Ilhaan Ciise Maxamed

About the Author Ilhaan Ciise Maxamed

Waa qoraa ka tirsan Afrikaan. Waxa ay wax ka qortaa arimaha bulshada, dhaqanka iyo caafimaadka, waxay aad ugu xeel-dheertahay qorista afka hooyo. Sidoo kale waxay taqasusna u leedahay kuliyada kalkaalisanimada, waxay shahaadada heerka koowaad ee jamacada (bachelor degree) ka haysataa kuliyada kalkaalisanimo.

Akhri

Saadaalintu Waxa Ey Kadhalataa Ufiirsasho Hore

Aqoonta dunidaan taal cidna makoobi karto, sidaas oo ey tahayna waa qaddar yar oo kamid ah cilmiga uu Alle dunidaan dhigay. Maalinkii Adduunkaan aadane lagu abuyray illaa iyo dhamaadka nolosha waxaa socanayo in lahelo qeybo kamid ah cilmiga kowniga ah ee Alle dul dhigay dunida.  Waxyaabaha cajiibka ah ee calaamatul su’aalka ku ah aadanaha waxaa kamid ah kitaabka Qur’aanka, oo ah mid dhaxdiisa laga helayo cilmi kasta ee adduunkaan la’ogaado ama aqoon cusub loo yeesho… bal qiyaas xilligii Nabigeenna NNKH uu joogay majirin wax aqoon ah oo loo lahaa waxa loo yaqaan cuf isjiidadka (Gravitation), hadane marki la’ogaaday kaddib waxaa …

Read more 0 Comments
AkhriCaafimaadka iyo Sayniska

Sideen U Hormarin Karnaa Caafimaadka Caqliga iyo Maskaxdeenna?

Caafimaad qabka Maskaxda iyo caqliga aadanaha waa qeybaha ugu muhiimsan ee ubbaahan kawar qabidda, balse inteenna badan kuma baraarug sanin oo iskumaba dhibno in aan niraahno maxaaa uroon caqliga iyo maskaxdeenna. Guud ahaan waxa ugu badan ee saameeya maskaxda iyo garaadka qofka waa isku buuqa (Depression). Aqoon hore looma lahayn cudurka isku buuqa balse waa cudur soojireen ah waxa uuna ku dhacaa Maskaxda, taasina waxa ey sababtaa in uu qofku howl ama shaqo qabsan waayo, intabadanna waxa uu kadhashaa cudurkaan waayidda waxa uu qofku jecelyahay, ha’ahaadaan qof, shaqo ama xuriyadd. Saameynta deegaanka ayaa iyana qeyb weyn kaqaadata isbedallada ku dhaca …

Read more 0 Comments
AkhriDhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & DuniddaDiinta IslaamkaQoyska & Horumarinta Bulshada

Qibradda Nolosha?

Qormadeenna maantay waxa aan uga hadleynaa sida uu qofku qabiiir ku noqon karo dhanka nolosha, qibraddu ma’ahan kaliya in aqoonta lagu helo. Waayeelka duidaan ku nnool dhamaantood waa qabiirro, nolosha ayaana ka dhigtay dad qubaro ah, haba kukala duwanaadaan waxa qabiirka lagu yahay. Dadka uu Alle ku uumay dunidaan intabadan isku si’ waxba uma arkaan, isku sina ugama falceliyaan arimaha ku dhaca, oo waxaa caddayn kuugu filan in dadka dunidaan kunool ey isku raaci waayeen Allihii uumay oo ah Allaha kaliya oo mudan in xaqa lagu caabudo, halkaas ayayna dadku kukala haraan, oo waxa aad arkeysaa dad waayo badan nolosha …

Read more 0 Comments
Ganacsadaha

Fahanka Lacagta?

Cinwaankeenna haddii aan ku billowno weydiin; majeceshahay in aad maal qabeen noqoto? Haddii aad noqoto noloshee ayaad rabtaa in aad ku noolaato? Misida dadka caadiga ah ey unool yihiin mise sida boqorrada? Sidookale aan ku weydii sidee ayaad qorsheyneysaa in aad dadka ula dhaqanto marki aad lacag yeelato? Waan kaa raaligalinayaa haddii su’aalaha aan ku weydiyay aad kadareenta culeys ama dhibsi, sida in aad ku jawaabtay “Acuuddu billaah Allow ha’ii kasin in aan ku fitnooba lacagta” Aaamiin aamiin..dhammaanteen diyaar uma nihin in aan qalad sameynno, in aan dhib ku dhacno, in dadka nagu ag nool eyna dhibsadaan. Hadane waxaa jirta …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Cunnooyinka Ku Habboon Bukaanada Karantiimada Ku Jira

Hey’adda caafimaadka Adduunka ayaa soo saartay ama shaacisay hannaanka cusub ee cunitaanka caafimaadka leh, kaas oo loogu talagalay bukaanada qaba ama looga shakiyay cudurka safmarka ah ee karoona 19, kuwaas oo kujira xaaladda karantiimada. Ujeedka looga gol-leeyahayna waa in la’adkeeyo ama kor looqaado difaaca jirka aadanaha. Cunno waliba oo difaaca kor uqaadeyso waxa ay ufiicantahay caafimaadkeenna. Maxaan Qaataa ama Aan Cunaa Waqtiga Karantiimada? Marka hore cab biyo badan: biyaha waxa ey naga caawinayaan in jirkeennu uu noqdo mid qoyan(Hydrate), taas oo kaqeyb qaadaneysa yaraynta heerkulka jirkeenna. Intabadan calaamadaha cudurkaan waxaa kamid ah qandho, qof waliba oo qandho ama xumad ey …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Korona Fayras: Maxay Dadka Waaweyni Ugu Nugul Yihiin Cudurada?

Dadka da’da ah ayaa u nugul caabuqyada, taas oo loo nisbeeyay jawaab celinta difaaca jirka oo aan awood u lahayn iska difaacidda caabuqyada. … intabadan dadka waaweyn waxaa lasoogudboonaado ama jirkooda waxa uu soo qaatay marxalada nololeed oo aad udheer, intaasina difaaca jirka waxa uu kujiray eegga hore ee difaaca cudurada, ugu danbeyn taas waxa ey jirka aadanaha kadhigtaa mid liita, mid jilicsan, mid aan awoodin in uu difaac galo. Yaa Halis Ugu Jira Cudurka Coronavirus? Da ‘kasta ha’ahaadeene, dadku waxa ey qaadi karaan cudurka Karoonaha (2019-nCoV). Dadka da’da ah, iyo dadka qaba xaaladaha caafimaadka gaarka ah (sida neefta, kaadi …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Kaalay Wax Kabaro Qalabka Neefsiga ee Hawo Siinta (Ventilation)

Haddii jirku aanu helin oksijiin, qofku waxa uu kudhintaa daqiiqado gudahood. Mashiinnada ka caawinaya bukaannada neef sashada waxaa loo yaqaanaa hawo-hayeyaasha lafarsameeyay ama afka qalaad waxaa lagu yiraahdaa (Mechanical Ventilation). Mashiinka neefsashada ee ugu horreeyay wuxuu ahaa kii lasoosaaray sanadkii 1928dii, waxaana loo yaqaanay “Lung Iron cylinder”. Mashiinkaan waxaa aad loo isticmaalay intii u dhaxeysay sanadihii 1930-meeyadii illaa 1950-meeyadii, waxaana loo adeegsaday bukaanada uu aadka usaameeyay cudurka dabeesha, taas oo ku sababtay bukaanada neef qabatin. Waxay u isticmaaleen cadaadis taban (Negative Pressure)  si ay uga caawiyaan bukaanka inay neefsadaan inta ay jiifaan qolka hawada Sambabka loodiyaariyay ee gacan ku sameyska …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Sideen Guriga ugu Sameysannaa Jeermis Dile Dabiici ah?

Jeermis dile: waa in laga hortago koritaanka jeermis dhaliyaha ama badashada caabuqa kadhasha jeermiska. Adduunkaan aan ujeedno maantay ee wax waliba heer fiican ka gaarsiisan, waa in aan ogaannaa in uu soomaray waqti ey ku xisaabtami jireen maxaan heysannaa maantay, Maxaan qaban karnaa? Maxaan awoodnaa? Annagu ma’ahan in aan dhahno jeermis dilaha Yurub laga isticmaalo waxaan ahayn marabno ama jeermis dile Soomaaliya lagu sameeyay miyaa wax ii tarayo iyo wixii lamid ah? Waa ceeb qof og in uunan waxba qabsan karin oo kali ah, qof og in dad kale wixi laga keenay oo kali ah ey fiican yihiin, maantay waxaa …

Read more 0 Comments
AkhriCaafimaadka iyo Sayniska

Maxaa Nagala Gudboon Xaaladda Cusub ee Karoonaha (Covid19)?

Cudurka karoonaha waa jeermis kadhasha Fayruska karoona, haddii aad maqasho Fayrus waa in ey kugu soo dag dagtaa cudurkaas intiisa badan in uunan daawo lahay, cudurada Fayruska dhaliyana waxa ugu caansan HIV-ga oo intabadan bulshadu u taqaan cudur in uu yahay cudur dilaa ah. Tallaabooyinka Nala Gudboon: 1.Ka hortagga: waxaa waajib nagu ah in aan nafteenna, qoyskeenna iyo qarankeennaba ilaalinno. Haddii uu cudurka ku’asiibo isku day in aadan dadka kale gaarsiin. 2.Latacaalidda: haddii aan isku ogaanno calaamadaha cudruka ama qof qoyskaaga kamid ah ha’ula dag dagin cisbitaalada bulshada, fadlan mas’uul haka noqon dhibaateynta bulshadaada. Waxaa nala habboon in sitoos ah …

Read more 0 Comments
Diinta IslaamkaQoyska & Horumarinta Bulshada

Dhallinyarada Maxaa u Buuxin Kara Booska Tik Tik-ga?

Dhallinyaradu waa xoog, xeelad, xubin iyo xurmada bulsho waliba, qof waliba oo da’ah waxa uu soomaray marxaladdaan dhallinyaranimada, waana meesha ugu mudan ee uu qofku ugu xoogga badan yahay, ugu caafimaad badan yahay, ugu waqtiga fiican yahay, ugu nadiifsan yahay-dhanka qaladaadka iyo danbiga-, waa marxalad u bbaahan jihayn, qofka in lagu jiheeyo waxa mudan in uu waqti iyo xoogba uu ku bixiyo si’ey noloshiisa oo dhan u wanaagsanaato. Taas oo kali ah maahane haddii qofka dhallinyarada ah uu toosnaado waxaa hagaagaya bulshada uu kamidka yahay- waxaa qasab ah in aan ogaanno dhallinyaradu in ey saameyn leeyihiin, bulshada waxa eykulleeyihiin saameyn …

Read more 0 Comments
error: Content is protected!!