Cabdiqani Qorane Cismaan

About the Author Cabdiqani Qorane Cismaan

Waa qoraa Ka tirsan Afrikaan. Waa Suxufi bartey cilmiga Saxaafadda. Waa qoraa wax ka qora arrimaha bulshada, dhaqanka iyo sooyaalka Soomaalida, taariikhda caalamka, caafimaadka iyo arrimaha diinta. Wuxuu inta badan wax ka qoraa waxyaabaha markaa taagan iyo xaaladda lagu suganyahay. Waana qoraaga buuga Tilmaan Iyo Hoggaan.

Aqri

Maxaa Ka Hortaagan Dhalinyarada Aqoontoodu inay Wax Soosaar Yeelato?

Dalkaste amba adduunka oo dhan waxa horumar gaadhsiiyaa waa dhalinyaradiisa, muranna kama taagna in dalka hela dhalinyaro soo jeedda oo wax baratey iney mustaqbalka sii jiri doonto. Balse dalka ay dhallinyaradiisu ka tahriibto inay dhisaan daayee waxaa iska cad inaanu dalkaasi sii jireyn, hadduu sii jirana adduunka aan wax qiimo ah kulaheyn. Umaddeenna Afsoomaaliga ku hadasha waayadan dambe waxa jirta iney soo baxaan dhallinyaro jaamacado kasoo baxey oo soo dhameeyey, balse nasiib darro ay noqdaamba kuwa ugu tahriibta badan, Xaggii laga rabey inay dalkii iyo dadkii sugayey ee ay wax ubarteen aqoontii dib ugu celiyaan. Kuwii kale ee iyagu dalka …

Read more 1 Comment
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Ha isdhiibin, Yaanu Ku Xukumin Qof Aan Aqoon Kuu Lahayn!

Waxa uu ahaa addoon, weliba addoon madaw ah, waxaana uu addoon u ahaa nin kamid ah saldanaddii qureysheed amba raggii markaa ugu sareeyey laguna magacaabi jirey Umayah Binu Khalaf. Waxa uu addoonkani ahaa adhi-jire wuxuuna ku raaci jirey magaalada Makkah duleedkeeda. Waxa uu qaban jirey shaqooyin dhib badan oo tacaddiyo badan kala kulmi jirey, wuxuuna ahaa qofaan loo naxariisan dulmi aad ufara badanna loo geysan jirey. Balse wax walba xagga dambe ayay iska baddali doonaan. Waxa lasoo direy Nebi Muxammed (SCW). Addonkani waxa uu qaatey Diinta Islaamka ee Nebigu la yimid (SCW). Maalintaa cashar iyo nolol cusub baa u bilaabantey …

Read more 0 Comments
Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Wiilkii Geel Jirka Ahaa ‘Qiso’

Miyiga waxaa iigu dambeysay anoo yar, markii aan caqliyeystey ayaa la iga keenay oo aan magaalada imid. Anoo ilaa 6 jir ah, laakiin lix jirkan maanta jooga ahayn, sifiican ayaan wax walba ukala garanayay. Laakiin miyiga wax saa usii fara badan kamaan aqoon. Toban sano kaddib ayaan aadey miyigii aan muddadaa dheer ka maqnaa. Waxaana igusoo dhacdey qisadan hoos ku xusan. Qisadan waxaan qorey intaan wadey qoraalka buuggayga Tilman iyo Hoggaan ee aadka u kooban. Waxaan qorey anoo fasax gaaban ku tagey miyiga aanu degno. Fasaxu wuxuu igu qaatey muddo aan dheereyn oo aad u kooban, sababo la xidhiidha fasaxa …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Rabitaan Xooggan Lahow

Sida aanu dab aan xoog badan laheyni aanu waxba u bisleyn karin, rabitaan ama doonis aan xoog badan lahaynina laguma gaadho guul qiimo leh, guul kastoo qiimo leh waxa ka dambeeyey rabitaan xooggan, rabitaanka xooggan lama hor istaagi karo. Waxa taa kuu caddaynaysa halgamaagii weynaa ee Nelson Mandela waxa uu jeel ku jiray ku dhawaad labaatan sano. Waxa loo jidh diley loogu cadaawadeeyey wixii uu waday laakiin ugu dambeyntii guushiisii qiimaha lahayd waa gaadhey. Haddaba shay walba waxa uu leeyahay wax u ah asaas, qufulku waxa uu leeyey fure, guriga waxeynu usameynay albaab laga soo galo lagana baxo, xubnehenna kala …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Noloshu Waa Halgan

Noloshu waa halgan aan la garanayn natiijadeeda iyo halkay ku dhammaan doonto, nolosha waa halgan aad yeelankartid hadaf iyo rejo wanaagsan oo ku gaadhsiisa halka aad damacsan tahay. Noloshu waa halgan horumarkeeda iyo hoos u dhaceeduba aad adigu gacanta ku haysid. Noloshu waa halgan iyo halkaad is dhigtid. Haddii aad waddo wanaagsan qaadid waxaad leedahay rejo wanaagsan oo aad arki doontid najiijadeeda, haddii aad waddo qaloocaan qaadidina waa mid aad arki doontid najiijadeeda oo aan farxad gelin cidkasta oo ku jecel. Markasta ku dedaal inaad qaadid waddo wanaagsan ooo ku geyso meel wanaagsan oo if iyo Aakhiraba ku anfacda. Noloshu …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Hurdada Iyo Caafimaadka

Maxaan ka ognahay saacadaha aan hurudno iyo saamaynta ay ku leedahay nolosheena, caafimaadkeena iyo maskaxdeena?  Waa maxay xidhiidhka ka dhexeeya caafimaadka iyo hurdada? Waxaan aalaaba maqalnaa in loo baahan yahay hurdo siddeed (8) saacadood ah, habeen kasta. Haddaba halkey taladan ka timid?  Cilmi baadhis laga sameeyay daafaha caalamka, oo lagu baadhayay sida cudurrada ay ugu dhacaan dadka kala duwan, ayaa la timid gebagebo la mid ah hurdada sideeda saacadood ah.  Dadka wakhtiga yar hurda iyo kuwa hurdada ku daaha waxay u badan tahay in ay cudurro ku dhacaan. Laakiin ma cadda in hurdada ay tahay waxa sababa cudurrada ama calaamad …

Read more 0 Comments
Aqri

Muhiimadda Ay Waxbarashadu Inoo Leedahay

Ugu horayn waa maxay waxbarasho? Ereyga waxbarasho wuxuu ka koobanyahy 10 xaraf wax-waa waxkasta oo lagu tilmaami karo inuu yahay shey, barasho-waa raacid (Daraasayn) waa wax qof uu ku gaadhay go’aan inuu kubixiyo wakhti iyo hanti. Waxbarashada soomaaliya waxay soo martay heerar (Marxalado) kala duwan taaso ah; Qofka waxbarta lala yaabo oo la yidhaahdo wuuxuu doonaya inuu gaaloobo! Wakhti loo mari jirey masaafo (socod dheer) si loo helo qof leh in yaroo cilmiya! Xilli ay wax baran jireen dadka ladan 《lacagta haysta, dowlada ushaqeeya》 Wakhti dadka marka lasiiyo waxbarasho lacag la’aana (Scholarship) ay yidhahdaan dadkayaga yaan nalaga gaalaysiin!, Weliba waxay …

Read more 0 Comments
Aqri

Noocyada Akhristayaasha

Noocyada kuwa wax akhriya sida aan ka xiganeyno Sh. Maxamed bin Salih Almunjid waa sadex nooc oo kala ah: b) Akhriye indhaha uun wax ka akhriya: waa marka akhriyihu uusan dhaqdhaajin xubnaha afka sida carabka iyo faruuryahaba. t) Mid akhrintiisa ay la socoto nuuxnuuxinta afka: waa marka uu akhriyuhu uu akhriskiisa u adeegsanayo dhaqdhaqaajinta xubnaha afka. j) Iyo mid ku akhriya la dhawaaqid waxa uu akhrinayo: waa marka akhriyuhu uu la dhawaaqayo lana maqlayo waxa wuu akhrinayo.  Saddexdaa nooc ee akhristayaasha ah waxaa ugu fiican aqriyaha kowaad maxaa yeelay qaabkaas wuu ka dhakhsiiyo badanyahay labada kale, sidoo kale indhaha unbaa …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Culimadadii Hore Iyo Akhriska

Haddaan in yar milicsano culumadii islaamka ee hore sida ay ku ahaayeen akhriska waad la yaabi/amakaaki, tusaaale ahaan: Ibnul Qayim Al Jowzi (Alle ha u Naxariistee) wuxuu akhriyey inta uu yaraa 20kun oo kitaab inta uusan caalim noqon, Markii la gubay Maktabadii Ibna Xazam wuxuu yidhi haddii aad gubteen kutubteydii ogaada waan xifdisanahaye. Sidoo kale Imam Nawawi (Alle ha u Naxariistee) sadex sano ayuu fadhiyey asagoo akhris uun ku jira. Sidoo akle Imam Bukhari (Alle ha u Naxariistee) wuxuu ahaa mid habeenkii soo kaca toban jeer in ka badan, wuxuuna shidan jiray faynuuska/musbaaxa si uu u qoro faa’iido kusoo dhacday, …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Muhiimadda Wax Akhrisku Ku Leeyahay Islaamka

Diinta islaamku waxay aad u dhiira galisay wax akhriska, waxaana caddeyn u ah ayaddo quraan, axaadiis, iyo ku camal falkii dadkii hore iyo kuwii danbe ee wanaagsanaa raadadka ay ka tageen. Eraygii ugu horreeyey ee lasoo dajiyo oo waxyi ah wuxuu ahaa Akhri (IQRA), taas oo si cad noo tusineysa inuu islaamku yahay diin dhiira galisa akhriska. In yar haddeynu milicsanno Eraygii ugu horeeyey ee Quraanka Karimka ahaa ee lagu soo dajiyey rasuulka (CSW) wuxuu ahaa AKHRI oo waliba ficil amar ah, rasuulkana(CSW) lagu ciqaabay inuu akhriyo isagoon akhris garaneynin. Uuna (CSW) ku celcelinayey anigu ma ihi qof wax akhriya …

Read more 0 Comments
error: Content is protected !!