BBC Somali

About the Author BBC Somali

Maqaalkaan waxaa qoray BBC-da laanteeda afka Soomaaliga. Idaacada BBC waa idaacad caalami ah, oo aalado kala duwan u isticmaasha tabinta wararka. BBC Soomaali waxaa la furay 18-kii Luulyo ee sanadkii 1957, waxayna haatan gaartaa dadka Af-Soomaaliga ku hadla ee caalamka oo dhan oo ay kala hadasho Telefishanka, online-ka, warbaahinta bulshada iyo Raadiyaha oo ah halkii hawshu ka bilaabatay.

Qoyska & Horumarinta Bulshada

Haweeney Noolasha ku Silicday ugu Dambeyna Libin ka Gaartay

Helen Warade waa hooya 3 carruur ah oo ay dhashay oo ay weliba aabba la’aan soo korsatay halmar ay si lama filaan ugu wada geeriyoodeen. Dab gurigeeda qabsaday ayey hal mar ku wada gubteen 3 carruur oo ay iyadu dhashay, walaasheed iyo ilma ay walaasheed dhashay qoyskeeda oo guud ahaan ka kooban 5 qof. “Carruurta inta ay iga geeriyoon ka hor waxaan dhibaata aad u badan kala kulmay korintooda iyo barbaarintooda caruurta oo 3 iskuul oo kala duwan wax ka baranaysay inaan iskuulka geeyo ama aan ka keeno waxay igu ahayd mid aad u adag” ayey tiri Helen. Seddexada carruurta …

Read more 0 Comments
Akhri

Gabar Ku Xirnayd Xabsi Ku Yaalla Kuuriyada Waqooyi oo La Baxsatay Askarigi Illaalinayey

Waxwalba wuu ku fikiray. Wuxuu jaray fillooyinka korontada iyo kaamerooyiinka qarsoon ee wax duuba. Wuxuu si iskii ah uu soo galay shaqada habeenkii. Gabadhana albaabka dambe ayuu kabihi ay ku bixi lahayd u dhigay. Jeon wuxuu saqdii dhexe hurdada ka toosiyey Kim wuxuuna u kaxeeyey jidka uu ku baxsan lahaa ee uu qorsheeyay. Habeen ka hor ayuu sii diyaarsaday laba boorso oo uu ku diyaarsaday dharki iyo cunadi uu u baahnaa, wuxuu sida oo kale diyaarsaday middi iyo sun. Fursad kale ma uusan helin, wuxuuna sitaa qori oo Kim ay isku deyday inay ka dhaadhiciso inuu ka tago laakiin Jeon …

Read more 0 Comments
Diinta Islaamka

Ninkii Muslimka Ahaa ee Ciraaq u Dhashay ee Reer Galbeedka 1,000 sano uga Horreeyay Saynis ee Noolaha

Seynisyahankii u dhashay Britain ee lagu magacaabi jiray Charles Darwin wuxuu helay aragtida seynis ee ku saabsan noolaha adduunka, fikraddiisiina waxay ka mid tahay kuwa uu maanta ku tiirsan yahay seyniska casriga ah. Laga soo billaabo muddo dheer ka hor waa la sii hormarinayay aragtiyaha ku qotoma asalka nolosha dadka iyo xayawaannada adduunka. Buug uu Darwin qoray sanadkii 1859-kii ayuu ku qeexay aragtidiisa dhinaca seyniska ee abuurka noolaha, wuxuuna sheegay “inuu muuqaalka noolaha marba marka ka dambeysa isbaddalayay”, isagoo faahfaahiyay sida ay u kala duwanaadeen nooleyaasha kasoo farcama hal noole. Laakiin waxay u muuqataa in taariikhda seyniska noolaha ay qudheeda …

Read more 0 Comments
Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

8 Gabdhood oo Geesinnimadooda Laga Yaabay Dagaalkii Labaad ee Adduunka?

Bal ka fikir qof geesinnimo sameynaya xilli uu dagaal socdo. Qofka maskaxdaada ku soo dhacay ee geesinnimada sameynaya ma nin baa mise waa haweeney? Inta badan doorka halyeeynimo ee dumarka xilliyada ay dagaallada socdaan lama aqoonsado, sidaas darteed, annagoo dib u xasuusaneyna 75 guuradii kasoo wareegtay markii uu Dagaalkii Labaad ee Adduunka dhammaaday (dagaalku wuxuu Yurub ka istaagay 8 May), waxaan u dabaaldageynaa siddeed dumar ah oo geesinnimadii ay sameeyeen uga duwanaa malaayiin qof oo ku dhiirranayay dagaalkaas halaagga badan geystay. Cheng Benhua: Oo geerida ku salaantay dhoollacaddeyn Cheng Benhua waxay ahayd geesiyad iskacaabbin leh oo la dagaallantay ciidamadii Japan …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Karoona Fayras: Khatar Intee La’eg Ayuu ii Geysan Karaa Haddii aan uur Leeyahay?

Taxaddar ahaan haweenka uurka leh waxaa loo sheegayaa in ay feejignaadaan isla markaana ay si gaar ah u raacaan tallaabooyinka looga hortagayo coronavirus, sid kala fogaanshaha taas oo hoos u dhigi karta khatarta kaga imaan karta cudurka. Blase maxeynu kala soconaa saameynta uu cudurkan ku yeelanayo haweenka uurka leh? Coronavirus dhibaato intee la eg ayuu ii geysan karaa haddii aan uur leeyahay? Inkastoo wali wax badan oo ku saabsan sida uu haweenka uurka leh u samaeyn karo xanuunkaan aysan dhaqaatiirtu ogeyn, haddana waxaa la ogyahay in haweenka uurka leh aanay wax badan ka duwnayn dad kale ee qaangaarka ah “Haddii …

Read more 0 Comments
WARBAAHINTA

Ian Powell: 8 Sano oo uu Darogo Cunaayay Ka Dib Hadda Waa Milyaneer

Barnaamijka toddobaadlaha ah ee BBC ee lagu magacaabo The Boss ayaa ah barnaamij taxana ah oo si gaar ah loogu eego taariikhda hogaamiyayaasha dhanka ganacsiga guud ahaan caalamka. Toddobaadkan waxay BBC la hadshay Ian Powell iyo Jackie Hueftle oo ah milkiilayaasha shirkadda Kilter Grips, oo ah shirkad ku taalla Mareykanka islamarkana saameysa waxyaabaha darbiyada guryaha lagu fuulo iyo kuwa lagu qurxiyo. Ian Powell ayaa soo maray noolal adag ka hor inta uusan ganacsiga bilaabin. Waxaa uu hore uga tirsanaa xulka qaranka Mareykanka gaar ahaan kuwa tartanka fuulidda buuraha horraantii 1990, ilaa 2010. Markii ay da’diisa gaartay 39 ayuu noqday darbi-jiif …

Read more 0 Comments
WARBAAHINTA

Xidigtii Instagram oo uu Xabsi Korona Ku Dhex-haleelay

Xiddigta Instagram ee Iran ayaa waxaa xabsiga ku haleeyay coronavirus, sida uu sheegay qareenkeeda. Khishvand, oo Instagram looga yaqaano Sahar Tabar ayaa caan noqotay kaddib markii ay barteeda soo dhigtay sawirro ay isu ekeeysiisay kuwaasi oo lagu tilmaamay nooca zombie ee Angelina Jolie. Ms Khishvand ayaa xabsiga loo taxaabay dhammaadkii sannnadkii tagay ee 2019-ka kaddib markii lagu soo eedeeyay dambiyo ay ka mid yihiin aflagaaddo iyo khalalaase. Hase yeeshee madaxa xabsiga ay ku xiran tahay waxa uu gaashaanka u daruuray inuu Fatemeh ku dhacay fayraska Corona. ”Warka uu sheegay qareenka Fatemeh Khishvand ma ahan mid xaqiiq ah.” Waxaa sidaasi wakaaladda …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Haweenayda 50 Sano ka Hor Ogaatay Cudurka Korona Fayraska

Haweeneydii ugu horeysay ee ogaatay fayraska corona ee bina’aadamka ku dhaca ayaa ahayd gabadh uu dhalay nin darawal bas ahaa oo u dhashay Ireland. Gabadhan ayaa iskuula isaga tagtay iyada oo 16 sano jira ahayd. June Almeida ayaa noqtay haweenay sheybaarka ku ogaatay sawirada fayraska waxayna aad isugu mashquulisay ogaanshiyaha cudurka saf-mareenka ah ee imika caalamka ka jira. Covid-19 ayaa hadda ah fayras, balse waa nooc ka mid ah coronavirus oo ay horey shaaca uga qaaday Dr Almeida sannaddii 1964, taasi oo ay ku ogaatay sheybaarkeeda St Thomas oo ku yaalla magaalada London. Haweenaydan ku taqasustay cudurada fayraska ah ee …

Read more 0 Comments
Caafimaadka iyo Sayniska

Korona Fayras: ‘Maalintii Aan Qorsheynayay Inaan Hadiyad Siiyo Ayaan Meydkeeda Aasay’

Isbuucyadii ay soo dhawaaneysay maalinta hooyada ee sanad walba laga xuso dunida gabadha 33 jirka ah ee lagu magacaabo Aya (oo aan ahayn magaceeda dhabta ah) waxay ku mashuulsaneyd inay ka fikirto nooca ay noqon karto hadiyadda ay hooyadeed u geyn doonto maalintaas. Laakiin waxba kama aysan ogeyn inay isla maalintaas meydkeeda aasi doonto. Aya hooyadeed waxay ka mid ahayd 10-kii qof ee ugu horreysay ee Masar ugu geeroyootay xanuunka coronavirus. Inkastoo dowladda Masar ay bartamihii bishii February ku dhawaaqday inuu gaaray cudurkan lagu magacaabay Covid, haddana isbuucii ugu horreeyay ee bishii March unbaa la dareemay in kiisaska ay isdabajoog …

Read more 0 Comments
Siyaasadda & Diplomasiyadda

Covid-19 Wuxuu Sii Hurinayaa Xiriirka Caalamiga ah

Spain waxay ka mid tahay dalalka uu sida ba`an u saameeyay xanuunka safmarka ah ee Coronavirus waxayna aad ugu baahi qabtaa qalab caafimaad, gaar ahaan gobollada laga soo sheegayo kiisaska ugu badan ee Covid-19. Balse dadaallada ay ku heli lahayd qalabkaas waxaa carqaladeeyay dagaalka ay kula jirto dowladda Turkiga, iyadoo soo dhoofinta boqollaal qalabka bukaannada ka caawiya neefsashada oo ay soo iibsadeen hay`ado caafimaad oo ka howlgala saddex gobol oo Spain ka tirsan ay la wareegtay dowladda Turkiga. Warbaahinta Spain ayaa ilo gudaha ah ka soo xigatay in qalabkaasi la dhacay. Kaddib is jiid jiid socday muddo toddobaad ah, wasaaradda …

Read more 0 Comments
error: Content is protected!!