Maxamed Xassaan Gacayte

About the Author Maxamed Xassaan Gacayte

Waa qoraa ka tirsan Afrikaan. Wuxuu aqqoon gaar ah u leeyahay maamulida mashruuca, dhaqaalaha iyo siyaasadda. Wuxuu wax ka qoraa midnimada, waxbarashada, horumarinta bulshada, siyaasadda, dhaqaalaha, iyo isdhexgalka bulshada.

Bangiyadda & Kaydka

Lacagta Cusub Ee Dalka Loo Daabacaayo – Soomaaliya

  Waxaan qoraal kooban kaga hadli doonaa, daabacaadda lacagta shilinka ah, ee dawladdu ku dhawaaqday in ay dhawaan daabacayso. Marka hore aan isla fahanno Lacag. Waa maxay lacag? Maxaa lagu qabtaa, ama ay qiimo leedahay? Weydiimahan iyo kuwo kale, ayaan ku soo koobi doonaa qoraalkan. Lacga: waa shay kasta oo aad ku bixin karto Amaah, ku iibsan karto shay kale, kaysan karto, sharciga deegaanka aad joogtana uu oggalyahay qiimaheeda iyo wax qabad keeda. Lacagtu, waxaa loo adeegsadaa: 1. In lagu soo beddesho lacag kale, oo caalami ah. 2. In lagu illaaliyo ganacsiga waddanka iyo awoodda iibsiga ee dadka. Iyo qaar …

Read more 0 Comments
Siyaasadda & Diplomasiyadda

Yaa Innoo Beddelaya Imaaraat-ka?

Waa su’aal ay in badan ku rafteen shacab badan oo Soomaaliyeed, waxaa keentay in ay ku raftaanna; waa xoogaa dhaqaale ah oo Imaaraat ku ciidan keenna siin jireen. Inta aana ka war celin weydiinta kore, aan ku daro tu labaad, oo ah: Imaaraat ku haddii uu baxay, maxaa innoo xal ah?, ciidan keenna maxaa u xal ah (mushahaar koo dii)? Iyana inta aanan ka war celin, ila akhri qisadaan. Waxaan ka soo xigtay buugga la yiraahdo *Himmiladaada hano*. “Beri baa nin dhallin yaro ah,oo aad ugu wareeray waxa la yiraahdo “Guusha” , waxa uu u tagay nin odey ah oo …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha & Siyaasadda

Waa Maxay Kobac Dhaqaale ‘economic growth’?

Kobac dhaqaale waa habka, iyo xaddiga sare u kac dhaqaale, ee dakhliga qofka iyo dawladda, ee waddan, ama dal ahaaneed. Waa siyaadada ku timaadda, ama is baddalka korodhsiimo ee dakhliga shakhsiga ah iyo kan dawliga ah. Haddaba waxaa jira; waxyaalo go’aamiya (determinents) ama saameeya (factors) korodhka dhaqaale ama dakhli ee dalkasta, waxay ku leeyihiin shay-yadaasi, saamayn toos ah oo aan laga leexan karin, waddan dhaqaale yar, iyo mid dhaqaale roon, labadaba way saameeyaan oo go’aamiyaan. Waxaa ka mid ah go’aamiyayaashaas:- Heerka isticmaal ama quudasho, ee macdanta iyo waxyaalaha Alle ku siiga ah (natural resources) ee waddanku leeyahay. Tani waa mid …

Read more 0 Comments
error: Content is protected !!