Afrikaan.so

About the Author Afrikaan.so

Afrikaan.so – “waa codka xorriyadda iyo la daggaalanka bey’ad uu qof kaligii ka taliyo ama la xariira dadka aaminsan si fikradahooda jira loo xoojiyo fikradaha kale ee aan loo qaddarin.” Sidoo kale, Afrikaan.so waa deggel u taagan in qoraalku noqdo mid qiimo leh, in aragtiyada iyo xal u helida dhibaatada bulshadeena lagu lafa-guro. Sida ka muuqato sumada websaydkeena waxaad ka helaysaa dhammaan cilmiga noocyadiisa kala duwan ee lagu baahiyey. Waxaa guud ahaan aqoonyahanada iyo qorayaasha ku boggaadineynaa siddii ay dalkooda dhaxal ugu reebi lahaayeen ugana soo saari laheeyeen dal dhaafsan dalalka caalamka, iyadoo loo maraayo aragtida ah ‘Xalka waa xaggee?’” Afrikaan.so waxaa ka go’an inay abuurto bulsho hal abuur fiican leh, inay saldhig u noqoto xalka caqabadaha & qaran ahaan loo aqoonsan yahay adeeg xirfadeed.

Caafimaadka iyo Sayniska

Maxaad Ka Taqanaa Cuntooyinka Kor u Qaadi karo Howsha Gogosha?

Haddii ay jiraan caddeymo ku saabsan in hal cunto ah oo aad qaadatid ay sare u qaadi karto hammadaada, waa arrin inta badan dadka ay raadin lahaayeen. Balse qaadashada cuntooyinka isku dheelitiran, sare u qaadidda dhaqamada nolosha iyo caafimaadka wanaagsan waxay dhammaantood ka qeyb qaadan karaan inay xoojiyaan awooddaada dhanka gudashada howsha gogosha, su’aasha waxay tahay ma jiraan cuntooyin dabiici ah oo sare u qaadi karo howsha sariirta lamaanayaasha?. Waxaa jiro cuntooyin leh nafaqo u wanaagsan xoojinta shahwada, waxaan eegeynaa taarikhda iyo mabaadii’yada seyniska ee sharraxaya cuntooyinka xoojin karaa howsha sariirta lamaanayaasha. Cuntooyinka ku jira Caroogta badda Sida la sheegay …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Waa Maxay Sulphuric Acid?

Sulphuric acid (H2SO4) waa maaddo ka sameysan walxo ceyriin ah oo loo adeegsado howlaha warshadaha qalabka lagu farsameeyo. Qeyb aad u badan ayey kiimikadan ka qaadataa soo saarista qalabka bacriminta iyo qabata howlo kale oo ay ka mid yihiin dhalaalinta biraha, midabeynta walxaha aan noolaha ahayn, nadiifinta shidaalka, soo saarista warqadaha iyo arrimo badan oo la xidhiidha kiimikooyinka wax soo saarka. Abuuritaanka kiimikada sulphuric acid waxaa loo maraa ilaa saddex marxaladood, sida aan kasoo xigannay bogga Science Direct, ee ka faallooda arrimaha seyniska iyo maadooyinka laga sameeyo. Meelo badan oo ka mid ah adduunka waxaa ka dhaca weerarro loo adeegsado …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo SayniskaQoyska & Horumarinta Bulshada

Kufsiga Soo Badanaayo Ma Loo Aaneyn Karaa Daawashada Filimmada Xun Xun ee Galmada?

Filimmada anshax xumada leh ee qaawan waa sun iyo la dagaalanka xagga maskaxda oo lagu soo dhex faafiyey bulshada caalamka. Qofka caadeysta daawashada filimmadaan xun-xun wuxuu halis ugu jiraa dhibaatooyin badan. Waxay baabi’isa naxariista, waxay dhalisaa rabshadaha bulshada sida kufsiga, waxay dishaa jaceylka ay isu qabaan labada qof ee isqaba iwm. Su’aal kama taagna in fiirsashada filimmada galmada ah ay noqon karto isha khilaafaadka qoysaska qaar,  maxaa yeelay qofka caaddeysta daawashada filimadaan waxaa soo gaara dhibaatooyin badan oo xagga damiirka iyo maskaxda ah. Maxaa loo aaneyn karaa kufsiga ku soo badanaya Soomaaliya? – Yaa isweydiiyey? Waxaa sare u sii kacaya …

Read more 0 Comments
Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Wiilka George Floyd “ma joojin karo daawashada muuqaalka Geeridii Aabahay”

Fiidiyowga gacanta lagu duubay ee geerida George Floyd, sarkaalka Derek Chauvin, wuxuu kusii haayay jilib qoorta dhabarkiisa ilaa sideed daqiiqo ilaa uu Mr. Floyd joojiyo hadalka ama dhaqaaqa. Geeridii lama filaanka ahayd ee George Floyd – oo maanta 47 jir noqon lahaa – waxay ahayd dhacdadii ku salaysaneed jinsiyad-naceylka iyo naxariisdarrada booliiska Mareykanka. Wiilka George Floyd, ayaa sheegay inuusan joojin karin daawashada muuqaalka daqiiqadihii ugu dambeeyey aabihiis oo nool. Quincy Floyd ayaa madaxiisa hoos u fooraariyey oo wejigiisa daboolay markii uu maqlay oohinta aabbahiis ee soo noqnoqda ee ah “Ma neefsan karo”. Wiilka ugu weyn ee Mr Floyd ayaa u …

Read more 0 Comments
Siyaasadda & Diplomasiyadda

“Hawlaha Aan Soomaaliya ka Wadno Goor Horeba Sii Socdeen” – Monica Juma

Wasiirada Gaashaandhigga Kenya, Monica Juma, oo wareysi siisay Wargeyska Nation ee saldhiggiisu yahay magaalada Nairobi, ayaa faahfaahin ka bixisay sababaha ku xiran in milatariga Kenya ee ku sugan Soomaaliya laga soo saaro. Juma ayaa meesha ka saartay warar dhawaanahanba la isla dhex marayay oo ku saabsanaa in Kenya ay qorsheyneyso sidii ay ciidankeeda uga soo saari lahayd Soomaaliya, waxayna sharraxaad ka bixisay shuruudaha ku xidhan tallaabo noocaas ah. “Runtii maba jiraan waxyaabo u baahan in la kala caddeeyo. Kenya waxay qeyb ka tahay waddamada ay ciidamadooda ku jiraan Amisom. Waxaan halkaas ku tagnay qaraar kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Goormaa Caawinaad Loo Baahan Yahay? – Caafimaadka dhimirka

Cudurada dhimirka oo tabaaleynaya malaayiin dad ah caalamka sannad walba ayaa waayadan dambe cilmiga, aqoonta iyo daawayntiisu horumar xoog leh ka samayayeen waddamada horumaray. Xaqiiqduna waxay tahay in heerar isku dhow bani’aadamka soo wada maray taariikhihii hore, marka la fiiriyo hadba wixii laga rumaysnaa xanuunadan sababtooda iyo daaweyntoodaba ilaa waqtigan xaadirka ah. Wareemidda, tumaatida, dirirta iyo dhacdooyinka kale ee argagaxa lihi waxay qofka ku reebi karaan masiibo maskaxiyeed. Inkasta oo ay qofba heer waxyeeladu u gaarto misana waxa hubaal ah in ay jiraan qaabab loo maro ama lagu daaweyn karo. Qof kasta oo inaga mid ah mar-mar ayuu dareemaa kurbo …

Read more 0 Comments
Akhri

Sidee Loola Macaamilaa Bahdilka Goobaha Shaqada?

Waxaa jira dhibaatooyin badan oo ka jira goobaha shaqooyinka kuwaas oo aan halkaan lagu soo koobi karin. Dadka qaar wey iskeega qancaan dhibaatooyinka kasoo wajaha goobaha shaqada ayagoo u cabsi qaba in shaqada laga ceyriyo ama ay iska aamusaan ayagoo ka cabsi qaba sharaf xumo keeni karta isqabqabsi. Laakiin bani’aadamka iskumid ma ahan ee qaar waxaa jira aanan u adkaysan karin isla markaana hadla ama dacwad ka gudbiya. Haddii laga fiiryo dhinaca caafimaadka ma ahan wax wanaagsan inaad dhibaato ku haysato aad iskeega aamusto, maxaa yeelay waa qayb weyn oo ka mid ah caafimaadkaaga jireed iyo maskaxeed. Waxayna keentaa diiqadda …

Read more 0 Comments
Akhri

Qaxooti Badan oo Noorwiiji ah Ayaa Dhameeya Dugsiga Sare Marka La Barbardhigo Denmark iyo Finland

Caruur iyo dhallinyaro oo asal ahaan ka soo jeeda dad qaxooti ah ayaa dhameysta dugsiyada sare ee dalka Noorway marka loo fiiriyo Denmark iyo Finland. Xogtaan waxaa lagu muujiyey dib u eegis lagu sameeyey xogta diiwaangelinta ee carruurta qaxootiga ah ee yimid Denmark, Finland, Noorway, iyo Sweden sannadihii 1986-2005. Daraasadda diiwaangelinta waa mid ka mid ah labada daraasadood oo cusub oo lagu sameeyay mashruuca cilmibaarista Nordic “Coming of Age in Exile” (CAGE) oo diiradda saaraysa caafimaadka, waxbarashada, iyo isku xirnaanta suuqa shaqada ee dhalinyarada qaxootiga ah. Daraasadda labaad ayaa ah sahamin tayo leh oo laga helay waayaha dhallinyarada qaxootiga ku …

Read more 0 Comments
Dhaqan, Af, iyo Taariikhda Dunidda

Maxay Kala Yihiin Wadamada Iskandaneefiyanka ‘Scandinavian’?

Iskandaneefiyanka waa gobol ku yaal Waqooyiga Yurub. Wadamada Iskandaneefiyanka waa seddex boqortooyo oo kala ah Denmark, Noorway, iyo Iswiidhan. Wadamadaan waxay ugu yeereen wadamada Iskandaneefiyanka sababtoo ah jasiiradda Iskandaneefiyanka darteed. Sababta kale ayaa ah in wadamadan ay leeyihiin xiriir taariikhi, dhaqan, iyo afeed oo adag. Ereygan sidoo kale wuxuu ka yimid gobolka Scania (sidoo kale loo yaqaan Skåne), oo ah gobolka koonfureed ee ugu hooseeya Iswiidhan. Ereyga ‘Scandinavia wuxuu soo ifbaxay dabayaaqadii qarnigii 18aad intii lagu jiray dhaq dhaqaaqii luuqadeed iyo dhaqameed ee iskandaneefiyanka. Noorway iyo Iswiidhan waxay wadaagaan gobolka jasiiradda Iskandaneefiyanka oo dhererkiisu dhan yahay 289,500 mayl oo laba …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

5 Arrimood oo Sabab u Ah in Dhimashada Korona ay Ku Yaraato Afrika

Tirada dadka ku dhintay qaarad ay ku nool yihiin hal bilyan oo ruux ayaa ka yar dadka ku dhintay waddanka UK oo kaliya, iyadoo waliba uu jiro farqi weyn oo u dhaxeeya hannaanka caafimaadka iyo qalabka loo adeegsado. Dalal badan oo ku yaalla Afrika ayaa lagu ammaanay inay olole fiican u sameeyeen hakinta fiditaanka fayraska corona, iyadoo xitaa la ogyahay inay adeegyadooda caafimaad aad u liitaan. Qaaradda oo ay ku nool yihiin in ka badan hal bilyan oo ruux ayaa laga soo tabiyay 1.5 milyan oo kiis, sida lagu shaaciyay xog kasoo baxday Jaamacadda John Hopkins. Tiradaas ayaa aad uga …

Read more 0 Comments
error: Content is protected!!