Maxamed Xirsi Faarax

About the Author Maxamed Xirsi Faarax

Waa Qoraa ka tirsan Afrikaan. Waa kiimiko yaqaan, qoraa iyo cilmi baadhe lafagura culuumta sayniska sida kuwa kiimikada iyo kuwa farsamada gacanta. Qoreyna buuga Basic Chemistry Book. Kusugan Wadanka Sudan, waxana kubartay isla Sudan gaar ahaan magaalada Khartoum. Waxa uu shahaadada kowaad iyo labaadba ku qaatay culuumta taxliilinta kiimikeed (Chemical Analysis).

Caafimaadka iyo Sayniska

Ururka 1 ee curiyayaasha

  Joog utaxa kal-galka curiyayaasha ayaa loogu yeeraa ururo. Curiyayaasha isku ururka ah waxa ay lee yihiin astaamo is shabaha ama isku eg. Kal-galkan hoose waxa uu ina tusayaa urur 1 oo ay kamidka yihiin Liityam (Li), Naatariyam (Na) iyo Kaaliyam (K).   Astaamaha urur 1 Ururka 1aad ee curiyayaasha waa biro. Waxa ay gudbiyaan korontada. Waa ay birbirqaan. Waa ay ka jilicsan yihiin inta badan biraha kale. Si fudud ayaa midi loogu kala jari karaa. Bar dhalaalka iyo bar karka urur 1 Curiyayaasha ururka 1aad waa ay ka bar dhalaal hooseeyaan marka lala barbardhigo biraha kale intooda badan. Jadwalkani …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Kaarboonka iyo Isku –dhisyadiisa

  Kaarboon: Xooga yar oo xaddi kaarboon ah ayaa laga helaa oogada sare ee dhulka. Waxaana loo heli karaa Dhaymon iyo Rasaas ahaan, kuwaas oo ah Jinsiyada kaarboon. Dheemmanku aad ayuu u adag yahay, waana adke nadiif ah oo lakala jabinkaro la iskuna cadaadin karo ayadoo la isticmaalayo dubbe. Rasaasku waa madow adke dufan leh. Dhuxusha iyo danbasku waa noocyo kamida Rasaaska, waxa ayna kasamaysmaan gubashada alwaaxda, dhuxul dhagax (dhulka hoostiisa ayaa laga qodaa) ama lafaha noolaha. Kaarboon labo oksaydh (CO2): Hawadu waxa ay ka kooban tahay 1% gaaska kaarboon labo oksaydh, xataa jiritaanka xadigaas yare e kaarboonka la’aantiis maanu …

Read more 0 Comments
Diinta Islaamka

Nin Biritish ah oo Doonayey Inuu Laayo Muslimiinta, ugu Dambayn Asagii Ayaa Muslim Noqday

  Inteena badan waan maqalnay sheekada Khaliifkii waynaa ee muslimiinta, Cumar ibnu Al-Khattab (Ilaahay ha ka raalli noqdee) taas oo ahayd in uu Nabi (scw) uu soo aaday si uu wax u yeelo isagoo seef galka ka baxsan sita balse markii uu albaabka Daar Arqam uu yimid toobadkeenay islaamkana uu rumeeyay. Illaahay fadligiisa iyo alla kacabsigiisa darteed wuxuu noqday mid kamida kuwa ugu waa wayn saxaabada  Nabiga NNKH waxa uuna kamid noqday kuwii janada loogu bishaareeyey ayagoo adduunka jooga. Maanta sheekadu waxay lamid tahay sheekadi saxaabigii rasuulka NNKH, Umar ibn Khattab (ra). Tani waa sheekada nin Ingiriis ah oo doonayay …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Kiimikada waxa-nool

  Waa qayb kamid ah sayniska kaas oo qaabilsan geedi socodka kiimikeed iyo kiimiko duleed ee ka dhexdhaca walxada kujira noolayaasha. Kismisteri waa qayb kamid ah saynis duleedka kaas oo lagu barto falgalka, qaabdhismeedka, sifooyinka iyo isbadalka walxaha. Kimisterigu waxa uu si wayn u quseeyaa falgalka iyo isbadalka qurubyada iyo malakuyuulada tusaale ahaan, Sifooyinka dabarada kiimikeed ee ku samaysmay isku dhiska kiimikada. Barashada kiimikada ee la xariirta elektoroonada iyo kala duwanaashaha noocyada  tamarta ee  falcelinta footo kimikaalyada, falgalada ridhokiska, isbadalada wajiyada maatarka iyo kala saaritaanka isku dhiska, diyaarinta iyo sifooyinka walxaha qalafsan, sida biraha isku dhafan , caagaga, moleekuyuulada noolaha, …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

4-ta Qaybood ee Ugu Waa Wayn Ee Kemisteriga

  Kiimiko duleed: Waa laan kamid ah laamaha kiimikada taas oo qusaysa adeegsiga farsamooyin iyo aragtiyo fiisigiseed si loo barto nidaamyada kiimikeed. Kiimiko duleedka marka la barbardhigo fiisikis duleedka, sida qaalibka ah waa wax la arki karo, sida inta badan ay ku tusayso aragtiyada la xariira. Kiimikada wax yaabaha la taaban karo waxay kusalaysan yihiin afkaaro la xariira qaab dhismeedka qurubka. Intii lagu guda jiray qarnigii 19aad, kiimiko duleedku wax ay door muhiim ah ka ciyaartay fikradii Wilhelm Ostwald’s iyo Jacobus Henricus van’t Hoff’s oo ka shaqaynayay isku dheelitirka kiimikooyinka. waxay sidookale door muhiim ah ka qaadatay aragtidii Svante Arrhenius …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Asiidhyo iyo Baysyo

  Ilaa iyo waayo hore waxaa jirey alaab dhadhankoodu xaamud yahay, waxaana kamid ahaa alaabtaas cinabka ceydhiin, liinta, khalka iyo caanaha suusaca ah. Qarniyo kooban dabadeed walaxda keenaysa dhadhankaas xaamudka ah ayaa loobixiyey  isku dhisyada Asiidh. Isku dhisyadaas magacooda waxaa laga sooqaatay magaca laatiiniga ah “acidium” oo loo akhriyo asiidhuyam, macnaheeduna yahay dhadhan kulul. Asiidhyo: ururka ugu muhiimsan kiimikooyinka ayaa loogu yeeraa asiidho. Asiidhasaas oo waraaqda litmaska kadhigaya casaan ama guduud, taas oo kadhigan in PH koodu ka hooseeyo 7. Asiidhada caanka ah: Asiidhada caanka ah ee inta badan kemisteriga aad kula kulmaysid waxaa ka mid ah: Haydarokoloorik asiidh HCl(aq) …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Maatarka

  Maatarku waa waxkasta oo leh cuf iyo culays, meel marana buuxinkara, taas oo ka dhigaysa in maatarka oo dhami uu lee yahay ama ka siman yahay labadaas astaamood. Sidaa awgeed wixii aan lahayn astaamahaas uguma aan yeeri karno maatar tusaale, kulka, jabaqda, ilayska iyo iwm. Hadii aad ufiirsato kuwaas waxaa ogaanaysaa in ay yihiin tamarro kala duwan. Inkastoo maatarka oo dhami uu ka siman yahay labadaas astaamood hadana ma ahan mid walaxaha muuqoodu uu yahay kuwo isku mid ah, waayo waxa aad arkaysaa walxo iswada haysta oo adag sida dhagaxa, qalinka, buugga, iwm. Sidoo kale waxaa arkaysaa walxo dareere …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Tusaha kalgalka

  Tusaha kalgalka waa Tuse ay ku habaysan yihiin curiyayaasha kiimikeed, kuwaas oo u urursan tiro-atam, ratibaad elektaroon iyo astaamo kiimikeedkooda. Qaabka tusuhu waxa uu muujinayaa kalgal isbedelka curiyayaasha. Todobada safe e tusaha waxaa loogu yeeraa “kal”, siguud dhinaca bidix waxaa uga jira biraha ah dhinaca midigna waxa uga jira curiyayaasha bir ma-ahe ah. Joog-u-taxa tusaha waxaa loogu yeeraa “ururro” kuwaas oo ururkasta ka kooban tahay curiyayaal leh dabeecad kiimikeed isku mid ah. Ururadu waxa ay leeyihiin magacyo ugaarah, sida curiyayaasha ururka 17aad waxaa looguyeeraa halajiino halka curiyayaasha ururka 18aadna loogu yeero neefaha wahsada. Tusaha kalgalka   Curiyayaasha kiimikeed: Marka …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Walxaha kiimikeed ee saafida ah iyo kuwa aan saafida ahayn

  Curiyaha saafida ah ama isku dhiska saafida ah, waxa ay ka kooban yihiin hal walax oo walax kale kuma ay dhexjirto. Shayada aan  saafida ahayn waxay noqon karaan isku jirka curiyayaal, isku jirka isku dhisyo ama isku jirka isku dhis iyo curiye. Walxaha kiimiked ee saafida ah: Cunooyinka iyo cabitaanada waxaa lagu xayeysiiyaa in ay yihiin saafi. Tusaale, waxaa arkaysaa kartoomada “casiir liin macaan saafi ah” , “biyo saafi ah”. Taas oo la micno ah in aana waxkale lagu darin intii lagu gudo jirey soo saaridooda warshadeed. Sikastaba, saynis ahaan marka aan u eegno walxahan ma ahan kuwo saafi …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Falgalada Kiimikeed ee Sahlan

  Falgal kiimikeedku waa cadaynta in uu dhacay isbadal kiimikeed. Alaabta bilowga ahi waxa ay isku badalayan alaabo cusub ama noocyo kiimikeed oo kale. Sidee u garan karnaa in uu dhacay falgal kiimikeed? Hadii aan aragno mid ama in ka badan oo kuwan soosocda ah waxaa oran karnaa waxaa dhacay falgal kiimikeed: Isbadal midab Xumbo In uu samaysmo ruushi ( in milanka ay kudhex samaysmaan adkayaal yaryar ah)  kulka oo isbadala Waxaa jira falgalyo aad u tiro badan oo kala duwan, laakin guud ahaan waxa loo kala qaybiyey 5 qaybood oo sahlan. Fagalka isku darka tooska ah: Falgaklka iskudarka tooska …

Read more 0 Comments
error: Content is protected!!