Afrikaan.so

About the Author Afrikaan.so

Afrikaan.so – “waa codka xorriyadda iyo la daggaalanka bey’ad uu qof kaligii ka taliyo ama la xariira dadka aaminsan si fikradahooda jira loo xoojiyo fikradaha kale ee aan loo qaddarin.” Sidoo kale, Afrikaan.so waa deggel u taagan in qoraalku noqdo mid qiimo leh, in aragtiyada iyo xal u helida dhibaatada bulshadeena lagu lafa-guro. Sida ka muuqato sumada websaydkeena waxaad ka helaysaa dhammaan cilmiga noocyadiisa kala duwan ee lagu baahiyey. Waxaa guud ahaan aqoonyahanada iyo qorayaasha ku boggaadineynaa siddii ay dalkooda dhaxal ugu reebi lahaayeen ugana soo saari laheeyeen dal dhaafsan dalalka caalamka, iyadoo loo maraayo aragtida ah ‘Xalka waa xaggee?’” Afrikaan.so waxaa ka go’an inay abuurto bulsho hal abuur fiican leh, inay saldhig u noqoto xalka caqabadaha & qaran ahaan loo aqoonsan yahay adeeg xirfadeed.

Qoyska & Horumarinta Bulshada

“Waan ku nafisay inaan wax ka qoro kufsigi la ii geystay” – Michella Koela

Michella Koela oo ah gabar qoraa ah oo filimaantana jisha ayaa sheegtay iney taariikhda kufsiga ee loo geystay oo ay filim ka qortay uu culeys badan uu maskaxdeeda ka riday. Michella waxay aad ugu caan baxday oo lagu yaqaannaa flimkeeda taxanaha ah ee loo yaqaanno ‘Chewing Gum’. Xilliga wuxuu ahaa xilli ay Michella qoreysay qaybta labaad ee filimka taxanaha ah ee ‘Chewing Gum;. Maalin maalmaha ka mid ah inta ay qoraalka waddo ayey dhexda fasax ka gashay. Waxayna billaawday iney saaxibaddeed arrima badan ka sheekeystaan. Waxay markiba xusuusatay arrima badan oo nafteeda madow badan geliyo isla-markaana noolasheeda utun ku reebay. …

Read more 0 Comments
Diinta Islaamka

Mar Dhoof iyo Soonkii Qoraxdii Dhici Weyday

Waa markii iigu horreysay ee aan debadda u dhoofo anigoo aad u dhallinyar, waxaa la ii diray dalka Ruushka oo markii hore laysku oran jiray Midowga Sofiyeetiga, dalkaas oo ugu badnaa dalalka Soomaaliya siin jiray deeqaha waxbarasho. Waxaan ahayn arday badan oo qaarba loo diray iney cilmi gaar ah soo bartaan. Waxaa lagu jiray bil Ramadaan oo inteedii badnayd aan ku soonnay dalka, waxaan ka soo dhoofnay Muqdisho xilli habeen ah, abbaarihii 7:30 fiidnimo innagoo sii raacnay dayaaradda Aeroflot ee Raashkku leeyahay. Markii aan gaarnay magaalada Moosko ee caasimadda Ruushka ayaa nala kala qaybiyay oo arday walba jaamacaddii iyo gobolkii …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Waxay tiri “Cudurka dibirada wuxuu iga dhigay sida in aan uur leeyahay Markasta”

“Waxaan u ekahay dadkuna ii arkaan sida qof uur leh markasta. In xanuunkan uu igu dhacdo wuxuu iga dhigay sida qof kale.” Natasha King kama hadleyso arrin la xiriirta cayil xad dhaaf ah, ee waxay ka hadleysaa in ay qabto cudur sababa in hanaanka difaaca jirka uusan u shaqeyn sidii loo baahnaa kaas oo lagu magacaabo coeliac. “Wuxuu cudurkan igu dhacay anigoo 18 sano jir ah mana ka war haynin inaan qabo,” ayey tiri gabadha oo hadda 21 sano jir ah oo la hadashay BBC Radio 1 Newsbeat. Cudurka Coeliac waa xaalad ka dhalata falcelin ay sameeyaan qaar ka mid …

Read more 0 Comments
Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Soomaaligii ugu Horeeyay ee Loo Xusho ka mid Noqoshada Akadamiyad Caalami ah

Qoraaga caanka ah ee Soomaaliyeed Nuurdiin Faarax ayaa ka mid noqday Akadamiyada Mareykanka ee xirfadaha kala gedisan sida suugaanta, sayniska iyo horumarinta danta guud. Akadamiyadaas oo ah tan ugu faca wayn oo ay ku kulmaan aqoonyahannada ayaa waxaa la aasaasay sanadku markuu ahaa 1780-kii,iyadoo dadka ku biira inta badan lagu xusho aqoonta iyo in uu yahay qofku mid wax faa’iido leh ku soo kordhiyay bulshada . Nuurdiin Faarax ayaa ka mid noqnaya 276, qof oo isugu jira hoggaamiyaal, arday saynisyahano, iyo dad ku xeel dheer farshaxanka kuwaas oo loo xushay in ay Akadamiyada oo lagu magacaabo American Academy of Arts …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Walwalka Haweenka ku Dhacaa Ma Wuxuu Sababaa Hurda La’aan?

Hurda la’aantu waxa ay sii xumaysaa dhibaatada xanuunnada dhiminka ee haya gabdhaha da’da yar ee Scotland, khubaro ayaa sidaasi sheegay. Cilmi-baaris ayaa muujinaysa in ku dhawaad saddex meelood oo meel hablaha da’da yar ay la daalaa dhacayaan dhibaatooyiin dhinaca hurdada ah oo ka soo gaaray saameyn xun oo dhinaca caafimaadka dhimirka iyo jirka kalaba. Hasayeeshee gabdho ay da’doodu ka wayn tahay 15 sanadood ayaa waxa ay wajahaan cadaadis sare kaas oo ka qeyb qaata walaaca iyo walwalka ay qabaan. Dadkii cilmi-baaristan hogaaminayay ayaa sheegay in xaaladdu ay adag tahay. Cilmi-baaristan, oo ay hogaaminaysay Jaamacadda Glasgow waxaana maalgaliyay hay’adda caafimaadka Scotland …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

5 Qodob oo Kaa Caawinaya Inaad Habeenkii Hesho Hurdo Fiican

Waxaa tan iyo intii xayiraadaha ah in guriyaha aan laga bixi Karin ee cudurka Corone la soo rogay soo badanaysay cabashooyiinka ku aadan hurda la’aanta. Waxaa aad baraha bulshada loogu baahiyay hashtag lagu magacaabo”can’t sleep” ama ma hurdi karo, taasi oo muujinaysa dadka badan ee ay hurda la’aanta ku dhacday. Mid ka mid ah dadkaasi waa Coppell. “Ka hor inta aan xayiraadda la soo rogin waxaan u hurdi jiray si aad ah, balse imika waxaa i haysata taa badalkeeda oo hurda la’aan ah,” waxay Laura oo 26 jir ah sidaasi u sheegay BBC qeybta Newsbeat. Haddii arrintan oo kale ay …

Read more 0 Comments
Akhri

“17 Sano Ayaan Macalin Ahaa, Waxna Ma Qori Karin Mana Akhrin Karin”

John Corcoran oo kusoo barbaaray gobolka New Mexico ee dalka Mareykanka, wuxuu ku noolaa halkaas sanadihii 1940-meeyadii iyo 1950-meeyadii, wuxuu ka baxay dugsi sare, wuxuu kasoo qalin jebiyay jamaacad, wuxuu sannadkii 1960-kii noqday macalin-muddo 17 sanno ah ayuuna ku howlanaa shaqadaas. Haatan wuxuu sharrayaa waxyaabihii u qarsoonaa muddada inta la’eg ee uu macalinka ahaa. Markii aan ahaa carruur waxay waalidkeyga ii sheegeen in aan guusha gaaray, lixdii sano ee ugu horreysay waxaan rumeysnaa waxa ay waalidkey ii sheegeen. Markii aan yaraa waxaan doonayay in aan wax barto sida qaar kamid ah walaalaheyga, markii aan ku biiray Iskuulka gaar ahaan fasalka …

Read more 0 Comments
WARBAAHINTA

Dadka Kenya oo ka Gilgishay Xaaladda Hooyo Carruurteeda Dhagxaan u Karinaysay!

Dadka reer Kenya ayaa u dhaqaaqay gargaaridda haweenaydii korinaysay carruurta bilaa aabbaha ah, ee laga duubay muuqaalka iyadoo dhagxaan u karinaysa siddeedeeda caruurta ah si ay uga dhaadhiciso in ay cunto u diyaarineyso. Peninah Bahati Kitsao, oo ku nool Mombasa, waxay rajeyneysay inay hurdo qabato, inta ay cuntada ka sugayaan. Waxa ay ka shaqayn jirtey gooob dharka lagu dhaqo laakiin shaqadii noocaas ahayd way adkaatay maaddaama dalka la xaddiday is dhex galkii bulshada sababo la xidhiidha coronavirus. Deriskaada oo ka naxday xaaladdeeda, waa Prisca Momanyi, ayaa warbaahinta ku faafisay dhibaatadii haweeynaydaasi haysatay. Kaddib markii laga waraystay, talefiishanka NTV ee Kenya, …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Maxaa ka Jira in Ukunta ay Keento Wadne Xannuun?

Xilli ay dalal badan shacabkooda ku boorriyeen inay guryaha joogaan, si looga hortago faafitaanka cudurka Covid-19, in badan oo naga mid ah waxay mudnaan gooni ah siinayaan raashinka aan cunno iyo sida uu caafimaadkeenna waxtar ugu leeyahay. Laanta BBC ee ka faalloota raashinka ayaa diiradda saaraya sidii ay dadka uga caawin lahaayeen inay wax ka fahmaan faa’iidada iyo waxyeellada ku jirta cuntooyinka ugu badan ee la isticmaalo. Mid ka mid ah waxyaabaha gaarka loo eegayo waxaa ka mid ah Ukunta. Ma dhab baa in ukuntu ay sababto wadne xanuun? Haddii ay jirto cunto aad u wanaagsan, ukunta waxay noqoneysaa midda …

Read more 0 Comments
WARBAAHINTA

Korona Fayrus: “Geesiga” Ka Geeriyooday Kubadda Koleyga Soomaaliya

Alle ha u naxariistee waxaa magaalada London ku geeriyoodey Bani Cabdalla Cali oo ka mid ahaa xiddigihii kubadda koleyga Soomaaliya. Wuxuu la xanuunsanaa fayraska Covid-19. Baana ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay ku jiray Isbitaal ku yaal London isagoo ku jiray xaalad koomo ah sida ay BBC u sheegeen dad aad ugu dhawaa marxuumka. Baana Cali wuxuu ku dhashay magaalada Baraawe, wuxuuna ku barbaaray magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu waxbarashada maadiga iyo diinta ku qaatay. Wuxuu markii dambe u wareegay dhanka ciyaaraha kubadda koleyga oo uu aad u jeclaa. Dadka ugu tacsiyeynayay baraha bulshada waxay ku tilmaameen “Geesi u taagna horumarinta …

Read more 0 Comments
error: Content is protected!!