Ismaaciil Ibraahim Hassan

About the Author Ismaaciil Ibraahim Hassan

Waa qoraa ka tirsan Afrikaan. Waa qoraa da’yar oo saxafi ah, wuxuu wax ka qoraa arrimaha bulshada, siyaasadda, horumarinta nolosha iyo dhacdooyinka qaybaheeda kala duwan.

Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Maxaa sabab u ah cagajiid jadwalka doorashooyinka Soomaaliya?

Bartamihii sebteembar 2020 waxaa heshiis laga gaaray doorashada dalka 200/2021 kadib kulan dhex maray Madaxda DFS & DG oo horay wada-xaajood saddex heer maray ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Dhuusamareeb (3) kama aysan qayb gelin Madaxda DG Puntland & Jubbaland, waxa ay taasi keentay in ay diidaan natiijada heshiiska ay saxiixeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, Madaxda DG Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. 1-dii Sebteembar 2020, Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray Axmed Madoobe & Saciid Deni si ay ula kulmaan Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, maadaama ay diideen qodobada lagu heshiiyay Dhuusamareeb (3). …

Read more 0 Comments
Falsafada iyo Siyaasada Arrimaha Bulshada

Dowladdii kacaanka ee 21-kii Oktoober,1969 ayaa ahayd middii ugu waqtiga dheereyd ee soo marta Soomaalida

Dowladdii kacaanka oo curatay 21-kii Oktoober, sannaddii 1969 ayaa ahayd middii ugu waqtiga dheereyd ee soo marta Soomaalida. Afgambiga wuxuu ka dambeeyay dilkii madaxwaynihii Soomaaliya, Cabdi Rsahiid Cali sharma’arke, ee 15-kii bishii October sannaddii 1969 oo lagu dilay magaalada Laascaanood. Markii uu dilkaasi dhacayay waxaa dalka Raisul wasaare ka ahaa allaha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal. Cigaal waxaa xilligii uu dilka dhacayay uu ku sugnaa magaalada New York oo uu uga qayb galayay shirkii Qaramada Midoobay, wuxuuna markii uu dilka maqlay uu si degdeg ah ugu soo laabtay dalka. Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal markuu dalka ku soo laabtay wuxuu …

Read more 0 Comments
Warbaahinta iyo Siyaasada

14 Oktoobar Waxay Ummada Soomaaliyeed u Ahayd Maalin Mugdi Leh

Maanta saddex sano ayaa laga joogaa markii uu dhacay qaraxii Soobe ee sababay dhimasho, dhaawac, burbur hantiyeed iyo weynta dad lagu tiriyay liiska Geerida balse aan la helin raq iyo ruux! Dadkii goobjooga u ahaa maalintaas qaraxii dhacay oo qaarkood dhaawac jireed & Mid maskaxeed soo gaaray ayaa Warbaahinta u sheegay in xusuustooda aysan ka go’in wixii maalintaas dhacay. Qaraxa ayaa dhacay xili uu isgoysku aad mashquul u ahaa, Gawaarida ayaa isku xirantay, dadka ayaa lugeynayay waddada, Goobaha Ganacsiga waa ay furnaayeen, dadku waxa ay ku kala mashquulsanayeen danahooda gaarka ah. Muqdisho xiligaas kuma cusbeen qaraxyada, balse waa uu ka …

Read more 0 Comments
Dhaqan, Af, iyo Taariikhda Dunidda

Akhriso: Taariikhda Calanka Soomaaliyeed

Maanta oo kale, Sanadka walba waxaa dalka laga xusaa Maalinta Calanka, waa maalin ka tarjumeysa Qarannimo, Midnimo iyo gumeysi naceyb, 66 sano ayaa ka soo wareegatay markii la sameeyay calanka Soomaaliyeed, calankeeda waxaa uu leeyahay Sooyaal qiimo badan oo dal iyo dibadba lagu faani karo. Taariikhda Calanka Soomaaliya kama bilaabato xilligii ay Soomaaliya ku jirtay maxmiyadda lixdankii ka hor, ee waxaa jiray isku dayyo badan oo ay sameeyeen SYL xitaa ka hor inta aan Soomaaliya loo dhiibin Talyaaniga. Sida uu ii sheegay halgamaaga Soomaaliyeed Cali Xasan Maslax Berdura oo ka tirsanaa 13-kii ee aasaastay SYL, habeenkii la dhisayey SYl waxaa …

Read more 0 Comments
AkhriWarbaahinta iyo Siyaasada

Soomaaliya Sidaan Macquul uma Ahanee, Maxaa Xal ah?

Soomaaliya waxa ay maanta ku sugantahay marxalad kala guur ah, oo kala gaash ah, waxaa wali lagu muransanyahay habka ay dalkaan ugu dhici lahayd doorashooyin waqtigooda ku dhaca islamarkaana wadar ogol lagu yahay. Dhinaca kale madaxda dowlada dhexe oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo waxaa uu ku doodayaa in uu dalkaan ay ka qabsoomaan doorashooyin baarlamaan oo ay shacabka Soomaaliyeed ay soo doortaan hadba xildhibaankii matali lahaa sidaasna xukunka dowladeed ee Soomaaliya lagu soo celiyo gacanta shacab weynaha Soomaaliyeed. Siyaasiyiinta iyo mucaaradka waxa ay ku micneeyeen hadalka madaxweynaha siyaabo kala duwan oo ay iyagu la tahay, qaar …

Read more 0 Comments
Diplomasiyadda & Dunidda

Fikirka Farmaajo iyo Ficilkiisa Wax Qabad

Madaxweyne farmaajo muxuu kaga duwanaan karaa madaxdii hore ee dalka soomaray? Dowladihii kumeel gaarka ahaa ee lagu soo dhisay magaalooyinka Carta Nairobi iyo Jibouti, 17sano ka dib waxaa la doortay 8dii febraayo 2017 madaxweyne Maxamed Cabdilaahi farmaajo. Waxaana doorashadiisii soo dhaweeyey kuna farxay dadyow fara badan iyo qaybaha kale ee bulshada, waxaana madaxweyne farmaajo ficilkiisa ugu horeeyo lagu tilmaami karaa isagoo heysto taageero shacab tii ugu badnayd oo uu kaga duwanyahay madaxdii asaga ka horeysay hogaanka dalka. Hadaba Madaxweyne farmaajo muxuu uu farqi ahaan kaga duwanaan karaa madaxdii ka horeysay? Mudane Maxamed Cabdilaahi farmaajo waxaa dhaqan ahaan lagu tilmaamaa in …

Read more 0 Comments
Diplomasiyadda & Dunidda

Fursad Ku Raadis iyo Fudeydnimo

Maqaalkan qoraaleed waxa aan ku tibaaxi doonaa hakadkii dhawaan lagu sameeyey madaxdii hore ee dalka Soomaaliya, hakadkaasi oo ahaa safar ay masuuliyiintan doonayeen in ay ku booqdaan fatahaadaha ka jira magaalada Baladweyne. Waxaa mudo dhowr saacadood ah lagu xanibay Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sh. Axmed oo labaduba ah madaxdii dalka soomaray ee 8deedii sano ugu dambeyay xukunka wadanka majaraha u hayay waxaana buuq iyo is jiid-jiid daba dheeraaday ka dib loo fasaxay madaxdan in ay tagaan magaalada Baladweyne hadana inta ay diyaaraddaasi hawada ku jirtay waxaa dhacday in duuliyihii diyaarada waday lagu amray in uu dib usoo laabto sababo …

Read more 0 Comments
Diplomasiyadda & Dunidda

Hoog Muujiye Aan Jirin

Buumbuuninta aragtida Siyaasiga qalafsan inta badan yaa lagu yaqaan? Muujinta hadalada qaar ka dhaca ah ee siyaasiyiinta qalafsan kuwaasi oo la mid ah kuwii Soomaaliya u bilaabay nidaamka jabhadeysi ee burburiyay dowladnimada Soomaaliyeed. Waxaa dhawaanahan soo if baxayey warbaahino website-yo iyo Telefishino qaar kuwaasi oo lagu laaluusho ka hadalka wax walba oo dhaawici kara dowladnimada iyo madaxdeena qaranka. Aan isweydiinee warbaahinta maanta jirta ma waxay noqotay mid loo adeegsado la safashada siyaasadaha is diidan ee Soomaaliya? Haa, Haa, Haa, balse arinku sidaa ka duwan hase ahaatee meeshu markii ay warbaahin timaado waxaa dhacda in warbaahintaasi bandhiggeedu ay la socdaan shacbiyad …

Read more 0 Comments
Diplomasiyadda & Dunidda

Amar Dowlad mudiic Ninkii Diidana Dabbaal

Dowlada federaalka Soomaaliya ee ay majaraha u hayaan Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Xasan Cali kheyre waxa ay tuse muujin u yihiin midnimo qaran iyo in la helo maamul isku mowqif ah, lagana gudbo is barbar yaacii dalkan dib u dhaca u keenay taasoo la arki jiray siyaasi dantiisa iyo calooshiisa u shaqa taga maalinkii. Aan usoo daadago dulucda maqaalkan kaasoo muujinaya in dowlad walba ay awood u leedahay joojinta wixii markaasi caqabad ku ah kuna saabsan danaha qaranka. Waxaa jira kooxo daneystayaal ah waxayna caadeysteen faafinta afkaaraha lidka ku ah dowladnimada Soomaaliya ka jirto ayagoo markaa abaabulayo shaqaaqadeyn ay kaga …

Read more 0 Comments
Diplomasiyadda & Dunidda

Madaxweyne – Madaxweyne Mid weeye Magac Baahsanna Ma’aha

Waa qormo kooban oo aan kaga hadli doono macnaha uu xambaarsanyahay magaca Madaxweyne si aragtiyan ah. Madaxweyne waa kan leh hoggaaminta guud ee wadankasta uu leeyahay, kaa soo loo yaqaan “madaxweyne”. Hadaba Soomaalideenu ereygan jaceyl ay u qabaan ayaa dhacday in nin waliba uu tartan u galo siddii loo oran lahaa “Madaxweyne”. Waana mida keentay in dalka Soomaaliya uu noqdo mid federaal laga dhigo, hase yeeshee arintan federaalka waxay dhalisay waxyaabo dib u dhigi kara wadajirka iyo qaranimada wadanka Soomaaliya. Macnaha maamul goboleed Waa arinta aan rabo inaan isku dhiskeeda ku cadeeyo taasoo u muuqato in macnihiisu tahay shaarkii jabhadeysiga …

Read more 0 Comments
error: Content is protected!!