Cabdikariin Xikmaawi

About the Author Cabdikariin Xikmaawi

Waa abwaan iyo qoraa ka tirsan Afrikaan. Qoraaga waa hal-abuur tix curiye ah, waa barre dugsiyadda sarre kana dhiga suugaanta, siddoo kale waa gudoomiyaha Bahda Hal-abuurka iyo qoraalka ee Hal-qor, waa qoraha sheekaddii ahayd ”Nasiibkii Telefonka Noloshii Ka Dambaysay”. Qoraaga wuxuu wax ka qoraa qaybaha kala duwan ee nolosha bulshada, murtida iyo maahmaahyada.

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Nasiibkii Telefonka Iyo Noloshii Ka Danbaysay -Qeybtii 4aad

Waa qaybtii afaraad iyo taxanaha sheekadeenii aynu ugu wan-qalnay “nasiibkii telefonka iyo noloshii ka danbaysay” inyar haddii aan idinka xusuusiyo halkii ay inoo maraysay sheekadu. Waatii ay inoo joogtay gabadhii oo i waydiisay su’aal aan markaasi jawaabteeda aanan jeclaysan siddoo kalle waataad ka warqabteen in aan ku idhi “markale ayaan kaaga jawaabi”. Hadaba markii aanu maalintaasi gabadhii sheekaysanay in door ah ayaanu is maca-salaamaynay, anaga oo dhidibadda u taagnay xidhiidh cusub oo aanu yagleelnay horaanta shukaansi iyo haasaawe lagu yaqaanay (gayaan). Wax uu wakhtigu is guraba waxay maaliniba maalin noo sii dhiibtaba wax aanu hawada noo dhaxaysa ka soo wada …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Nasiibkii Telefonka Iyo Noloshii Ka Danbaysay -Qeybtii 3aad

Waa qaybtii saddexaad iyo taxanaha sheekadeenii aynu ugu wan qalnay “Nasiibkii telefoonkiyo noloshii ka danbaysay”. Hadii aan inyar xusuustiina dib ugu celiyo qaybtii hore ee sheekada,waa tii ay inoo joogtay sheekadu aniga oo tashi igu gadhoodhay,waataad ka war qabteen in aan talo ku soo gaba-gabeeyay in aan gabadha si daacada aan ula hadlo,waataad xusuusataan in aan calool adayg damacsanaa mugga in aan miciinsado oo indhaha intaan isku qabto aan runta ku hadalka ku cadeeyo. Hadba marka ay xaajo halkaasi taagantahay wakhtiguna uu hoosta iska gurayo,ayaan miliilicay goorsheegta oo ku taagan (2:30 pm) kuna sii siqaysa galin danbe iyo casar ku …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Nasiibkii Telefonka Iyo Noloshii Ka Danbaysay -Qaybtii 2aad

Waa qaybtii labaad,iyo taxanaha sheekadeenii Aynu ugu wanqalnay “Nasiibkii talefankiyo Noloshii ka danbaysay” hadii aan inyar idinka Xusuusiyo halkii ay inoo maraysay sheekadu Toddobaadkii horre,ayaa ahayd.iyada oo aanu wacnay lanbarkii gabadhu sidatay,ka dib waatii Ay inoo joogtay inantii oo naga qaban la’a Lanbarka,aniga iyo gabadhii kale. Hadaba mar labaad,saddexaad iyo ka badanba Hadii aanu wacnay oo ay naga qaban Wayday,ayaanu is nidhi “iska daaya malaha Waanay arkayn,amaba ogaanba waa idiinka Qaban la’adahaye”.intaasi ka dib ayaanu waxoogaa iska sheekaysanay aniga iyo gabadhii kale ee aanu dariska ahayn,in door ah hadii aan la joogay,ayaan ku idhi:”walaalo salaadii duhur ayaaba dhaw’e,waan sii soconayaaye, …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Nasiibkii Telefonka Iyo Noloshii Ka Danbaysay – Qeybtii 1aad

Ammintu waa goor barqo ah,cirka guudkiisa sare waxa ka muuqda waxoogaa daruuro ah oo teel teel ah,sida oo kale waxa isla cirka laga dheehanayaa caadka iyo liidimaha ku shagaaran, kuwaasi oo kuu shagaya ama kuu tilmaamaya in uu cirku irmaanyahay. Sidoo kale jawigu waa mid  rooban,dhulka xalay mahiigaan ku gallaa-bixiyay ayaa ay ka sii muuqdaan raadadkiisii,balse dhanka kale hadii laga eego maalintaas waxa jira waxoogaa huur ah,iyo kulayl aad ah oo qorraxdu la waasatay. Kaaasi oo malahayga ay soomaalidu odhan jirtay marka ay ka yaabaan kulaylka cadceeda iyo uumiga dhulka ka soo baxaya ee is qabsada xilliyada noocanni oo kale …

Read more 0 Comments
error: Content is protected!!