Maxamed Siciid 'Samiik'

About the Author Maxamed Siciid 'Samiik'

Qoraaga ayaa aqoon duruqsan u leh qorista afka Soomaaliga, waa qoraaga qoray buugga Shaqal Bile. Buuggaan Shaqal Bile ayaa ah buug si cilmiyeysan uu qoraaga ugu faalooday qorista afkeenna hooyo.

Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Isticmaalka Saxsan Ee Guntimaha ( “ “ )

Shay kolka la doonayo in la xafido oo aannu dheeldheel ku lumin, sida la og yahay, meel baa lagu xidhaa. Meeshaa cajiibka ah baa, hadda ba, loo yaqaannaa “guntin.” Labo xadhig ama wax kale kolka la doonayo in la isku xidho, si aan ay u kala furfurmin, “guntin” baa loo yeelaa. Qof Alle siiyay xikmad badan kolka la la saaxiibo, falsafado badan baa laga bartaa, ama dheh laga “guntaa.” Intaa oo macne iyo in ka badan ayaa uu erayga “guntin” (iyo erayada ka sii farcama ba) ku lee yahay afkeenna hooyo. Hadda ba, astaantan oo reer Maraykan ay u yaqaannaan …

Read more 0 Comments
Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Isticmaalka Saxsan Ee Hamsaha ( ‘ )

Hamsuhu waa astaan leh la yaab badan oo qoraalka Soomaaligeenna ku leh dawr aad u wacan. La’aantii waxa la arki lahaa, hubanti na ah, dhibaatooyin badan. Qaababkan ayaa aan u qaabeeyay isticmaalka saxsan calaamaddan aniga oo ka duulaya dhismaha iyo abuurka erayga Soomaaliyeed. . . . Waxa lagu kala basriyaa dhawaqyo-shaqaleed oo aan bataatan ba is raaci karin, iyaga oo ku wada jira hal eray oo keli ah. Haddii la doono in la is raaciyo, xaqiiqo waxa ah eraygu in uu beddelmayo macnihii iyo ujeeddadii uu ku lahaa afka; ama eraygu in uu ahaanayo mid aan ba la akhrin karin. …

Read more 0 Comments
Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Isticmaalka Saxsan Ee Qoqobka ( / )

Calaamaddani waxa ay u shaqaysaa sida xidhiidhiyaha “ama.” Wax kasta oo uu xidhiidhiyahaasi qabto ayaa ay qabataa. Haddaa waa wax kasta! Hadalka ayaa ay kala qoqobtaa oo kala dhex gashaa, aslan ba. Waxa ay tilmaantaa labo eray (ama labo weedhood) oo isku macne ah oo isku dhigmi kara. Ama waxa ay tilmaantaa labo eray (ama labo weedhood) oo iska soo horjeeda oo la kala dooran karo. Bal u fiirso tusaalayaashan hoose. . . . T.A.: Muna waxa ay rabtaa/doonaysaa in aad u shaqayso. Waxa ay la macne tahay: Muna waxa ay rabtaa ama doonaysaa in aad u shaqayso. Labada eray …

Read more 0 Comments
Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Isticmaalka Saxsan Ee Saddexdhibcoodka ( . . . )

Astaantani waxa ay ka kooban tahay saddex joogsi. Joogsi wal ba ku ma dheggana joogsiga kale. Masaafo yar baa loo kala dhexaysiiyaa saddexda ba ( . . . ). Qoraalka kiisa akadeemiga ah (academic writing) baa xeerkaa iska leh oo aad u soo celceliya. Qurux ahaanna, waxaa ba wacan in aan la isku dhejin ee masaafo yar loo kala dhexaysiiyo. Calaamadaha qorayaasha Soomaaliyeed ay khaldaan, bb ay dambi badan ka galaan, baa ay tani ka mid tahay. Saddexdan hab ee soo socda ayaa loo isticmaalaa. . . . 1: Waxa lagu muujiyaa hakad degdeg ah. Hakadkaa degdegga ah waxa keeni …

Read more 0 Comments
Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Isticmaalka Saxsan Ee Bilaha Wareegsan ( )

Calaamaddan, sideeda ba, waxa lagu dhex qoraa “hadal dheeraad” ah. Hadalkaasi, dabcan, waxa uu ahaan karaa eray ama erayo. Waxa kale oo uu ahaan karaa weer ama weero. Waxa saddexaad oo uu ahaan karaa hawraar ama hawraarro. Hadalkaa dheeriga ahi, ujeeddo ahaan, waxa suuragal ah in uu wax “caddaynayo.” Waxa kale oo suuragal ah in uu wax “sharxayo.” Waxa saddexaad oo suuragal ah in uu wax “iftiiminayo.” Mar afaraad na waxa suuragal ah in uu wax “turjumayo.” Midka ay noqoto ba, hadalkaa isaga ahi, waa mid qoraagu uu isku qanciyay in ay tahay muhiim in uu la wadaago akhristihiisa, si …

Read more 0 Comments
Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Isticmaalka Saxsan Ee Jiitinta Gaaban ( – )

Jiitinta gaabani waa hal xarriiq oo keli ah. Waa astaan muhiim ah oo loo baahan yahay—oo hawlo yara adag fududaysa. Hababkan soo socda ayaa loo isticmaalaa. . . . Waxa lagu xidhiidhiyaa erayo kala duwan oo mid kastaa ba uu lee yahay macne gaar ah, se wadartooda la doonayo macne cusub in laga dhaliyo. T.A.: Iskaa-wax-u-qabso. Waa afar eray oo mid kastaa ba uu lee yahay macne gaar ah. Laakiin kolkii la isku daray waxa ay sameeyeen macne cusub. T.A.: Calooshii-u-shaqayste. Waa saddex eray oo mid kastaa ba uu lee yahay macne gaar ah. Laakiin kolkii la isku daray waxa …

Read more 0 Comments
Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Isticmaalka Saxsan Ee Jiitinta Dheer ( — )

Astaamihii ugu horreeyay ee bani’aadamku adeegsado ayaa ay ka mid tahay jiitinta dheeri, sida la hubo. Inta badanna, qoraallada rasmiga aan ahayn (sida: sheekooyinka, riwaayadaha, iyo iimayllada) baa si fiican u isticmaala. Astaantii labadhibcoodka ee aynnu soo aragnay, ee cajiibka ahayd, iyo astaamaha hakadka, bilaha, iyo joogsihakadka ayaa ay shaqooyinkoodii siiyaan—oo gebigeeda ba waxa ay ka dhigaan “astaan federaal ah.” Balse qoraallada rasmiga ah ee cilmiyaysan, ee dunidu maanta siiso mudnaan badan, calaamaddaa waxa ay u sameeyeen “shaqooyin xaddidan.” Shaqooyinkaa ayaa aynnu, hadda ba, is baraynnaa maanta, oo si fiican u qeexaynnaa. . . . Waxa lagu dhex xareeyaa macluumaad …

Read more 0 Comments
Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Isticmaalka Saxsan Ee Joogsihakadka ( ; )

Horay sidii aan u soo sheegnay, astaanta farshaxannimada qoraalka ku caanbaxday ee labadhibcoodka loo yaqaan waxa isku dhererisa, oo awooddaa kula tartanta, astaanta joogsihakadka. Tani waa tu adag oo, qorayaasha yaryar marka dhan la iska dhigo, qorayaasha waaweyn xattaa ka qayliyeen. Kuwaa waaweyn qaar ka mid ah baqdinta ay ka qabaan calaamaddan, iyo isticmaalkeeda saxsan, waxa ay ka gaadhay in ay soojeediyaan in laga saaro astaamaynta qoraalka! Waa astaan leh amakaag badan oo leh raad weyn. Akhristaha waxa ay siisaa, ama se dheh hadyad waxa ay uga dhigtaa, istaagid (hakasho) ka gaaban ta joogsiga ee buuxda (.), ka na dheer …

Read more 0 Comments
Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Isticmaalka Saxsan Ee Labadhibcoodka ( : )

Hadalku, caadi ahaan, ka ma maarmo farshaxan. Farshaxanku, inta badan, ka ma yimaaddo hadalka lagu hadlayo, ee waxa uu ka yimaaddaa hadalkaa qoraalkiisa iyo quruxdiisa sida loo ogaasimo. Hadda ba, astaantan labadhibcoodka ah ee aynnu arki doonno sida loo adeegsado, culimada qoraalku waxa ay siiyeen cinwaan cajiib ah: Astaantii Farshaxanka! Sababtu na, jaalle, si kale ma ahan e, waa meelaha ay dhacdo iyo meelahaasi sida la yaabka leh ee hadalka qoran ay u qurxiyaan u na qaabeeyaan. Farshaxannimadaa cuddoon waxa la wadaagta astaan tan ku xigi doonta oo iyadu na leh ashqaraarkeeda weyn. Waa astaanta inta badan la khaldo adeegsigeeda …

Read more 0 Comments
Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Isticmaalka Saxsan Ee Hakadka ( , )

Wax kasta ba haddii ay lee yihiin laandheere, calaamaddani waxa ay u tahay laandheere calaamadaha kale. Labo aqoonyahan ah na arrintaa ku ma muransana. Shaqooyinka ugu badan ee ay qabtaan astaamuhu marka loo qaybiyo saddex meelood, labo meelood oo dhan waxaa qabata astaantan. Sababtaa ayaa ay ku noqotay laandheere— ku na noqotay calaamadda loogu gefafka badan yahay. Neefta bani’aadamku waa ay xaddidan tahay, aalaa. Ruuxu jeerka uu hadlayo, meelo badan baa uu ku hakadaa, sababo badan baa na dhaliya hakashadaa. Sababahaa ayaa sameeya astaantan cajiibka ah. Kuwaa ayaa aan qodobbaynaynnaa—qodob kasta na saddex tusaale oo fiican ka bixinaynnaa. Calaamaddan in …

Read more 0 Comments
error: Content is protected !!