Faysal Maxamuud

About the Author Faysal Maxamuud

Waa qoraa ka tirsan Afrikaan. Wuxuu wax ka qoraa arrimaha bulshada, caafimaadka. Waana qoraa aqoon dheeraad u leh qorista afka Soomaaliga, waa aqoonyahan da'yar. Qoraaga wuxuu shahaadada heerka koowaad ee bachelor degree ka haystaa Caafimaadka dadweynaha (public health).

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Dheemankii Dhardhaarada Dhexyaalley!

  Waa qiso yar oo aad u macno badan waxa ay ku tusinaysaa qofka insaanka halka uu guusha ka raadiyo iyo meesha ay taallo qofka insaanka guusha waxa uu ka raadiyaa kor iyo meel sare waxayna mar waliba guusha taallaa hoostiisa iyo meel uusan ka filaneyn. Qisadani waxa ay dhacday waqti ka hor waxayna ka dhacday mid ka mid ah wadamada Afrikada dhexe shakhsi ayaa jiray waxaa uu lahaa guri, waxa oo kale uu lahaa beer aad u wayn, beertiisa iyo gurigiisa way isku dhawaayeen oo hal meel ayay ku wada yaaleen, beerta horteeda waxaa mara dur-dur biyo ah oo …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Wareerayee Ma War Baad Iga Hayseen?

Sawir: Cali Beer Taladu markey wareerto meel aysan lahayn bay gashaa oo qofka wareerana illeen war iskuma hayee waan nimay taladu ka luntay isagana sidoo kale buu u wareeray markuu mooday inay nololi ka jirto Yurub oo uu mooday inay nolosha ku xiranthay daaro dhaahdheer in la koro laguna soo galo sawirro markaas talada farahaaga ayay ka baxday. Wuxuu ku yaabaalay noloshii oo waxa uu garan waaye taladii saxda ahayd meesha ay jirtay illeen waa nin uu dookha nolosha ka wareeray waxa uu guusha noloshiisa ku tiiriyay Yurub iyo daarihii dhaadheeraa ma’uusan ogayn Baaris iyo Landon in ay rag isagoo …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Markaan Tabar Hayey Talo Maanan Hayn!

  Mar waa qoomameyn iyo qiiro dhac oo waxaa taas kuu cadeyn karra inta orod jiray kufidna waa jirtay, waana arrinta daqiiqaddo badashay; muluug si kale u ekaa ,marka dhanka wanaaga ah laga fiirsho haddii aad rabtid inaad gashid hawl, hawshaas oo leh faa’idooyin aad u sareeya, hase ahaatee tacab badan iyo dhib badan ka sokeeyo, waxaa aan is weydiinta lahayn waa in aad laba midkood noqotid in aad ku guulleysato ama ku guul dareysato, haddaba kufidda laba ma ahane waxaasi niyad jab baa la yidhaahdaaye bal u fiirso. Isaguna tabtaa buu ahaa nin meel u heelan buu ahaa oo …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Qisadii Ibraahim Cabdi “Sanka” – Q. 10aad ‘Soo Laabshadii Ibraahim Ee Dalkiisa

  Ibraahim markani runta ayuu indhaha ka soo qaaday waayaha ayaa cirro ka soo bixiyay waxaanna ka soo qasaartay 7 sano oo uu noloshiisa horumar ku gaarsiin lahaa. Waxaan u socdaa Soomaliya dalkaygii hooyo waxaan diyaarsaday dharkaygii maalin Axad ah ayaan ka soo dhoofay Sweden saxiibkay ayaa i keenay airport ka sidaas ayaan ku soo macsalaameeyay Sweden waxaan ku soo waajahnahay Kenya gaar ahaan caasaimadda Nairobi waxaan wataa sharci sweden ah safar dheer ka dib waxaan ka soo daadagay garoonka nairobi waxaan Degay hoteel reerkii ayaan soo wacay telefoonkoodii waa uu dansanaa maalmo yar kadib waxaan tikid u soo jartay …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Qisadii Ibraahim Cabdi “Sanka” – Q. 9aad ‘Noloshii Yurub

  Markaan waa mar aan ka fogahay qaaradda Afrika waan tallaabay baddii waana gudbay halisyadii, waxaan juhdi bixiyaaba waxaan joogaa Taliyaaniga waxeyna igu qaadatay Labo sano iyo Lix bilood waxaan rabaa inaan gaaro oo aan arko rajadii aan lahaa waagaan joogay Afrika, waxaan damacsanahay inaan la kulmo noloshii sare ee lagu sheegaye Yurub, waxaan ku jiraa xero qaxooti ah oo ku taala Taliyaaniga waxaan billoobay sida caadada ii ahayd inaan xog badan uruuriyo oo aan raadiyo dadyow macluumaad fiican ka haya dalka Taaliyaaniga. Muddo dhan saddex bilood ayaan sidaas ahaa reerkanaga waan la soo hadlay waxaanna u sheegay inaan Yurub …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Qisadii Ibraahim Cabdi “Sanka” – Q. 8aad ‘Laashkii Badda

  Waxaan guda galay arintaan cusub oo ah in badda laga talaabo ka dib halkaas Yurub laga galo gaar ahaan Taliyaaniga.  Dhowr maalmood kadib, dadkii waxa ay heleen lacago ay u soo direen eheladoodii anigana hooyo ayaa ii soo dirtay lacag gaareyso 1500$ oo aheyd lacagtii uu ninkii dukaanlaha ahaa uu kala dhuuntay oo gaareysay 1000$ iyo lacago kale oo hooyo ay ka soo aruurisey ehelka waxaanna guda galnay safa­rkii badda. Saddex doonyood ayaa markiiba la sheegay in ay badda ku dhex lunsanyihiin. Doonta la soo badbaadiyay ayaa aheyd mid naqas laga buuxshay oo loogu tala galay in ay qaado …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Qisadii Ibraahim Cabdi “Sanka” – Q. 7aad ‘Kaamkii Qaxootiga

  Waxa ay nagula so heshiiyeen lacag ka yar tan ay hadda sheegayaan  waxay nagu yiraahdeen hadii aad u bahaantahay geeri reerkaaga ha wicin lacagtaas inaad bixisaan waa waajiba waayo, umad aan nidaam laheyn baad tihiin cid idiin damqaneysana ma Xerada nala geeyay waxaa joogey dad fara badan oo qawmiyado kala duwan ka soo jeedey qof weliba waxa uu ka fikiriyaa meeshaan sida uu uga bixi lahaa waxa uu raadinayaa maalinta dhan xog ku saabsan reerkooda, qof weliba inuu baxsado ayuu rabaa dadkana deegaan ahaan ayey iksu raadsanayaan waa nolol dhibkeeda wadata dadka qaar saddex sano ayay xiran yihiin dadna …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Qisadii Ibraahim Cabdi “Sanka” – Qaybta 6aad ‘Saxarihii Liibiya

  Intaa ka dib gawaaridii ayaa yimid, aniga waxaan aaminay safarkaa inuusan hal isbuuc igu qadandoonin, waxaa ii soo dhowaatey rajadii aan lahaa laakiin ma’aanan is laheyn hadda ayaad halaag u bareertay, gaawaaridii ayaan ku dhacnay habeenkii oo dhan ayaan sii soconay illaa maalinkii danbe. waxaan saaranahay gaari ciriiri ah oo qof weliba uu ka cabsanayo amaad ka dhacdaa gaariga muddo 2 maalmood ah ayaan sidaa sii aheyn ka dib, waxa uu na geeyay meel saxara ah oo cidna aysan joogin waxa uu inagu yiri waan idin soo laabanayaa ragii idinka danbeeyey baan soo qadayaa sii socda waana dhowdihiin, waa …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Qisadii Ibraahim Cabdi “Sanka” – Qaybta 5aad ‘Safarkii Halaagga

  Safarkii halaagga ayaa billoowday markiiba waxaan galnay ciriirigii nolosha waan wada dhididnay waxaan ku jirnaa kunteenar yar oo aad ciriiri u ah qofba qofka kale ayuu fiirinayaa dhammaanteena waxaan aragnay waxa la inoo sheegayey inay aheyd been ayna runtu tahay waxa aan hadda ku jirno ma jirto meel lagu saxaroodo ama lagu istijoodo caagag yar oo ay noo dhiibeen ayaan isticmaaleenay rag iyo dumarba, gabdhaha wajiyadooda aad ayaan uga naxnay waayo waxay soo galeen nolol aysan aqoon ama aan loogu talagalin markaas. Waxa aan ku jirnaa qof iska dhicin qof weliba waxa uu iloobay dareenkii bini’aadannimo  iyo kii dumarnimo, …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Qisadii Ibraahim Cabdi “Sanka” – Qaybta 4aad ‘Tahriibkii

  Waa nolol ku billaabaneysa hoog iyo halaag, waa nolol ku saleeysan boob, dhac, kufsi iyo orod, qof weliba waxa uu la daalaa dhacayaa waxa ku dahaaran, ma jiro qof qof kale caawin kara markii lagu guda jira tahriibka. Waxaan ku dhacay gaarigii aan la soo heshiiyay dharaartii hore ee u socday dalka Kenya maalinkii iyo habeenkiina oo dhan ayaan sii soconay, waxaan dadaalnaaba maalinkii Labaad ayaan galnay Kenya weliba si dhuumaaleysi ah, waxaan tagay xeryaha Dhadhaab gaar ahaan Xagardheer, ka dib waxaan wataa lacagihii yaraa ee aan waagii shaqada uruuriyey waxaan markiiba ku dhacay gaari u socda Nairobi markaan …

Read more 0 Comments
error: Content is protected!!