Cabdiraxmaan Maxamed Warsame

About the Author Cabdiraxmaan Maxamed Warsame

Waa qoraa ka tirsan Afrikaan. Waa bare Soomaaliyeed oo waxbarashada sare ka hawl gala, dhiga Bayloojiga, jecel cilmiga bayloojiga iyo guud ahaanba sayniska. Ku hawllan tarjumidda aqoonta sayniska si looga baahi tiro ardayda Soomaaliyeed fahamka sayniska iyo dhuuxiddiisa. Wuxuu yiri "Waxa aan wax ka qoraa sayniska, dhaqanka, caafimaadka iyo tabaha baridda wanaagsan. Taqaquskaygu waa waxbarashada iyo Caafimaadka Dadweynaha. Labadaba heerka koowaad un baan ka diyaarshay."

Aqoon Guud

Bilacda Magaalooyinka Soomaaliya Miyaa Laga Quustay!?

Maqaalkan waxaan diiradda ku saari doonna sida magaalooyinka Soomaaliya ay ugu baahan yihiin qorshe bilic dhowr iyo qashin tuur wanagsan oo deegaannadaas ka caawiya bilicda iyo muuqaalka. Waa sidee bilicda magaalooyinka Soomaaliya? Waxaan daah saarnayn in bilicda magaalooyinka Soomaaliya ay si wayn u kharribantahay, waxay indhahaagu qabanayaan afaafka magaalooyinka waaweyn oo qashin tuuran yahay , tan ayaa saacidaysa in magaalooyinku ay waayeen bilicdii iyo quruxdii magaalonimo oo ay istaahilaan in ay yeeshaan. Waxaa fagac iyo yaab ah in marka aad galaysid afaafka magaalo waawayn oo kasta oo Soomaaliya ku taalla aad la kulmaysid wax aad u fool xun oo runtii …

Read more 0 Comments
Siyaasadda & Xalinta Khilafaadka

Yaa Qaraxa Mas’uul Ka ah?

Dhammaan ammaan oo dhan waxay u sugnaatay Allah (SWT) ee nagu manaystay nimcooyin badan oo an xisaab lahayn iyo Rasuulkiisii suubanaa Muxamed (CSW). Intaa kadib waxaan salaamaynaa guud ahaan muslimiinta gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed. Asalamu calaykum Warraxmatullaahi wabarakaatuhu. Waxaan halkaan idiin ku soo gudbin doonaa qormo aan ugu magac daray WAR YAA QARAXA MAS’UUL KA AH?, waxaan rabaa in kaliya aan muujinno in ay imaan karaan su’aalo badan oo ku aadan qaraxyada sida joogtada ah uga dhaca magaala madaxda dalka ee Muqdisho. Qormadani cid gaar ah kuma wajahna!. Qaraxyada sida joogtada ah uga dhaca magaalada Muqdisho ma mudan yihiin in …

Read more 0 Comments
Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Miyeey Soo Laaban Doonaan?

Asalaamu calaykum Warraxmatullaahi wabarakaatuhu. Salaan dabadeed aan kula wadaago nuqulkan aan diiradda ku saari doono suurta galnimada dib u noqoshada noolaha hoygiisii ka hayaamay. Noolaha oo dhan ayaa caan ku ah hadba in uu ka fakado halka uu ka waayo cunto, biyo, iyo badbaado. Mararka qaar ayey noolayaashu socdaalaan, waliba socdaal dheer iyaga oo raadinaya biyo, xilliga abaaraha, laakiin haddii dhulkoodii uu roobsado waxa ay noolayaashu caan ku yihiin in ay dib ugu soo laabtaan halkii ay ka hayaameen. Waa tan aan soomaalideennii hore dhaxalka uga helnay “lama huraan waa cawska jiilaal”. Sidaas oo kale haddii ay nooluhu waayaan wax …

Read more 0 Comments
Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Afka Hooyo Hodansanaa Hiilladiisuna Habacsanaa!

Dhammaan ammaan oo dhan waxay u sugnaatay Allaah (SWT) ee nagu manaystay nimcooyin badan oo tiro beel ah, iyo rasuulkiisii suubbanaa Muxamed (CSW). Intaa kadib waxaan salaamayaa guud ahaan Muslimiinta, gaar ahaanna kuwa Soomaaliyeed. Asalaamu calaykum warraxmatullahi wabarakaatuhu. Inta aynu ku guda jirno qormadaan waxaan jeclahay inaan idiin kusoo gudbiyo macluumaad badan oo ku saabsan afka Soomaaliga.waxaanan xoogga ku saari doonna asal doorsoonka ku yimid afka iyo natiijada ka dhalan karta dhaqdhaqaaqyada asal guurka afeed ee haatan unkamaya. Hordhac Guud Afka Soomaaligu waa mid ka mid ah afafka ku bohoobay afafka kushitiga ee dhul hoosaadka bari (Low land east Cushitic), …

Read more 0 Comments
Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Hal Qabsigii iyo Xikmadihii Dadkii Hore

Qormadan waxaan kugula wadaagayaa qaar ka mid ah hal-qabsigii iyo xikmadihii dadkii hore, waxaan rumaysnahay in ay jiraan dad badan oo xikmad ehel la ah, waxaan xoogga u saaray xikmadaha dadkii hore wa in aan dadka xasuustan xikmadahaas kana faa’iidaystaan, maahmaah fog baana tiri (dad waa kii hore hadalna waa intuu yiri.). Qofna ha canaanan si aan adiga laguu canaanan. Waxaan bartay in aysan muhiim ahayn “maxaad hadda haysaa”, laakiin ay muhiim tahay “xaggee daqiiqaddaan kaddib rabtaa inaad gaartid”. Geesinimadu waa qofka oo cabsidiisa xakameeya ee mahan qofka oo ay cabsidu ka guurto. Masaafada u dhaxaysa riyada iyo runta waxaa …

Read more 0 Comments
Waxbarashada, Caafimaadka & Diinta Islaamka

Cilmiga Sayniska, Dhulku Ma Fidsan Yahay?

Doodda ah fidsanaanta dhulka iyo in dhulku goobo yahay waa mid taagan. Waxa aan raadinayna bal waxa ay ka qoreen dadka cilmiga ku saleeya labadan doodoodba, waa midda ah in dhulku fidsan yahay iyo doodda tilmaamaysa in dhulku goobo yahay e’. Inta aan ku guda jirno qormadan waxa aan dul istaagi doonnaa, waliba mid-mid, arrimaha aan is leennahay waxa ay saacidi karaan doodahan. Marka hore aan xoogga saarno arrimaha muujinaya goobo-nimada dhulka. Mid-mid aan isu dul taagno mid walbaana aan sharraxaad ka bixinno; Qorrac dhaca. Marka ay qorraxdu dhacdo waxa ay ka qarsoontaa deegaan waxa ayna usoo daahirtaa deegaan kale. …

Read more 0 Comments
error: Content is protected !!