Afrikaan.so

About the Author Afrikaan.so

Afrikaan.so – “waa codka xorriyadda iyo la daggaalanka bey’ad uu qof kaligii ka taliyo ama la xariira dadka aaminsan si fikradahooda jira loo xoojiyo fikradaha kale ee aan loo qaddarin.” Sidoo kale, Afrikaan.so waa deggel u taagan in qoraalku noqdo mid qiimo leh, in aragtiyada iyo xal u helida dhibaatada bulshadeena lagu lafa-guro. Sida ka muuqato sumada websaydkeena waxaad ka helaysaa dhammaan cilmiga noocyadiisa kala duwan ee lagu baahiyey. Waxaa guud ahaan aqoonyahanada iyo qorayaasha ku boggaadineynaa siddii ay dalkooda dhaxal ugu reebi lahaayeen ugana soo saari laheeyeen dal dhaafsan dalalka caalamka, iyadoo loo maraayo aragtida ah ‘Xalka waa xaggee?’” Afrikaan.so waxaa ka go’an inay abuurto bulsho hal abuur fiican leh, inay saldhig u noqoto xalka caqabadaha & qaran ahaan loo aqoonsan yahay adeeg xirfadeed.

Diinta IslaamkaFalsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Maxay Dad Badan oo Masiixiyiin Ah ay Usoo Galayaan Diinta Islaamka?

Waxaa xaqiiqo ah in Islaamku si xawli ah ugu koraayo reer galbeedka. Dalka Mareykanka oo keliya tirada muslimiintu si aad ah ayey kor ugu kacday, laga bilaabo qiyaastii 10,000 sanadkii 1900 ilaa 3 milyan ama in ka badan sanadkii 1991 (masuuliyiinta qaar waxay dhahaan 4.5 milyan). Inta badan kobocaani waxaa sabab u ah soogalootiga dhowaan tagay Mareykanka iyo heerka dhalmada ee Muslimiinta (5 carruur ah qoyskiiba celcelis ahaan). Wali, tirada dadka soo galaya diinta Islaamka waa kuwo aad u tiro badan. Mareykanka dhexdiisa, badidoodu waa Afrikaan-Mareykan (seddex meelood meel dhammaan muslimiinta sida ay qabaan mas’uuliyiinta badankood). Maxaa dadka ku dhiirrigelinaya …

Read more 0 Comments
Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Dilkii George Floyd, Maxaa Isbedelay Cunsuriyada Mareykanka?

Wakhtiyadaan ugu dambeeyay dalka Mareykan waxaa ka dhacay mudaharaadyo badan kuwaasoo loogu soo horjeeday dilkii naxariis darada ahaa ee George Floyd. Geeridaan naxdinta laheyd ee George Floyd ee ku timid jilibka booliis caddaan ah oo magaciisa la yiraahdo Derek Chauvin ayaa dhalisay kacaan ay shacabka reer Mareykan ku doonayaan in George Floyd helo caddaalad. Fiidiyowga gacanta lagu duubay ee geerida George Floyd, sarkaalka Derek Chauvin, wuxuu kusii haayay jilib qoorta dhabarkiisa ilaa sideed daqiiqo ilaa uu Mr. Floyd joojiyo hadalka ama dhaqaaqa. “Uma baahnid inaad halkaas fadhiisatid iyadoo jilibkaagu qoorta saaran yahay,” ayuu ku dhawaaqay qof kamarad ka ag-dhowaa, isagoo …

Read more 0 Comments
Siyaasadda & Diplomasiyadda

Falanqeyn: Maxay Armeniya iyo Azerbayjaan ugu Socdaan Dagaal?

Colaada soo jireenka ah ee udhaxeysa Armeniya iyo Azerbayjan ayaa cirka isku sii shareertay maalmahaan lasoo dhaafay, waxaana labada dal soo gaaray khasaarahoodii ugu xumaa muddo afar sano ah. Intii u dhaxeysay luulyo 12 iyo 16, ugu yaraan 16 xubnood oo ka kala tirsanaa labada dhinac ayaa ladilay: afar askari oo Armenia ah iyo 12 Azerbayjaaniyaan ah, oo uu kujiray masuul sare oo jeneraal ahaa. (Askari shanaad oo reer Armeniya ah ayaa u dhintay dhaawacyadii soo gaaray dabayaaqada bishaas luulyo.) Dagaalkaas wuxuu ahaa dhacdadii ugu dambeysay ee dhacday bishii luulyo ee sanadkaan 2020. Dagaal kale oo xooggan ayaa maalmahaan ka …

Read more 0 Comments
AkhriWarbaahinta iyo Siyaasada

Qorshayaasha Sahyuuniyadda ‘Zionist’ ee Bariga Dhexe

Qorshayaasha Sahyuuniyadda ‘Zionist’ ee Bariga Dhexe: Theodor Engström wuxuu sharraxayaa dagaallada reer galbeedka ee bariga dhexe iyo dokumentiga «A Clean Break: A New Strategy for Securing the Realm»  Istaraatiijiyad cusub oo lagu xaqiijinayo boqortooyada” kaas oo tilmaamaya toddobo himilooyin oo ka socda Zionist. Marka hore aan qeexno, Waa Maxay Sahyuuniyadda ‘Sionism’? Sahyuuniyadda waa fikrad iyo dhaqdhaqaaq wadaniyeed oo ka dhex jira dadka Yuhuudda ah oo taageersan dib-u-dhiska iyo taageerida dowlad Yuhuud ah oo ku sugan dhulka lagu qeexay Dhulka taariikhiga ah ee Israa’iil. Sahyuuniyadda waa dadaal diimeed iyo siyaasadeed oo ay keeneen kumanaan Yuhuud ah oo ka kala yimid adduunka …

Read more 0 Comments
Dhaqan, Af, iyo Taariikhda Dunidda

Maxaad Ka Taqanaa Cumar Al-Mukhtaar? – Libaaxii saxaraha

Cumar Al-mukhtaar wuxuu dhashay 1858, wuxuuna ka dhashay qoys ka mid ah dadka ku nool magaalada Zanzur oo u dhow Tobruk, oo ka tirsan gobolka Ottoman Cyrenaica, oo ka tirsan Senussi (oo loo arkaayey inay yihiin Ashrafs-ka Liibiya) oo ah reer Carbeed sida Amiirka ama boqorka Idris es Senussi, aakhirkiina noqday caaqilka ama hogaamiyaha qabiilka. Markii uu yaraa Cumar aabihiis ayaa geeriyooday, yaraantiisiina wuxuu ku qaatay saboolnimo, yaraantiisina wuxuuna barashada qur’aanka uu u aaday tuulo aan ka fogeyn Zawaayet,. Waxaa soo korsaday nin Shiikh weyn ahaa, wuxuuna saaxiibo la ahaa wiilka uu adeerka u yahay Xusseen Ghariani, Sharif al Geriani. …

Read more 0 Comments
Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Falanqeyn: Shacabka Reer Afgooye Miyaysan Nasab-ahayn?

Dhibaatooyinka ay geystaan fatahaadaha webiyada iyo roobabka ayaa waxay ka noqdeen gudaha Soomaaliya wax soo noqnoqda, kuwaasoo baabi`yay dad iyo duunyaba. Marka loo barbardhigo dhulalka wabi-mareenka ah dalka intiisa kale waa dhul lugu tiriyo dhulalka qalalan, iyadoo ay taasi jirto ayaa xilli roobaadyada sida xilliga gu’ga markuu si fiican u roob dhigo ayuu wuxuu sababaa in ay dooxyadu biya badan soo rogaan kuwaas oo loo yaqaanno “daadad” waxayna saameeyn iyo waxyeelaba u geeystaan kaabayaasha dhaqaale iyo hab-nololeedka bulshooyinka u badan xoolo dhaqatada ee halkaas degan iyo sidoo kale dadka ku nool magaalooyinka. Iyadoo ay dhibaatooyinkaasi jiraan, madaxda Soomaaliyeed waxaad u …

Read more 0 Comments
Majaladda

Majaladda Sebteember/Oktoober 2020

Halkaan kala dag majaladda Afrikaan SEBTEEMBER 2020 MAJALADDA AFRIKAAN.SO PDF   waa haddii aadan rabin inaad sii akhriso qoraalkaan: “Ilbaxnimo kastaa waxay ku qotontaa taariikh bulsho oo wax laga bartay. Shuruucda iyo xeerarka dadku samaystaana waxay ka amba qaadaan waayo-aragnimada iyo baahida bulshadaas. Sidaas awgeed, Afrikaan.so waa deggel hormuud u ah wararka madaxa bannaan iyo ajendaha-dejinta wararka, falanqaynta siyaasadeed iyo faallooyinka fikirka-gaarka ah ee sida gaar ah loogu qoray/diyaariyey jiilka cusub ee fikirka madax-bannaan iyo kuwa muxaafadka ah. Sidoo kale, Afrikaan.so waa deggel u taagan in qoraalku noqdo mid qiimo leh, in aragtiyada iyo xal u helida dhibaatada bulshadeena lagu lafa-guro. Sida ka …

Read more 2 Comments
Warbaahinta iyo Siyaasada

Waxay Ahayd Yahuud, Waxayne Sheegan jirtay Inay Tahay Qof Madow – Waa Jessica Krug

Waa haweenay warbaahinta caalamka qabsatay maanta. Waa aqoonyahanad Mareykan ah oo shaqadeedu tahay daraaseenta farqiga u dhaxeeyo Afrika iyo qurba joogta Afrikaanka ah ayaa sheegtay inay ka been sheegtay inaysan ahayn qof madow. Takhasuskeedu waa daraasaadka Afrika iyo dadka reer Afrika ee qurbe joogga ah ayaa sheegtay in ay been ka sheegtay isirkeeda oo aanay ahayn qof madow. Jessica Krug oo ah bare wax ka dhigta Jaamacadda George Washington, ayaa qirtay in ay tahay haweenay Yuhuudiyad caddaan ah, kuna dhalatay magaalada Kansas City ee dalka Mareykanka. “Noloshayda oo dhan waxaan waday been ay colaad ku dheehantahay oo ka dhan ah …

Read more 0 Comments
Dhaqan, Af, iyo Taariikhda Dunidda

114 Sano Kadib Ayay Raali Gelin Ka Bixiyeen Wiilka ay Xerada Gelisay Beerta xayawaanka ee Bronx

Dhacdadaan waa dhacdo dhabta ah oo ay ku dhacday nin dhalinyaro ah oo reer Koongo, oo laga soo qafaashay dalkiisa waxaana la keenay Mareykanka. Waxaa la qabtay bishii Maarso sanadkii 1904-tii, waxaa Koongo ka qabtay ganacsade Mareykanka u dhashay oo la yiraahdo Samuel Verner, Inkasta oo aan xilliggaas la ogeyn da’diisa balse waxaa lagu qiyaasay 12 ama 13 jir. “Mid ka mid ah sheekooyinka ugu xiisaha badan ee ku saabsan saameynta horumarka ee xiriirka aadanaha waa sheekada Ota Benga, oo ah nin caan ah oo lagu soo bandhigay beerta xayawaanka ah tusaale ahaan isir ahaan liidata. Dhacdadu waxay si cad …

Read more 0 Comments
Diinta IslaamkaWarbaahinta iyo Siyaasada

Wargeyska Charlie Hebdo: “Mar Dambe Sawir Gacmeed Kama Sameyn Doono Nabi Muxamed NNKH” – Balse Markale Ayey Dib u Daabaceen

Charlie Hebdo waa joornaal Faransiis ah, toddobaadle ah oo majaajilo ah oo la soo saaro maalin kasta oo Arbaco ah. Wargeyskaan Charlie Hebdo ee Faransiiska ayaa maanta faafiyey dacaayad uu ka sameeyey suubane Nebi Muxammad NNKH. Wargeyskan ayaa sidan oo kale 2015 u faafiyey dacaayaad ka dhan rasuulka, haseyeeshee caro ayaa ka dhalatay ficilkaas ay sameeyeen, waxa uu la kulmay weerar iyo cambaarayn xooggan. Soomaaliya ayaa kamid ahayd meelaha laga dhaliiley jariiradaasi 2015-kii. Wargeyska qaabka maadeysiga wax u qora ee kasoo baxa Faransiiska ee Charlie Hebdo ayaa dib u daabacay sawir gacmeed laga sameeyay Nebi Maxamed (NNKH), tallaabadaas oo sanadkii …

Read more 0 Comments
error: Content is protected!!