Muslimo Cabdullaahi

About the Author Muslimo Cabdullaahi

Waa qoraa ka tirsan Afrikaan. Qoraaga ayaa taqaqus u leh cilmiga xoolaha iyo maamulida ganacsiga. Waxay wax ka qortaa arrimaha bulshada, cilmiga xoolaha iyo taariikhda umadaha adduunka iyo waliba sidoo kale maamulka ganacsiga.

Qoyska & Horumarinta Bulshada

7-Waxyabood oo Dhaliya Burburka Qoyska

Qoyska waa qayb nolasha ka mid ah, oo qoys la’aan cid jiri kartaa maba jirto. Qoysko qaybo badan ayuu ka kooban yahay. Marna waa mid yar marna waa mid wayn, oo in uu jiraa oo laga qeyb qaato hormarkiisa ayaa aad iyo aad u muhiim ah. Qoyska waa hormarka bulshada, sababtoo ah bulshadii qoyskeeda ay hormarsan yihiin ayaa hormar gaari kartaa. Nolosha waa mid iska imtixaan ah oo waxaa dhacda dhibaatooyin badan oo intooda badan saameeyso qoyska. Waa dhibaato weyn in la xalin waayo burburka qoysaska, maxaa yeelay dhibaatooyinka ayaa sii socon kara. Waxaa jira waxyaabo badan oo ka qeyb …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

5-Xariir iyo Muhiimada Ay u Leeyahay Qofka Bani’aadamka

  Nolosha waxaa jirra xiriira fara badan oo aan la soo koobi karin, xirriir walbana waxa uu leeyahay micna u gaar ah iyo shuruudo loo mara.  Marka aan leeyahay waxa aan ka hadlayaa muhiimada uu leeyahay xiriirka, waxa aan raba in aan ka hadlo xirriiro badan oo aan jilcinay oo noogala baahnaa in aan adkayn, taasi awgeed aan ku suganahay dhibaatooyin fara badan.  Xirriiradaas qaar ka mid ah ayaan ka hadli donaa waxaana ka mid: Xiriirka Alle iyo adduunkiisa kala dhaxeeya: Taasi waa mid cad oo uu qof walbo fahmi kara haddana waxaa dhacday in ay dayaceen dadka intooda badan.  …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Faa’idooyinka ay Leedahay Akhlaaqda Wanaagsan oo Ubadka La Baro

  Ubadkaaga in uu ahaado mid leh akhlaaq wanaagsan waa wax adiga ka waalid ahaan kuu wanaagsan ubadkana u wanaagsan.  Qofka mar uu yahay mid akhlaaq wanaagsan waa qof ixtiraama waalidiintiis, waa mid ixtiraama bulshada midka yar iyo midka wayn.  Taasi waxa ay u sahlaysaa in uu noqdo qof bulshada ku leh ixtiraam fara badan. Ubadka marka uu yahay mid akhlaaq wanaagsan waa mid marna aan noqon mid ku caasiya waalidiintiisa.  Akhlaaq wanaaga iskama timaado inta badan waxa ay ku xerentahay sida ay waalidka usoo tarbiyeyaan ubadkooda.  Ubadka goorta aad  ku tarbiyeyso diinta islaamka, wax uu noqdaa mid akhlaaq wanaagsan …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Illaa Iyo 3-qof Ayaa Naga Dhaxeeyo Xirriir Jaceyl ee Adiga Midkee Rabtaa?

  Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxa aan jecleestay in aan weydiiyo gabar in ay leedahay xiriir jeceyl iyo in kale, sababta aan u weydiiyey waxa ay ahayd, waa gabar waanagsan oo aan u rabay in uu guursado qof igu qaali ahaa.  Laakiin waxaan ka maqlay gabadhii jawaab aad iga yaabisay oo ah “maxaa ka wadaa qof miyaad la socotaa, maad iwaydiisid imisaad la socotaa, saaxiibay midkeen ku baraa dumaashiyashaada way badanyihiin.?” Run ahaantii waxa ay ila noqotay arrin aan aad iyo aad aan ula yaabay.  Markaas ayaan weydiyey “imisaa qofaadaa la socota?” waxayna igu tiri “illaa iyo seddax …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Dhibaatooyinka Da’yarta Ka Haysata Isticmaalka Taabuu-ga

  Si guud ahaan markaan ugu hadlo maandooriyaha waa waxa keeno dhibaato aysan dareensaneen isticmaalayaashiisa.  Sida la wada ogyahay, xoolaha iyo bini’aadamka waxa lagu kala saraa waxyaabo badan oo ugu wayntahay caqliga, kaasoo u sahla bini’aadamka in uu ku kala doorto sax iyo qalad.  Ruuxa inuu isticmaalo wax u kenaayo dhibaato waxaan oran lahaa kama warhaayo qatarteeda ama caqli malaha siddii xoolaha oo kale uu sax iyo qalad ku kal saari la yahay.  Xittaa xoolaha way ka tagaan meesha ay ku dareemaan dhibaato laakiin ruux nool inuu isticmaalo wax dhib u keenaayo waa aqoondaro ama lahaansho caqli liita. Noocyada faraha …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Kaalinta Bulshada Ay Kaga Jiraan Gabdhaha Soomaaliyeed!

  Bulshada waxa ay ka koobantahay qaybo kala duwan oo fara badan, gabdhahana waa qayb ka mid ah oo laf dhabar ah.  Si guud markaan ugu hadlo haweenka, waxa ay ku leeyihiin bulshda Soomaaliyeed doorwayn oo aan halkaan lagu soo koobi karin. Gabdhahana waa sidoo kale oo waxa ay ku jiraan tariikhda baal dahabi ah oo dhanka bulshda hormarintiisa ah, sababtoo ah waa kuwa u haylan markasta in ay qadaan masuuliyada reerkooda iyo reerka loo guuriyey.  Oo ay usii dheer tahay in ay ka qayb  qataan howlaha horumarinta dalka.  Waxaa dhacda gabdhaha in ay noqdaan kuwa ka fikira reerkooda in …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Saameynta Ay Ku Yeelan Karto Ubadka Iyo Hooyada Haddii Aysan Naas Nuujin!

  Naas nuujin la’aanta waxa ay saamayn ku yeelan kartaa hooyada iyo ubadkaba,  sababtoo ah kaliya faa’ido uma aha ubadka in la nuujiyo naaska, hooyadana waxaa ugu jira fa’idooyin fara badan aan la soo koobi Karin.  Waxaa wanaagsan hooyada in ay nuujiso ubadka si ay ugu bad-baado cuduro fara badan,  ubadkeeda yarna ugu bad-baadiso cuduro fara badan oo ka dhashay naasnuujin la’aantaas.  Cuduradaas waxaa ka mid ah. Dhanka ubadka cudurada u sababa naas nuujin la’aanta: 1.    Ubadka aan naas la nuujin waxaa ku dhaca cudurada ku dhaca habdhiska neefsashada jirka iyo habdhiska cunto shiidista jirka.  Waxaa la ogaaday ubadka aan …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Dhibaatooyinka Ay Leedahay Qabyaalada -Q. 3aad

  Waxa aan horay wax kasoo dhahay dhibaatooyinka ay leedahay qabyaalada qaar ka mid ah, hadana waxaa isku dayi donaa in aan soo koobo inta hartay hadduu uu ALLE idmo.  Inkastoo dhibaatooyinka ay noo gaysatay qabyaalada aan lagu soo koobi karin maqaalo gaagaaban, oo ay arrinka intaas ka badantahay.  Waayo meesha aynu joogno maanta oo ah bur-burka ina heesta waxyaabihii ina keenay qabyaladaa ugu wayn. Bal aan wax ka dhaho inta yare ee dhiman. 4. Dhanka Xilalka Wadanka Laga Qabto: xilalka laga qabto wadanka waa kuba noocyo fara badan isugo jir, mid waa shaqada qaranka loo qabta oo ah dowlada …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha & Siyaasadda

Muhiimadda Ay Leedahay Hormarinta Caafimaadka Xoolaha

  Hormarinta caafimaad  xoolaha waxa ay leedahay muhiimad aad iyo aad u balaaran oo aan lagu soo koobi Karin qoraal gaaban.  Inta anan taasi u guda galin aan ka bixiyo sharaxaad koowan fa’idooyinka laga helo xoolaha.  Xoolaha waxaa laga helaa fa’idooyin fara badan,  waxaana ka mid hilib,caano,harag,daawo, gadiid, iyo degaanka isku tiirsanantiisa  oo ay waxyaabo fara badan ka sacidaan.  Mar hadii aan xusnay in ay leeyihiin fa’idooyinkaas tirada badan iyo kuwa kale oo aad u fara badan oo aan halkaan ku soo koobi karin.  waad dareemi kartaa muhiimad ay leedahay cafimaadkooda, sababtoo ah intaan soo xusay  iyo inta kaleba lagama …

Read more 0 Comments
Siyaasadda & Diplomasiyadda

Dhibaatooyinka Ay Leedahay Qabyaalada – Q. 2aad

  Qabyaalada waxa ay leedahay dhibaatooyin aad iyo aad ufara badan oo aan halkaan lagu soo koobi karin, waxaan hore u soo xusay mid ka mid ah dhibaatoyinka ay leedahay qabyaalada, hadasa waxaan isku dayi doonaa in aan xuso qaar kale oo ka mid ah dhibaatooyinka ay leedahay qabyaalada, si uu meesha inoogu sii socdo maqaalkeena sisilada ahaa oo aan oga hadlaynay dhibaatooyinka ay leedahay qabyaalad. Dhanka Aqoonta : intaan tan u guda galin ugu horeen in aan ka bixiyo sharaxaad kooban ayaan isku dayi donaa, waa maxay aqoon yaasa ah aqoonyahaan. Inta badan waa lagu kala duwanyahay fikir ahaan …

Read more 0 Comments
error: Content is protected !!