Bukhaari Xirsi Faarax

About the Author Bukhaari Xirsi Faarax

Waa qoraa ka tirsan bahda qorayaasha ee Afrikaan.so, waa qoraa wax ku qora luuqadda hooyo, daneeya ka qayb qaadashada wacyi galinta iyo hor-umarinta garaadka bulshada, wuxuu wax ka qoraa Diinta, Falsafadda, Siyaasadda iyo Arrimaha Bulshada. Qoraagu wuxuu ku nool yahay Soomaaliya gaar ahaan Puntland, magaalada Boosaaso. Waxbarashadiisa jaamacadeed waa kulliyadaha kala ah Shareecada iyo Diraasaadka Islaamka iyo Maamulka iyo Maaraynta Ganacsiga.

Falsafada iyo Siyaasada arrimaha bulshada

Doqonimada Puntland Taal!

Laga soo bilaabo maalintii Nabi aadam la uumay ilaa maanta bini’aadamku hor-umar ayuu nolosha ka samaynayay, waagii baryana garaad iyo garasho ayuu aadanaha u kordhinayay. Nolosha waxaa tiir dhexaad u ah dhaqaalaha, dhaqaaluhuna waa wax-soo-saarka, si wax-soo-saar loo helana waa in la shaqeeyaa. Dhaqaale wax-soo-saar la’aan ma abuurmo, wax-soo-saar aan shaqo loo marina ma lahelo, umad walba inta ay umadaha kale ka shaqa badan tahay ayay ka wax-soo-saar badan tahay, kana dhaqaale roontahay, dhammaan ummadaha hor-umaray dadaal ay dadkoodu sameeyeen ayay hor-umarka ku gaareen, tabac iyo wax-soo-saar ayaana dhaqaalahooda kobciyay. Ujeedada ugu dambaysa ee ay dadku wax u tabcayaan waa …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Maskaxda Bini’aadamku Waa Hoyga Il-baxnimada

Maskaxda waa qaybta ugu muhiimsan jirkeena, waa qaybta garashada u qaabilsan aadanaha, noole walba wuxuu leeyahay maskax heer garasho leh, garashadaas maskaxdu hoyga u tahay inta ay hadba le’egtahay ayay noolayaashu kala muhiimsan yihiin, kuna kala saamayn badan yihiin masraxa nolosha. Bini’aadamku wuxuu ka mid yahay makhluuqaadka ugu fadliga badan uunka Illahay uuntay oo idil, waa noolaha ugu saamaynta badan nolosha aan noolnahay, aaladda ugu muhiimsan ee uu saamayntiisa u isticmaalo waa maskaxda, waxaa jira noolayaal aad ufara badan oo ka xoog badan bini’aadamka hadana isaga ayay u yihiin gacan yare, isaga ayaan adeegsada oo danihiisa ku gaara, waxaa cad …

Read more 0 Comments
Qoyska & Horumarinta Bulshada

Xidhiidhka Afkaarta iyo Bay’adda

Deegaan walba wuxuu leeyahay dhallan iyo cimilo u gaar ah, dadkuna bay’adda waxay kula nool yihiin dabeecad la qabsi (adoption) la dhaho, qof walba degaanka uu ku koro ayuu astaamihiisa yeeshaa: midab, dabeecad, dhaqan, adkaysi, iyo fikirba, taasina waxay u sahashaa in uu noloshiisa si hab-sami leh ugu dhex wato deegaankaas. Qofka magaalada ku kora wuxuu leeyahay hab-dhaqan nololeed ka gedisan hab-dhaqanka midka miyiga jooga, dadka xeebaha dagan waxay leeyihiin dabeecado iyo dhaqamo ka gedisan kuwa dhul-beeratada ah, kala duwanaanshuhu sidaas ayuu ku soconayaa inta ay bay’addu kala duwan tahay. Waxaa xusid mudan in sidaasoo kale ay bay’addu qaabayso hab …

Read more 0 Comments
Diinta Islaamka

Tirada Axaadiista Rasuulka (SCW) ee Saxiixa ah

Waa maqaal si cilmiyaysan u soo koobaya tirada axaadiista saxiixa ah ee laga wariyo Rasuulkeena (CSW). Tiro-koob cilmiyaysan: Waxaan isku dayayaa inaan si cilmiyaysan oo kooban halkaan ugu soo bandhigo tirada axaadiista saxiixa ah ee laga wariyay rasuulka (CSW). Waxaa jira boqolaal kitaab oo axaadiista Rasuulka (SCW) qorta, waxaa jira kumanaan xadiis oo Rasuulka (SCW) loo tiiriyo, waxaa jira kumanaan dariiq (sanad) oo ay axaadiistan ku soo aroorto, waxaa jira in qarniba qarniga ka horeeyay kutubta axaadiista ee la qoray ay ka xadi iyo xajmi yartahay tan qarniyadii dambe la qoray waa sidda badane, taas oo dad badani shaki iyo …

Read more 0 Comments
Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Dhibaatooyinka ay Tuulayntu u Leedahay Deegaanka iyo Bulshada ku Dhaqan ba

Waa maqaal ka hadlaya dhibaatooyinka ay tuulayntu u leedahay degaanka iyo bulshada ku dhaqan ba. Laamiga dheer ee magaalooyinka Soomaaliya isku xidha marka aad ku safarto waxaad arkaysaa dhacdada (phenomenon) tuulaynta degaanka, meel walba waxaa laga dhisay tuulo yar oo dadkeeda iyo degaankeeduba xadidan yahay, hadana tuulooyinkaasi waxay isku jiraan inta badan kiilo mitiro kooban, waxaad arkaysaa sedex afar tuulo oo isku xiga laba walbaana ay shan kiilo mitir wax ka yar isu jiraan. Degaanka Soomaalida marka aan eegno waa sedex degaan nololeed: miyi daaq iyo degaan xoolo leh oo reer miyigu ku nool yihiin xoolahana ku dhaqdaan, magaalo dad …

Read more 0 Comments
Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Hilibsiga Xoolaha iyo Qalashada Dadka

Waa maqaal falsafadeed oo qaadaadhigaya sababta aynu u qalano xoolaha oo noole ah si aynu ugu noolaano iyo macnaha falsafadeed ee ku jira arrintaas. Qof hadaad qalatid kuna doodid waan hilibsanayay kuu noqon mayso dood, halka haddii aad neef qalatid waan hilibsanayay ay noqonayso wax la ogolaan karo. Waxaa su’aal maan-gal ah oo taagan ah: labada nafley maxaa midna naftiisa raqiis ka dhigay oo mid ay naf kale isticmaali karto ka dhigay si ay ugu noolaato, midna naftiisa qaali ka dhigay? Halkaas waxaa ku xayraamay faylasuufyo waawayn kuwaas oo ugu dambayn go’aan ka qaatay in ay naflayda hilibsadaan nooc ay …

Read more 1 Comment
Dhaqaalaha iyo SiyaasaddaDiinta Islaamka

Waa Maxay Sababta uu Islaamku Saamiga Dhaxalka Hablaha uga Yareeyay Saamiga Ragga?

Waa maqaal falanqaynaya sababta uu Islaamku saamiga dhaxalka hablaha uga yareeyay saamiga ragga.  “لِلذَّكَرِ مِثْلُ حَظِّ الْأُنْثَيَيْنِ” (سورة النساء: ١١). Maxaa ka jira in dhedignimadu ay dhaxalka naaqusiso?! Maxaa se ka fahansan tahay ayaadan kor ku xusan?! Dhowrkan mas’alo ila daraasee, deetana natiijada soo baxda aynu wada aragno: Qof ayaa ka dhintay hanti dhan $12,000 iyo dhaxal-qaatayaal kala ah: wiil, hooyo, iyo wiil wiilki dhalay: Hooyo: $2,000 Wiilka: $10,000 Wiilka wiilkiisa: $0 Mas’aladan waxaa ku jira laba wiil oo dhaxal qaatayaal ah, labada wiil mid wuu ka qaday dhaxalkii, mid na wax buu dhaxlay, sababtu waxay tahay maydka ayay u …

Read more 0 Comments
Dhaqaalaha iyo Siyaasadda

Dhibaatooyinka ay Leedahay Daymaha ay Qaataan Dowladaha

Waa maqaal ka hadlaya caqabadaha iyo culaysyada dawlad ka soo wajihi kara dayn qaadashada. Mashiinka dhaqaajiya dawlad waa dhaqaale, si ay dawladdu u qabato wajibaadka horyaal, bulshadeedana ay usiiso adeegyada ay u baahan yihiin waa in ay dhaqaale haysaa ay wax ku kala socodsiiso, dhaqaalaha ay dawladdu maamulayso ayaa sameeya eray-bixinada dawladnimada ku sidkan ee aynu had iyo jeer maqalno, sidda dakhli, kharaj iyo miisaaniyad. Dhaqaaluhu wuxuu dawladda ku soo galaa habab kala duwan oo ay ugu horreeyaan canshuur qaadid, maalgalin, iyo dayn qaadasho. Dayn qaadashadu waa hab kamid ah hababka ay dawladuhu dhaqaale ku helaan. Dayntu caadi ahaan waa …

Read more 0 Comments
error: Content is protected!!