Jama Hursow

About the Author Jama Hursow

Waa qoraa katirsan Afrikaan. Wuxuu wax qoraa arrimaha bulshada, siyaasada, waxbarashada, taariikh-nololleedka. Qoraaga wuxuu cilmi gaar ah u leeyahay cilmiga injinaarka saadka ’’logistics”. Qoraaga waa arday ku jira diyaariska heerka koowaad ee waxbarashada jaamacada.

Diinta IslaamkaQoyska & Horumarinta Bulshada

Waa Maxay Xalka ugu Dambeeyo ee Khilaafka Masaajidka Soomaalida ee Towfiiq – Oslo, Norway?

Qoraalkaan gaaban wuxuu tibaxayaa khilaafka soo jiitamayay ee u dhaxeeya ururada iyo maamulada masaajidada wadankaan Norway. Waxan wada ogsoonahay in khilaaf haraadiyay bulshada Soomaaliyeed tobanaankii sano ee lasoo dhaafay. Cilmi baarayaasha iyo dad badan oo aqoon durugsan u leh arimahaan, waxay soo xiganayaan in dhibaatooyinkaan haraadiyay bulshada Soomaaliyeed ay yihiin arimo badan ee dhinacyo badan ka kooban. Sidaa darteed aan la dhihi karin hal arin ayaa keentay dhibaatootinkaan ku habsatay bulshada Soomaaliyeed. Dadka arimahaan Soomaalida haysata odorasa waxay sheegaan in caqabaha haysta Soomaalida ay ka mid tahay: arimo qabiil, arimo diineed, dhaqanno soo jireen ah, aqoon yari, awood mid dhaqaale …

Read more 0 Comments
Maamulka Ganacsiga & Suuqgeynta

Habka iibsashada Suuqa Macaamiisha

Ma isweydiisay qaababka ay wax u iibsadaan macaamiisha? Hab-dhaqanka iyo fahanka go’aamanka ay gaarayaan marka ay wax iibsanayaan? Waa su’aal da’weyn oo u baahan in loogu jawaabo si cilmiyeysan. Macaamiisha inta aysan wax iibsan, waxa jirta inay soo maraan qaabab kala duwan. Macaamiisha uma sinno habka wax iibsiga iyo go’aan gaarista iibsashada. Waxaan halkaan kusoo gudbinayaa habka ama geedi-socodka uu maro ruuxa kahor inta uusan wax iibsan. Talaabada 1-aad: Ogaanshaha ama cadeynta baahida. Ruuxa marka ugu horeysa waa innuu ogaadaa waxa uu rabo innuu iibsado, sida kale haddii aan u dhigo baahidaada waa inaad xaqiijisaa. Marka aad fahamto ama ogaato …

Read more 0 Comments
Siyaasadda & Diplomasiyadda

Kaarka Aqoonsiga: Faa’idooyinka Amni ee u Leeyahay Dalka

  Siddii ay doowladii dhexe u burburtay 1991, waxa meesha ka baxay dhammaaan adeegyadii bulshada iyo inta badan arimaha aas-aasiga u ah bulshada Soomaaliyeed. Maqaalkaan waxaan rabaa inan inyar kataabto muhiimada ay u leeyahay dhammaan bulshada Soomaaliyeed inay helaan Kaarka Aqoonsiga iyo Baasaboorka. Waxa siddoo kale wax kataabanayaa dhibaatooyinka uu leeyahay lahaansha la’aanta Kaarka Aqoonsiga (National ID Card). Wadan marka la dhaho waxa jira arimo aas-aas u ah in wadankaas laga helo. Waxa kamid ah, calan ugaar ah, dhul joqraafiyada ugaar ah, ciidan ugaar ah, luuqad, xuduudo, maamul, lacag, madaxbanaani iyo waliba Kaararka Aqoonsiga iyo inkale oo badan. Markaas ayaa …

Read more 1 Comment
Xirfadaha & Teknolojiyada

4-Talooyin oo Ku Saabsan Wax Soo Saarka Beeraha

  Beeraha Soomaaliya waxa kasoo go’a dalagyo iyo qudaar farabadan, taas oo beeraleeyda magaalooyinka u suuq-geeyaan. Qudaartaas dabcan waxa iibsada maqaaxileyda, dukaamanka iyo macaamiil kale haba ahaadaan kuwa kale ee sii iibgeeya. Qudaarta waxa lagu yaqaanaa in marka ay soo go’do durbadiiba in la isticmaalo ay ku fiicantahay ama in markaas la xanaaneeyo, si aysan u halaabin. Hadaba talooyinkaan hoos ku xusan raac si ganacsigaaga u wanaagsanaado isla markaasna cunto wanaagsan ee wax tar leh aad usoo saartid. Qudaarta marka ay soo go’do waxa u daran dhowr waxyaabood oo inta badan cimiladu sababto. Waxa ka mid ah qoraxda iyo dabeeysha. …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha iyo SiyaasaddaMaamulka Ganacsiga & Suuqgeynta

8 Fursado Ganacsi ah Ee Kabanaan Soomaaliya – Ka faa’idayso maanta!

  Aqirtayaasha sharafta leh ee ku xiran webkeena Tuke Somalism sidaa innooga barateen waxaan u taaganahay wixii faa’ido iyo hormar u ah bulshadeena inaan idinla wadaagno. Hadaba waxaan rabnaa maanta inaan idila wadaagno  fursadooyin shaqo iyo ganacsi kabanaan wadankeena Soomaaliya. Waxa macquul ah fursadahaan qeyb ka mid ah inay horey uga jireen wadanka, laakiin  sidaa uguma badna, walina  wey u baahanyihiin inay helaan bulshadeena fursadaha nocaan ah.   Haddii wadan dhaqaalihiisa la doonayo in kor loo qaado ama lahormariyo waxaa fursad loosiyaa  in ay dadka ay maalgashan karaan ayna u tartami karaan ganacsiga iyo wax soo saarka wadanka. Ha ahaadaan …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Sirta Qoyska Wanaagsan Qeebtii 2aad

  Aqristayaal waxaan horey oga sohadalnay waxyaaabaha keena guusha qoyska wanaagsan, amaba sirta qoyska wanaagsan. Waxyaabaha aan  horey oga sohadalnay waxaa ka mid ahaa: in layareeyo hadalka kiisa aan wanagsaneen, runta iyo daacadnimada, baahida sariirta iyo isticmalka hadalka naxriista leh.  Waxaa sidokale  halkan idinkugu sogudbineynaa  maanta qodobo kale oo aad muhiim ugu ah jiritaanka qoyska,  islamarkaana dhameestiraya guusha qooyska wanaagsan. Waxaa ka mid ah: – Guurka waa sir ee ilaasho. Waa maxey guurka waa sir macnaheeda ileen guurkani wuxuu ahaa mid lawada ogaa waqti badana soqaatay ugu danbeeentiina noqday guur lawada ogyahay, farxad iyo damaashaad badanna loosameyey. Micnaha aan ulajeeda …

Read more 0 Comments
Siyaasadda & Diplomasiyadda

Waa Maxay Dimuqraadiyad?

  Micno ahaan ereyga ‘Dimuqraadiyad waa ismaamul dadweyne oo midaysan isla markaasna loo simanyahay xuquuqda rag iyo dumarba. Xuquuqdaas oo ah inaad adigu wax dooran karto iyo in lagu doorankaro, sidoo kale inaad ka qeyb-qaadato waxyaabaha ugu muhiimsan bulshada adigoo ku muujinaayo rabitaankaaga taas oo ah  ‘Haa, mise Maya. Dabcan, waxaan maqaalkaan usoo qaatay ayaa waxay tahay inan fahano micno ahaan ‘maxay xambaarsantahay dimuqraadiyad, xaggee ka imaaday? anaga haddii aan Soomaali nahay maku dhaqanaa dimuqraadiyada?    Ereyga ‘Dimuqraadiyad wuxuu asal ahaan kasoo jeedaa wadanka Gariiga (Greece). Micno ahaan waa labo erey ee kala ah (dêmos) oo ah dadka iyo (kratos) …

Read more 3 Comments
Akhri

7 Waxyaabo oo Cadeynaaya Qofka Inuu Been Sheegaayo

  Inteena badan waan sheegnaa been, laakiin waa kala been badanahay.  Ruuxa markuu  beensheegaayo labo mid unbaa jirta: inuu  been sheego si`uu ugu hortago si aan dhaawac ama dhibaato usoo gaarin qof kale, ama inuu danno gaar ah uleeyahay, ee sidaas darteed usheegayo beenta. Hadaba halkaan waxan idinla wadaagayaa 7 waxyaabo oo lagu garan karo inuu qofka been sheegaayo. 1. Sida Inuu qofka Indhaha biriq-biriq kasiiyo, Ruuxa caadiga waxa uu indhaha biriq-biriq kasiiyaa shan ilaa lix halkii daqiiqo. Sidaa darteed ruuxa boobsiiya indhabiriqsiga waxay muujinaysaa in uu beensheegayo. Xigasho – ‘Mark Bouton oo FBI muddo 30 sano ushaqaynaayay. 2. Isticmalka …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Sirta Qoyska Wanaagsan

  Qoraalkani waxaan kaga hadleynaa dhibaatoyinka ka jira qoysaska, iyo sida lagu helikara qoys wanaagsan islamarkaana leh tiir adag. Baryahaan dambe waxaa soo badanaayey furitaanka iyo bur-burka qoysaska iyo waliba dayacanka caruurta. Waxaase xusid mudan sidoo kale inay jiraan qoysas wanaagsan kuna guuleystay guurkoodi. Waxaa hubaal ah  qoysaska guuleystay inay kasoo gudbeen dhibaatoyin farabadan, waayo guul walba lagaaro waxaa kahoreysa dhibaatoyin iyo caqabada u baahan in laga gudbo.Waxaa hubaal ah dhibatooyinka iyo caqabadaha ay ka soo gudbeen inay u bur-bureen qoysas iyaga la`mid ah. “Hadaba, sideen kuheli karnaa qoyska wanagsan­?” Waxaa jira qodoba muhiim  ah oo keenaaya guushaas, waxaana ka …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Dhibaatooyinka Haysata Soomaalida Norway

  Dadka Soomaaliyeed waa dad ay soo foodsaartay dhibaatooyin farabadan 30-kii sano ee lasoo dhaafay. Wadanka Soomaaliya waxa uu la kulmay dagaal sokeeye ee lagu baaba’ay kaasoo keenay in bulsho badani u qaxaan dunida dacaladeeda. Wadanka Norway wuxuu ka midyahay wadamada siiya magangelyada dadka qaxootiga, sidaa darteed wadankaan waxa kunool Soomaali farabadan oo lagu qiyaaso inay kor u dhaafayaan 40 kun. Hadaba, waa maxay caqabadaha iyo dhibaatooyinka haysata Soomaalida Norway iyo waliba kuwa kale caalamka intiisa kale kunool? Laga bilaabo burburkii dowladdii dhexe ee 1991, maamul nidaamsan ee dadka Soomaaliyeed ka dhaxeeya masoo marin Soomaaliya. Taasna waxa laga dhaxlay nidaam-xumo, …

Read more 0 Comments
error: Content is protected!!