Khaalid Xaaji

About the Author Khaalid Xaaji

Khaalid Xaaji waa qoraaggii qoray sheekadaan qaxarka badan. Qoraaga sheekadii ugu horeysay uu qoro waxay ahayd Buufiskii Xumaa Iyo Tiraanyo Tahriib. Waa qiso aad u xanuun badan oo asiga ku dhacday hadana isla asiga qoray. Wuxuu ahaani jiray arday jaamacad ka dhigta Soomaali gaar ahaan magaaladda Boosaasso. Wuxuu jaamacadda dhex-bartamaha kaga tagay barashada cilmiga Pharmacology-ga.

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Buufiskii Xumaa Iyo Tiiraanyo Tahriib – Qeybtii 14aad

Sheekada qeybtii ugu dambeysay ayaan soo gaarnay. Waxaan aniga iyo asxaab kale wali ku jirnaa MAGAFE CUMAR MAHJUUB, waxaanu daris dhow u nahay gaajo, injir, kaneeco, garaacis welwel, iyo waxkastoo nafta binu’aadamka khatar ku ah. Waxaanu ku jirnaa halkii aanu ku bixin lahayn daynta lacageed ee dhan 4800$ qofka magaciisa la yeeriyo ee albaabka dibada ka istaaga gadaal masoo fiirinaayo waxay igu qaadatay mudo bil ah inaan ku jiro xeradaan magafe. Kadib Alllaha awooda lihi waa ii sahlay inaan ka baxo anigoo bad-qaba. Asxaabtii aanu soconay qaarkood waxay joogaan yurub, qaarna waxay iiga horeeyaan xeebta kuwana waan kaga tagay maalinkaas wuxuu …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Buufiskii Xumaa Tiiraanyo Tahriib -Qeybtii 13aad

……Si aad waxbadan uGu ogaato nuxurka sheekadaan soo aqri qeybihii horre. Waaga ayaa soo jeed noogu baryay waa subax abaare 08:00 am, 20-3-2016 ,, imika ayay noo soo galleen labadii nin ee waardiyayaasha ahaa waxayna nagu dheheen NAAS JADIID DHAABUUR dadkii cusbaayow saf soo galla oo kale safkii ayaanu ku jiraa qofkasta lambarka ehellkiisa ayuu yeerinayaa telefonkana mid iyaga kamid ah ayaa garaacaya dhagta intuu saaro ayuu markuu dhaco qofka u dhiibayaa labo daqiiqo ayuuna kusoo save gareysanyahay, micnaha waa is jarayaa markaad 2dii daqiiqo ku hadasho qofkuu u dhici waayana nasiibkiis wixii waqtigaan ka danbeeya waa biliimis kaliya waxaa …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Buufiskii Xumaa Iyo Tiiraanyo Tahriib -Qeybtii 12aad

  Waxaanu hadda hor fadhinaa xooshka ama hoolkii Magafaha ee aan dayna ku bixin lahayn iminka ayaa albaabka sarre la furay waxayna nagu amreen inaan xaroono dayrka ayaan gallay albaabkii gudaha ayaa lasii furay wayna nagu aruursheen waxaanu gudaha ugu tagnay asxaab badan oo naga soo horeysay waa lays wada salamayaa midba mid ayuu shafka galinayaa balse anigu sidaan usoo socday meel ayaan iska fariistay anigoon qofna salaamin. Indhaha ayaan ka daawanayaa mid aanu saaxiibo nahay oo mudo dhowr maalmood ah iga soo horeeyay ayaa i arkay waa ii yimid saaxiib Khaalid ii waran, ma fiican tahay? Haa saaxiib Cabdifatah …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Buufiskii Xumaa Iyo Tiiraanyo Tahriib -Qeybtii 11aad

Waxaan imika soo gaaray maama Maymuun oo 2da gacmood ka jaban waxaa kaloon arkayaa dadkii kale oo midba meel yaallo, qaar baa madaxa dhiig ka socdaa, kuwo kale naqaska ayaa ku taagan arrintu waa isku dhex-yaac waxaan samayno ma garan karno eedo Maymuun ayaan  madaxa kor ugu soo qaad isdhahay misna labada gacmood ayaa laa-laada Xasbunallah waa Nicmal Wakiil. Ilahayoow na cafi anagaa halaag lugaha kusoo raadsanaye, waa dhacdooyinka ugu sahlan ee ay tahriibayaashu la kullmaan intay safarkan ku guda jirraan dhaawucu waa dhibta ugu yar ee soo gaarta tahribayaasha qaar baa naftooda gabi ahaanba ku waaya waxaan ku qiimeyn …

Read more 0 Comments
Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & DuniddaQoyska & Horumarinta Bulshada

Buufiskii Xumaa Iyo Tiiraanyo Tahriib -Qeybtii 10aad

Fadlan dib usoo aqri sheekooyinkii ku dhaafay si aad u fahanto nuxurka sheekadaan taxanaha ah…….. Dhowr saf ayaanu ku jirraa gaarigiina albaabka gadaaleed ayaa loo balaqay waxaa safka hore kujira dumarka oo ay rabaan innay qeybta hore ku rasteeyaan anigu leynka dadka ugu danbeeya ayaan kamid ahay way bilaabantay rastadii labo mad-madow oo Tajaadeys ah ayaa korka saaran waxay sittaan tuunbooyin oo ay dadka ku garaacayaan qeylo, oohin dumarkii kuwo naga mid ah ayaa damcay innay dhahaan ma fuuleyno xabad ayaana ooda looga qaaday qof, walba wuu quustay waa in wixii laguugu taliyo uun aad yeeshaa imika rarkii waa lagu …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Buufiskii Xumaa Iyo Tiiraanyo Tahriib -Qeybtii 9aad

Isma lahayn adigoo dhul jooga ayaad BAD  ka door bidaysaa waxaan ku qiimeeyay saxaraha BAD, aan biyo laheyn malahayga, waxaan islahaa jidka saxaraha waxaad kusii jiri doontaan, ugu badnaan, 4 berri waayo fariin qaldan ayaa nala soo siiyay mid aan saxneyna waa nalooga tagay waa meel aan geed aad hoos gasho lahayn, maalinkii waxaad isdhahaysaa qoraxda malaha waa lasoo dhaweeyay noolle socdo indhahaagu ma qabanayaan, maalinkii labaad ayuu meel dhul u eg waagu noogu baryay gaarigu saacad ka badan toos uma socon karo hadba bacaad ayuu ku dhiiqanayaa anaguna waa ka dagaynaa. IDLAC, INSIL ayaan kujirnaa. Habeenkii saddexaad ayaa la …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Buufiskii Xumaa Iyo Tiiraanyo Tahriib -Qeybtii 8aad

Telkii toronyaha ayay ku hadlleen, waxayna nagu dheheen layrkaa ma ujeeddaan inoo muuqanaya waa ciidamada badda Sudan, hadday ina qabtaana annagana xabsi ayay na dhigayaan idinkana waa iddin tarxiillayaan ee ha hadlina wax iftiin ahna ha shidana, hagaag ALLE mahadii anagoo badqabna ayaanu gaarnay xeebtii abbaare 03:00 pm, dhagxaan oo kale ayaa nalooga daadiyay doontii ALXMDULILLAAH!. Waxaa xeebta nagu sugayay qolyihii Suudaaniinta ahaa ee nala wareegi lahaa jawi cusub wadanka qallaad ummad kale ayaanu soo gallay nimankii suudaanta ahaa ayaa nala wareegay waxayna nagu rasteeyeen isla waqtigiiba saddex xaajiyadood waanna kalla wareegeen walli ced-ceed masoo bixin gaajadii waxaa noo dheer …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Buufiskii Xumaa Iyo Tiiraanyo Tahriib -Qeybtii 7aad

Maqrib ayay noqotay qof,walba meel ayuu gaajo haraad iyo daal kula dhacay heblaay  xabad nabaad ah ma haysaa? Maya walaahi. “Yaa wax sonkora haya?” heblaa wadnuhu dhacaye ayaa badatay siddaan xaggii nalaga keenay u fiirinaynay ayay indhuhu na daaleen waxay gaartay fiid qaneeco Rabbi ayaannu, wada qaadanay, jaziiraddii niista hala kala xaarto ayay noqotay. Qofba meel ayuu dhanqalmay hurdo aan jirin ayaa layska raadshay maryuhu xittaa waa naga qoyanyihiin siddaanu siddii ugu jiray ayaa waqti danbe oo aanu hiil iyo habarba u jabnay oo aan ku qiyaasay innay ahayd 03:00 Am ayaa waxaan maqalay guux matoor meel ku aadan dhanka …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Buufiskii Xumaa Iyo Tiiraanyo Tahriib Qeybtii 6aad

Xudeyda waa magaalo xeebeed waxay kutalaa waqooyi galbeed Yemen. Saacado kadib xaajiyadii waxay na keentay meel baadiya ah oo ay hal qoys daganyihiin waa meel saxare ah waxaa ka dhisan saddex mundulle oo ka sameysan xaar lo’aad iyo ullo ama qoryo waxaan ugu nimid Soomaali kalle oo illaa 12 qof ah oo meesha sii joogay, diif badana ka muuqato. Markaan mukhasalasiintii, Soomaalida ahayd howshu waa ka gudubtay Carab iyo Yemen aanaan af aqoon ayaanu gacanta ugu jiraa. Mundulaha kama soo bixi karno waxaa nagu hareeraysan niman reer baadiye ah oo xitaa aan kabo siddan hubka ugu sahlan ee ay wataani …

Read more 0 Comments
Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & DuniddaQoyska & Horumarinta Bulshada

Buufiskii Xumaa Iyo Tiiraanyo Tahriib –Qeybtii 5aad

Waxaanu mar labaad gacanta u galnay nimankii mukhalasiinta ahaa. Waxay noo kala qeybsadeen dhowr qeybood anagoo lix ah ayaa nasiibku iskaano raaciyay. Mukhalaskii wuxuu na dajiyay hotel maalmo yar kadib goor casar ah ayuu nagu war, geliyay inaanu caawa baxayno waa safarkii aanu ku tagi lahayn xeebta fiidkii ayuu nasoo wacay wuxuuna nagu yiri isdiyaariya si dhaqso ah ayaanu u diyaar garownay. Wuxuu noo imaaday isagoo gaari bas caasi ah shidhka hore usaaran, taqsiina u taagantahay si sahlan ayuu nagu yiri Insha Allah caawa waad nabad tagaysaan Xudeyda, wax dhib ahna mala kulmi doontaan ee gaariga soo kora. Anagoo niyada …

Read more 0 Comments
error: Content is protected !!