Suldaan Nayruus

About the Author Suldaan Nayruus

Waa qoraa ka tirsan Afrikaan. Wuxuu wax ka qoraa arrimaha bulshada, kobcinta garaadka dadweynaha, kor-u-qaadidda akhriska iyo wacyi gelinta bulshada. Siddoo kale qoraagga ayaa ah qoraa rugcaddaa ah oo aad iyo aad u jecel qorista afkeenna hodanka ah ee ‘Afsoomaaliga.

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Ina-adeerow Maxaad ugu Dulqaadan Weysey Sidii Aan Kuugu Dulqaadan Jiray?

Muuse, waxa uu ahaa wiil madi ah. Baaddiye ayaa uu ku dhashay oo uu ku garaadsaday. Xilligii kuraynimada ayaa aabbihi uga dhintay kadimo ishkin ah iyo tirooyin ari ah. In kasta oo uu barwaaqo darduuranayey, haddana, ma uusan jeclayn in uu ku sii nagaado baddiyaha. Waxa uu ka doorbidayey magaalada. Laba arrimood ba waa u danaynayey magaalada: In uu wax ka barto iyo in uu ku naalloodo nolol ka macaan tan miyaga.           Muddo uu isweydiinayey tabtii uu uga daldoorsan lahaa duurka ka dib, habeen habeennada ka mid ah, ayaa waxa uu go`aan ku qaatay: In uu …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

KA TAXADDAR ARRINTAN: Talooyin aad kuu anfacaya

Qof kasta oo aad ehel tihiin, qof kasta oo aad lammaane tihiin, qof kasta oo aad saaxiib dhaw tihiin, qof kasta aad isla shaqeysaan iyo qof kasta oo aad si uun isugu dhawaataan, ma ahan sida aad ka wada filanayso. Mar walba waxaa jiraya waxyaalo kaa qarsoon ama wejiyo kale oo aadan ogayn oo uu qofkaasu yeelan karo. Waxaa laga yaabaa in uu si kuula socdo, si kalana uu kaaga socdo. Dadku, inta badan ma ogaadaan wejiyada iyo siraha dadka ay isku dhaw yihiin in ay dabagal ay ku sameeyaan mooyaane, taas oo iyana, walwalkeeda, walbahaarkeeda iyo wadnago`eeda leh. Dhawr …

Read more 0 Comments
Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Maxay Soomaalidu Marwalba u Danaysaa Isbeddelka Maamulka Madaxtooyada?

 “Ninba maalintiisuu Maandeeq gujaystaa.” Abwaan Feerfeer. Saaxiib, horta qoraalkan ka hor, weligaa ma isweydiisay sababta ay Soomaalidu kol kasta u jeceshahay in uu isbeddalo Xukanka Madaxtooyada? Haddii aad joogto Muqdisho, ama Hargeysa, ama Garoowe ama Dawlad-gobaleedyada kale, abidkaa ma ka fekertay sababta Soomaalida meelahaas kala joogta ay kulli isku calool u yihiin oo uur iyo afba uga wada diidaan in uusan ku soo laaban qofka markaa saaran Kursiga Madaxtooyadaas? Anigu waan iska wareystay, waana helay sababta e, bal xoogaa ila soco. Dhallinyaro badan oo aan isku barannay Xamar, ayaa markii la soo doortay Cabdiqaasin Salaad, waxa aan arkay nimankii oo …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Jaceyl iyo Xalkii

Habeenkii ay baratay, balo ayey doonatay. Waxa ay lugaheeda ku raadsatay cudur halis ah. Waa kii ay la jiiftay sagaal bilood. Muddadaas cunto saani uga ma degin, markaas bay weyd noqotay oo meelihii hilibku buuxin jiree oo dhan inta isku dhaceen, lafihii soo muuqdeen. Waa walbahaarka hayey e, kasho waa u weyday is-haagin iyo iska shaqeyn, markaas baa timaheedii dahabiga ahaa raso noqdeen, jirkeedii subbagga ahaana inta qallalay oo jacdaday, hollob fuushay. Ilkaheedii baylka ahaa luun baa maray, luqluq iyo rummay la`aan bayna sababsadeen. Indhaheedii cadcaddaa waxa ay isku beddeleen guduud god dheer ka soo muuqda, soojeed iyo dhafar ayeyna …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Magaalo Joogis Bay Kaa Rabtaa – Maxaa Dhacay?

  Shalay galab ayaan waxaan soo raacay Bajaaj. Waxaa waday Bajaajtaasi nin garmadow ah oo markaasi jaad takhsiinnaa. Ka warrama haddii ay ishelaan nin war jecel iyo nin marqaansan? Sheeko qiso iyo qosol isugu jirtay ayaannu dhex dabaalannay. Annaga oo ay noo baxayso ayaa waxaa gadaal nooga yimid gaari Cabdibile ah oo ay ku dhoobnayeen askar hubaysan. Haddii aad Soomaaliya joogto, ma Cabdibile ayaa la hor socon karaa? Marka hoonkiisa la maqlo ayaa la kala haadaa! Cabdibilihii foori ayuu intaa nala dabajoogaa, annaguna lama soconno oo adduun kale ayaannu ku jirnaa. Sidii uu noo daba socday oo uu sheellare iyo …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Maxaad Ka Taqaannaa Erayga LAKUKA?

Dhibka kala haysta xirfadlayda iyo looshaqeeyeyaasha! Waxaa jira eray la yiraaho `LAKUKA` oo caan ka ah dalka Soomaaliya, waxaana eraygan laga soo gaabiyey:      LA:     la qabso KU:    ku qabso KA:    ka qabso Tusaale; ganacsade ama NGO-le ka dhex waayey qaraabadiisa qof leh xirfad uu markaasi u baahan yahay, ayaa xifadle uu ka warhelay in uu leeyahay aqoontaasi, inta uu raadiyo, shaqo siinayaa. Marka uu shaqada soo galo, ayaa waxa uu u keenayaa qof qaraabadiisa ah oo uu horay uga soo dhaadhiciyey in uu xirfadlahan ka barto xirfadda shaqada, waxa uuna ku soo leeyahay, shadaqa LAQABSO! Qofkii waxa uu soo …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Waa Gabadhii Albaabka Iga Furi Lahayd!

  Waa baa waxaa jiri jiray, wiil iyo gabar muddo dheer oo ay isjeclaayeen ka dib, go’aan ku gaaray in ay isguursadaan. Kolkii ay inta ismehersadeen, loo mashxadaray, ayey horay ka aqal galeen. Waa lammaane isku oommanaaye, waxa ay isla qaateen in, ilaa bil, inta ay ruuxaanta ku kacsan iska cuudinayaan, aysan aqalka qofna ka furin – xitaa haddii ay waaliddiintoodii yihiin. Iyaga oo sidii isugu hawllan, baa toddobaad ka dib, waxaa la soo garaacay hoygii. Wiilkii baa inta booday, waxa uu ka fiiriyey daldaloolka albaabka dadka soo gaaracaya, mise waa labadiisii waalid. Isla markiiba waxaa ku oo dhacay ballantii …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Talow Kaalaya Maanta Iga Celiya Malakulmowt!

Beri baa waxaa jiray nin sheekh ah oo qaalli ka ahaa magaalo ka mid magaalooyinka Soomaaliya. Magaalada uu sheekhu ka ahaa qaalliga, waxaa deggannaa qabiillo badan uu qabiilkiisu ka mid ahaa. Sheekhu waxa uu ahaa nin caaddil ah oo dadka u dhexeeya oo sida Eebbe faro aanan dhanna uga leexan. Maalinta qof qabiilkiisa ka mid ah iyo cid kale wax soo dhex maraan oo loo yimaado sida diintu ay qabto ayuu mariyaa isaga oo aan cidna u eexan. Marar badan oo dad qabiilkiisa ka mid ah iyo Soomaali kale wax soo dhex mareen ayuu marsiiyey sida diintu qabto. Qabiilkiisa oo …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Maalintaas Ayaan Go’aan Ka Gaarey Waxa Macaga Soomaali Ka Hooseeya Inaan Sheegto! – Sheeko Yaabkeeda leh!

  Nin baa nagu yiri “Mar dambe in aan Soomaalinimo wax ka sokeeya sheegan baan go’aan ku gaarey!”. Meel biibato ah ayaan isugu nimid, waxaana meesha lagu hayey fadhi-ku-dirir iyo qabiillo sheeg-sheegid. Ninkaan ayaa soo boodey markaas buu qiso yar nooga sheekeeyey. Wuxuu yiri aniga oo Liibiya jooga ayaa meel maqaaxi ah aniga oo kasii baxayey, waxaan gadaashey ka maqlay “Waryaa.. Waryaa..” markaas ayaan soo jeestey mise waa nin aan kala garan waayey in uu Itoobiyaan yahay ama Eriteriyaan yahay ama Canfar yahay. Wuxuu igula hadlay Af-carabi, wuxuuna I yiri, waxaad tahay Soomaali, laakiin qoladeed ka tahay, wuxuu ahaa nin …

Read more 0 Comments
Diplomasiyadda & Dunidda

Maxaa Ku Jaban, Haddii Aan Ereyga Qalaad ee “Federalism” Ku Baddelano Ereyga yaga “Qabiileysi”?

  Ereygaan “Federalism” horey uma aqoon, laakiin markii aan arkey sida ay Soomaalidu u calmatey ayaan dib-u-eegey. Waxbaa iiga baxay. Waxaan ogaadey  – garashadeyda – in sida aan u wadno iyo siduu yahay, yihiin KAAF IYO KALA DHEERI. Puntland waxay tiri, meegaarka yagu waa inta heybta yadu degto. Qolada Galmudug ee Gaalkacyo wax ka degta, waxaa looga caalwaayey in ay Puntland raacaan, oo waxay qeyb ka mid ah Gaalkacyo la soo aadeen Dhuusamareeb. Qolada degta Guriceel, waxay leeyihiin Degmada Matabaan qabiilkeedey raaceysaa. Qabiillo Muqdisho jooga ayaa ku doodaya in degmooyinka Shabeellada Hoose qaar la raacsiiyo Shabeellada dhexe, maadaama ay isku …

Read more 0 Comments
error: Content is protected!!