Cabdullaahi Samoow

About the Author Cabdullaahi Samoow

Waa qoraa, falanqeeye arrimaha siyaasadda Soomaaliya oo ka tirsan Afrikaan.so. Ka diyaariya shahaadadda heerka labaad ee Master ka, Xiriirka Caalimiga Jaamacadda Nairobi. Qoraa wax ka qora, arrimaha siyaasadda, xiriirka caalimiga, istaraajiyada iyo amniga. Ku daabacay qoraalo warbaahinta iyo website yadda gudaha Soomaaliya kuwooda ugu waaweyn sida, Jowhar, Hiiraan, Goobjoog, Caasimada, Mustaqbalradio, Dalsanradio, Somaliaffairs Wardheernews iwm.

AkhriDhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Buugga Arammida Dahsoon

Buugga Arimmada Dahsoon ee uu qoray Saaxibkeey Maxamed C/Risaaq Diiriye, waxa uu bulshada u ifinayaa muhiimadda ay leedahay in qofka lagu qiimeeyo waxa uu yahay aanse lagu Miisaammin muqaalkiisa. Waa buuggi ugu horeeyay ee Af-Soomali ku qoran oo ka hadlaya caqabadaha dadka gaaggaaban haysta. Waa buug soo gudbinaya sooyaallo iyo dhacdooyin qiiro leh oo uu la kulmay qorraaga iyo dadka isaga lamidka ah ee ku nool Soomaaliya iyo dunida inteada kale. Qorraaga buuggan Maxamed C/Risaaq Diiriye waa aqoonyahan dhalinyaro ah, usoo joogay dhacdooyin isugu jira murrugo iyo farxad, maanta na nolosha ka gaaray heer wanaagsan, Taariikh diisa waxa aynu ka …

Read more 0 Comments
English Articles

Preaching vs Practice: Can Hassan Dahir Aweys be the right person to give a fatwa?

It’s always useful, or at least fine, to hear the advice of those who have the expertise of a particular subject. Religion and faith are quite unique, and not something we can simply swallow without asking the questions Why? Why now? And who?  Hassan Dahir Aweys, the founding father of extremism in Somalia, a man listed both by the U.S. and United Nations as global terrorist associated with Al-Qaeda who should in my opinion be the last person to give a fatwa for the same people he inflicted the pain of the horrors of terrorism based on the misinterpretation of …

Read more 0 Comments
Siyaasadda & Diplomasiyadda

Qabiil Soomaaliyeed Yaan Loo Saarin Eed Dad Gaar ah Leeyihiin!

Waxaa nasiib darro iyo gaf weyn ah hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha KGS ee uu ku dafirayo xasuuqii Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo adeeg saneysa ciidamo Itoobiyaan ah ka gaysatay magaalada Baydhabo, halkaa oo lagu xasuuqay Shacab Soomaaliyeed oo si nabad ah u dhigayay banaanbax ay uga soo horjeedeen afduub loo gaystay muwaadin Soomaaliyeed iyo Doorashadii Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya. Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo sabab u ahaa mashaqada halkaa ka dhacday, oo si isaga loogu afduubo Doorashada loo soo xiray Musharixii la tartamayay, fal-celiskii arintaa ka dhashay na ay keentay in shacab aan waxba galabsan maalin cad la laayo. Madaxweyne sidaa kursiga …

Read more 0 Comments
Siyaasadda & Diplomasiyadda

Farmaajo iyo Khayre Ayaa Isku Heesa Ma Wax Qabad Baa?

Muddo xileedka Dowladda hadda jirta waxaa ka haray hal sano, xukuumad kasta waxqabad keeda waxaa lagu salleeyaa waxa ay ka qabato arimaha Amniga, Dhaqaalaha, Dhameystirka Dastuurka, Dib u heshiisiinta, Adeegyada Bulshada, Siyaasadaha arimaha dibedda iyo gudaha, Doorasho qof iyo cod ah in dalka la gaarsiyo IWM. Xukuumadda hadda jirta arimahaa iyo kuwa kale oo badan maxay ka qabatay oo muuqda maanta? Amniga dalka faraha ayuu ka baxay ilaa heer jid cadayaasha Xaafadaha Xamar ganjeelo lagu xiro, taas oo keentay bur-bur dhaqaale iyo isu socodki shacabka oo gabi ahaanba meesha ka baxay. Shacabkiina amni ma helin oo maalin kasta ayaa si …

Read more 0 Comments
Siyaasadda & Diplomasiyadda

Doorasho Qof iyo Cod ah Inay Soomaaliya Ka Dhacdo 2020/2021 Waa Riyo Maalmeed!

Muddo xileedka xukuumadda waxaa ka haray hal sano iyo labo bilood, waxaa looga fadhiyaa oo waajib saraan oo dastuuri ah inay xiligeeda ku qabato doorasho oo loo tartamo hogaanka dalka. Shacabka, siyaasiyiinta iyo beesha caalamka intaba ma taageersana in xukuumadda ay sameeyso muddo korarsi, maxaa yeelay arintaas waxa ay sawir aan wanaagsaneen ka bixineeysaa dowladnimada Soomaaliya. Waxaa ka dhalan kara fowdo siyaasadeed oo keeni karta dib u dhac iyo bur-bur hor leh. Waxaa sida qoraxda u cadahay oo kale u cad in suurtogal aysan ahayn xiligaan oo hal sano u hartay xukuumadda in la qabto doorasho guud ahaan dalka ah …

Read more 0 Comments
Siyaasadda & Diplomasiyadda

Federaalka Fasahaaday ee Soomaaliya!

Aduunka waxaa ka jira sedax System oo Dowladnimada lagu dhiso (Unitary, Federal iyo Confederate) 206 dal ee aduunka ka jira ee U.N aqoonsan tahay inta qaadatay Federal System waa 25 dal, Africa waxaa qaatay dalal ay kamid yihiin Nigeria, South Sudan, Ethiopia iyo Sudan. Waa jireen dalal kale oo Africa ah oo lagu dayay System kan balse markii danbe iska diiday sida Kenya. Federaalka sida System yada kale ee Dowlad lagu dhiso waxa uu leeyahay Faa’idooyin iyo Dhibaatooyin, hadafka guud ee Federal System ka waa wadaagida awoodaha si la is kugu hayo dad kala tagi kara ama isku keenida dad …

Read more 0 Comments
error: Content is protected!!