Mawliid Axmed Xassan

About the Author Mawliid Axmed Xassan

Waa qoraa ka tirsan bahda qorayaasha ee Afrikaan.so Waa saynis-yahaan bartay culuumta sayniska iyo caafimaadka guud, waa qoraa iyo cilmi baadhe lafagura arrimaha bulshada, caafimaadka, dhaqanka, wacyigalinta iyo dhiirigelinta bulshada. Qoraagu wuxuu wax ku bartay wadanka Suudaan halkaas oo uu ku qaatay shahaadada heerka koowaad iyo labaad ee jamacada, oo kala ah kuliyadaha sayniska qaybta noolayaasha il ma aragtiga ah, heerka labaadna ku qaatay caafimaadka guud.

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Barashada Habka ugu Fiican ee Caruurta Loo Tarbiyeeyo Loona Barbaariyo

Barashada habka ugu fiican ee caruurta loo tarbiyeeyo loona barbaariyo. Ilmaha wanaagsani waa riyada iyo rajada hooyo iyo aabe kaste, barbaarinta wacan ayaa noqonaysa in lagu beero caruurta akhlaaqda wanaagsan inta ay yaryihiin, tarbiyada wanaagsanna ma aha amarro iyo sharciyo, balse ilmuhu wuxuu ka helaa habdhaqanka iyo ficilada waalidkiis, ka dibna deegaanka ku xeeran. Qofkii barta barbaarinta hagaagsan ee caruurta, waxaa inta badan laga gartaa caruurta uu tarbiyeeyay. Waxa laga yaaba inuu ilmuhu kaa raaco jidh iyo muuqaal ahaan )family heredity) balse waxa uu rumaysanaayo, diinta uu qaadanaayo, dhaqanka uu yeelanaayo iyo qaabka uu u fikiraayo hido maaha lagumana dhalo waa …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Adeegsiga Maaskarada, Dhib iyo Dheef

Waa maxay maaskaradu(face mask)? Maaskaradu waa mid ka mid ah sahayda caafimaad ee daboola afka iyo sanka, ujeeddada isticmaalkeeduna waa ka hortagga gudbinta dhibcaha ay ka buuxaan fayrasyada iyada oo loo marayo nidaamka neefsashada qof ilaa qof kale. Goorma ayey waajib tahay in la xidho maaskarada. Madaxda hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, ayaa soo jeediyay in aanay dadku xidhan masarka afka lagu xidho, marka laga reebo dadkan soo socda oo ay tahay waajib inay xidhaan maaskarada: Qaf qaba cudurka corona fayras Shaqaalaha caafimaadka ee latacaalaya xanuunka Qof daryeelaaya una adeegaaya qof qaba xanuunka. Qof looga shakisan yahay xanuunkan, ama leh …

Read more 0 Comments
Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Wadaniyada iyo Ahmiyada ay Leedahay

Waxaan jecelahay inan idin la wadaago mowduuc dulucdiisu tahay ‘wadaniyada iyo faa’iidada ay leedahay.’’Mowduucan aad buu u balaadhan yahay maqaal kobanna lagagama hadli karo marka si kooban oo qodobaysan ayaan uga hadli doona insha allah hadaba. Waa maxay wadaniyada?  “wadaniyadu waa dareen qofnimo iyo damiir umadeed taas oo shakhsigeeda ku dhalisa jacayl uu uqabo dalkiisa iyo dadkiisa, taas oo qofkeeda ka dhigta shaqsi kadamqanaya wixii xun ee dalkiisa iyo dadkiisa loo asteeyo una damqanaya dadkiisa iyo dalkiisa.”    Macne labaad ayaa isna ah barashada cilmi bulsho kaas oo lagu baranayo gaar ahaan xaquuqda (rights) iyo masuuliyada (responsibility) uu leeyahay qofka …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Maxaad Kala Socotaa Hadimada Qaadka Iyo Cudurka Korona Fayras?

Sidaan wada ogsoonahay qaadku waa aafo haysata bulshadeena taas oo ragaadisay horumarka, hab fikirka, qoyska, ilaha dhaqaalaha, caafimaadka iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee uu u baahan yahay wadanku. Qaadku waa aafada aynu ognahay dhibtiisa, sidoo kalena aynu garanayno xalka iyo dawadiisa, hadana aan lagu dhaqaaqayn oo la iska dawaynayn. Macluumaad ku saabsan qaadka. 1. Ma ogtahay in ereyga qaad marka xaga danbe laga soo akhriyo uu noqonaayo “DAAQ”. 2. Ma ogtahay in erayga MIRQAAN uu ka kooban yahay laba eray oo kala ah: MIR oo macnihiisu yahay marka habbeenkii xooluhu daaqaaan (mirtaan). Ama weerarka habbeenimo, sida col habbeenkii wax …

Read more 0 Comments
Akhri

Caalamka Wax Akhriska

Waxaan jecelahay inan idin la wadaago mowduuc dulucdiisu tahay ‘wax akhrisku waa waxa qudha ee ku gaadhsiin kara horumar iyo halka aad rabto.’’Mowduucan aad buu u baladhan yahay maqaal kobanna lagagama hadli karo marka si kooban oo qodobaysan ban uga hadli doona insha allaah hadaba,  Waa maxay aqrisku? Akhrisku waa quudinta, kobcinta, kor uqadida, qimaynta maskaxda. Sida jidhku ugu bahan yahay cunto iyo cabid ayey maskaxduna waxay ugu bahan tahay akhris. Dadka wax akhriya waxa ay ka cimri dheer yihin dadka kale waxay taariikh iyo fikrado ka hayaan dadkii boqolaalsano ka horeyay waxayna taariikh iyo fikrado fiican uga tagaan dadka …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Maxaad ka Ogtahay Caabuqa Caalamka Kaga Cabaadiyey ee Korona Fayras?

Fayraska coronavirus waa qoys balaadhan (coronaviridae) oo ka mida fayruusaadka sababa cudurada ku dhaca xayawaanka iyo bini-aadamkaba. Fayraska coronavirus waxa uu leeyahay noocyo kala duwan, qaar ku dhaca xayawaanka iyo kuwakale oo u kala gudba xayawaanka iyo bini-aadamka (zoonatic disease). Sidaan wada ogsoonahay coronaha ku dhaca aadamahu wuxuu haleelaa hawa-mareenka, kaas oo ku sababi kara caabuq. Hadaba muxuu yahay korona fayraska cusub? Dabayaaqadii sanadkii tagay december 2019 waxa magaalada wuhan ee dalka china ka dilaacay corona cusub, kaas oo loo bixiyey COVID-19 (Wuhan korona fayras). Cudurkan oo faroba’an ku haya dalka chinaha ayaa ku sii fidaya caalamka intiisa kale iyada …

Read more 0 Comments
error: Content is protected!!