Ibraahin Yuusuf Ahmed 'Hawd'

About the Author Ibraahin Yuusuf Ahmed 'Hawd'

Ibraahin Yuusuf Axmed, oo lagu naanayso “Hawd” wuxuu ku dhashay Hawd, wuxuuna imminka deggan yahay dalka Iswiidhen. Waa qoraa ku xeeldheer sheekooyinka gaagaaban, si xoog lehna akhristeyaasha internetku ula socdaan qoraalladiisa kusoo baxa degellada afsoomaaliga wax ku daabaca. Waa Allifaa leh maansooyin, wuxuuse Ibraahin ku caan yahay xirfaddiisa faaqidaadeed ee dhismekalkaalka ah ee uu ku sameeyo qoraallada afsoomaaliga kusoo baxa. Ibraahin wuxuu hore u qorey buugga “Soomaaliya: Qaran iyo Qabiil” oo kasoo baxay dalka Iswiidhen 1998kii. “Aanadii Negeeye” waa sheekadiisii ugu horreysay ee nooceeda ah ee uu daabaco.

Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Aanadii Negeeye – Qeybtii 28aad

Aanadii Negeeye – Qeybtii 27aad Sidii Raage loo afduubay Deeqa waxay u ahayd oohin iyo welwel. La ma ka la ogayn in uu dhintay iyo in uu nool yahay, waxaa se la hubay in uu cadaw arxandaran gacanta u galay. Waxay eersatay Diiriye iyo ruwaayaddii jaan ee uu ku qalqaaliyay. Waxay eersatay waraaqihii sheyddaan ee Rooble ee guriga laga helay. Waxay eersatay wax kasta oo sabab u noqon karey in Raage la qabto. Taa waxaa ugu darsamay xanuun dumar oo beryahaa dhinaca u dhigay oontiina ka jaray. Iyada, Leyla, ehelkii iyo asxaabtii kaleba wax walba waa ay sameeyeen cid kastana …

Read more 0 Comments
Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Aanadii Negeeye – Qeybtii 27aad

Aanadii Negeeye – Qeybtii 26aad Raage labadii qol ee cusbaa ayuu si kharash yar ugu aqalgalay. Aroosku wuxuu ahaa isla maalmihii ay Leyli dhaawaca la soo noqotay. Waxay aad u jeclayd in ay arooska ina adeerkeed minxiisad ka noqoto, sidii ay iyaga oo yaryar ku ballameen, laakiin weli wejiga waa ay ka dhaawacnayd, waxayna isu xilsaartay hawlaha kale in ay wax ka maamusho. Gurigeedii, ama gurigii Negeeye, sidii ay uga soo alaab qaadatay dib u ma ay ag marin oo waxay joogtay guriga Raage. Markiiba Raage qol kale oo aan guriga ka fogayn ayuu labaataneeyo kursi iyo dhawr miis oo …

Read more 0 Comments
Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Aanadii Negeeye – Qeybtii 26aad

Aanadii Negeeye – Qeybtii 25aad Maalmihii uu arooska isu diyaarinayay ayuu Raage mar uun ina adeertii Leyla waayay. Wuu ogaa in ay noqonayso hormuudka hawsha arooska, laakiin in aanu dhawr cisho oo isku xiga arag sababteeda ma uu fahmin. “Waxaan u malaynayaa in aan socdaal Burco ah ka maqlay”, ayay Deeqi Raage ku tidhi. “Ma socdaal sidaas kediso u ah? Ma Negeeye ayay wax ku dhaceen?” “Fili maayo, waxa ay se hadalhaysay arrin ay doonaysay in ay Negeeye degdeg uga la hadasho.” “Laakiin maxaa iyada oo aan cid sagootiyin subax keliya dhaqaajiyay?” Wayddiintaa ayuu ku soo celceliyay isaga oo maleeyay …

Read more 0 Comments
Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Aanadii Negeeye – Qeybtii 25aad

Aanadii Negeeye – Qeybtii 24aad Dhallinyarada soomaalida ee reer magaalka ah malaha ma jirto dunida dhallinyaro ka badowsani. Boqollaal kun oo magaalo ku wada dhaqan, dan joogto ahna wadaaga ama wadaagi kara, ayaa raba isbarashadooda iyo xidhiidhkooda oo dhan in ay hayb qabiil u maraan. Waxaa la isku qalday oo la ka la saari kari waayay dhaqan iyo hidde – dhaqan in uu yahay hannaan ay waqti la joogo bulsho u nooshahay, halka uu hidde yahay dhaqan mar hore lagu soo noolaa. Haddii marxalad nololeed lagu dhagaxoobo, laguna dhiirran waayo geeddiga xiga, waxaa abuurma dhaqan silloon oo casriga la joogo …

Read more 0 Comments
Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Aanadii Negeeye – Qeybtii 24aad

Aanadii Negeeye – Qeybtii 23aad Rooble bil ka hor ayuu isaga oo wefdi hoggaaminaya u dhoofay dalka Ingiriiska si uu uga qaybgalo aqoon isweydaarsi caalami ah oo ku saabsan wax ka qabashada akhris- iyo qoris la’aanta dunida sookoraysa. Laakiin wefdigii dalka wuxuu ku soo laabtay iyada oo aan Rooble iyo afadiisii la socon. Intaasna Leyla iyo Raage la ma ay soo hadlin. Dabadeed maalin ayuu Raage sanduuq ay isaga iyo reerku Boosta Dhexe ku wada lahaayeen soo furay, kaas oo khamiis walba la soo furi jiray. Wuxuu ugu tegay laba warqadood oo isaga iyo Leyla ku ka la socda. Isaga …

Read more 0 Comments
Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Aanadii Negeeye – Qeybtii 23aad

Aanadii Negeeye – Qeybtii 22aad Beryahaa Soomaaliya waxaa gilgilayay saddex dabaylood oo awoodda burburinta ka la daran. Mid aad u hanfi badani waxay ka soo afuufmaysay xeebta koonfureed ee dalka. Mid kale oo dhaxan badani waxay ka soo dhacaysay buuralayda Itoobbiya. Ta saddexaad oo bacaad kulul wadatay waxay ka imanaysay Lamadegaanka Carabta. Tan u dambaysa ayaa dad uu Sheekh Xasan ka mid yahay sidatay. Wahaabiya waa mad’hab ka mid ah mad’habaha islaamka kuna abtirsata nin sacuudi ah oo magaciisu ahaa Maxamed ibn Cabdulwahaab. Ninkaasi diinta ka ma uu bixin fasiraad lagu tilmaami karo mad’hab, sidii ay sameeyeen imaamyadii hore ee …

Read more 0 Comments
Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Aanadii Negeeye – Qeybtii 22aad

Aanadii Negeeye – Qeybtii 21aad Goor casargaab ah isaga oo Raage bixid isu diyaarinaya ayaa albaabkiisa la garaacay. “Iyaa! Waar nimankani ma Carraale iyo Aadan baa?” “Salaamu calaykum!” ayay ku bariidiyeen. “Wa calaykuma salaam!” Waa ina Sheekh Xasan iyo Carraale oo labaduba ardaydiisa ah. “Haye macallin, nabad sow ma aha?” “Waar waa nabade, maanta waad soo dheeraateene.” “Haa, waannu soo dheeraannay, weliba guriga waanu soo garan weynay oo cabbaar baanu warwareegnay.” “Denbiga idinka ayaa leh, haddii aad imanaysaan waxay ahayd in aad iga soo tilmaan qaadataan. Waxba se ma aha mar haddii aad timaaddeen. Dhabcaal baan ahay oo marti badan …

Read more 0 Comments
Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Aanadii Negeeye – Qeybtii 21aad

Aanadii Negeeye – Qeybtii 20aad Negeeye markii Leyla la siiyay toddobaad keliya ayuu fasax haystay, dhakhso ayuuna u noqday si uu soo qaato waqti uu hawlihiisa ku dhammaysan karo. Sidaas ayuu ku tegay oo haddana bil in ka yar isa soo rogay. Isaga oo boorso samsanayd ah sita ayuu reer abtigii, oo imika reer soddogna u ah, booqasho ugu tegay. Fadhiga ayaa shaah lagu wada cabbay, dabadeed sidii caadada u ahayd Qarad iyo Leyli si ay labada nin u sheekaystaan ayay si dhuuban uga siibteen. Markii ay isu keliyaysteen ayuu Negeeye boorsadii uu sitay odayga u taagay isaga oo leh: …

Read more 0 Comments
Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Aanadii Negeeye – Qeybtii 20aad

Aanadii Negeeye – Qeybtii 19aad Runtii markii ay yarayd Negeeye waa ay necbayd, gaar ahaan laga soo bilaabo maalintii uu caayay, maanta se waa ay ku faraxday in uu qurux u qiray. Malaha waxay ka ahayd aarsi iyo lib ay soo dhacsatay. Waxaa laga yaabaa nacaybkii ay u qabtay in uu wax ka beddelay markii ay ogaatay ninkii uu dilay in uu ahaa nin isagaba aabbihii dilay. Waxay kale oo ku qaddarisay sida uu dad isaga dhigay ee dunida meel uga galay. Si ay ahaydba, galabtaas uu guurka la soo qaaday u ma ay hayn wax aan ahayn ilmo abtinnimo. …

Read more 0 Comments
Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Aanadii Negeeye – Qeybtii 19aad

Aanadii Negeeye – Qeybtii 18aad Maalin baa Negeeye Xarunta Taliska Gaaska Burco looga yeedhay. Taliyaha gaasku wuxuu soo gaadhsiiyay amar ah hawlgal ciidan oo laga soo fulin doono gobolka Hawd ee ay Itoobbiya xukunto. Waa dhul ku dhow meelaha ay mucaaradku saldhigyada ku leh yihiin, isla markaas weerarrada ka soo abaabulaan. Arrinta Negeeye xiisaha u lihi waa isaga oo qudhiisu hawlgalkaas hoggaamin doona. Habeenkaas waxaa lagu qayilay guriga taliyaha gaaska ee Burco, waxaana aad looga wada shaqeeyay, aadna la isu hoga tusaaleeyay, hawshaas oo laba cisho ka dib la fulin doono.  Maalintii uu weerarku bixi lahaa tii ka horreysay oo …

Read more 0 Comments
error: Content is protected !!