Bashir Maxamed

About the Author Bashir Maxamed

Waa qoraa ka tirsan Afrikaan. Waa xeel-dheere ku xeel-dheer qorida Afka hodanka ah ee Soomaaliga. Cilmi qoto dheerna u leh, waxna ka qora siyaasadda, maamulka, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, takhasuna u leh culuumta siyaasadda iyo dhaqaalaha. Wuxuu haystaa shahaadada heerka koowaad ee jaamcadda.

Siyaasadda & Diplomasiyadda

Daruuraha Is-fahan Siyaasadeed Ee Geeska Afrika

Waa hubanti la’aan in aynu il-gaara ku eegayno daruuraha is-fahan siyaasadeed ee waddamada Geeska Afrika,  oo isbedel iyo is-fahan kasta oo dhaca raad innagu yeelanayo ka bulsho ahaan.  Si kooban haddaan u iftiimiyo ujeedada qormada cinwaankeedu kor ku xusan yahay; waa mid aan doonaayo inaan ogaalka bulshada kor ugu qaado. Maqaalkan waxa aan  idinku la wadaagi  doonaa aragti caam ahaan loo fahansanaan karo oo aan ka soo dheeganayno isbedelada siyaasadeed ee geeska afrika ka cartamaya xilligan, mareegaha falanqeeya arrimaha mandaqada khaas ahaan iyo falanqeeyayaasha arrimaha siyaasadda. Waxa aan akhristaha ugu afeef dhiganayaa inaan qormadan ku hadlayo aragti iyo dareen ku …

Read more 0 Comments
Siyaasadda & Diplomasiyadda

Ciqaab Wadareed Laga Dan Leeyahay! -Muqdisho

  Muqdisho waxa ka jirra duruufo waaweyn oo amni darro oo culayskooda leh, Muqdisho waa magaallo nasiib darran, oo ayaankeed/filkeed in badan ka hadhay ! Magaalo ahaanteed uma xuma, oo shaki la’aan waa BOQORADII CASRIGA ; laakiin muuqaaladda qaraxyadda ka jira ayaa sawir fool xun ku ladhay !!  Saraakiisha loo xidhay laylinta Ciidanka Xoogga Dalka, ilaalinta Amniga Caasimadda iyo Sirdoonka Qaranku, qorshe midho dhal ah iyo siyaasadda amni oo duruufaha xaailooni darro ee weerarada argagixisadda lagaga dabaasho weli hab iyo xeelad guul dhal ah ma aysan sal-dhigin. Duruufaha nabadgalyo xumo ee caasimada hanaan iyo xeelad lagu karantiilo weli lama hayo. …

Read more 0 Comments
Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Xasuuqii 4 Feb 1991 Ee G. Awdal

Inuu qallinku qeexo weedha cinwaanka kor ku qoroni, uma baahna raadsashada cadaymo ama qiil samayn, balse waayaha taariikhda iyo wacdiga noloshii la soo maray ayuun baynu bogogeeda ay dhaxalka uga tagtay caruur iyo cirroole ka dhex akhrisanaynaa dhacdooyinkii madoobaa ee maanka iyo qalbiyadda raadka ku reebay. Waa waajib iyo lagama maarmaan in wax laga ogaado wixii tegay ee taariikhda baalka madow ka galay “Taariikhdu waxbay Hagtaa; Dadkuna Waa Haybiyaa”. Sooyaalku ma duugoobo, deegaan wal iyo dad kastaana waxay leeyihiin maalmo madow iyo maalmo farxadeed oo ay xasuustaan. Wixii dhib ah ee shacab ku dhacayna waxa ay taariikhdu u xustaa ama …

Read more 0 Comments
Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Taariikh Nololeedkii Abwaan Qiiq oo Kooban 1973-2018

  Tixo iyo tiraab badan wuxuu dhaaxa curiyo, tuducyada wuxuu meeriyo, hadal tusmeeyo, suugaan tubteedii wuxuu jid bixiyo, waxaa u timid geeridii rabbi, Alle ha u naxarsto walaalkeen, Abwaankeenii buunigi Fanka iyo Maada Cabdixakiin Cabdilahi Jibriil oo loo garan ogaaa Abwaan Qiiq. Waxa aan wax ka xusi ilaha gaaxday duruus wax ku ool ah oo manfac af iyo aqoon ba inoo leh. Nal ka dhamay halganka murtida, maada, fanka iyo tacliinta. Bulshada inteeda sugaanta iyo nuxurkeeda u dhuundalooshaa waxa ay in badan dhagahooda ku dhugtaan murtida, miida, mucda, maada, iyo duruusta suugaanta iyo quruxda fanka jaadad keeda kala duwan ee …

Read more 2 Comments
Aqri

Gorfaynta Buugga ‘Miyiga Illaa Madaxtooyadda’

  Maadaama loo wada jeelqabo wax ka ogaanshaha buugga Akhriste inta aadan bar bilaabin cutubyadda iyo moolalka gosha dhiganaha MIYIGA ILAA MADAAXTOOYADDA  ee ay ceegaagto taariikh nololeedka, aqoonta hogaamineed, waayo-aragnimadda nololeed, xogta iyo xogaha ballaadhan ee dhiganaha ku dhex duugan ”qoran” waxaa ila quman in aan kugu habo, kuguna gadh-qabto si aad fekerkaaga isbedel ugu samayso, waxna kuugu soo kordhaan. Maadaama caadi ahaan dhamaanteen wax ka ogaanshaha buugga loo wada habuum qabo, waxa ila wacan Gorfayn iyo falanqayn hufnaan xambaarsan. Aadamuhu marnaba kama maaarmi karo is-dultaaga tabihiisii nololeed ee kala duwanaa dhibaatooyinkii ka horyimid iyo siduu uga gudbay, fursadihii soo …

Read more 0 Comments
Dhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Qabiil Ma Yaqaano Dookhu!

Gorfaynta iyo naqdintu waa farsamooyin wanwanaagsan oo hal-abuurka fan-suugaaneed lagu qurxiyo, waa innagu dhif iyo naadir fac ahaan iyo bulsho ahaanba tabtani. Waxa aan u qalin-qortay in aan dhaxal dhitaysma oo maanka dhaya, sooyaalka gala, lagu soo indho-kuusho aan qoro maalmahan taariikh faneed ee is-qoraya. Ujeedada duluceed ee gorfayntu waa in bulshada loo bandhigo waxa ay heestu ka hadlayso, fikrada ay xambaarsan tahay, xogta ay sido, sarbeebta faneed ee ku dhex duugan iyo fariinta guud ahaan ee ay heestu hal-gudbinayso. -Asal ahaan sideedaba, marka la gorfaynayo hees waxa quman in laga eego dhawr jiho oo kala dhinac ah; dhismaha erayada, …

Read more 0 Comments
AqriDhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Walaalnimo Qabiilaysan  !!!!

Qosol layska keen keeno Qawl lasyka odhanaayo Qiiro been ah oon joogin Walaalnimo qabiilaysan Iyo qaxar kusii raysi Ruuxna qiimo kuma yeesho Fanku waa sooryo, maankaaga aragtiyaha ku cukan iyo warka ceegaaga markaad faafreeb qalin ku dareeriso aad ugu talo gelysaa in aad ku soorto akhriste jooga meel kaa duwan iyo miley kaa duwan. Bashiir ahaan waxa aan  u qalin qortay ablo-ablaynta iyo weelaynta fanka iyo suugaanta jaadadkeeda  kala rogan, waxaan u weelaystay siyaalo kala duwan halabaynta heesta, falanqaynta iyo faaqidaada iyo fiiro hor leh !!! Hadda inta la xasuuusto tariikhda soomaaliga waxa muuqata in waligeed ay soo taxnayd ama …

Read more 0 Comments
AqriDhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Hadhkaygaa Lagu Gam’aa!!!

Gu’iyo jiilaal midhaha, Guudkayga Yaal, Hoobaan baa laga gurtaa, Hadhkaygaa Lagu Gam’aa. Heesta”Hadhkaygaa Lagu Gam’aa” ee uu hal-curiyay Abwaan Halbeeg waxa ay ka kooban tahay hordhac kooban saddex hormo iyo dhextaal aan kala dhicin oo midba mid ka ashqaraansan yahay. Heestani Shacbiyada badan heshay waxa ay isku dersatay Luuqda Halaasiga ah ee Khadra Cabdi Silimoo oo aan laga xiiso goynayn, midho si farshaxan ah loo soohay, laxan quluubta beerqaadaya iyo muusig ruuxda xaradhaaminaya.  -Fanka heestu waxa uu magan u yahay quruxda iyo qiimaha lagu abyo ‘unko’ oo labaduba ah sooryada suugaan-yahanka oo dhinac ah iyo Fan-dhuuxa. Heestani waa hees tusmayn …

Read more 0 Comments
AqriDhaqanka, Afka Hooyo, Taariikhda Soomaaliya & Dunidda

Foorjo Faneedka Xidigaha Geeska

“Dhaaxaan U Hibeeyay Ruuxaan Noloshayda  Hanan Karin………….” Gorfayn khilaafka Foorjo Faneed ee Mursal Muuse iyo Khadra Silimoo, ablo-ablayn heesaha kala ah “Lahasho” “Hadhkaygaa Lagu Gam’aa” “Sideen Marwo Shisheeye Nafta Ula Mideeyaa” *dhaxaan u hibeeyay ruuxaaan hanan Karin noloshayda* iyo Walaalnimo Qabiilatsan”. -Heesahani waa heeso guud ahaan ka duwan heesihii Aynu hore uga baranay, siyaalo door ah heesihii dhigood ahaa ee hore. Ugu horaynba waa heeso ujeedadoodu abaarta ay ku aroorayaan ka gooni yihiin heesihii awal ina dhego-barjeeyay. -Labada Hobol ee Mursal iyo Khadra Silimo waa laba hobol oo cod macaan, gayiga Soomaalida fankoodu ka dhex iftiimayo, waana tiir dhexaadka fanka …

Read more 0 Comments
Aqri

Koboca Dhaqaale Ee Jabuuti iyo Bisaylnimada Dawladnimo.

  Akhristoow Inta Aadan Dhex Muquuran Moolalka iyo Biyo-dhaca Maqaalka Ee Ay Dhex Ceegaagto Miidda Xog Miidaysan, Waxa Ila Qumanaatay Inaan Kugu Habo, Kuguna Gadh-qabto Ibo-fur taariikheedka Jamuuriyadda Jabuuti. Dalka Jabuuti waxa uu dhacaa Bariga Africa, tirada dadadka(Population Density) ku nool waxa lagu qiyaasaa 890,789 “HDI”Sida uu lagu qoray, Baaxada (Size) bedka uu ku fadhiyo Waa 23,200 Km** . Jabuuti waxa ay ka mid tahay dalalka Africa hadda dhaqaalahoodu sida xawliga ah u koroyo (Fast Economic Growth). Jabuuti waxa ay fahantay bogcada ay dhacdo, oo ah marin isku xidha isku socodka maraakiibta shixmada ganacsi sidda. goobtani ay dhaco waxa ay …

Read more 0 Comments
error: Content is protected !!