Maxamed Cabdirisaaq Diriye

About the Author Maxamed Cabdirisaaq Diriye

Waa qoraa ka tirsan Afrikaan. Wuxuu wax ka qoraa cilmiga Bulshada, nabadda iyo amniga, siyaasadda, sooyaalka, arrimaha bulshada, xallinta khilaafaadka, dhaqanka, Afka iyo aqoonta guud ahaaneed. Wuxuu bartay cilmiga Bulshada, nabadda iyo amniga. Heerka koowaad wuxuu bartay cilmiga bulshada (Sociology), heerka labaad ee jaamacada (Master degree) wuxuu bartay Nabadda iyo Amniga ‘Peace and Security. Siddoo kale qoraaga ayaa soo bartay cilmiga sheybaarka. Qoraagu wuxuu bare sarre ka ahaa jaamacada Bariga Afrika.

Siyaasadda & Diplomasiyadda

Sida Loo Xaqiijiyo Amniga Dhismayaasha

Amnigu waa mowduuc balaaran oo kala leh laamo badan balse si guud waxaa loogu qaybin karaa amniga dadka ‘human security iyo amniga qaranka ‘state security, amniga dadka ayaa u sii kala baxa todoba qaybood inkasta oo labadaas nooc ee guud mar mar isku soo noqdaan, marabo inaan amniga si guud uga faaloodo balse waxaan rabaa inaan ka hadlo sida loo ilaalin karo amni dhisme. Dhisme waxa uu noqon karaa hal dabaq, hal guri ama dhisme warshadeed/Kambani laakiinse waxa ay wadaagaan qaabka loo ilaalin karo amniga goobtaas si looga hortago in koox hubaysan soo weerarto oo dad layso, in wax laga …

Read more 0 Comments
Aqri

Xirfadaha Mnemonic – Sidee ku baran kartaa xirfadaan?

Mnemonic waa xirfado iyo istaraatigiyado shaqsigu u isticmaalo in uu si sax ah wax u xasuusto, waxay siyaadisaa shaqada maskaxda, waxaa soo saaray Gerald Miller 1967dii, waxa uuna ku difaacay mnomnic in ay siyaadiso xasuusashada si wanaagsan, waxa uuna yiri “ardeydii isticmaashay xirfadaan waxay siyaadiyeen dhibcohoodii awal 77%” Xirfadaha mnemonic-ga way noocyo badan yihiin laakiin qayb ka mid ah baan halkaan kusoo qaadan doonaa. 1. Connection mnemonic: waa istiraatigiyadda qofku isku xirayo xogta loo sheegay ama uu akhriyey iyo xog kale oo uu yaqaan ama xifdisan yahay. Tusaale: waxaa laguu sharaxay qaabka ay calooshu usamaysan tahay, kadibna si aad u …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Xasuusasho Aan Koobnayn – Si feejignaantu kuugu suurto gasho raac waddooyinkaan

Feejignaantu waa wadada xasuusta. Saamaynta togan aad leedahay xasuusashada saxda ah waxaa ka qayb qaata xoog saarida iyo ujeeddo fahanka waxaad akhrisay ama shaqadaad qabatay. Si feejignaantu kuugu suurto gasho raac wadadaan. 1. Iska ilaali ka mashquulka shaqadaad qabanaysid Dadku feejignaan badan Masiiyaan markey shaqo hayaan ayna ka fakarayaan shaqo kale feejignaantu iyo usoo jeedka shaqadu ama wax akhrisku ma qayb samo, awalbaa soomaalidu horey u tiri “laabi labo maleh”. Shaqada aad gacanta ku haysid u feejignow, mobile iyo TV iska dami markaad rabtid inaad wax akhrisatid rabtana maskaxdaada inay galaan waxaad akhrisay. 2. samayso xilli nasasho iyo shaqo kooban …

Read more 0 Comments
Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & DuniddaSiyaasadda & Diplomasiyadda

Kacaankii Hormarinta Burkiino Safo (1983-1987)

Sankara waxuu dhashay sanadkii 1949 bishii December, waxuu ku dhashay magaalada Yoko ee dalka Burkino Faso, waxuu dugsi dhexe iyo dugsi sare ku dhameeyey magaalada Bobo-Dioulasso ee dalkaasi. Markuu dhamaayey dugsi sare, waxuu ku biiray ciidamada milatariga, isagoo da’ ahaan jiray 17 sano balse waalidkiis waxay la jeclaayeen inuu noqdo wadaad kaniisadeed, isaguna waxuu majeertay ciidannimo, markuu kusoo biiray milatariga, waxaa laga dareemayey firfircooni saa’id ah isagoo waliba da’yar. Sanadkii 1970, waxuu tababar milatari u aadey wadanka Madagakar, waxuuna kasoo laabtay 1973, xiligaas oo uu kasoo qalin jabiyey tababarkii Madagaskar. Waddanka burkino faso waxaa gumaystay Faransiis, waxuuna madax baaninada qaatay …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Qorshe Xumada Qoyska Soomaaliyeed iyo Saamaynta Dhimashada

Shey kasta oo la dhisayo ahdaaf iyo nidaam gooniya baa loo maraa si looga ilaaliyo gol-daloolooyinka. Dhibka ugu badan oo haysta Afrika waa hormar la’aanta iyo hoosaynta hab nololeedka bulsheed, intaas waxaa u dheer qorsha xumida qoyska, taas oo kulan sata nolol tayo xun iyo geeri. Umul-raac waa dhimasho gudaha Soomaaliya aad looga yaqaan, culayskeeduna soo siyaadaya se’ aan la isweydiin, maxaa sababa umul raacidda?; nugaylka hooyada xaggee buu kasoo bilowdey? Xadiga dhimashada hooyada waa halbeeg ka mid halbeegyada lagu miisaamo heerka hormarka ee waddan gaaro. Waa dhimasho qoran oo watigeedii baa dhamaadey, hase ahaatee waxaa jira canaasiir dhaqameed iyo …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Guurku Waa Kaabaha Bulshada

Guurku waa aasaaska qoyska, qoyskuna waa gundhigga bulshada, guurka mustaqbalka wanaagsan waxuu asliyaa dhisaana habdhaqanka bulshada kooda wax ku ool ka ah, si aad kaalin mugleh ugu qaadatid toosin bulshada guurkaaga wanaaji oo dooro lamaane waxgarad ah oo aad isfahmaysaan. Habka doorashada lamaanaha waxay saamayn Ku lahayd sooyaalkeenna taas ayaa keeni jirtay muddo dheer inay dhallintu guurdoon ahaadaan, shaqsi kastana niyadda ku haysto astaamaha uu ku dooranayo dhigiisa, inkastoo arintaan aysan ahaan jirin mid dheelli tiran oo dumarku aysan lahayd dookh ugaara hadba kii geedka soo fariista oo ay waaridkeed isfahmaan gacan loo galin jiray. Tiirdhaxaadka iyo lama huraanka qoyska …

Read more 0 Comments
Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Safarkeygii Muqdisho iyo Afgooye

Laga soo bilaabo yaraanteydii, waxa aan ku fakeri jiray goorma ayaad tagi doontaa Muqdisho? Caasumadda Soomaaliya, Muqdisho inkasta oo qalalaasihii ka bilowdey maalintii u danbeysay sanadkii 1990-kii uu illaa iyo hadda raadkiisii jiro hadana qofkasta oo aan booqan, waxa uu jecelyahay inuu maalin uun tago. Waa caasumaddii waddanka, waa magaalo soo martay ilbaxnimo iyo maamullo kala duwan illaa iyo waqtigii la aasaasey, illaa hadana raadad la taaban karo leh. Waa magaalo leh cimilo aad u wanaagsan, waa goob ay isugu yimaadeen Soomaali meel ay joogtaba. Bilowgii 1991 ayaa laga kala cararey, haddana waxa ay u egtahay magaalo soo kabaneysa. Muqdisho …

Read more 0 Comments
Siyaasadda & Diplomasiyadda

Sooyaalka degmada Xarfo: Caqabado, Fursado iyo Ilbaxnimo

Ka hor inteysan deegaan noqon, Xarfo waxey ahayd Balli ku habboon daaqa xoolaha lagana heli jirey cowsas kala duwan. Waxaa kaabi jirey biyaha ka soo rogmada buuraha ka xiga qorax kasoo baxa. Magaca Xarfo waxuu muujinayaa inuu balligaas ahaan jirey dhul qabow. Degistii ugu horeysay waxey ahayd sanadkii 1900, inkastoo si teel-teel ah loo soo dagayey hadana kala barkii qarnigaas ayaa dad xoogleh ku soo xaroodeen. Dadkii ugu badnaa waxay Xarfo soo dageen muddadii u dhaxeysey 1980-1997. Waxey ahayd deegaan xiriir la leh gobolka ay ka tirsantahay iyo gobolka Nugaal. Boqortooyadii hobyo ee ka talineysay gobolkaas, waxay Xarfo ka aasaastey …

Read more 0 Comments
Aqri

Gorfaynta Buugga Kalahaadkii Muqdisho

  Dhiganaha: kalahaadkii muqdisho Turjumey: Boodhari Warsame Bogga: 206 bog Dhiganahan waa dhigane laga soo af-rogey afka qalaad ee Ingiriiska, waxaan qorey Yuusuf Maxamed Xayd. Dhigahan waxaa lagu qorey af aad u heersareeya, marna umalayn maysid dhinage la af-rogey(turjumey), waxaa lagu qoray af guun ah oo aadan marna ka caajisayn. Dhiganhaan waxuu faaqidayaa, lafo guridna ku samaynyaa waxyaabihii sababay dagaalkii sokeeye iyo inta waji uu yeeshay. Qoraagu waxuu ahaa goob jooge, bulshada Soomaaliyeed usoo gudbiya, waxuu usoo joogey, saan-saantii muuqatay, dhibaatadii kacaanku uu dadka ku hayey. Waxuu si hufan oo qoto dheer u lafa gurayaa waxii muqdisho kadhacay laga soo …

Read more 0 Comments
Diinta Islaamka

Gorfaynta Buugga Sicirbararka Fatwada, Maxaase Ku Qoran Buuggaan?

Magaca dhiganaha: Sicirbarar Fatwada Qoraaga: Cabdcasiis Guudcadde Waxuu ka kooban yahay: 174bog   Hab qoraalka Dhiganahan, waxaa loo dhigay hab-qoraal qoto dheer oo aadan marna ka caajisayn, sidey erayadu isudu rakiban yihiin, dhuuxa iyo micnaha isasaaran, isku sargo’naanta hadalada, seetada jumladaha, sinaba ugama dhargaysaan, ammaanta hab-qoraalka dhiganahan, hase ahaatee waxaaba intaas sii dheer qoraalkasta waxaa ku dabran deggello iyo dhiganayaal kale oo faahfaahin, xigasho iyo aqoonba aad ka helaysid. Buugga SICIRBARARKA FADWADA waxa qoraalkiisa qoraagu u qaybiyey afar. 1. Erayga Fatwo iyo micnihiisa afeed iyo adeegsigiisa diineed. 2. Fatwada iyo Haweenka. 3. Qiimaynga kaalinta siyaasaddu kulahayd Fatwada ilaa maantana ku …

Read more 0 Comments
error: Content is protected !!