Miski Cabdinuur Salal

About the Author Miski Cabdinuur Salal

Miski Cabdinuur Salal waa qoraa ka tirsan Afrikaan. Waxa ay wax ka qortaa arrimaha Bulshada, Caafimaadka, Dhaqanka, iyo Dhiirigelinta bulshada. Waxa ay aad ugu xeeldheertahay qorsista afka Hooyo.Sidoo kalena waxa ey taqasus u leedahay kuliyadda Umulisinimada, sidoo kale shahaadada heerka koowaad ee jaamacada waxa ay ka haystaa kuliyada kalkaalisinimo.

AkhriCaafimaadka iyo Sayniska

Maxaad Ka Taqaana Cudurka Laga Qaaddo Istaaga Badan?

Socodka ama dhaq-dhaqaaqa jirka waxa uu qeyb lixaad leh ka qaata habsami u socodka wareegga dhiigga, dhinac kale qofka haddii uu dhaqaaqiisa yar-yahay, oo uu waqti badan istaagga ku qaadato waxa uu ka dhaxli karaa cudur loo yaqaano Xinjirowga Xididada Dhiigga. Cudurka Xinjirowga xididada dhiigga waxaa Afka qalaad loo yaqaanaa (Deep Vien Thrombosis), waa xaalad caafimaad daro oo halis ah, waxa ayna dhacdaa marka ay xinjiro ku sameysmato xididada dhiigga qaadda. Waxay caan ku tahay badanaa oo lagu arkaa xididada hoose ee lugaha, wallow lagu arki karo dhammaan xididada kale. Cudurkaan Waxaa Ugu Badan Oo Sababo Waxa Ay Kale Yihiiin: …

Read more 0 Comments
AkhriCaafimaadka iyo Sayniska

Yaa Umuliso Noqon Kara?

Umulisanimada waxa ay kamid tahay xirfadaha caafimaadka ee baahida weyn ay u qabto Bulshadeenna.Umulisadu waxa ay daryeel buuxdo siisa Hooyada iyo dhalaankeeda. Sidoo kale waxa ay tallooyin caafimaad siisa Hooyoyinka. Haddaba Waa Su’aalle Yaa Umuliso Noqon Kara? Umuliso waxaa noqon karo qofkii laga helo qoddobaddaan soo socdo: In aadan ka cabsan dhiigga, maadaama ay tahay xirfadaan mid dhiigg la’daris ah. In aadan shaki badneyn,dadka qaar marka ay dhiigg iyo wixii lamid ah arkaan waxa ay ka haajiraan cunnada. In aad tahay qof aqoon buuxdo u leh  xirfadaan. In aad ku kalsoon tahay naftaada. In aad tahay qof karti badan. In …

Read more 0 Comments
AkhriCaafimaadka iyo Sayniska

Maxaad Ka Taqanaa Cudurada Wadnaha Ku Dhaco?

Wadnaha waa xubin muruq ah kasoo ku yaallo qaarka sare ee jirka gaar ahaan saableyda hoostada,waxa uuna daris layahay lafaha horaadada, waxa ku jirka dhammaan u qeybiyaa dhiigg asaga oo u  marsiinaayo Halbowlayaal, Xidido iyo Tiftaafyo. Mararka qaar Wadnaha waxaa ku dhaca cuduro badan waxaana loo qeybiyaa cuduradaas labbo qeybood oo kale ah: Cudur uu qofka ku dhasho (Conginital) iyo Cudur qofkii asaga oo weyn ku dhaco(Acquired). Cudurada Wadnaha Ee Uu Qofka Ku Dhasho Waxaa Kamid Ah: Qolalka wadnaha ee uu kasoo baxo dhiigga,qol kamid ah oo guud ahaan ama qayb kamid ah ay xiranto (Obstruction Defect). Qofka oo dhasho …

Read more 0 Comments
AkhriCaafimaadka iyo Sayniska

Sidee Ayey Cudurada Ku Faafaan?

Waxaa jiro cudurada badan oo ay sababaan Bakteeriyo, Fayrus, Fungaay, iyo Goryaano kuwaas oo marka ay qof ku dhacaan u gudbi karo qof kale oo caafimaadka qabo,waxa ayna ku gudbi karaan qaab toos ah ama qaab aan toos aheyn. Maantay waxaan wax badan ka oggaaneynaa sida ay cudurada ku faafaan. Cudurada Waxa Ay U Faafaan Qaab Badan Waxaana Kamid Ah: Faafida qaabka tooska ah, Qaabkana waxa uu dhacaa marka qofka caafimaadka qabo ay soo gaaraan dheecanada qofka xanuunsan sida: candhuufta IWM. Faafida qaab hawo ahaan ah, qaabkaani waxa uu ku faafaa cudurka marka qofka xanuunsan uu qufaciisa iyo hindhisadiisa ay …

Read more 0 Comments
AkhriCaafimaadka iyo Sayniska

Wax Ka Ogow Cudurada Loo Yaqaano Dilaaga Aamusan?

Cudurada loo yaqaano dilaaga aamusan marka ay qofka ku dhacaan billowgooda hore malahan wax calaamad ah oo caddeyneyso in uu cudur jiro.   Cilmi baaris ay sameysay Hey’adda Caafimaadka Adduunka waxa ay ku oggaatay in cudurada loo yaqaano dilaaga aamusan sanadkii ay u dhintaan 41milyan oo ku kale nool daafaha Caalamka, taasi  oo u dhiganta 70% dhimashada  dadka ku nool caalamka in ay sababaan cudurada loo yaqaano dilaaga aamusan. 15milyan oo ka mid ah 41-da milyan da’dooda waxa ay u dhaxaysaa 30-69sanno.  Cudurada Loo Yaqaano Dilaaga Aamusan Waxa Ay Kale Yihiin. Dhiig-karka ama sara u kaca cadaadiska dhiigga, Qofka marka uu …

Read more 0 Comments
AkhriCaafimaadka iyo Sayniska

Tallaalka Maxuu U Taraa Ilmaha?

Difaaca jirka waxa uu naga difaaca cudur waliba oo soo weeraro jirkeenna. Cudurada qaar marka ay jirka soo weeraan waxa ay wiiqaan awooda difaaca jirka, taasi oo keenta saameynta cudurka in uu qofka la jiifsado ama uu nooga dhinto. Tallaalka waa hab difaaca jirka loogu baro sida loo aqoonsado, loona baa,biyo infeshannada. Waxaa jiro cuduro badan ka hortagg oo kali ah leh, oo aan lahayn wax daawo ah. Cudurada Tallaalka Looga Hortaggo Oo Aan Laheyn Wax Daawa ah Waxa kamid Ah: • jadeecda. • Teetanada. • Maskax garaadka. • Cagaarshowga noocyadiisa kale duwan sida A,B,iyo C. Tallaalka waxa uu yareey …

Read more 0 Comments
AkhriCaafimaadka iyo Sayniska

Waa Maxay Caalamadaha Lagu Garto Ibbida In Ay Canugga Kasoo Horeeyso?

Ibbida sida caadiga ah waxa ay ka danbeysaa canugga. Marka la rabo ibbida canugga in lagu oggaado kombiyuutarka caloosha badanaa waxaa laga raadiyaa xadunta Hooyada agga- gaarkeeda.  Mararka qaar ibbida waxa ay kasoo hormartaa canugga ayada oo daboosha qeyb kamid ah, ama guud ahaanba  afka ilma galeenka,taasina waxa ay keeni kartaa wadada canugga uu soo mari lahaa in ay qaar kamid ah ama guud ahanba xirmato. 200dii oo Hooyo waxaa lagu arkaa 1Hooyo oo kamid ah, waxa ayna u badan tahay Hooyada dhashooyda ah, iyo Hooyada mataanaha sido. Waxaa Lagu Arkaa Hooyada Calaamada Badan Oo Caddeynaayo In Ay Ibbida Canugga …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Ma Dhowrtaa Qalbiyada Dadka?

Maalin waliba waxaa aan la dhaqanaa dad kale duwan, waxa ayna dhammaan ka siman yihiin inay leeyihiin qalbi si fudud u dhaawacmi karo. Haddaba Waa Su’aale Ma Dhowrta Qalbiyada Dadka? Marka uu qof dartaa u aado suuqa si uu kuugu soo iibiyo wax-yaallo aad u baahan tahay oo uu kuu keeno, kawaran haddii aad ugu jawaabto fuulxumo badanaa, noocaan maxaa igu soo gaday!!  kama helin iyo wixii lamid ah,qofkaas qalbigiisa dhaawac intee la egg ayaad gaarsiin kartaa. Si aan u illaalino qalbiyada dadka oo aanan u dhaawicin waa muhiim haddii uu qof wax inoo soo iibiyo in aan u dhoolo …

Read more 0 Comments
AkhriCaafimaadka iyo Sayniska

Maxaad Ka Taqaanaa Maadada Barashadeeda Ay Ka Siman Yihiin Dhammaan Ardayda Daraaseeyso Jaamacaddaha?

Cilmi barista waa maadada lagu kale hormaray sanbaanka aanu noolnahay. Waddan waliba inta uu ka cilmi baaris badan yahay Waddama kale waa uu ka Aqoon badan, kana hormaransan yahay. Waa maadada kali ah oo ay ka siman yihiin barashadeeda dhammaan Ardayda daraaseeyso Jaamacadda kulliyad waliba oo ay bartaan. Cilmi baristu waa hab cilmiyeysan oo lagu xaliyo dhibaatoyinka, laguna aruuriyo xogaha ayada oo loo maraayo qaab wareysi ama su’aalo si loo helo cilmi cusub. Cilmi baarista waxaa loo qeybiyaa saddax qeybood oo waa weyn waxayna kale yihiin: Cilmi baaris lagu sameeyo qaab baaritaano ah, sida Cilmi barista ay sameeyaan Culumada Sayniska. …

Read more 0 Comments
AkhriDiinta Islaamka

Waa Kee Amiirka Lagu Shaneeyo Qulafaa’ul Raashidiin?

Cumar Binu Cabdicasiis waxaa uu dhashay 60 hijriga, waxaa uuna kusoo barbaaray Magaalada barakaysan ee Madiina. Hooyadii waxaa la oran jirey Layla Bintu Caasim Binu Cumar Binu Khadaab. Ayeeydii Hooyadi  dhashay waxa ay laheyd qiso caan ah oo aad loo wada yaqaano. Xilligii Cumar Binu Khadaab xilka haayey waxa uu ahaa mid habeenkii wadooyinka wareego si uu u oggaado xaaladaha dadka uu Amiirka u yahay, inta uu ku guda jiray guureynta habeenkii ayaa waxaa uu maqlay sheeko dhax marayso Hooyo iyo gabar ay dhashay, Hooyada waxa ay gabdheeda ku lahayd ” Caanaha biyo inoogu badi”. Gabadhii waxa ay tiri “Hooyo …

Read more 0 Comments
error: Content is protected!!