Mustafe Cabdillaahi Cismaan

About the Author Mustafe Cabdillaahi Cismaan

Waa qoraa ka tirsan Afrikaan. Qoraaga waa akhriste qaangaadh ah. Qoraa qalinka ku xarragooda, faalleeya dhiganayaasha ku qoran afafka Soomaaliga, Carabiga iyo ingiriisiga. Sida oo kale wax ka qora arrimaha la xidhiidha Sooyaalka Islaamka iyo ta qofafka.

Aqri

Ahmiyada Akhriska “Akhris la’aani waa aqoon la’aan”

“Akhris la’aani waa aqoon la’aan” Akhrisku waa habka xog loogala baxo ereyo dhigan. Si kale haddaan u dhigno; Waa sida micne looga soo saaro buug ama dhigaal qoran.Akhrisku waa dedejiyaha (Catalyst) guusha. Sida walaxdan (Catalyst-gu) u dedejiso falgallada. Marka laga yimaaddo waajibka uu yahay akhrisku, wax uu koriyaa oo dhisaa maskaxda qofka sida jimicsigu u dhiso murqaha qofka. Haddaba; sidee baa aynnu wakhtigeenna ugu qeybinnaa waxa aynu akhriyaynno? U kala soocnaa waxa aan akhriyaynno una doorannaa? Weydiimahan jawaabahooda oo faahfaahsan baa aynu qormadeenan ku soo qaadan doonnaa. Haddaba; sidee baa aynnu wakhtigeenna ugu qeybinnaa waxa aynu akhriyaynno? Ugu horrayn; Wax …

Read more 0 Comments
AqriDhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Waa Kaswaannadii Nolosha Raadka ku Reebay

Assalamu calaykum. Wakhti kooban la qaado kaswaannadii nolosha raadka ku reebay, adigoo dhagaysanaya mahadhooyinkii ay innoo dhaxal dhiteeyeen. Shifo ku il saar oo shar kuum leh. “Si uu qofku hadalka u barto wuxu u baahan yahay 2 sanno, si uu aamuska u bartana wuxu u baahan yahay 60 sanno” – Arnest ” Kuwaas aan awoodin inay beddalaan aragtidooda, waligoodna ma awoodaan inay wax beddalaan” – Bernard “Marka ay sheekadu noqoto hanti iyo tabaha lagu abuuro , dadka oo dhammi waa isku diin” – Foolteer “Majiro qof dhiman oo aan dhammays ahayni, waxaa se jira bulsho qofkeeda dhantaasha” – Shaqiiri “Wax …

Read more 0 Comments
Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & DuniddaDiinta Islaamka

Nebigii Suugaanyahanka

“Waxa aan ahay masiixi, waa aanan ku faanayaa, waa aan jecelahay Nebigii carbeed ee magaca weynaa, waa aan jecelahay sharafta islaamka, waanan ka baqaa inay dhammaato, waxa aan kasoo jeedaa bari waa aanan ku faanayaa, si kasta oo ay maalmuhu iiga durkiyaan dhulkayga, ka tegi maayo dhaqanka reer bariga, yididiilada Suurida iyo dareennada Lubnaaniyiinta, berigu waxa uu ahaanayaa waddanka riyooyinkayga iyo masraxa hiigsigayga” Suugaan yahan, farshaxan, filasoofar iyo qalinle lubnaani ah. waa Jubraan Khaliil Jubraan. Waxa lagu tiriyaa suugaan-yahanka buugaggiisa loogu iibsiga badan yahay dunida , marka laga yimaaddo Shaksibiir iyo Luuzi. Waxa lagu tiriyaa baarkii horu-kaca suugaanta carbeed ee …

Read more 0 Comments
Aqri

Suusowga Aragtiyaha ‘Decaying of theories. تسَوُّس النَّظريّات.

“Aragti-gaabnida waxa aabbe iyo hooyaba u ah safar la’aanta”. Safarka iyo socdaalku waa laba dhaqaajiye oo ruxa maanka iyo maskaxda qofka. Waa awood xooggan oo caawisa fekerkaaga si uu u dhalo fekerro la mahadiyo oo lagu badhaadho. Aniga Mustafe ahaan, fekerkaygu waa uu dhaqaaqaa marka aan safro ama aan socdo, waxa aan dhalaa fekerro la yaab leh oo aan noloshayda kuu qaabeeyo kuna dhiso, taasi waa waxa aan u jeclahay inaan safro, oo aan daawado abuurka Alle ee iimaan-laawuhu aanu rumaysan karin, waa sababta aan u doorbido in aan kaligay socdo oo lugta aan maalo, ee aan u necebahay in …

Read more 2 Comments
Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Faallo Buugga Kalahaadkii Muqdisho

Qoraaga: Yuusuf Maxamad Xayd Tarjumaha: Boodhari Warsame Buugga “Kalahaadkii Muqdisho” waa xusuus qorkii qoraha kaasoo uu innagula wadaagayo wixii uu dhaayihiisa ku arkayay ee dhacayay muddo laba wiig ah; Haa! Laba isbuuc oo keli ah, balse u dhigma bilo iyo weliba sannado. Qoraagu wuxu si dadban kuu dhex joojinayaa bu’da Xamar waxaana uu ugu horreynba ku siinayaa khariidadda magaalada si aanad ugu lumin inta aad martida ugu tahay qoraaga labadaas isbuuc ee aad la joogto. Maalinta koobaad si deggan oo nabdoon ayuu ku bilowmayaa jawiga magaaladu iyadoo sidii caadada ahayd suuqyada iyo magaaladuba u cammiran tahay, nasiib darro se maalinba …

Read more 0 Comments
Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Faallo Buugga: HALBEEG, Hirdanka Fikradaha iyo Habraaca Fahanka

Qoraaga: Dr Sh. Cabdiqani Xuseen Beder. Alle ayaa mahad leh, milgo iyo muunad waxa leh ergaygiisii Maxammed -NNKH. Buugga HALBEEG waa dhigane buuran oo  tiro ahaan ka kooban in kabadan 300 bog, waxa uu xambaarsanyahay farriin mug leh oo ay tahay inay dhugmo u yeeshaan bulshada soomaaliyeed. Buuggu qoraal ahaan iyo qaab ahaanba waa mid soo jiidasho leh oo uu qoraagu ku fara-yaraystay, waxaanad dareemaysaa judhiiba hilow iyo hammuun aad u hayso sii wadista buugga ilaa dhankiisa midig. Jaldiga buugga iyo magaciisa ayaad aad ula dhacay runtii, sida uu qoraagu isu waafajiyay, oo si fudud ugu ogalaanaysa akhristaha inuu xog badan helo isla …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Faallo: Buugga SHANDARALEY

Qoraaga: Axmed Cali Garas (Maqaloochse) Buugga SHANDARALEY waa dhigane kooban oo gudbinaya sheeko dhab ah oo dhacday xilligii dawladdii askarta ee Siyaad Barre. Dhab ahaan buuggu waxa looga dheefi karaa dhawr siyood oo Intuba akhriyaha faa’iido buuran u bursidi karaan. Mar waa sheeko-jacayl aad la qiiroonayso sida caashaqu micno u lahaa waayo hore, iyo saxariirta loo mari jirey si loo dadab-dhigo qoys qorfe-joog ah. Markale waa carrabjilqiye iyo xusuusiye, Wuxu carrabka ku leylyayaa ereyo gebi ahaanba gabaabsi ku dhow oo dibnuhu illoobeen adeegsigooda, bal intan eeg, «Awrka baarqab waa ina qoton, waa neef laga cawdibilaysto muuqaalkiisa oo sida heego daruur …

Read more 0 Comments
Aqri

Faallo Buugga: كيفَ تُصبح معلِّمًا مُتميِّزًا

Qoreyaasha: Saama Qudbi iyo Maxamuud Khaliifa. Buuggani waa mid ka mid ah kuwii u danbeeyey ee noociisan suuqqa soo gala, muddaba in sagaal sanno ah ayuu akhristayaasha la jaal yahay, tirada bogaggiisu waa laba boqol in ku dhaw, oo ka kooban hordhac iyo shan cutub oo mid kastaba xog badan aad ka xantoobsanayso. Inta aanad gaadhin mucda iyo miidda ku jirta buugga, waxay labada qore kusii beerayaan akhristaha milgaha iyo muunadda ay baristu leedahay, nusuus sharciya ayaa judhaba lagu soo hordhigayaa! suugaanta carbeed ee barista dhiirisay iyo dhambaallo kooban oo baraha/macallinka kusocdaana kama madhna. Waxa kamid ah farriimahaas kusocda bareyaasha …

Read more 0 Comments
error: Content is protected!!