Jebriil Maxamed Domenico

About the Author Jebriil Maxamed Domenico

Waa cilmi-baadhe, kana mid ah qorayaasha Tukesomalism. Wuxuu shahaadada heerka labaad ka heystaa Jaamacadda Addis Ababa ee M.A Maamulka iyo Maareynta Siyaasadda, waxyaabaha uu wax ka qoro waxaa ka mid ah; Siyaasadda, Bulshada iyo Maamulka Bariga Afrika, xiriirka ka dhexeeya dowladdaha Afrika, awoodaha soo ifbaxa ee amniga, dimuqraadiyadda, iyo is-dhexgalka gobolka. Wuxuu qoraallo ku daabacay joornaalada maxalliga ah iyo kuwa caalamiga; warbaahinta dadweynaha, iyo dhowr meelood oo kale, waxaana kamid ah Modernghana, National Telegraph, Radiohormuud, Hiiraan Online.

Siyaasadda & Diplomasiyadda

Xisbiyada iyo Bulshada Diyaar Ma u yihiin Doorashada 2020?

Doorashadu waxaa loo arkaa in ay tahay tiir kamid ah dimuqraadiyadda, iyo dawlad wanaaga, taageeradda beesha caalamka ee Soomaaliya waxay qorsheeyeen 2020 in dalka uu galo doorasho qof iyo cod ah, si loo hubiyo dimuqraadiyeeynta iyo dib-u-dhiska dalka. Guddiga madaxbanaan ee u xil saaran qabanqaabada doorashooyinka ayaa qaaday  tallaabooyin lagu hubinayo suurtagalnimada Doorashada, sida Diiwangelinta xisbiyada. Ilaa haddana waxaa diiwangeshan in kabadan 57 Xisbi, sida ku cad bogga Guddiga. Aqoonyahanada badanaa ayaa isweeydiiya suurtagelinimada doorashadaan iyagoo markaas u arka tallaabooyinkan guddigu qaaday in aysan hubin karin doorasho xor iyo xalaal ah, islamarkaasna ka hadlay saameeynta doorashada ay ku yeelan karto …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha & Siyaasadda

Afrika: Goob ay ku Dagaalaman Shiinaha, Mareykanka iyo Ruushka

Qaaradda Afrika waxay hore u ahayd goob ay ku dagaalaman shiinaha iyo mareynkanka se hadda waxay u egtahay in Ruushka uu ku soo biiray, aqoonyahanada badanaa waxay u arkaan saameeynta ruushka mid ka wanaagsan ree galbeedka, laakiinse marnaba hoos u-dhac aan ku keeyneynin  xiisadaha loo qabo kheyraadka Qaaradda. Saameynta Shiinaha iyo Mareynkanka Saamaynta Shiinaha uu ku leeyahay qaaradda Afrika waa mid caalamkoo dhan laga ogyahay, waxaana inta badan lagu gartaa maalgeshi ballaaran, Middana waxay muujineysaa xiisaha uu u qabo kheyraadka Afrika, dhanka kale waxaa muuqata in Shiinaha iyo Ruushka ay caqabad ku yihiin reer Galbeedka. Arrintani waa mid dhibaato ku …

Read more 0 Comments
Aqri

Fallan-qeyn: Buugga ‘Dhamaadka Taariikhda iyo Ninkii Ugu Dambeeyay”!

Buuggan wuxuu matalaa mowqif caalami ah oo ku saabsan dimuqraadiyadda xorta ah ‘Liberal Democracy’ sida inay tahay tusaalaha dowladd dimoqraadiyadd ku dhisan meel kastana lagu isticmaali karo, iyo runtii nooca dawladdnimo ee ugu mudan in la adeegsado. Burburkii nidaamkii wada-noolaanshaha (Communism) iyo soo bixitaankii ‘guuleystaha’ ee Mareykanka dagaalkii qaboobaa, Fukuyama wuxuu ku dhawaaqay dimuqraadiyadda xorta ah inay tahay mid guud ahaan guuleystay. Wuxuu ku dooday in horumarka warshaduhu (Industrial) ay lama huraan u noqotay inay raacaan qaab calami (Universal) ah – taasoo dejisay hoggaamiyaasha dhaqaalaha ee hanti-wadaaga ‘capitalism’ ee reer galbeedka – oo siisay “dammaanad” “kordhisa is- dhexgalka bulshada oo …

Read more 0 Comments
error: Content is protected !!