – Waa khalad, ayuu yiri.  Anigu meeshii ayaan tegey iyada oo aan cidina joogin oo lagu kala tegey, hadda ayaanan ka socdaa. …

Read more 0 Comments
Dhaqan, Af, iyo Taariikhda Dunidda

Jees iyo Masalle – Qeybta 1aad

Kacaanka Oktoobar wuxuu qaban jiray dabbaaldeg sannadle ah oo ku beegan maalintii militerigu uu xukunka la wareegay waa 21-ka Oktoobar. Waxay Dowladdu qabanqaabin jirtay dabbaaldeg iyo fantasiyo aad uga weyn kan maalinta Gobonnimada. Ilaa yaraanteydii arrintaa si uun ayaan u dhibsan jiray.  Ilaa carruurnimadeydii waxaan u qabay in maalinta Xorriyadda aanay jirin maalin Qaran oo ka mudan.  Markii aan garaadsadayna waxaan u arkay Kacaanka laftiisa in ay u roonayd in uu maalinta Xorriyadda xoogga saaro maaddaama ay tahay mid isu keeni karta dadka oo dhan Kacaan, Kacaan-diid iyo Moogayaashaba. Haddii aan isku qalbi la noqon maalintaas, ugu yaraan ma jiro …

Read more 0 Comments
Diplomasiyadda & Dunidda

Beel mise Khibrad iyo Aqoon?

Marka uu dhismo Gole siyaasadeed oo Soomaaliyeed – mid Baarlamaan ama mid Xukuumadeed, heer Federaal ama heer Goboleed, saxaafadda waxaad ku arkeysaa cinwaan ku dhahaya ‘akhriso magacyada iyo beelaha ay ka soo jeedaan’. Ilama ahan in Dhaqankan cusub ee Saxaafadda qoraalka ahi uu yahay mid u adeegaya Qarannimada Soomaaliya. Taa cagisgeed waxaan u qabaa in uu wiiqi karo kalsoonida ka dhexeysa xubnaha Golaha iyo ama tan kala dhexeysa Shacabka. Ku sii dar oo waa fadhiidnimo xagga saxaafadda ah. Qofku qabiilka ma dooran kamana bixi karo. Markii uu dhashay ilaa maantana waa lagu sheegayay qabiilkaas. Macna badan ma soo gudbineyso reerka …

Read more 0 Comments
error: Content is protected!!