Hibo Ciise

About the Author Hibo Ciise

Waa qoraa ka tirsan Afrikaan. Waxay wax ka qortaa siyaasadda, ganacsiga iyo bulshada. Waana qoraa aqqoon dheeraad u leh qorista afka Soomaaliga, taqaqusna u leh maamulka iyo maareynta. Qoraaga waxay shahaadada bachelor degree ka haysataa Maamulka iyo Maareynta.

Akhri

Milgo iyo Maamuus Yaa Hela?

Dadku badankii aan idhaahdo idilkii, waxey ka helaan, u riyaaqaan, jecel yihiin isla jeerkaasna doonaan iney kasbadaan weynayn, qadarrin iyo ixtiraam. Taasoo jirta haddana badanaa oo badanaa inta taa kasoo horjeedkeeda ku tilmaanaata. Waxa is weydiin leh waxaa la doonayo maxaa loo wada heli waayey?. Weydiintaa warcelinteedu waxey tahey ugu horeynba  Alle (SW) ayaa umaddiisa haybad, burji iyo buruud ku kala galadey, marka labaad waxey ku xidhantahey hab-dhaqanka, dabeecadaha, dad la dhaqanka, xaalad la dariska iyo hawlo badan oo kale sida aad uga fal celisid kow dhe. Waxeynu in yar ka taaban doonaa qoddobo dhawr ah oo laga helay dad …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Raali-galin – Umadda Soomaliyeed Raali-galinta Ma Siiyaan Xaqeeda?

 Umadda Soomaliyeed sida ay u badan yihiin raali-galinta ma siiyaan xaqeeda oo way ku xad gudbaan, in ka mid ahi maba taqaan haba yaraatee raali–galinta iyo qiimaheeda taasina waa ta keentay in qoysas badani  ku burburaan waxaanay sakaaro ka biiqsan, beelona iskugu rogmadaan oo colaado dhex dhigta. Waa tiir ka mida tiirarka nolosha oo ay tahey in si fiican loo barto si ay xeegana xeego u noqoto, ilkana u nabad galaan. Ilma Aadan baynu u nahey khalad, dhacdhac, deelqaaf iyo danqaaro. Waa buux wakhtiyo badan oo aad is tidhi raali galin bixi, waaney dhacdaa in lagaaba hoos qaadi waayo, tolow …

Read more 0 Comments
Bangiyadda & Kaydka

Sakada iyo Cashuurta

  Qormadan waxeynu ku lafo guri doonaa waxey kala yihiin Sakada & Cashuurtu, farqiga u dhaxeeya iyo faa,iidooyinka ay leeyihiin labadaba. Aynu ku horeyno Sakada, Sakadu waa waajib saaran qof kasta oo Muslin ah oo Miyirkiisa & Maankiisuba taam yihiin, sidoo kale waxa ay ka mid tahey tiirarka ay ku dhisan tahey diinta Islaamku, Sakadu waxey leedahay faa’iidooyin badan oo ay ka mid yihiin in naxariista adoomaha dhexdoodu badato, in qofkii hayntiisu fiicantahey uu kaga badbaado xaasidka iyo xasarada Hantidu keento mood iyo nood ba kay doonto ha ahaatee, sakadu waa waajib Alle (SW) kugu kor yeelay aduun iyo aakhirana …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Masiibada Mirqaanka|Tukesomalism.com

Waligii qayilaad umuu fadhiisan niyadiisana kuma soo dhicin inuu qayilo, mid ay saaxiibo ahaayeen uunbaa maalinkasta ka qaada lacag oo ku yidhaahda inder qaadka ii qaad, dabadeed maalintii danbe ayuu ku yidhi waa yahee bal maanta aan kula fadhiisto oo bahalkan aad ku waalatey aan kula soo eego, la is raac oo kabadhkii qaadka la dul istaag, xoogay bay kasoo qaateen meel halkeerana way fadhiisteen, ninkii qaadka ku cusbaa wuu iska laba liqayaa oo wax kusoo fool leh war iyo wacaal toona kama hayo, kii kale se intaanu mirqaankii la jiidan ayuu wixiisii lalaabtey oo ka huleelay meesha, saxiibkiina waxba …

Read more 0 Comments
Maamulka Ganacsiga & Suuqgeynta

Waa Maxay Xayeysiis?

Xayeysiisku waa nooc ka mida luuqadaha Suuq geynta taasi oo aalaaba loo adeegsado in kor loogu qaado xaddiga iibka ee ay meeli leedahay, sidoo kalena waa luuqada laysku baro adeegaaga amaba agabkaaga iyo macaamiishaada waa marka aynu ka u jeedo xagaa iyo ganacsiyada, dhanka kale waxa iyana jira xayeysiisyo ay sameyso dawladdu kuwaasi se waxa loo yaqaanaa barobaganda “Propaganda”. Dhanka kale xayeysiisku waa macalinka is bara agabka ama adeega iyo macaamiisha. Waxaana uu door muhiima ka qaata in la barto shirkada iyo wax soo saarkeeda kaasi oo qeyb libaax ka qaata dhaqdhaqaaqa wax iibsi ee meherada. Siyaalo badan ayaa loo …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

ka Tali Caafimaadkaaga |Tukesomalism

Cuduro aan heybtooda la aqoonsan horena aan loogu arki jirin gayigeena ayeynu la kawsaney qarnigan, kuwaas oo aan inoo kala eegin yar iyo weyn & Rag iyo dumar toona oo ina haleelay uun, cuduradaa waxa kamida Macaanka, Dhiig karka, Wadna Xanuunka, Kansarka, Beer xanuunka, Kalyo istaaga, indho la,aanta iyo inkaloo la hal maasha, adaa ku dari wixii kale,e ee dubaaqaaga kusoo dhaca. Haddaba waa yaabe maxey inaga soo dooneen? Se xilimay inasoo gaadheen? Maxaase sabab u ah soo if-bixidooda?. Wax badan ayaa is badellay waayadii u danbeysay, dabcan is badelkaasi  dhinacyo badan ayuu taabtey oo nolosheena ka mid ah,  balse …

Read more 0 Comments
Xirfadaha & Teknolojiyada

Email Noocee Ah Ayaad la Wadaagtay|Tukesomalism

Hadeynu isla garaney in Tiknoolajiyadu wax badan ka badashey hab socodkii hore ee ganacsiyada “ka daalaco Tiknoologiyada & Ganacsiga|Tukesomalism hab dhaqankii ganacsatadana wax baden ayaa iska badelay,  waxaana aad loogu wareegay in laga wada xidhiidho dhankaa iyo hawada amaba waxeynu u naqaano “Email”, haddaba akhriste waa muhiim inaad ogaato nooca fariinta aad u direyso dadka aad kula xidhiidhayso magaca ganacsigaaga, halkan waxaan kuugu soo diyaariyey dhawr qodob oo aan ogahey in ay ku anfaci doonaan haddiiba aad tahey qof badanaaba kula xidhiidha macaamiishiisa iyo shirkadaha wada shaqeyntu ka dhaxeyso Email. Ujeedo ku Dir fariintaada: qodobkani sideynu aragno waa mid aad …

Read more 0 Comments
Xirfadaha & Teknolojiyada

Tiknoologiyada & Ganacsiga|Tukesomalism

Tiknoolajiyadda iyo horumarka laga gaadhey waxey keeneen is badelo badan oo aan qoraal iyo laba toona lagu soo koobi kareyn balse maanta waxeynu u gon leenahay is badelka ay ku keeneen ganacsiga iyo fursadaha ay soo kordhiyeen. wakhtiyadii hore ganacsigu wuxu ahaa mid hal magaalo ama wadan ku kooban iyadoo ay jirtay caqabado iska war hayneed oo ay xadidnayd awooda lagu ogaanayo adeega aad bixiso amaba Alaabaha aad iibiso, imikase waxa aad u fudud in qaarad ilaa qaarad aad isku sharixi karto waxa aad tahey iyo waxaad soo kordhisayba. waxaan iyana meesha ka maqneyn inaad qof kaa fog oon kuu …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo SayniskaQoyska & Horumarinta Bulshada

Cabitaanka Baytaraafka|Tukesomalism

Geedka loo yaaqaano baytaraafku wuxu leeyahay faa,iidooyin tiro badan gaar ahaana wakhtiga ramadaanta kaasoo aan keenayn in miisaankaaguna kordho, waxaad cabbi kartaa xilliga afurka si aad uga heshid nafaqooyin badan oo ku jira. Faa,iidooyinkiisa badan ee uu leeyahay cabitaanka laga shiido baytaraafku tiro maleh, waxaana ka mida inuu daawo ka yahey dhiiig yaraanta, babaasiirta, kalyo xanuunka, toxobta madaxa, dheefshiidka, calool istaaga, kansarka iyo xanuunada haleela wadnaha sidoo kallena wuxuu ka hor tagaa caado wareerka ku yimaada haweenka, waxaa iyana intaa u raacda ilaalinta duxda iyo dufanka maqaarka  iyo timaha. Maxaa sababey inuu faa,iidooyinkaas yeesho? Sharaabka laga shiido baytaraafku waxa ku …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Hooyo |Tukesomalism

Hooyada waa lama huraan waa macalinka, Dhakhtarka, ababiyaha, afgartaha qof aan juuqna odhaneyn, jaleecada kaliya ayey ku garataa wax ala waxaad tabaneyso, ilmaheedu waxa uu u yahey halbawlaha wadnaha kii dhiiga habayey, beerkeedana laga hubey, waa hubaalo hurdo ma lado waa u sahwi salaad sune iyo faralba haddii hawli ku haleesho, hilibkeedii ayaad tahey iyo cad kasoo go,ay, eedaad iyo dalanbaabi kasta waxey u martaa si ay nolol fiican iyo horumar kuu gaadhsiin laheyd, hurdo kaama lado adoon gam,in, gaajo kuuma ogola intey calooshaadu madhan taheyna lagama yaabo, xaasha iney afkeeda wax galiso, hal ilbidhiqsi niyadeedu may qaboobi jirin markaad …

Read more 0 Comments
error: Content is protected!!