Cabdixakiim-Tiyari Cabdillaahi Aaden

About the Author Cabdixakiim-Tiyari Cabdillaahi Aaden

Waa indheergarad ka tirsan Afrikaan. Barre jaamacaddeed oo wax ka dhiga Jaamacada Burco, Abaarso Tech University, Jaamacada Golis, iyo Jaamacada Alpha. Wuxuu wax ka qoraa dhaxalka aadami, ee loo yaqaan "Taariikhda", raadceeya, aqoonta Cir-baradka iyo muuqalada cirarka ee ku taxalluqa aqoonta sameyska dhulka iyo cirarka, isbeddelada nolosha aadamiga iyo dabeecaddooda sal-ka-ka-fadhiyin, wax ka qora ahna,. Aqoontiisa koowaad ee heer jaamacaddeed ku qaatey: Xisaabaadka iyo Maaliyadda". Mar labaad degree kale ku bartey: Hoggaaminta iyo Maareynta. Heerka labaad ee shahaaddada Degree-ga ee loo yaqaan Master-ta, ku qaatey: " Maamulka Ganacsiga. Ugu dambeynna, hayaankiisu iyo himiladiisu kusii siqeysaa, dhammeyska Aqoonta, darajada loo yaqaan: " Doctor of Philosophy/ PHD"

Dhaqan, Af, iyo Taariikhda Dunidda

Hibada iyo Hal Abuurka

Hal-abuurku: waa soo kordhinta wax cusub, fikrad cusub, farsamo cusub, iyo weliba aqoon cusub, taas oo caalamka horteed dhaayo la saarin [=Creativity is conceiving that wich has not been conceived before]. Sidoo kalena, hal-abuurku, waa gacmaha ay abuurmaan ‘xaddaaraduhu’ [=Creativity is the hand that molds the face of civilizations]. Haddaba, isticmaalka erey-bixinta “ Hal-abuur’ kuma habboona in gabyaannimada loo adeegsado.– maxaa yeelay, gabeygu xaddaarad ma dhiso, wax cusubna dunida kuma soo kordhiyo, waanna halkii abwaankii weynaa lahaa”……..” Qaamuuska afsoomaaliga ee diyaariyeen Annarita Puglielli iyo Cabdalla Cumar Mansuur aynnu eegno wuxuu ku macneeyey labadan erey: hal-abuur1 m.l (-rro, m.dh) Curinta maansada. …

Read more 0 Comments
Dhaqan, Af, iyo Taariikhda Dunidda

Aqoonta iyo Ilbaxnimadii Soomaalida!

Waxeynu maqaalnaa ‘xaddaarad’, macnawiyan waa isku dayo ay sameeyaan umad jirtey xilli sugan. Waxeyna xaddaaradaasi socotada nolosha kusoo kordhisaa wax la mahdiyo oo mugdiga ka saarta fikrado baqdin darteed looga cabsoonayey. Sidaas ma sii ahaate, sagxadda bey soo taabataa – waxaana ka hadha uun xusuus iyo waxtar – waxtar bel ba. Xaddaarada waxa un ka aqoon, caqli, xikmad, tajribo, iyo xigasho. Intaas gadaasheed baa higsashadu dhaboobi kartaa, hadal keliya haan ma buuxsho, sidey Soomaalidu horey ba ku maahmaahdey. Guud ahaanna, waxey ahaayeen dad ay noloshu indhaha u furtey oo runta iyo falsafadda cimiladu ay wax bartey. Dunida ma dhicin dad …

Read more 0 Comments
Dhaqan, Af, iyo Taariikhda Dunidda

Gabyaannimadu: Hal Abuur Mise Hibo!

Hal-abuurku waa diin Bulsho hadalladeediyo Haasaasaheediyo Hinqashada dareenkiyo Hibo weeye Eebbahay Hanta aan la gadinoo Halladaad ku gelinoo La hagoogto weeyaan – Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) Xilli kamid ah xilliyada waxaan aaminsanaa in Gabyaannimadu ama Abwaanimadu tahay “Hal-abuur” waqti dabadeed baan xaqiiqsadey in aanu aheyn – ee uu yahay “ Hibo. Inbadan oo dunida kamid ah afyaqaanada, taarikhyaqaanada iyo isiryaqaanada; iyo umadaha gabeyga ka tixraacey silsiladaha taxane jiritaankooda ay sheegaan in gabeygu yahay hal-abuur. Gaar ahaan, dadyowga Soomaaliyeed waxey gebi ahaan ba hal-abuurka u yaqaannaan inuu keliya yahay “ Gabyaannimada ama abwaannimada”, sideynu xagga hoose ku arki doono. Shaqsi ahaan, …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Ma Qofka Waqtiga Soo Gaadha, Mise Waqtiga Soo Gaadha Qofka oo Gabowjiya?!

Haddii tagtaddeena iyo timaadaddeennuba ay isku muuqal noqdaan, taas macnaheenudu ba miyaaney noqoneyn, in: wixii gaf ahaa ee boqollaal sanno kahor dhacey, ay haddana, maanta isla markale soo noqdeen. Haa, wax isku mid ah ayaa soo noqonaya. Xilligu waa Xilligii, laakin bini’aadamku waa bini’aadam kale. Xilligu isma beddelo, qorrax cusubi na ma soo baxdo, waxkasta sidii ay ahaayeen bey ahaan doonaan. Xeerka caalamiga ee noloshuna [= Universal Law] ruuxna ma beddeli karo. Haddaba, waqtiga iyo Xilligu maxey bini’aadamka faa’ido u leeyihiin? Isbeddelka muuqaaleed ee ruuxa ku dhaca ee ku taxalluqa ‘gabowga [= Senescence or Aging ] ma waqtiga dhala, mise …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha iyo SiyaasaddaDiinta Islaamka

Asalka iyo Bilowga Wadaaddada Soomaaliya: “Diin mise Dan kale!”

Eebbe ( kor ahaaye) waxa agtiisa ugu qaalisan waa carruurta Nebi Aadem dhaley, iyaga ayaana waxkasta ka sarreeya oo ka qiimo badan; dhanka kalena, waxaa lagu lammaaneeyey ruux kasta oo sanku-neefle ah ( karaamo) ilaahey xaggiisa ka ahaatey. Eebbe ( kor ahaaye) umuu abuurin ilmo Nebi Aadem u jeeddo aan ka aheyn iney (Caabuddaan); oo u hoggaan samaan xaggiisa. Taas waxa weheliya, iney jiraan waxyaabo lagu kala abaalmarinayo nolosha dabaddeed, taas oo ku suntan: janno iyo naar. Si haddaba, janno iyo naar loogu kala dooro, maya.! Ee isagu u doorto, waa iney jiraan waxyaabo ku kallifaya inuu raaco ama diido. …

Read more 0 Comments
Diplomasiyadda & Dunidda

Aragtida Siyaasadda iyo Dawladnimada

Waxaa cirka lagu hujuumay Waxaa dhulka lagu hubsaday Waxaa badahaa hugmaaya Bidhaansha guntooda hoose Waxaa uummiyaha hanuunshay Waxaa cudurkii halgaaday Waxaa jahligii haleelay Waxaa gaajadii hirdiyey Horseed cilmiyeed miyaa?”– Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) AHUN. Qormadan baan doonaya in aan idin la wadaago maanta, kaddib markaan arkey in aynnu ku dawakhnay siyaasaddii iyo dawladnimadii; kala saari weynnay hoggaamiyihii iyo aqoonyahankii; dawladdii iyo siyaasaddii; wanaaggi iyo xumaantii, iwm. Qormadan waxaynnu kaga faalloon doonnaa unugga ay siyaaaddu ka soo if-baxday iyo ilaahey [subxaanahu watacaalaa] wuxuu aayadkiisa Quraanka kaga yidhi hoggaaminta. Waxa kale oo aynnu wax ka soo qaadan doonnaa labadanin ee faylasuufyada …

Read more 0 Comments
Diplomasiyadda & Dunidda

“Xasan Al-Turaabigii Suudaan iyo Soomaaligii”

Xasan Al-Turaabigii Suudaan, wuxuu ahaa: siyaasi, mufeker Islaamiya, macallin, iyo kacaanyahan adduunka iyo Qaaradda Afrika ka yaabsadey. Keligii ayuu waddan dhan idil ahaan wax ka beddeley, haddey noqoto: dhinaca siyaasadda, xuquuqda haweenka, aydhiyoolajaddihii ku dhisna caadooyinka dhaqan-soo-jireenka ahaa, iyo weliba dhanka sharciyadda Islaamiga, kaas oo isbeddel falsafadeysan u horseedey waddanka Suudaan. Guulo badan oo uu ka gaadhey dhanka siyaasadda Suudaan, wuxuu Hillaadii 1992 –gii la sheega inuu martiqaad uu ka heley waddanka Mareykan ka (martiqaadkan oo ahaa baa la yidhi ‘Shirqool’ lagu khaarijinayayey mucjisadan Suudaan ee garaadkisu sarreeyo), maalin kii labaad ayuu haddana u safrey waddanka Canada, kulan kaddib, wuxuu safar kale …

Read more 0 Comments
Dhaqan, Af, iyo Taariikhda Dunidda

Xidigtii Geeska Afrika

Waxey timid Hargeysa 1961 kii, waxey kasoo baqooshey Galkacyo, waxey na shaqaale ka aheyd makhaayad shaaha laga cabo (sida uu Jabiye sheegey). Safarkeeda waxa ku wehelinayey labo nin: Fanax iyo nin kale oo Yuusuf Shaacir la yidhaahdo – sida uu Maxamed Aden Dacar soo tebiyey. Kooxdani aad bey u la dhacsanaa codkeeda iyo haybadeeda faneed – hibadeeda qarsooneyd – waxaa u baaqey kamankii iyo fan kii curadka ahaa, waxey na soo cago-dhigatey gobolada Waqooyi. Waxey yimaadeen Ceerigaabo, kooxdii ay la socotey na waxey go’aamiyeen in aaney Galkacyo ku laaban. Safarkeedi ayay sii ambaqaadey, dhankaas iyo Hargeysa. 1961 ayuu Sugulle la …

Read more 0 Comments
Akhri

Baahida iyo Doonista!

Baahida iyo doonistu waa laba wax oo kala duwan. Inaad hawo, ammaan iyo biyo hesho waa wax aad u baahan tahay. Intaas ba wax jaangooya: waqtiga, lacagta, baahida iyo xaaladda. Kheyraad ka dunida yaal ma kafeynayo doonista bini’aadam ka, doonista iyo rabitaanka Ilma Xaawa na, bar-dhammaad ma laha, si haddaba, kheyraadka dunida yaal uu inooga filnaado, caqabado-nololeed oo hakinaya damaca bini’aadam ka waa la ga maarmaan. Qofkasta wuxuu sameeya go’aan uu kala doorano waxkasta, kaas oo ku jaan go’an: baahidiisa, lacagta uu heysto, iyo waqtiga. Waqtigu wuxuu xaddidan yahay, wareegga dharraaruhu na waa 24 saacadood; suurogal ma aha in hal …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Guurka iyo Dhaqaalaha

Waxaa xidhiidhi toos ahi ka dhexeeya nolosha dhaqan dhaqaale ee bulshada iyo guurka. Guurku micno ahaan waa midowga nololeed ee u dhexeeya nin iyo gabadh, kuwaas oo isku waafaqey iney nolosha ku midoobaan, wada qeybsadaan dhib iyo dheef ba, isla jeerkaasna, uu daarran yahay in taran ifka keenaan. Fahamka guurku wuu ka aragti fog yahay wada nolaansho keliya, hase ahaate, waa wada-tashi dhinac kastaba ah oo marwada iyo ninkeeduba ahmiyad u leh. Dhinaca kale, Soomaali ahaan hab is-guursigu waa mid u jeedkiisu aanu caddeyn, una fahamsan yihiin inuu yahay is-af garasho ruuxiya oo ruuxba ruuxa kale u yahay muraayad iyo …

Read more 0 Comments
error: Content is protected!!